Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo kala soo laabatay DFS Visa-ha iyo Deganaansha bixintooda
    Puntland

    Puntland oo kala soo laabatay DFS Visa-ha iyo Deganaansha bixintooda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 06 November 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan laga soo saaray go’aamo.

    Qodobadda kasoo baxay Golaha: –

    • Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland.
    • Goluhu wuxuu isku raacay in 1-da January 2026, la hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland ee (PID).
    • Golaha waxaa la hor keenay warbixin ku saabsan xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobolada Puntland.
    • Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhowaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Golaha waxaa loo qaybiyey Wax-ka- bedelka Xeerka Maamulka Goboladda, Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, Kaasi oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si uu Goluhu usoo akhriyo oo looga doodo Ansixintiisa Shirarka xiga ee Golaha.

    Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixin iyo talo-soojeedin ku saabsan xal-u-helida, dhibaatada Bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Puntland.

    -DHAMMAAD –

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    October 21, 2026

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor

    October 21, 2026

    Duqa Garoowe oo ka qeybgalay Shirka Maayarada Adduunka ee Vienna

    October 21, 2026
    Latest Posts

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor

    Duqa Garoowe oo ka qeybgalay Shirka Maayarada Adduunka ee Vienna

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

    GAALKACYO: Liibaan Tahliil oo loo aqoonsaday aabbaha rasmiga ah ee Wiilkii la isku haystay

    WARBIXIN: Muxuu yahay xiriirka uu shaaciyay Natenyahu ee ‘Puntland & Israel’ ?

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.