Author: Jibril Qoobey

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 5 Guddi oo kala ah:- 1: Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha 2: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka 3: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta 4: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda 5: Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay, aysana ka fileyn in Baarlamaanka Puntland ay dalbadaan in Somaliland lagu daro liiska Argagixisada, waxaana uu xusay in Puntland iyo Somaliland ay yihiin labo dal oo daris ah ayna ka dhaxeyso wada noolaansho, iyo isdhexgal bulsho. https://www.facebook.com/MadaxtooyadaJSL/videos/280606643961040 Idilnews

Read More

Diyaarada oo siday Agab kala duwan, kana baxday magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ku gubutay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Diyaaradda oo u rarneyd Hay’adda WFP ayaa waxaa ay siday matooro ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana ka kacay dab xoogan taas oo sababtay inay diyaaradu gubato. Ma jiro khasaare nolaleed oo ka dhashay dabkan, oo gabi ahaan gubay diyaaradda, balse waxa uu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii garoonka oo gabi ahaanba istaagay. Idilnews

Read More

Ciidammada Booliska gobalka Mudug ayaa howlgallo ay xalay sameeyeen kusoo qabtay khamri fara-badan oo gaaraysa 50 kartoon, taas oo lagu hayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo. Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug oo war kasoo saaray khamridan la qabtay ayaa sheegay inay tahay khamridii ugu badneyd ee soo gashay gacanta laamaha Amniga Puntland, waxaana ay sheegeen inay sii soconayaan howlgalada ka dhanka ah ka ganacsiga maandooriyaha. Taliska Booliska gobalka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga, kuna soo wargeliyaan laamaha Amnigu falalka Ammaan-darro. Ciidammada Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka waday guud ahaan deegaanka howlgallo ka dhan…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka mamnuucday deegaanadeeda Puntland in lasoo geliyo dhamaan noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone ta, (Unmanned aerial vehicle). Waraaq kasoo baxday Wasiir Gallan ayaa sidoo kale lagu amray Hay’adaha Amniga iney muujiyaan feejignaan gaar ah iyo dadaal dheeri ah, si loo adkeeyo amniga xilligaan xasaasiga ah. Idilnews

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogtay dalkaasi, ka dib markii xoogaga TPLF ay la wareegeen magaalooyin ka tirsan Gobolka Amxaarada. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa mar sii horeysay ku booriyay muwaadiniinta inay hubka qaataan oo ay iska difaacaan Jabhadda TPLF.  

Read More

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortayRa’iisul Wasaare Kuxigeenkii Mahdi Guuleed. Guddiga ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la haliyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas. Warka Guddiga xalinta Khilaafka ayaa siddaan u qornaa: Guddoonka Guddiga Hirgalinta Dooashooyinka Hcer Federal (GHDHF) Og: Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland…

Read More

Booliiska Gobalka Nugaal ayaa fagaare ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland khamri fara-badan iyo xashiis lagu qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidammadu. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Nugaal ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo uu sheegay inay ka keenaan deegaanka Soomaalida Itoobiya. https://youtu.be/SyYx2HdbL5g Idilnews

Read More

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo shalay oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya. Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka. Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay…

Read More

Qareeno matalaya hoggaamiyayaasha rayidka ah ee Sudan ee lagu xabisay afgambigii militari ee dalkaas ka dhacay toddobaadkii tegay ayaa sheegay inaan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin “ayna ku jiraan xaalad sharci oo halis ah. Toddobaad kahor, ciidamada ayaa xiray ra’iisul wasaare Cabdalla Hamduuk, wasiiradiisa iyo hoggaamiyayaasha rayidka ee hoggaaminayey xaaladda kala guurka ee Sudan ay ugu gudbeysay nidaam dimoqraadi ah kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir 2019-kii. Wixii markaas ka dambeeyey koox qareeno ah oo ay taageerayaan qoysaska madaxda ayaa sheegay inay matalayaan madaxda. “Waxaan tagnay xarunta dacwad-oogista dambiyada oo aan rumeysneyn in lagu hayo, balse…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiiradda Dowlad deegaanka Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada dalka Itoobiya, iyo dib u soo noqoshada Awooda xoogaga Tigreega oo deegaan cusub kala wareegay Ciidammada DF Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed Ali. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka. Sida la wada ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka Deegaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin ballaadhan iyo dhibaatooyin baaxad leh; dhibaatooyinkasina bulshada Soomaaliyeed si dhab ah ayay uga wada dharagsan yihiin. Gafafkii ballaadhnaa ee soddonkii sano ee la soo dhaafay ay TPLF bulshada Soomaalida u geysatay waxa ay ku reebeen dadka Soomaaliyeed saamayn ballaadhan…

