Author: Jibril Qoobey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in jugto qaraxyo miino xalay saqdii dhexe laga Wadada Makka Al-Mukarama, iyadoona cabsi ay soo food saartay Shacabka degan xaafadaha ku dhow dhow wadada. Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama. Dad saakay tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey, kuwaas oo gebi ahaan burburey. Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku…

Read More

Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya ee kasoo hor-jeeda hab-dhaqanka Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Saamileydan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas, ayaa caawa kasoo muuqday munaasabad lagu qabtay Nairobi. Ilo-wareedyo ayaa inoo sheegay in siyaasiyiin ay kamid yihiin Cumar C/rashiid & Dr. C/weli Gaas, oo ah musharixiin doorashada 2021-ka, ay hor-kacayaan kulamadan, sidoo kalena ay Nairobi kulamo kula lee yihiin Safiiradda Beesha Caalamka. Marka la qiimeeyo xaaladda Somaliya & xilliga ka harsan muddada Doorashada 2021,…

Read More

Wasiir Goodax Barre Afkiisu iyo dhagahiisu isma maqlaan miyaa?!!Waxaa qoray Wasiir Ashkir Nuur Sawirka lifaaqa qoraalkaygan la socda, waxaan galnay 26-kii bishii January 2019, goobtuna waa: Garoowe, sawirkana waxaa igu waheliya wasiirro saaxiibaday ah oo dowlad-goboleedka Jubba Land ka tirsan, iyo Wasiir Goodax Barre iyo -Alle ha u naxariistee- Wasiir Cabdirixmaan Xoosh Jibriil Wasiirkii Dastuurka Dowladda Federalka Soomaaliyeed, munaasabadda na kulmisayna waxay ahayd: Caleemo-saarkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.Waxan weli xasuustayda ka bixin hadalladii uu wasiir Goodax Barre ku lahaa madaxdii Dowladaha xubinta ka ah dowladda Federalka ee aan booqannay, Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Waarre iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayay ahaayeen kuwaan…

Read More

Laamaha ammaanka Puntland oo fagaare ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ku gubey in kabadan 18,000 oo dhalooyin khamri ah, 30-madax oo xashiish ah iyo maandooriyayaal kale, kuwaas oo lagu qabtay degmooyinka Garoowe, Burtinle iyo Dangoranyo ee Gobalka Nugaal. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal Muumin Cabdi shire, oo ka hadlayay madasha maandooriyahan lagu gubayay ayaa sheegay in Maxkamadaha Dowladda Puntland ay go,aamiyeen in Ciidanku toogtaan cidii lagu qabto iyadoo ka ganacsanaysa maandooriyayaasha.

Read More

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, ayaa caawa marti ku ah Madasha 9-aad ee PDRCTalks, oo ka socota Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Madasha 9-aad ee PDRCTalks, ayaa waxaa looga hadlayaa “Ka gaabinta Dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2020-2021”, iyadoona inta ay socoto madashu lagu weydiin doono Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, su’aalo la xariira mowduucan.

Read More

In the first three years of his rule, President Farmaajo has gone from “The Savior of Somalia” to a ruthless tyrant with no regard for the separation of powers and the democratic process, enshrined in the constitution he took the oath to protect. With the help of his narcissistic prime minister, they run the country like a cartel. In their first attempt to consolidate power they assembled a team of inner-circle friends, relatives connected by blood or marriage and partners of their interest group. No wonder this administration includes known terrorists and criminals appointed to some of the most important…

Read More

Doorashada Ururka ay ku midaysan yihiin dowlada Hoose ee Puntland (ALGAPL), oo maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, ayaa Gudoomiyaha Ururka loogu doortay Duqa Caasimadda Puntland ee Garoowe Axmed Siciid Muuse(Axmed Barre ) Sidoo kale,  Gudoomiye ku-xigeen Ururka ayaa loo doortay Duqa Degmada Bandar-beyla Siciid Aadan Cali (Siciid Alteeno). Shirka Gudoomiyeyaasha dowladaha hoose Puntland ayaa waxaa sanadkaan marti-galiyey Duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Abdisalam Bashiir, waxaana Doorashada maanta goobjoog ahaa Masuuliyiin katirsan Golayaasha Dowladda.

