Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askar Mareykan ah oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Australia
    Somalia

    Askar Mareykan ah oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Australia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 27, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa Axadda maanta ah ku burburtay jasiirad ku taal waqooyiga Australia, halkaasi oo ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada badda, 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Shilkan ayaa dhacay xilli uu socday dhoolatus tababar ah oo ay dhowr dal ka qeyb galayeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Saddex ka mid ah askarta ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen jasiiradda Melville, shan ka mid ah 23-kii diyaaradda saarnaana waxaa iyagoo qaba dhaawacyo daran loo duuliyey isbitaal 80 kiiloomitir u jira magaalada Darwin si halkaasi loogu daweeyo. Diyaaradda Bell Boeing V-22 Osprey tiltrotor ayaa burburtay abaaro 9:30 a.m. waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Marines-ka.

    Bayaanka intaa ku daray in sababta burburka keentay baaritaan uu ku socdo.

    Ra’iisulwasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in kaliya askar Mareykanka ah ay ku dhaawacmeen tababarkan ay sida wadajir ah uga wada qeybgalayeen ciidamada dalalka Mareykanka, Australia, Indonesia, Filibiin iyo East Timor.

    AP

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.