Read More

Degmada Galkacayo ayaa laga daah-furay Tabababarka Systemka PFMIS (Puntland Financial Management InformationSystem) Tababarkan ayaa noqonaaya Qaybtiisii labaad oo loo qabanaayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xafladda daah-furka ayaa lagu qabtay Xarunta Dawladda Hoose waxaana ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Degmada,Xog-hayaha Degmada iyo madax ka socota Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland. Gudoomiye kuxigeenka Degmada Shaafici C/laahi Xaashi oo ka hadlay Daah-furka PFMIS ayaa u mahad celiyay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda iyo Banggiga adduunku oo fulinaaya Barnaamijkan. Shaqaalaha Dowladda hoose ayaa lagu Tababari doonaa Barnaamijka FMIS-Wajigiisa labaad, waxaana lagu baran doonaa Sadexda Cashuurood oo kala ah 1-Cashuurta…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 49aad Golaha Wakiillada Puntland. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 2 Guddi oo kala ah:- Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/1020775505347349 Idilnews

Read More

Dowladda Uganda, ayaa xirtey 48 ruux, oo loogga shakisan yahay qarax bambaano, kaasoo uu ku dhintey hal qof, magaalada caasimadda ee Kambala, taasoo lala xiriiriyey Kooxda Dowladda Islaamiga. Sida laga soo xigtey barta Daily Monitor, dadka laga shakisan yahay, ayaa lagu eedeeyey falkii ay ku kaceen inuu yahay mid argagaxisnimo, iyadoo lagu xirey dadkani hawlgal ay sameysay hey’adda nabad sugidda. Madaxweynaha Yugandha ayaa ku dhawaaqey in weerarka qaraxani yahay mid argagaxisnimo, laakiin booliiska Yugandha ayaan wax weyn kasoo qaadin sheegashada Kooxda Dowladda Islaamiga ee qaraxani. Xiligaa kadib, ayaa dalka Yugandha, waxaa ka dhacey qarax kale oo lala beeg sadey bas,…

Read More

Faransiiska ayaa dib uga laabtay khilaafkii kala dhaxeeyay UK ee ku saabsanaa xuquuqaha kalluumeysiga ee ka dib ka bixitaankii UK midowga Yurub waxayna meesha ka saareen cunaqabateyn la qorsheeyay saqda dhexe iyadoo Britain ay muujisay inay si wax ku ool ah u qaadayso shatiyada kalluumeysiga. Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ka qayb galaya shirka 26-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka Cimilada, ama COP26, oo ka dhacaya Glasgow, Scotland, ayaa u sheegay suxufiyiinta in aan cunaqabatayn la qaadi doonin inta ay socdaan wada xaajoodyada u dhexeeya Faransiiska, UK iyo Guddiga Yurub. Britain ayaa dhankeeda ku boorisay Faransiiska inuu ka laabto hanjabaadaha la…

Read More

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalyahanno shisheeye ay ka qeyb qaateen weerarrada ay xooggaga Tigray maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada. Khudbad uu u jeediyay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa isla markaana laga sii daayay telefishinka, ayaa Abiy oo u muuqday inuu ka hadlayay qabsashada xooggaga Tigray ee magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha waxa uu yareystay guulaha ay gaareen xoogaggaas. “Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy oo aan faahfaahin dheeraad ah iyo caddeyn toona soo…

Read More

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee gobalka Mudug Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan, ayaa dhagax-dhigay 11 Mashruuc oo laga fulinayo Degmada Gaalkacyo, mashaariicdaan oo ka mid ah Mashaariicda horumarinta (JPLG/LDF) Iyo maamul daadajinta (SDM) Dagmada Gaalkacyo sanadka 2021. Liiska mashaariicda horumarinta LDF/JPLG ee Degmada Gaalkacyo 1. Waddo 780m laami ah (M/Yasin Tumey Road) Ex-Xero siinay iyo Ex- Warshada kabida. 2. Waddo laami Ah (Guure Road) 620m. 3. Xarunta Dhimirka Gabdhaha ee Gaalkacyo , Xarun Caafimaaf (2 qol). 4. Balaarin iyo Dayactir Xarunta Dawlada Hoose ee Gaalkacyo. (Xafiiska mayor-ka, Hoolka Shirarka, labo xafiis oo Dheeri Ah iyo qol waardiye. 5. Layrka cadceeda ku shaqeeya…