Read More

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ee garabka ay taageersan tahay Dowladda Federaalka ayaa ku dhowaaqay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay doorashada madaxweynaha. Doorashada, oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Khamiista, ayaa hadda laga dhigay maalinta Axadda ee labada bisha Febraayo. Guddiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib codsi ka yimid guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda Maxamed Nuur Gacal, iyo qaar ka mid ah musharaxiinta maanta khudbadaha u jeediyey baarlamanka uu hogaamiyo Gacal. Wararka ayaa sheegaya in dib u dhiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Jubbaland ay ku timid, cadaadis ka yimid dhanka Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed ay xalay soo…

Read More

Taliska Ciidanka Asluubta Somaaliyeed ayaa beeniyey in Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) uu ka baxsadey Xabsiga dhexe ee Muqdisho,xilli Baraha bulshada warkaasi lagu baahinayey. Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa shalay shaacisey in Wasiirkii Amniga Jubbaland uu Xabsiga ka baxsadey,hayeeshee aysan sheegin halka sida rasmiga ah uu ugu xirnaa. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdi Qani Khalaf oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in marnaba Xabsiga Dhexe uusan ka baxsan Wasiirkii Amniga Jubaland,isla markaana aan waligeed lagu xirin

Read More

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cusub lala bartilmaameedsaday dhisme ay Al-Shabaab lahaayeen oo ku yaalla gudaha magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey dhismahaasi. Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi.Waa duqayntii labaad ee toddobaadlan gudihiis Maraykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib. Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab. Dawladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan laga nasan doonin ilaa Al-Shabaab laga saaro gobolada ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.

Read More

Laamaha ammaanka Dowladda Puntland ayaa maanta fagaare ku yaalla duleedka bari Magaalada Garoowe, ku gubay maanta Maandooriye iskugu jira khamri iyo xashiis oo gaaraya 18,300 oo dhalo oo khamri ah, 30 madax oo xashiish ah, Afar jeerigaan oo maandooriyaha la macmilo ah , Iyo Laba Haamood oo khamriya. Maandooriyahan Khamriga oo noqonaya Tiradii ugu badnayd abid lagu qabto, waxaana Ciidanka amniga Dowladda Puntland ay kasoo qabteen maandooriyahan Degmooyinka Garoowe, Burtinle iyo Dangoranyo ee Gobalka Nugaal . Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal Muumin Cabdi shire, oo ka hadlayay madasha maandooriyahan lagu gubayay ayaa sheegay in Maxkamadaha Dowladda Puntland ay go,aamiyeen in…

Read More

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goor dhow loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Waljamaca, kadib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa doortay xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna, waxaana la sheegay inay la tartameen laba musharax oo markii dambe u tanaasulay Sheekha. Xildhibaanada ayaa tanaasulka kaddib codeyn gacan taag ah qaaday, kuna doortay Sheekh maxamed Shaakir inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug. Arrintan ayaa imaaneysa ayada oo dhinaca kale Baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda taageersan ay maanta dhageysteen hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha Galmudug, waxaana ay berri dooran doonaan Madaxweyne.

Read More

Madaxwynihii hore Dowladda Puntland, kana mid ah Senatorada Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole),  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay khilaafka Waxbarasho ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Senator C/rixmaan Faroole ayaa baaq u diray Madaxweynaha DFS, isagoona yiri “Madaxweyne Farmaajo waa inuu soo dhex-galaa khilaafka Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo DFS, amarna uu siiyaa Wasiirkiisa Goodax”

