Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo la wareegay Nin ku Eedaysan falal anshax xumo
    Puntland

    Booliska Puntland oo la wareegay Nin ku Eedaysan falal anshax xumo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 5, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, 05 November 2025:
    Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu eedeeyay in uu geystay fal anshax-darro ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

    Kala wareegidda eedaysanaha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo baaritaan rasmi ah lagu wado si loo xaqiijiyo caddaalad buuxda iyo in sharciga si cadaalad ah loo mariyo.

    Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Booliska ku xaqiijinayaan ilaalinta sharciga, difaacidda xuquuqda muwaadiniinta, iyo ka hortagga dambiyada lidka ku ah akhlaaqda iyo amniga bulshada.

    Ciidanka Booliska Puntland wuxuu bulshada ku wargelinayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta baaritaanka iyo ka hortagga dambiyada la midka ah.

    FIIRO-GAAR AH: Haddii aad aragto fal dambiyeed, qof laga shakiyey, ama xaalad amni oo halis ah, la soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland adigoo wacaya 999

    Ciidanka Booliska Puntland waa diyaar 24/7 — si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta sharciga, difaaca shacabka, iyo sugidda nabadda dalka.

    — DHAMMAAD —

    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
    Ciidanka Booliska Dawladda Puntland

    📘 Facebook: @Plpoliceforce
    📱 Telegram: t.me/Plpoliceforce
    📸 Instagram: @Plpoliceforce
    ▶️ YouTube: @Plpoliceforce
    🐦 Twitter/X: @Plpoliceforce
    🌐 Website: www.police.pl.so
    📧 Email: media@police.pl.so

    PuntlandPoliceForce #AmnigaPuntland #RuleOfLaw #CommunitySafety

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.