Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo sheegay in ciidankiisu diyaar u yihiin ka jawaabida dagaalka Itoobiya
    Somalia

    Mareykanka oo sheegay in ciidankiisu diyaar u yihiin ka jawaabida dagaalka Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jeneraalka sare ee Mareykanka William Zana ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in howlgal Milatari in ay uga jawaabaan xaaladda kacsan ee ka taagan dalka Itoobiya ka dib markii ay xoogeysteen dagaallada Tigreeda iyo ciidanka Itoobiya.

    Waxaa uu sheegay in ay sugayaan jawaab uga timaada taliska Mareykanka ee Washington si ay u qaadan howlgalka.

    Ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa saldhig weyn oo lagu magacaabo Camp Lemonnier ku leeyihiin dalka Jabuuti.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagi doona wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika todobaadka soo socda, isagoo booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

    Waxaa uu u sheegay suxufiyiinta Washington DC in colaada Itoobiya ay keeni karto in ay saameyn ku yeelato dalalka bariga Afrika, taasina ay masiibo ku noqon doonto shacabka Itoobiya”.

    Waxaa uu sheegay in wadada kaliyah oo banaan in ay tahay waa xabbad-joojin iyo wada-xaajoodyo – isagoo intaas ku daray in Maraykanku uu taageerayo dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.