Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ganafka ku dhufatay in ah ku lug leedahay colaada Sudan
    Puntland

    Puntland oo ganafka ku dhufatay in ah ku lug leedahay colaada Sudan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 6, 2025Updated:November 6, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: November 06, 2025: Dawladda Federaalka ah oo ay muddo xileedkeedii ka hareen bilo kooban, kuna fashilantay dhammaan shaqooyinkii loo igmaday waxay ku mashquushay oo shaqo maalmeed ka dhigatay “Dacaayad, been abuur iyo xasarad kicin”.

    Dawladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda Dalka Sudan iyo in garoonka (Airport) Boosaso looga duulo Dalka Sudan, waxayna Puntland si adag ugu cambaaraynaysaa Dawladda Federaalka ah oo dacaayad ceebayn ah iyo eedayn aan sal lahayn Puntland ku wadda.

    Tani waa dacaayad riqiis ah oo lagu magac xumaynayo, laguna xagaldaacinayo guulaha taariikhiga ah ee ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Argaggixisada Caalamiga ah ee buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Eedayntaan iyo been abuurkaan waxay garab iyo gaashaan u tahay argagixisada ISIS iyo AS oo ay Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ahi kula jiraan dagaal adag muddo sanad ah.

    Sudan waa Dal aan walaalo nahay, waana ka xunnahay dagaalka sokeeye ee dhexdooda ka socda, waxaana u rajaynaynaa Nabad iyo xasilooni degdeg ah.

    Dhinaca kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay qiratay in ay si qarsoodi ah maleeshiyaad uga qoronayso gudaha Puntland.

    Haddaba, Dawladda Puntland waxay caddaynaysaa in aysan jirn wax ciidan ah oo sharci ah oo ka baxsan ciidamada Dawladda Puntland ee dastuuriga ah oo ay Puntland aqoonsan tahay inay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka ah. Sidaa awgeed wixii dhib ah oo ka yimaadana maleeshiyada ay xukuumadda xamar qiratay in ay ka qoronaysa Puntland masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa.

    Ugu dambayn Dawladda Puntland waxay si weyn ugu mahad naqaysaa saaxiibadeeda Caalamiga ah ee ka caawiya dagaalka ay Puntland ka waddo buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari ee ay ka mid yihiin USA, UAE, UK, Ethiopia iyo Kenya iyo Shacabka Reer Puntland gudo iyo dibadba oo markasta garab taagan dawladooda, la aantoodna aysan suuto-gal ahaateen in cadawga argagixisada ah laga guulaysto.

                ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

    XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

    Website: moifad.pl.so

    Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

    Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

    Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.

    Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.