Galkacyo, 28 Abriil 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maalmahan waday dadaallo isdaba joog ah oo la xiriira nabadaynta beelaha Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shikhaal), kuwaas oo horey ula kulantay si gooni-gooni ah 23 iyo 27 Abriil 2026. Iyadoo kulamada uu goob-joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Abdiweli Jibriil Bayle.
Kulamada la-tashiga ah ee ay beeluhu isku arkeen ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda soo jiitamaysay tan iyo 2023, taas oo marar badan soo noqnoqotay isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh. Wasaaradda iyo maamulka gobolka ayaa si wadajir ah ula shaqeeyay labada dhinac si loo abuuro jawi ku saleysan wadahadal iyo is-afgarad lagu gaari karo nabad waarta.
Intii ay socdeen kulamadaas, waxgaradka, cuqaasha iyo culumaa’udiinka labada beelood ayaa muujiyay diyaar-garow dhab ah oo ku aaddan nabadaynta, iyagoo aqbalay doorka dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in laga fogaado wax kasta oo hurin kara colaadda. Labada dhinac ayaa sidoo kale ballan qaaday inay door firfircoon ka qaadan doonaan dib-u-heshiisiinta, isla markaana la xakameeyo hadallada xanafta leh ee caqabadda ku noqon kara geeddi-socodka nabadda.
Maanta, 28 Abriil 2026, waxaa si rasmi ah loo gaaray heshiis hordhac ah oo ay wada saxiixeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beelood, kaas oo dhigaya in la qaato nabad aan shuruud ku xirnayn, isla markaana la hirgeliyo xabbad-joojin socon doonta muddo saddex bilood ah. Heshiiskan ayaa gogol-xaar u ah furitaanka wada-xaajoodyo rasmi ah oo lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Mudug ay sii wadi doonaan doorkooda hoggaamineed ee ku aaddan xaqiijinta nabad waarta iyo xasilloonida gobolka Mudug.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG
