Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland
    Puntland

    4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa gabagabeynaysa maalmaha soo socda tababar Feero-celin ah oo loo sameeyay Kumanaan kamid ah ciidamada Difaaca Puntland, gaar ahaan Daraawiishta.

    Dugsiga tababarka Gen. Giriin ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa kamid ah dugsiyada ay kasoo bixi doonaan ciidamadu, waxaana Feero-celin ku maray dugsigan ilaa 2000 kun oo askari, kuwaas oo badidood kasoo dagaallamay buuraleyda Calmiskaad.

    Sidoo kale, Dugsiyada kale ee ciidamada Puntland oo uu kamid yahay dusgsiga Xorgoble ayaa ay kasoo bixi doonaan ilaa 2000 kun oo kale oo askari, kuwaas oo loo sameeyay Feero-celin.

    Idilnews ayaa ogaatay in ciidamadan laga xuli doono ilaa 1500 oo askari, kuwaas oo geli doonaan tababaro khaas ah, loona diyaarin doono Kumaandoos ahaan, iyadoo ciidamada ay tababari doonaan saraakiil Ajaanib ah, oo u badan xubno sare oo ka socda Milateriga Itoobiya.

    Sidoo kale, Puntland ayaa lasoo degtay bilihii u dambeeyay gaadiid dagaal oo fara-badan iyo hub kala duwan, si loogu qalabeeyo ciidamada dib u maray tababarka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.