Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland
    Puntland

    4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa gabagabeynaysa maalmaha soo socda tababar Feero-celin ah oo loo sameeyay Kumanaan kamid ah ciidamada Difaaca Puntland, gaar ahaan Daraawiishta.

    Dugsiga tababarka Gen. Giriin ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa kamid ah dugsiyada ay kasoo bixi doonaan ciidamadu, waxaana Feero-celin ku maray dugsigan ilaa 2000 kun oo askari, kuwaas oo badidood kasoo dagaallamay buuraleyda Calmiskaad.

    Sidoo kale, Dugsiyada kale ee ciidamada Puntland oo uu kamid yahay dusgsiga Xorgoble ayaa ay kasoo bixi doonaan ilaa 2000 kun oo kale oo askari, kuwaas oo loo sameeyay Feero-celin.

    Idilnews ayaa ogaatay in ciidamadan laga xuli doono ilaa 1500 oo askari, kuwaas oo geli doonaan tababaro khaas ah, loona diyaarin doono Kumaandoos ahaan, iyadoo ciidamada ay tababari doonaan saraakiil Ajaanib ah, oo u badan xubno sare oo ka socda Milateriga Itoobiya.

    Sidoo kale, Puntland ayaa lasoo degtay bilihii u dambeeyay gaadiid dagaal oo fara-badan iyo hub kala duwan, si loogu qalabeeyo ciidamada dib u maray tababarka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Ciidamo ku wajahnaa Balli-doogle oo duqeymo la kulmay

    October 26, 2026

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    October 26, 2026

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Ciidamo ku wajahnaa Balli-doogle oo duqeymo la kulmay

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.