Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo war kasoo saaray Amniga Garoowe
    Puntland

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray Amniga Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa lagu beeniyay wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ee la xiriira Ammaanka caasimadda Puntland ee Garoowe.

    Taliska Booliska Nugaal ayaa xusay in Garoowe uu ka jiro Amni buuxa iyo xasilooni.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Nugaal.

    Warsaxaafadeed

    Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ahna Taliye Ku-xigeenka Qaybta, G/dhexe Ayax Jamal Axmed, ayaa bulshada ku nool caasimadda Garoowe iyo guud ahaan Gobolka Nugaal u caddeeyay in aysan jirin wax xasilooni darro ah oo ka soo cusboonaatay degmada Garoowe, isla markaana amniga iyo xasiloonida gobolku ay yihiin sidii caadiga ahayd.

    Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in wararka lagu faafinayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda amniga ay yihiin kuwo ka fog xaqiiqada, islamarkaana ay faafinayaan shaqsiyaad doonaya inay khal-khal geliyaan xasiloonida bulshada.

    Ugu dambayn, Taliska Booliska Gobolka Nugaal wuxuu shacabka u xaqiijinayaa in amniga gobolku ku jiro gacanta hay’adaha dowladda. Waxaana socda baaritaan ku aaddan cid kasta oo lagu tuhmo inay ku lug leedahay faafinta wararka marin habaabinta ah ama falal amniga lagu khalkhal gelinayo. Qof kasta oo lagu helo arrimahaasi waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland

    June 29, 2026

    Maxaa ka jira in Jimcaale ka degay Laascaanood?

    June 29, 2026

    Shirkii Deni & Nugaal: Guddi loo saaray inay kasoo Talo bixiyaan Ciidanka Jimcaale

    June 28, 2026
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray Amniga Garoowe

    4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland

    Maxaa ka jira in Jimcaale ka degay Laascaanood?

    Shirkii Deni & Nugaal: Guddi loo saaray inay kasoo Talo bixiyaan Ciidanka Jimcaale

    Baarlamaanka Puntland oo loo qeybiyay Xeerka Dowladdaha hoose

    Maxaad looga hadlaya kulanka Deni iyo haldoorka Nugaal?

    Profile: Liban Ahmed Hassan, Kingpin Businessman-Turned-Politician Vying for Galmudug Presidency

    Deni oo xariga ka jaray Waddada halbowlaha ah ee Garoowe

    Gablax oo loo diiday in gaadiid qoryo saaran yihiin la aado Gaalkacyo.

    Mareykanka oo Muqdisho ka xirtay Cabdikariin Iidle oo qeyb ka ahaa lunsashada $250 Milyan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.