Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ciidan kasoo goostay xerada ilma Diyaano ee Boosaaso, oo isku dhiibay Dowladda Puntland
    Puntland

    Ciidan kasoo goostay xerada ilma Diyaano ee Boosaaso, oo isku dhiibay Dowladda Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 4, 2026Updated:August 4, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamo wata gaari ayaa kasoo goostay xerada ilma Diyaano ee magaalada Boosaaso, kaddib khilaaf maalmaha ka jira gudaha xerada oo horay saldhig ugu ahayd Ciidamada horey loo oran jiray PSF, iyagoo isku soo dhiibay Ciidanka Amniga Dowladda Puntland.

    Idilnews ayaa ogaatay in Ciidanka oo shalay kasoo goostay xerada ilma Diyaano ay dhan yihiin ilaa 20 Askari, kuwaas oo uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Kornayl Shariif Cali Gamgam. Waxaana ay wataan gaari Takniko ah iyo hubkooda.

    Sarkaal iyo Ciidanka soo goostay ayaa la geeyay goob loo diyaariyay oo Ciidan, waxaana jira xiriiro ay soo saameynayaan Askar kale oo katirsan Ciidanka horey loo oran jiray PSF, ee ku jira Xerada ilma Diyaano ee Boosaaso, kuwaas oo doonaya in ay isku soo dhiibaan dowladda Puntland.

    Ciidanka Puntland ayaa hareereeyay xerada ilma Diyaano ee Boosaaso, taas oo keentay khilaaf soo kala dhexgalay Qoyska iyo dhallinyarada kale ee Reer Puntland ee Askarta ahaa, kuwaas oo ku dooddaya in aysan ku dhimanayn Difaaca Qoys iyo danta wiilal walaalo ah oo fulinaya danaha cadowga Puntland, iyagoo dalbaday in ay isku dhiibaan Ciidanka Dowladda.

    Ilma Diyaano ayaa u diidday dhallinyarada Ciidanka PSF horay loo oran jiray katirsanaa, waxayna taas keentay in qaarkood awood uga soo baxaan xerada, halka kuwa kalena kasoo daateen darbiyada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Ciidanka Puntland oo lagu amray soo qabashada Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadkiisa

    August 3, 2026

    Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka

    August 3, 2026

    Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska AUN Muuse Diibeeye

    August 3, 2026
    Latest Posts

    Ciidan kasoo goostay xerada ilma Diyaano ee Boosaaso, oo isku dhiibay Dowladda Puntland

    GAALKACYO: Ciidanka Puntland oo lagu amray soo qabashada Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadkiisa

    Jubbaland oo shaacisay xogta kulankii Waftiga Sare ee Mareykanka

    Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska AUN Muuse Diibeeye

    Somaliland “Israa’iil waa quwad weyn, mana jiri doonto cid nagu soo degdegta”

    Akhriso: 7 Qodob oo ku duugan heshiiska Puntland iyo Mareykanka

    Akhriso: Ciidanka Puntland oo Amar culus la dul-dhigtay, loona digay

    Muxuu dhigayaa heshiiska Puntland iyo Mareykanku gaareen ?

    Madaxweyne Deni oo kulamo Amni ka bilaabay Boosaaso

    Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah galabta ku aaday Boosaaso

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.