Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐞𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
    Somalia

    𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐞𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 27, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Dalka Israa’iil,ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland.

    Kulanka,ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal.

    Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay Dawladda Israa’iil u fidisay Somaliland waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland u furayaa bog cusub oo taariikhi ah oo ku aaddan iskaashi caalami ah, amni, dhaqaale, tiknoolajiyadeed iyo diblomaasiyadeed, isaga oo xoojinaya doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

    Raysal Wasaaraha Dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono dalka Israel si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dal.

    𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
    𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)

    𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    October 20, 2026

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    October 20, 2026

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

    October 20, 2026
    Latest Posts

    GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

    Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

    CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

    GAALKACYO: Liibaan Tahliil oo loo aqoonsaday aabbaha rasmiga ah ee Wiilkii la isku haystay

    WARBIXIN: Muxuu yahay xiriirka uu shaaciyay Natenyahu ee ‘Puntland & Israel’ ?

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.