Read More

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, iyagoo u yimid Puntland ka qeybgalka xarig ka jarka iyo furitaanka xarunta iska caabinta iyo xakamaynta Ayaxa ee Soomaaliya oo dhawaan laga dhisay magaalada Qardho. https://www.youtube.com/watch?v=Eq9pn-WS1R0 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. *Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay DHAMMAAD Idilnews

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Muqdisho, 1 November, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimadda Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao. Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si xoojinaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Garowe kulan kula qaatay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Ciro . kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay habka ay Ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Soomaaliya waxaana ka qayb galay Talyaha Ciidanka Booliska Puntland, kuxigeenkiisa,Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo saraakiisha sugaysa amniga Doorashada heer Fedaraal. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Guddiga Doorashadda ee heer Federaal uga warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Biixi Iimaan Cige oo maanta loo doortay Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxaan hambalyo u dirayaa 1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo 2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay. Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay Wasiirka hormarinta Reer miyiga Somaliland, iyo Guddoomiyayaasha Goballada Sool iyo Gabiley, isagoo sidoo kale xilkii qaaday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Gaadiidka Somaliland. 1. Axmed Aadan Jaamac, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland. 2. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland. 3. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland. Sidoo kale, Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar, ayaa uu Madaxweynaha Somaliland ka qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha. Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland. Idilnews

Read More

Biixi Iimaan Cige, ayaa doortay Xildhibaankii labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacday dugsiga Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Biixi Iimaan, oo horey uga mid ahaa Baarlamaankii 10-aad, ayaa helay 91 cod. Waxaana uu kamid yahay xubnaha goballada Waqooyi. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha. Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi. Dhinaca kalena, kadib markii uu 3 fadhi ka…

Read More

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa loo doortay Xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacday dugsiga Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa helay 97 Cod, halka musharraxada la tartamaysa oo lagu magacaabo Mushtaaq Ibraahim ay heshay 3 Cod, Waxaana xumaaday hal Cod. Doorashadan ayaa waxaa codeynaya 101 ergo, oo laga soo xulay beelaha goballada waqooyi, ee ku sugan magaalada Muqdisho. Idilnews

Read More

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal dheer uu kaga hadlayo xaaladaha colaadeed soo dhigay Bogiisa’ ayaa guud ahaan Shacabka Itoobiya ugu baaqay inay hubka qaataan oo Dagaalka lagula jiro xoogaga Tigray kuso biiraan. Abiy Axmed oo guulo badan ka sheegtay Dagaalka ayaa yiri” waxaan ku guuleysanay inaan burburino Cadawga’ waxaana sii wadaynaa guulaha aan ka gaareyno’ kuwa Raba inay dalkeena burburiyaan” Degaano badan oo kuyaal Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo iyo xoogaga TPLF, iyadoo Tigreega ay u suuragashay qabshashada magaalooyin muhiim ah iyo burburinta cududii Ciidanka DF Itoobiya. https://youtu.be/KiuP3fRWWcA Idilnews

Read More

Golaha Wakiillada dowladda Puntland ayaa shaaciyay Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha, kaas oo ka kooban 13 qodob ayna Axadii meel-mariyeen Xildhibaanada. Ajandaha cusub ayaa waxaa kamid ah 3 qodob, oo si gaar ah isha loogu hayo, kuwaas oo kala ah, Ka doodista heshiiskii Dekedda Boosaaso ee sanadkii 2017 dhexmaray Puntland iyo shirkadda P&O oo qeyb ka ah DP World, La-xisaabtanka Xukuumadda & Dhismaha Maxkamadda Sare iyo dhameystirka Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland. Halkaan hoose Akhriso Ajandaha oo dhameystiran. Idilnews

