Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo soo dhaweysay doorashooyinka ka socda Puntland (Akhriso)
    Somalia

    QM oo soo dhaweysay doorashooyinka ka socda Puntland (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 25, 2021Updated:October 25, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysay Doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo ka tirsan Puntland.

    Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

    “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay.

    Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), dowladda iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.