Read More

Xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) uu kula qaatay wafdi uu horkacayay madaxa hey’ada bisha Cas Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo gudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyadoo arimaha looga hadlay ayaa ugu muhiim sanaa horumarinta daryeelka bulshada gaar ahaan quudinta dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yar waxaa sidoo kale wax yaabihii kulankani looga hadlay kamid ahaa xoojinta howlaha kor…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 janaayo, 2020 daah furay xaflad furitaanka guddiga diyaarinta, uruurunta iyo dib-uqorista liiska sharciyada dalka (160-2020). Guddigaan ayaa waxaa dikreeto heer Wasiir ah ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XFS, Abuukaate Xassan. Guddiga ayaa waxaa u xilsaaran ururinta iyo keydinta sharciyada dalka oo dhan laga soo bilaabo, waqtigii maxmiyadda 1956 ilaa iyo manta oo ah sanadka 2020. Guddigan ayaa wuxuu muhiimad weyn ugu fadhiyaa gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa iyo dhammaan daneeyayaasha sharciyada Soomaliya.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Janaraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul-Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka…

Read More

Madaxwynihii hore Dowladda Puntland, kana mid ah Senatorada Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole),  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay khilaafka Waxbarasho ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Senator Faroole ayaa eedeyn kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka, isagoona sheegay inuu ku xadgudbay Dastuurka iyo shuruucda Dalka. Sidoo kale, Senator Faroole ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku howlahan tahay furfurka Waxbarashada Puntland, isagoona tusaale u soo qaatay Agaasimihii hore ee waaxda Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Saahid, kaas oo dhowaan is-casilay, kaddib markii ay Dowladda…

Read More

Dhagaysiga khudbadaha qar kamid ah Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Doorashada Galmudug ayaa goor-dhaw ka bilaabanaysa Xarunta Shiirkole ee uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug. Musharixiinta khudbadaha jeedinaya marka laga tago waxaa jiro Musharixinta ugu tunka ama awooda badan ee doorashada Galmudug oo diiday ama qaadacay iney is diiwaan galiyaan, maadama mad madow badan ay ka qabaan Hanaanka Doorasho. Afar ilaa Shan kamid ah Musharixiinta ugu taageerada ama awooda badnaa Doorashada Galmudug ayaan ka qey galeynin Is diiwaan galinta Musharixiinta. Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay kala aragti duwanaashaha Madaxya weynta isku heysa Doorashada Galmududug, iyagoona ku…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojisay dhamaan dulimaadyadii diyaaradaha ee degaanada Gobalka Gedo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda Gobalka Gedo, ayaa saaka loo diiday inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan cadde, kaddib markii amar deg deg ah uu kasoo baxay laamaha ammaanka, intii ay ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha. Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda Federaalka ay u joojisay duulimaadyada diyaaradaha ee degaanada Gobalka Gedo, sababo la xiriira baarista Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo Talaadadii ka baxsaday xabsi ay ku heysatay Dowladdu. Wixii kasoo kordha kala soco…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii Aqalka Cad kusoo bandhigay qorshaha nabadda ee Bariga Dhexe oo isagu u bixiyey Heshiiskii Qarniga. Markii uu qorshahaan soo bandhigayey waxaa Trump weheliyey Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu. Qaar kamid ah wadamada Carbeed,sida Sacuudiga iyo Masar ayaa soo dhaweeyey qorshaha,iyaga oo sheegay in Nabada Bariga Dhexe ay hagaageyso hadii la saldhigo tan Falastiin.

Read More

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda iney sii deysay Wasiir Janaan, maadaama aysan jirin cid qaadaneysa ama yeeleysa inuu iska baxsado Maxbuus Dowladda dhaxe u xiran. Wuxuu sheegay Warka dowladda kasoo baxay ee ah waan baareynaa iney dowladd nimada kamid tahay, mar hadii dambi lagu waayay Wasiir Janan. “Waan baareynaaa, wuu baxsaday waa Jahwareerin iyo in ma waayay waxa loo sheego bulshada, maadaama qofkii aad soo xirtay si sharci aadan u marin soo xabsi galintiisa” ayuu yiri Xildhibaanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigtay 31, Agusta, 2019, Wasiir Janaan oo Saarnaa diyaarad ka timid…

