Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»BEELAHA CABDALLE SURRE (DIR) IYO LOOBOGE (SHIKHAAL) OO MAANTA GAARAY HESHIIS HORDHAC AH
    Puntland

    BEELAHA CABDALLE SURRE (DIR) IYO LOOBOGE (SHIKHAAL) OO MAANTA GAARAY HESHIIS HORDHAC AH

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 28, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Galkacyo, 28 Abriil 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maalmahan waday dadaallo isdaba joog ah oo la xiriira nabadaynta beelaha Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shikhaal), kuwaas oo horey ula kulantay si gooni-gooni ah 23 iyo 27 Abriil 2026. Iyadoo kulamada uu goob-joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Abdiweli Jibriil Bayle.
    ‎
    ‎Kulamada la-tashiga ah ee ay beeluhu isku arkeen ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda soo jiitamaysay tan iyo 2023, taas oo marar badan soo noqnoqotay isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh. Wasaaradda iyo maamulka gobolka ayaa si wadajir ah ula shaqeeyay labada dhinac si loo abuuro jawi ku saleysan wadahadal iyo is-afgarad lagu gaari karo nabad waarta.
    ‎
    ‎Intii ay socdeen kulamadaas, waxgaradka, cuqaasha iyo culumaa’udiinka labada beelood ayaa muujiyay diyaar-garow dhab ah oo ku aaddan nabadaynta, iyagoo aqbalay doorka dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in laga fogaado wax kasta oo hurin kara colaadda. Labada dhinac ayaa sidoo kale ballan qaaday inay door firfircoon ka qaadan doonaan dib-u-heshiisiinta, isla markaana la xakameeyo hadallada xanafta leh ee caqabadda ku noqon kara geeddi-socodka nabadda.
    ‎
    ‎Maanta, 28 Abriil 2026, waxaa si rasmi ah loo gaaray heshiis hordhac ah oo ay wada saxiixeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beelood, kaas oo dhigaya in la qaato nabad aan shuruud ku xirnayn, isla markaana la hirgeliyo xabbad-joojin socon doonta muddo saddex bilood ah. Heshiiskan ayaa gogol-xaar u ah furitaanka wada-xaajoodyo rasmi ah oo lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Mudug ay sii wadi doonaan doorkooda hoggaamineed ee ku aaddan xaqiijinta nabad waarta iyo xasilloonida gobolka Mudug.
    ‎
    ‎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
    ‎
    ‎AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    October 19, 2026

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    October 18, 2026

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    October 17, 2026
    Latest Posts

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.