Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Balli-doogle: Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhintay shil diyaaradeed
    Somalia

    Balli-doogle: Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhintay shil diyaaradeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeryooday shil diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka deegaanka Balli-doogle ee gobalka Shabeellaha hoose oo uu ku yaallo saldhigga ciidamada DANAB ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya.

    Aabe Cabdirisaaq Sheekh Maxamed Faarax, oo dhalay mid kamid ah dhallinyarada geeryooday ayaa sheegay in wiilkiisu uu ahaa askari lagu tababarayay saldhiga Ballidoogle, uuna dhintay kadib markii diyaarad Helicopter ah oo laga leeyahay Mareykanka, ayna tababar ku qaadanayeen ku timid cilad sababtay in ay burburto.

    Shilka diyaaradeed ayaa dhacay casar liiqii shalay. Tirada dhallinyarada ku dhimatay shilka diyaaradeed ayaa gaaraya 5, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

    Duuliyihii Diyaarada oo Cadaan ahaa ayaa la sheegay in uu soo gaarey dhaawac halis ah dhabarkana uu ka jabey.

    Dhallinyarada ayaa kamid ahaa Ciidanka Kumaandooska ee DANAB, xilliga uu shilka dhacay ayay ku jireen tababar. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu socdo baaritaan la xiriira dhicitaanka diyaaradda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.