Read More

Al-Shabaab ayaa Sheegtay duqeyn 48 Saac ka hor ka dhacday deegaanka Hoombooy oo qiyaastii 18Km dhanka Bariga uga beegan Jilib in lagu dilay nin beeralay ah xilli uu salaadda Casar ku tukanayay gudaha beertiisa oo ku taal Duleedka Jilib. Warka Kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay ninka la dilay sido kale inuu kasoo jeedo qoys caan ka ah gobalka oo ku caan baxay Beerashada. Al Shabaab ayaa sido kale ku sheegtay Magaca ninka la dilay in lagu magacaabi jiray Siidi Max’med Macallim oo 22 sana jir ahaa. “Diyaarad Drone ah ayaa gantaal laheshay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari katirsan ciidamada Dowladda oo xaafadda Kaawo Godey dhinaca dharkeenley ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo Saaxibo ay ahaayeen Askariga dilka xalay geystay. Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay inuu isku duubay Marxuumka la dilay Askariga oo Saaxibo ay ahayeen, balse askariga oo shakiyay oo aan hubsan cida isku duubtay inuu Xabado la dhacay. “Isaga oo banaanka ka yimid wiilka la dilay ayuu soo galay meel laga buuxo, si kalsooni leh ayuu Saaxibkii oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda isugu duubay, Askariga wax dilay oo aan hubsan ayaa la soo baxay bastoolad, waxana…

Read More

Afarta Musharax oo kala ah C/raxman Odawaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen ku dalbaday in muddo 15 Cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Musharixiinta ayaa Qoraalkooda ku sheegay in saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug si loo dhiso Galmudug mideysan. Ugu dambeyntii, Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ku baaqay in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, iyaga oo baaq u direy…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay baxsashada Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii ay ku heysay ee Muqdisho, iyadoona sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladiisa. Jubaland ayaa dowlada Federaalka ka dalbatay inay si deg deg ah meel ugu sheegaan Wasiirkii Amniga Jubaland oo aan raq iyo ruux la hayn 5bilood oo uu xamar ku xirnaa. Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay inay qaadi doonto Dowladda Federaalka Mas’uuliyadda wixii soo gaara Wasiir Janan.

Read More

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay qaar ka mid ah dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ka tagay dalka Mareykanka, ee ku biiray ururka Al-Shabaab, oo qaarkood hadda kasoo goostay ururka iskuna dhiibay dowladda Soomaaliya. Laba ka mid ah dhallinyaradan oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista, balse codsaday inaan codkooda la baahin, ayaa sheegay inay mareen barnaamijka dhaqan-celinta dowladda Soomaaliya. Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Xigasho: VOA

Read More

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabaeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii qaaday Wasiiru-dowlihii Kallumiyesiga Kheyraadka iyo bada Hirshabeelle, iyadoo mid Cusub la Magacaabay. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa Wasiiru-dowlaha Kallumiyesiga Kheyraadka iyo bada Shabeelle loogu nagacaabay Axmed Cabdi Cali, kaasi oo bedelaya Mas’uulkii ee xilkaas haayay. Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

Read More

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray faah-faahin uga bixiyey dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah xarunta Bankiga ee magaalada Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Bankiga, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dabku uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed War saxaafadeed Habeenimaddii xalay oo taariikhdu 27/12/2010 ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.Valueimpression Placeholder Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku…

Read More

Kooxda Ahlu-sunna ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqday Xildhibaano cusub ay sheegeen in ay yihiin Baarlamaanka labaad ee Galmudug. Xildhibaanadan Ahlu Sunna ku dhawaaqeen wali magacyadooda la shaacin ayaa tiradooda lagu sheegay 69-Xildhibaan kuwaa oo lagu daray 20-kii Xildhibaan ee horey looga siiyay Baarlamaanka saxda ah ee Galmudug. Kulan isla maanta Xildhibaanada Ahlu-sunna ku yeesheen Xerada INJI ee Dhuusomareeb ayaa lagu doortay Gudoomiye Baarlamaanka oo yeelanayaan Xildhibaanada Ahlu Sunna, waxaana gudoomiyahan la doortay lagu magacaabaa Abdiqani Salaaad Ibrahim . Ahlu-sunna ayaa sidoo kale qaban qaabineysa doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa , waxaana garabkan…

Read More

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhamaan Shirkadaha Shidaalka iyo Mac’danta in ay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda. Qoraal kasoo baxay Wasaarka Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdiraxmaan Nuur ayaa lagu sheegay in cid alaala ciddii aan u hoggaansamin amarkaan laga qaadi doono tallaabo waafaqsan Sharciga. Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Koonfur Galbeed.

