Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa ka jira in Jimcaale ka degay Laascaanood?
    Puntland

    Maxaa ka jira in Jimcaale ka degay Laascaanood?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2026Updated:June 29, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ay ogaatay Idilnews – Jimcaale Jaamac Takar oo ah hoggaamiyaha maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan duleedka Garoowe ayaa maalinimadii shalay laga soo dajiyay magaalada Laascaanood.

    Jimcaale maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, uuna Xassan Shiikh sheegay in uu u magacaabay Taliyaha Qeybta 54aad – ayaa la xaqiijiyay in lasoo siiyay amar ah in uu dagaal ka rido caasimadda Puntland ee Garoowe, si loo abuuro barakac iyo burbur soo Gaara magaalada.

    Dowladda Puntland ayaa mamnuucday in Jimcaale soo galo Garoowe iyo nawaaxigeeda, Hay’addaha Amniga Puntland ayaa ku jira feejignaan sare oo lagu baadi goobayo.

    Sidoo kale, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo oo aadi lahaa Laascaanood, ayaa ku dhiiran la’ in ay kasoo baxaan xeradooda, iyadoo amaro kasoo baxay Guddiga Amniga Puntland lagu go’aamiyay in aysan jiri karin maleeshiyaad iyo gaadiid Tikniko ah oo aan ahayn kuwa dowladda oo isku gudbi kara deegaanada Puntland ama dhex mari kara magaalada.

    Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa shalay kala shiray haldoorka Beesha Ciise Maxamuud go’aan dowladda ee ku wajahan Jimcaale iyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyo, waxaana uu u sheegay in uu ka talaabo qaadi doono hadduu soo galo gudaha Puntland, balse uusan weerari doonin xerada Ligle. Haldoorka Beesha ayaa ka dalbaday Madaxweynaha in uu siiyo muddo asbuuc, iyagoo dhexdooda ka qabtay Guddi 13 xubnood ah, kuwaas oo go’aanka Beesha lasoo wadaagi doona.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    October 26, 2026

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026
    Latest Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.