Burcada halmar Badda ku dhaqaaqday,waxaa maalgelinaya Aaran-jaan oo Wakiil ka ah Turkiga iyo Xasan Shiikh,waxaana looga dan leeyahay…..
- In Turkiga lasoo geliyo Xeebaha PL,isagoo fursad ka dhiganaya la dagaallanka Burcad Badeeda,maadaama DF la saxiixatay,waxay ku sheegeen ilaalinta amniga Badaha Somaliya.
- In lagu sumcad xumeeyo PL oo guulaha amaan ee ay gaartay lagu qariyo.
- In Aaran- jaan oo fakhriyay ay ka helaan Lacag.
Dowlada PL qorshahaas,waa la socotaa,waana laga hawlgalay….
- Garacad hawlgalkii ka dhacay,waxaa Burcadii laga dhaawacay Sadex,waxaana laga qabtay Afar,halka Ciidanka Askari ka shahiiday mid kalana ka dhaawacmay.
Dadka Deegaanka Garacad,waxay saxiixeen Burcadaas hadii la dilo in aysan diyo lahayn,waxay dilaana iyaga loo ciqaabayo.
- Durduris,waxaa kusii qulqulaya Ciidamada,waana la go’doomiyay Burcadii oo dhulkiina Ciidankaa ka jaray Sahaydii uga imaanaysay,dhanka Badana,waxaa geesaha ka taagan Laba Markab oo dagaal,isla markaana Hawada sare,waxaa dul heehaabaya diyaarado.
Puntland,waa la diriraysaa cid walba oo amniga khatar ku ah haday noqon lahayd argagixiso,Bucad Badeed iyo danayste.
