Go’aankan,ayaa Imaaraadka banaanka ka dhigaya heshiiska cayimida wax-soo-saarka ee Ururka (Cartel).wuxuuna umadax banaan doonaa,wixii ka danbeeya 1-da May cadadka Saliideed ee uu saarayo,qiimaha uu ku iibinayo iyo guud ahaan qorshayaashiisa Saliideed.
Imaaraadku,waa Wadanka Sadexaad ee wax soo saarka Saliida ee Wadamada ku jira OPEC.
Go’aankan,wuxuu sababi karaa in Imaaraadku dakhli fiican ka helo iibka Saliidiisa iyo in uu qayb ka qaato jabinta Sicirka Saliida ee cirka isku shareeray kadib dagaaalka Iran.
Maxaa sababay carada Imaaraadka?
Imaaraadku,wuxuu ka caraysan yahay in Wadamada xubnaha ka ah OPEC ay ka gaabsadeen weeraradii Wadaadada Iran ay Dalkiisa kusoo qaadeen.
Sidoo kale xirnaanshaha Marinka Hormus oo sababay hoos udhac ku yimaada wax soo saarka Saliida ee Imaaraadka oo gaaraya 44%.
Sidaanoo kale Sanadihii 1985-1986, Sacuudi Carabiya,waxay ka baxday OPEC,iyadoo markaas kadibna suuqa kusoo harqisay Saliid fara badan oo sababtay in qiimaha Saliida uu gaaro $30-$10 Fuustadii.
Talaabadii Sacuudiga ee xilligaas,waxay sababtay in uu burburo dhaqaalihii Midowga Soofiyeed ee Saliidda ku tiirsanaa,waxay kaloo qayb qaadatay burburkii maaliyadeed ee qaybta ka noqday qodobbadii soo dedejiyey burburkii Midowgii Soofiyeedka.
Talaabada Imaaraadku,waxaa la filayaa in ay la mid noqoto tii Sacuudiga oo ay door ka qaadato burburka nidaamka Wadaadada ee Iran ee Saliida ku tiirsan,kaasoo xilligan wajahaya dagaal toos ah iyo xayiraad Marinka Hurmus oo kaga imaanaya Maraykanka.
In badan,ayaa Mw Trump ku dhaleeceeyay OPEC xadidida wax soo saarka Saliida,waxaana la filayaa in uu soo dhaweeyo talaabada Imaaraadka.