Read More

Doorashada labadii kursi ee ugu horeysay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee matalaya goballada Waqooyi ayaa maaanta ka bilaabanysa dugsiga tababarada Ciidammada Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ayaa diiwaangeliyay Afar Musharax oo labada kursi ku tartami doona, waxaana musharixiinta labada kursi ugu caansan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka dalka Mahdi Guuleed iyo Biixi Iiman Cige oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga Golaha Shacabka. Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi Axmed Safiina ayaa sheegay in labada kursi ay u codeyn doonaan 101 Ergo oo la soo xulay, kuwaas oo shalay tababar la xiriira…

Read More

Saacadihii la soo dhaafay Howlgal uu Hogaminaayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga sameeyay Magalada Bosaaso iyo qaar badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada si loo adkeeyo amaanka. Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri,iyo Huteelo, waxaana u ahaa mid ka dhan ah Xoojinta amaanka iyo Burcadda dadka shacabka ah ka furata agabkooda. Ciidamada ammaanka ayaa inta ay ku jireen howlgalkaan waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan dad ku howlanaa falal lidi ku ah amaanka. habeenadii lasoo dhaafay waxay ciidamada magaalada Bosaaso ka…

Read More

Ciidamada TPLF ayaa la wareegay maanta magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya, sida uu sheegay afhayeenkooda, Getachew Reda. Getachow ayaa sheegay in Ciidammadoodu ay kusii fidayaan deegaanka, isagoo ugu baaqay Ciidammada Abiy inay isku soo dhiibaan si nabad ah. Magaalada Kombolcha ayaa isku xirta Jabuuti, Eritrea iyo magaalada Adis Ababa, waxaana la wareegitaankeeda uu dhabar-jab ku yahay Xukuumadda Abiy Ahmed. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dawlada Puntland Saciid Cismaan Physics oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Karkaar iyo Kan degmada Qardho, ayaa kormeeray halka ay ka socota dhismaha maxjar wayn kaas oo loogu talagallay baaritaanka iyo Xanaanaynta Xoolaha. Wasiirka oo ay weheliyaa Maxamed Fu’aad Warsame Agaasimaha Waaxda shaqada shaqaalaha, Aadan caabi Samatar Agaasimaha waaxada cafimadka xoolaha, Maamulka degmada Iyo Kan Gobolka ayaa mid mid u maray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaan cusub, waxay tageen qaybta xaraynta xoolaha, qaybta shaybaarka, qaybta Xafiisyada iyo qaybaha kale shaqooyinka lagu qabanayo. https://youtu.be/aQxyKgzxP-4 Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye si uu ugu kuurgalo u diyaar garowga doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato. Idilnews

Read More

Madaxweynaha degaanka Somalida ayaa bartiisa soo dhigay qoraal umuuqda mid dagaal sokeeye oo Somalida degaanka dhaxdooda ku baaqaya, waxuu sheegay in lakala adkaado inay qasab tahay. Madaxwaynaha ayaa sheegay inaan la. Idoobi karin ee kaliya lakala adkaan karo isku cadawna aan la ahayn. Horey waxuu usheegay in Axmaaradoda & Oromadooda loo daayo asagoo qolada kalana yidhi Tigreegiina wata, asagoo jilibyo hoose oo walaalo ah ukala nisbaynana. asagoo Jilib gooniya ugu duur xulaya ayuu kusoo gabagabeeyey “waa idinka xaaran idinka wax kasta oo dhaca, (waxuunu u fahanay ree hebelaw waa idinka xaaran kursigu idinka)” Dagaal sokeeye oo Somalida dhaxdooda ah ayna…

Read More

Hoggaamiyaha TPLF Dr. Debretsion oo ka jawaabaya baaqii Kornayl Abiy & xukuumadiisu shacabka ugu baaqeen inay dagaalka galaan inta aan la xasuuqin een caruurta laga kufsan ayaa sidan yidhi: “1991 Ayay Ahayd markaanu Magaalada Desia Isku xeeray ee uu Mingistu Hialmariam lahaa ka kacaay dhulkiina difaacdaay intuuna cadowgu Haweenka iyo caruuta idinka gawricin ragu dhufayska yayna ka Bixin Xaasaskiinanwaa in Aad ka Hor dhimataan IMW Markuu sidaa lahaa boorsada ayaa u xidhxidhnayd inyar dabadeedna wuu Cararay Markaanu magaalada Desia iyo Magaalooyinka kale ee Dalka soo galay ma jirin hal shaqsi oo aanu ciddi Ku xagnay Taa badalkeed waxaan u horseednay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacabaya gudiga fulinta wareegtadii madaxweynaha. ee ilaalinta dhulka danta guud, kaa oo ka kooban 1 } Wasiirka Arimaha Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye 2)- Wasiirka Cadaaladda: Cabduqaadir Maxamed Nur 3)- Wasiirka Amniga: Cabdulaahi Maxamed Nur 4)- Wasiirka Waxbarashada: Cabdulaahi Carab Idilnews