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta daahfuray diiwaan-gelinta habka Casriga ah ee Ciidamada. Gudoomiyaha Golaha Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxaa daah furkan ku wehlinayey gudiga dib u habeynta Ciidamada iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland. Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee ka howlgala Degmooyinka Gobolka Sanaag ayaa maanta lagu bilaabay habkan, oo sahlaya in si hufnaan-leh ay Ciidamadu ku helaan xuquuqdooda. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka. Qoraal lasoo dhigay barta twitter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada. Qoraalka ayaa lagu yiri “Hanaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay qasab tahay in hanaanka ay ka qeyb-galaan mucaaradka. “Mucaaradka waa qasab inay qeyb ka noqdaan hanaan…

Read More

Laba caruura ayaa u geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Balaasa ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, sida uu sheegay Taliye ku-xigeenka ciidanka dab-damiska magaalada Burco Jimcaalle Maxamed Cabdi. Ciidanka dabdamiska magaalada Burco ayaa badbaadiyey ilmo yar oo guriga gubanayey laga soo saaray, halka guryihii u dhowaa laga badbaadiyey inuu dabku gaadho, maadaama oo goobtu ahayd guryo ka samaysan jiingado iyo Buulal, kuwaas oo si fudud iskugu gudbinayey dabka.

Read More

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Cabdinuur Xasan (Janan), ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay barteeda Twitter-ka ku shaacisay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. Taliye Zakiya ayaa intaas ku dartay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan, inkastoo aysan shaacin halka uu ku xirnaa. Hadaba, Maxaan kala soconaa baxsashada Mr. Janan ? Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay Wasiir Janan oo u xirnaa Dowladda Soomaaliya, illaa 31-keedii bishii Ogosto ee sannadkii tagay “2019”, goobta uu ka baxsaday la keenay 5 maalmood kahor. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay inuu…

Read More

Shirkaan oo muddo hal maalin ah soconayay oo ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa sidoo kale shirkaan kasoo qayb galay dhammaan taliyeyaasha Dalalka ciidamada ay ka joogaan dalkeenna Soomaaliya iyo safiirada dalalka Turkiga, Raashiya, iyo diblumaasiyiin ka socday safaaradaha Ingiriiska, Mareekanka, ee Soomaaliya, halka sidoo kale ay goobjoog ahaayeen madax ka socotay Ururka Midowga Yurub,Qaramada Midoobay iyo Midowga afrika. Shirka ayaa looga hadlay siddii loo bilaabi lahaa bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta ee…

Read More

Mas’uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa sheegay in dad gaaraya 106 qof ay u dhinteen caabuqa corona, halka afar kun oo kalena uu haleelay xanuunka. Dadka cudurka u dhintay ayaa waxaa kamid ah dhakhaatiir ku hawlanaa daweynta iyo kahortagga cudurka, waxaana dowladda ay sheegtay in nus milyan shaqaale caafimaad ah ay ka qeyb qaadanayaan dedaalada ku aadan caabuqa corona. Dowladda Shiinaha ayaa sii xoojisay xayiraad dhanka socdaalka, si looga hortago faafidda cudurka. Magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay caabuqan ayaa haatan go’donsan, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaaladaas. Waxaa sidoo kale sare u kacay dadka ku…

Read More

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabkaayaa Saddex Su’aalood ka keeney Warka kasoo yeeray Booliska Soomaaliya ee ahaa in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rahiid Xasan Cabdi Nuur(janan). Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku heegay in markii hore dowladda soo afduubatey Wasiirka,sidoo kalena aan la ogeyn halka uu ku xirnaa,waxaana uu shaki geliyey in uu nool yahay Cabdi Rahiid Janan.Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii…

