Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»PL oo go’aan ka gaartay Deegaamada Soohdimahooda lagu muransan yahay
    Somalia

    PL oo go’aan ka gaartay Deegaamada Soohdimahooda lagu muransan yahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023Updated:January 27, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WARGELIN GO’AAN.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta ay quseyso go’aan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ka gaaray deegaanada lagu muransanaa soohdimahooda deegaan-doorasho ee Cawsane, Habarshire iyo Gooraan.

    Kadib wadatashi iyo faalayn ay Magaalada Bosaaso ku yeesheen qaar kamid ah Golayaasha Dowladda,

    Waxaa la go’aamiyey

    1. In go’aanka laga gaaray Magaalooyinkaan uu ku saabsan yahay oo kaliya diiwaangelinta iyo codeynta Golayaasha Deegaanka, aysanna wax saameyn ah ku lahayn soohdimeynta Gobolada Haylaan iyo Sanaag iyo Degmooyinka hoos yimaada toona.
    2. Waxaa diiwaangelinta iyo codeynta dadka degan Magaalada Cawsane la raaciyey Degmada Badhan.
    3. Waxaa diiwaangelinta iyo codeynta dadka degan Magaalada Habarshire la raaciyey Degmada Badhan
    4. Waxaa diiwaangelinta iyo codeynta dadka degan Magaalada Gooraan la raaciyey Degmada Xingalool.

    Iyadoo la raacayo qawaaniinta Puntland, Dowladda ayaa kadib doorashada Degmooyinka, waxay dib u eegis ku sameyn doonta soohdimaha Degmooyinka cusub ee Puntland si loo dhammeystiro kala xadeynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland.

    Fulin wacan.

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    June 9, 2026

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    June 9, 2026

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    June 9, 2026
    Latest Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    Wararkii ugu danbeeyay dadaalka dhexdhexaadineed Ee Turkiga

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.