Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faahfaahin qorshaha Maraykanku uga samaysanayo Saldhigyo Milleteri Bosaso iyo Berbera
    Puntland

    Faahfaahin qorshaha Maraykanku uga samaysanayo Saldhigyo Milleteri Bosaso iyo Berbera

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 10, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jabuti in Maraykanku kasoo guuro oo usoo guuro Berbera,waa go’aansaday,waxayse qaadanaysaa soo guuridu ilaa 5-sano oo si tartiib tartiib ah udhacaysa.

    Sababaha uu usoo guurayo,waxaa ugu weyn Maraykanku saamaynta saldhigyada Shiinaha ee Jabuti.

    Berbera,waa meel muhiim ah oo uu ka ilaalin karo Yemen ilaa Bariga dhexe oo idil.

    Sidoo kale Bosaso,waa meel kale oo muhiim ah,waxaana uqorshaysan Maraykanka in uu usoo raro Saldhiga Ballidoogle ee diyaaradaha wax garaaca iyo hawlgallada lagula diriro AS iyo Daacish.

    Waxaa kaloo uu ka ilaalin karaa Marinada muhiimka ah,walise go’aanka soo rarida saldhiga Balidoogle ma go’aansan.

    Saldhiga Ballidoogle muhiimad weyn uma leh Maraykanka xilligan sida kan Saldhiga Kismaayo ee ku laalaya Kenya iyo ubucda argagixisada AS.

    Taliska Africom,waxaa culays ka haystaa Ciidamada oo ku yar iyo Trump oo diidan in uu usoo diro Ciidamo dheeriya.

    PL&SL,waxay utahay fursado fiican oo ay wax badan ka faa’idi karaan,hadii ay hirgalaaan qorshayaashaas.

    PL,waxayba ka heshaa Maraykanka taageerada duqaymaha Cirka ee hawlgalka Calmiskaad.

    Ilaa iyo hada labada Dowladood ee PL& SL,waxay muujiyeen soo dhaweyn iyo dadaal,waxayna xataa bixiyaan kharashaadka ku baxa marti gelinta Ciidamada kooban ee la jooga hada,halka Koonfurta Saldhigyada Maraykanku ku leeyahay ay uga baxdo dhaqaale fara badan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.