Read More

Somaliland ayaa gebi ahaan waxa ay aksoo horjeesatay in deegaanadeeda laga fuliyo mashruuca horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu Shalay Ra’iisul Wasaare kheyre ka daahfuray magaalada Muqdisho. Mashruucaas oo ay ku kaceyso lacag ddhan 1.6Mliyan oo Dollar,waxaana Dhalinyarada ka faa’iideysaneysa lagu daray kuwa ku nool Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama ee Soomaaliland. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland Xasan Gaafaadhi oo Warbaahinta kula hadlay hargeysa ayaa sheega in marnaba aysan macquul noqoneyn in Gudaha Soomaaliland laga fuliyo mashruuc la soo mariyay dawladda Soomaaliya. Soomaaliland oo aaminsa inay ka Go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr mar waxaa ay kasoo horjeesatay mashruuyo kala duwan oo…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Federaalka ay dhexda u soo xiratay burburinta nolashooda Waxbarasho ee Ardayda Reer Puntland. Wasiir Dhabancad oo ka hadlayay magaalada Boosaaso oo uu ka daah-furay kulanka Guud ee sanadlaha ururka Dowladaha Hoose Ee Puntland (ALGAPL), ayaa sheegay in cadaawad ka weyn aysan jirin in lala dagaalamo mustaqbalka carruurta Puntland, iyadoo la siyaasadeynayo Waxbarashada, si khaldana awooda Dowladda ay u adeegsanayaan shaqsiyaad gaar ah. Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ugu baaqay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland inay xoojiyaan shaqada ay u hayaan Bulshada, iyagoo…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta shaaca ka qaado qorshihiisa uu ku xalinayo dagaalka Israel iyo Falastiin. Munaasabad maanta ka dhici doonta Aqalka Cad ayaa astaan u ah xaaladda xiriirka saddexda dhinac, ayada oo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu kasoo dhinac muuqan doono Trump, halka hogaamiyayaasha Falastiin ay sheegeen inaan la casuumin. Ka hor inta aan qorshahan la shaacin, Trump waxa uu la kulmay Netanyahu, waxaana uu ku gacan seeray walaacyada Falastiiniyiinta oo diiday qorshahan oo ay ku qeexeen siyaasad taageersan Israel. “Waxaan u malayanayaa in ugu dambeyn ay qaadan doono. Aad ayuu ugu wanaagsan yahay.…

Read More

Boqorkii hore ee Belgium, Albert II, ayaa qirtay inuu dhalay gabar ay hooyo u tahay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen, ka dib markii lagu qasbay inuu maro baaritaanka hido-sidaha ee DNA. Muddo ka badan 10 sano ayuu loolan dhanka sharciga ah kula jiray Delphine Boël, oo 51 sano jir ah, taas oo farshaxanka sameysa. Waxay sheegtay in boqorka uu dhalay. Wuxuu lumiyay xasaanadiisa, ka dib markii uu 2013 iska wareejiyay xilka boqornimada sababo caafimaad awgood. Qareenka Boël ayaa sheegay in qirashada boqorka hore ay tahay mid “culeys ka dejisay”. War qoraal ah oo ay qareennada boqorkii hore shaaciyeen Isniintii ayaa lagu…

Read More

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ka daahfurtay Shirka sanadlaha ah ee Ururka Dawlada Hoose ee Puntland (ALGABAL), Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mohamed Dhabancad iyo Agaasimaha Guud Juba Ali Nuur ayaa ka qaybagalay shirkaan. Maamulada Degmooyinka Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari Abdisamad Abwaan iyo masuuliyiin kale ayaa dhankooda iyaguna goob joog ka ahaa. Inta uu shirkaan socdo waxaa looga hadli doonaa baahiyaha ka jirra degmooyinka Puntland, Guulaha la gaaray sanadkii lasoo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha sanadka soo socda.

