Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo ka digtay safarka Xassan Shiikh ee koonfurta Gaalkacyo
    Puntland

    WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo ka digtay safarka Xassan Shiikh ee koonfurta Gaalkacyo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 13, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland oo ka digtay qorshaha safarka Hassan Sheikh Mohamud ku imaanayo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

    WAR-SAXAAFADEED

    GAALKACYO-PUNTLAND TAR: 13-AUGUST-2026

    Madaxweynihii hore ee Dowladda Federalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu weli ku hawlanyahay abaabulka colaad ka dhan ah Puntland.

    Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug, taas oo uu uga golleeyahay in uu fidno iyo colaad ka abuuro Magaalada Gaalkacyo oo si nabad iyo xasilooni leh ay ugu wada nool yihiin labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

    Dowladda Puntland waxay Maamulka iyo Shacabka Dowladda Galmudug, gaar ahaan, Koonfurta Gaalkacyo uga mahad celinaysaa kaalinta wayn ee ay ka qaateen illaalinta nabadda, iyo ka hortagga isku dayadii qorshaysnaa ee Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayey in uu qalalaase amni ka abuuro Magaalada Gaalkacyo si uu uga dhigto foodsaar siyaasadeed, waxayna ugu baaqaysaa Maamulka iyo Shacabka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo in ay ka hortagaan iskudayada cusub ee Xasan Sheekh wado.

    Dowladda Puntland waxay heegan buuxa galisay Ciidamada Difaaca Puntland, waxayna dadweynaha Reer Puntland ku wargelinaysaa in ay u diyaar garoobaan in Dowladdu qaadayso tillaabooyin dheeri ah oo lagu adkeynayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaanna amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.

    Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay la socodsiinaysaa Ummadda Soomaaliyeed, Dalalka dariska ah iyo guud ahaan Beesha Caalamka in Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadayo masuuliyadda ka dhalata fidmada iyo colaadda uu ka aabaabulayo Puntland.

    <>

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    October 26, 2026

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026
    Latest Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.