Read More

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka DFS ayaa ka soo horjeestey qodob kamid ah habraacyadii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Gobollada Woqooyi. Qodobka ay diideen Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ah mid sheegaya in wixii khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan ay xallin doonaan Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland. https://www.facebook.com/watch/?ref=search&v=412628867150970&external_log_id=48ae060c-4b10-4c7a-afd5-0dc22a35c850&q=guddiga%20xalinta%20khilaafaadka Idilnews

Read More

Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudane Cabdulkadir Cilmi Cali, u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyadoo xilka laga qaaday Maxamed Aadan Koofi oo xilkan hayay tan iyo 2016. Koofi ayaa horay usoo noqday Taliyiha Nabasugidda ee gobolka Banaadir, inta aan loo magacaabin Hay’addan, iyadoo la hadal hayaa in loo magacaabi doono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Idilnews

Read More

Ciidammada Ammaanka Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Ciidammada oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish ayaa roondo ka sameynaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo, iyagoo sidoo kale baaraya gaadiidka dadweynaha. Duqa degmadda Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdinuur, oo xalay kormeeray Ciidammada ayaa kula dardaarmay inay u dhimriyaan shacabka, ayna adkeeyaan Amniga magaalda. https://www.facebook.com/Dag.Gaalkacyo/videos/249156167238250 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sidiid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro . Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka. Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT)…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 48 Mudane ayaa looga dooday Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, Dood dheer kadib, Waxaa Goluhu ansixiyey Ajandaha rasmiga ah oo ka kooban 13-qodob, Waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday 46 xubnood, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday. Idilnews

Read More

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi ah, kaas oo lagu wargaliyay xalay, kaddib markii loo diray fariin qoraaleed. Kulanka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah loo ogeyn waxa looga hadlayo, waxaana jira warar sheegaya in lagu magacaabi doono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Idilnews

Read More

Dowladda Ingariiska ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka Ciidammo kamid ah Booliska Soomaaliya oo ay ku bixiso malaayiin dollar, kuwaas oo ku fashilmay ujeedadii loo aasaasay. UK ayaa sheegtay in Ciidanka oo lagu magacaabo ‘Goodir Unit’, loo dhisay ka hortaga Argagixisada, gaar ahaan Soomaalida heysata dhalashada UK ee ku biirta Argagixisada inay soo qabtaan ama soo sheegeen, balse taas ay ku guuldareysteen. https://youtu.be/40VXUL7d838 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si dadban u naqdiyay eedeymo loo jeedinayay Puntland maalmihii lasoo dhaafay oo ahaa inay taageertay Xoogaga Ahlusunna ee dagaalka kula galay Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan dhib iyo ammaan darro la dooneyn deegaan Soomaaliyeed, tii gaadhana ay lamid tahay inay gaartay Puntland. “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga,…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Ciidmada Badda Midowga Yurub ee Ka howlgala badda Soomaaliya oo soo gaaray magaalada kismaayo. Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kala wada hadlay in la dhiso lana howlgaliyo ciidanka booliska xeebaha ee dowlada Jubbaland si looga hortago kalumeysiga sharci darada ah ,hubka sharci darada ah, ka hortaga burcad badeedka, tahriibinta dadka iyo keenista sumaha lagu soo daadiyo xeebaha Soomaaliya. Shirka ayaa ugu dambeyn la isku afgartay in la wada shaqeeyo xogahana la isla waydaarsado si looga hortago falalka ka dhaca badeena Soomaaliya. https://youtu.be/sHeHpPTJbcw Idilnews

