Sida ay ogaatay Idilnews – Jimcaale Jaamac Takar oo ah hoggaamiyaha maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan duleedka Garoowe ayaa maalinimadii shalay laga soo dajiyay magaalada Laascaanood.
Jimcaale maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, uuna Xassan Shiikh sheegay in uu u magacaabay Taliyaha Qeybta 54aad – ayaa la xaqiijiyay in lasoo siiyay amar ah in uu dagaal ka rido caasimadda Puntland ee Garoowe, si loo abuuro barakac iyo burbur soo Gaara magaalada.
Dowladda Puntland ayaa mamnuucday in Jimcaale soo galo Garoowe iyo nawaaxigeeda, Hay’addaha Amniga Puntland ayaa ku jira feejignaan sare oo lagu baadi goobayo.
Sidoo kale, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo oo aadi lahaa Laascaanood, ayaa ku dhiiran la’ in ay kasoo baxaan xeradooda, iyadoo amaro kasoo baxay Guddiga Amniga Puntland lagu go’aamiyay in aysan jiri karin maleeshiyaad iyo gaadiid Tikniko ah oo aan ahayn kuwa dowladda oo isku gudbi kara deegaanada Puntland ama dhex mari kara magaalada.
Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa shalay kala shiray haldoorka Beesha Ciise Maxamuud go’aan dowladda ee ku wajahan Jimcaale iyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyo, waxaana uu u sheegay in uu ka talaabo qaadi doono hadduu soo galo gudaha Puntland, balse uusan weerari doonin xerada Ligle. Haldoorka Beesha ayaa ka dalbaday Madaxweynaha in uu siiyo muddo asbuuc, iyagoo dhexdooda ka qabtay Guddi 13 xubnood ah, kuwaas oo go’aanka Beesha lasoo wadaagi doona.
IDILNEWS
