Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo kala soo laabatay DFS Visa-ha iyo Deganaansha bixintooda
    Puntland

    Puntland oo kala soo laabatay DFS Visa-ha iyo Deganaansha bixintooda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 06 November 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan laga soo saaray go’aamo.

    Qodobadda kasoo baxay Golaha: –

    • Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland.
    • Goluhu wuxuu isku raacay in 1-da January 2026, la hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland ee (PID).
    • Golaha waxaa la hor keenay warbixin ku saabsan xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobolada Puntland.
    • Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhowaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Golaha waxaa loo qaybiyey Wax-ka- bedelka Xeerka Maamulka Goboladda, Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, Kaasi oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si uu Goluhu usoo akhriyo oo looga doodo Ansixintiisa Shirarka xiga ee Golaha.

    Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixin iyo talo-soojeedin ku saabsan xal-u-helida, dhibaatada Bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Puntland.

    -DHAMMAAD –

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.