Read More

Diyaaradaha dagaalka ee Abiy,ayaa dukhayn ku bilaabay Magaalada Desie oo ay saakay aroortii qabsadeen Xoogaga Tigreega. Mid ka mid ah Dabakhyada Magaalada,ayuu ku dhacay Gantaal ay tuureen Diyaaradaha Abiy. Ciidamada Tigreegu waa ka gudbeen Magaalada,waxayna ka dageen goobo gaar ah oo banaanka Magaalada ah. Tigreegu waxay sii daayeen Maxaabiistii,waxayna uyeereen Odoyaashii Magaalada oo ay ka codsadeen in ay Maamul soo dhistaan,kuma aysan xadgudbin Dadka iyo Maalkoodaba. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku yimi xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Madaxweynaha waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maxmed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan, kusimha ahna Agaasime guud ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac iyo Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir. Booqashada Madaxweynaha ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa qayab ka ah eegista Miisaaniyadda 2022 oo ay diyaariyeen madxda Wasaaraddu wada tashina alag sameeyo. Kulan kaasi markii uu soo idlaaday Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan ayaa ka ahadlay “Madaxweynuhu…

Read More

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa wareegtooyin uu soo saaray goor-dhaweyd ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Jubbaland. Bashiir Maxamed Baahale ayaa loo magacabay Hanti-dhowraha Guud ee Jubbaland, halka Cabdicasiis Maxamed Xasan loo magacaabay Xisaabiyaha guud ee Dowlada Jubbaland, sida ku cad digreetooyinka Madaxweyne Axmed Madoobe. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Guddoomiyaha degmadda Kismaayo ahna duqa caasimadda KMG ah ee Jubbaland Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne. Cumar Faraweyne ayaa horey xilal uga soo qabtay Puntland, isagoo soo noqday Guddoomiyaha gobalka Nugaal iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda Puntland ee Dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Idilnews

Read More

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in TPLF ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Dessie, iyadoo soo xigatay afhayeen u hadlay TPLF iyo goob joogayaal ku sugan magaalada. Waxaa xusid mudan in dagaal ku dhawaad 7aad qaatay oo toos ah uu kasocday duleedka magaalada taasoo ay ciidamada dawlada itoobiya oo kaashanaya maleeshiyaadka axmaaradu ay dadaal ugu jireen sidii aysan magaaladu uga baxdeen gacanta dawlada dhexe. Magaalada Dessie ayaa leh muhiimad balaadhan oo dhanka isku xidhka caasimada Addis Ababa iyo Galbeedka iyo waqooyiga itoobiya, waxaana ay mariin u tahay isu socodka ganacsiga ee Djibouti iyo galbeedka itoobiya.…

Read More

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wadajir u soo saaray Habraaca doorashada Golaha Shacabka ee gobalada Waqooyi, xilli lagu wado inay bilaabato doorashadaas todobaadkan. Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Xaashi iyo Guuleed. Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Iyagoo maanka ku haya muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo doorasho hufan,…

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka hadlay dib-u-dhaca doorashada Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay Puntland bilaabayso doorashada Golaha Shacabka, si loo soo gaba-gabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira. “Sida aad wada ogsoon tihiin waxaa qorsheysan in la dhameystiro doorashada Baarlamaanka DF ah, oo qeybtii ugu horeysay ee Aqalka Sare aad halkan ku doorateen, waxaa guddiyada ku shaqada leh ay ku gudajiraan diyaarinta howlaha loo baahan yahay si doorashada Golaha Shacabku u qabsoomto”. “Waxaa naga go’an inaan si dhaqso ah u bilowno doorashada oo sababo farsamo gadaal ugu dhacday, waxaan ahmiyad siinaynaa in lasoo gaba-gabeeyo firaaqa hoggaamineed ee…

Read More

Cod-bixiyayaasha Japan ayaa u dareeri doona goobaha codbixinta maalinta Axadda iyadoo xisbiga Ra’iisul Wasaaraha Fumio Kishida uu u halgamayo sidii uu u badbaadin lahaa aqlabiyadda aqalka hoose, iyadoo ay ka careysan yihiin sida ay wax uga qabteen cudurka faafa ee coronavirus iyo sidoo kale ka sii darayaan sinnaan la’aanta dhaqaale. Kahor inta aan la kala dirin baarlamaanka si loogu codeeyo Axadda, xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP) wuxuu lahaa 276 kursi oo ka kooban 465 xubnood, halka saaxiibkiisa isbahaysiga Komeito uu haysto 29. Inta badan codadka ayaa mar kale saadaaliyay in LDP ay ku guuleysan doonto aqlabiyadda, inkastoo…

Read More