Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo war kasoo saaray Amniga Garoowe
    Puntland

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray Amniga Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa lagu beeniyay wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ee la xiriira Ammaanka caasimadda Puntland ee Garoowe.

    Taliska Booliska Nugaal ayaa xusay in Garoowe uu ka jiro Amni buuxa iyo xasilooni.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Nugaal.

    Warsaxaafadeed

    Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ahna Taliye Ku-xigeenka Qaybta, G/dhexe Ayax Jamal Axmed, ayaa bulshada ku nool caasimadda Garoowe iyo guud ahaan Gobolka Nugaal u caddeeyay in aysan jirin wax xasilooni darro ah oo ka soo cusboonaatay degmada Garoowe, isla markaana amniga iyo xasiloonida gobolku ay yihiin sidii caadiga ahayd.

    Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in wararka lagu faafinayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda amniga ay yihiin kuwo ka fog xaqiiqada, islamarkaana ay faafinayaan shaqsiyaad doonaya inay khal-khal geliyaan xasiloonida bulshada.

    Ugu dambayn, Taliska Booliska Gobolka Nugaal wuxuu shacabka u xaqiijinayaa in amniga gobolku ku jiro gacanta hay’adaha dowladda. Waxaana socda baaritaan ku aaddan cid kasta oo lagu tuhmo inay ku lug leedahay faafinta wararka marin habaabinta ah ama falal amniga lagu khalkhal gelinayo. Qof kasta oo lagu helo arrimahaasi waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    October 26, 2026

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026
    Latest Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.