Read More

Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Cabdullaahi bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska Casilay, isagoona Warqadiisa Is-Casilaada u gudbiyay Amiirka Qatar. Wakaalada Wararka dalkaas ayaa shaacisay inuu xilka iska Casilay Ra’iisul Wasaare Sheikh Cabdullaahi bin Nasser, isagoona xilkaas hayay muddo todobo sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2013. Amiirka dalka Qatar Shiekh Tamiim Bin hamad Al Thani ayaa ka aqbalay is casilaada Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna durbo soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub. Sheikh Khalid bin Khalifa bin Cabdicasiis AlThani ayaa loo Magacaabay inuu nodo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Qatar, kaasi oo xiligaan ka shaqeynayay Madaxtooyadda…

Read More

Wararka hada ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Xabsi uu ku xirnaa uu ka baxsaday wasiirkii Wasaaradda Amniga jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan,kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Amed ayaa xaqiijisey baxsashada Taliyaha,iyada oo sheegtay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan. “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan ayay tiri’Taliye Zakiya.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cbiraxmaan Ducaale Beyle oo shirka jaraa’id ee billaha ku qabtay Muqdisho ayaa diiradda ku saaray horumarka Soomaaliya ka sameysay wadahadalka deyn cafinta. Sidoo kale waxaa uu Wasiir Beyle ka hadlay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacagta aduunka IMF ee ay ku sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Read More

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u ogolaatay inuu dhaqan gelin karo qorshe uu ku doonayo in dadka qaata kaalmada dowladda loo diidi karo sharciga deganaanshaha ee dalkan Mareykanka, inta uu ka soo baxayo xeer kama danbeys ah. Go’aanka ay maxkamaddu gaartay ayay dowladdu u cuskan kartaa in sharciga loogu diido dadka hela, kaalmooyinka ay ka midka yihiin, caymiska caafimaad, lacagaha cunnada lagu iibsado ee ay dowladdu ku kabto qoysaska dan yarta ah iyo kaalmada guryaha. Xeerka oo weli ay maxkamaddiisu taagan tahay ayaa waxaa dubra ka so hor jeestay kooxaha u dooda xuquuqda dadka dhawaangalka ah.

Read More

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ee Degaanada Jubbaland. Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi. Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Dowladda ay sharci ku dhamqaan,isla markaana aysan waqti u dhimin wax aan waxba kasoo baxeyn. Sheekh Shariif oo magaalada London kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, ayaa soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xilligaan aysan muuqan qorsho dhab ah oo dowladda ay ugu diyaar garowdey doorashada soo socota. “Runtii anaga nooma muuqato in dalkaan doorasho ay ka dhaceyso,waayo waxaa la rabaa in dad meel aan la ogeyn laga keenay ay codeeyaan taasina suurtagal mahan…

Read More

Waxaa sanadkii saddexaad u buuxsami rabaa Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoona 375 maalmood ay uga hartay xukunka Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu talada hayay, waxaa Dadka falanqeeya Siyaasaddu ay aaminsan yihiin inuu ku fashilmay saddexdii qodob ee ugu waa weynaa wixii loo doortay, sida, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dalka, Saameynta Ciidamo Qaran oo awood u leh inay la wareegaan ammaanka Dalka, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah. Hadaba, halkaan hoose ka akhriso 8 Qodob oo kamid ah arrimihii looga fadhiyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo ay ku fashlmatay; Dhameystirka Dastuurka qabyada ahAmniga way ku…

Read More

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland Mudane. Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa xariga ka jaray Shan biyo-xireen oo laga hirgaliyay deegaano ka tirsan Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Biyo-xireenada ayaa qeyb ka ah Mashruuca Xoojinta Bulshada ee u diyaar-garowga & u adkaysiga abaaraha. Xariga ka jarka Wasiir Gamadiid, ee Mashuuracan 5 Biyo xireen oo ay sidoo kale dhinac socdeen dayactirka 25 Barkadood iyo aag dhul-beereed ah, ayaa waxaa ku wehelinayeen Gudoomiyaha Guddiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Puntland Xil. Fu’aad Abshir Axmed iyo kuxigeenkiisa Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur.

Read More

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka (IMF) ayay ku sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhigan ka gudbida wajiga afaraad ee Barnaamijka. Soomaaliya oo ka gudubtey qeyb kamid ah Hanaanka deyn cafintaWaxaa ay madaxda Soomaaliya ku amaantay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka. Halkaan Riix si aad u akhrisato Warbixinta Hay’adda IMF. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta caawa ay soo saartay IMF yiri “Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa…

Read More