Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐞𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
    Somalia

    𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐞𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 27, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Dalka Israa’iil,ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland.

    Kulanka,ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal.

    Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay Dawladda Israa’iil u fidisay Somaliland waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland u furayaa bog cusub oo taariikhi ah oo ku aaddan iskaashi caalami ah, amni, dhaqaale, tiknoolajiyadeed iyo diblomaasiyadeed, isaga oo xoojinaya doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

    Raysal Wasaaraha Dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono dalka Israel si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dal.

    𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
    𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)

    𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.