Fariin cad,ayuu Maraykanku udiray Madaxweyne Xasan Shiikh.
“Kaligaa ma go’aamin kartid nooca doorasho ee Somalidu qaadanayso,sida uu noqonayo fair ahaan lahjada uu isticmaalay ku simaha Safiirka Maraykanka ee Somaliya “

Halkaas,waxaa ku xirmay hanaanka doorasho ee Xasan diyaarsaday iyo qorshaha uu isku dubaritay .
Sidoo kale doorasho beenaadka uu sheegtay in uu ka qabtay Xamar iyo Baydhabo,ayaa lagu diiday oo waxaa laga soo qaaday,waxaan waxba ka jirin.

Sadex Waji gabax,ayuu Xasan la kulmay Sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay….
- Wuxuu isku dayay Shirkii 10-ka Bisha in uu fashiliyo oo ergo usoo dirsado oo maqaam hoose oo aan mira dhal noqon karin ka dhigo,waase laga diiday.
- Baydhabo,ayuu ku qabtay,wuxuu ku sheegay doorasho Qof iyo Cod ah,waana la yasay oo la inkiray mana jirin hal Safaarad oo soo dhawaysay.
- Siyaasiyiintii Muqdisho oo uu xooga ku hor istaagay,waxay ukeentay dhabarjab oo safaaradihii,waa wada canbaareyeen,si gaar ah Safaarada Maraykanka,ayaa tiri…

Sida muuqata Shirka Xalane ka qabsoomaya 13-ka Bidhan,ayaa Dalka lagu jihayn doonaa.
