Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»GARACAD IYO RAADGADASHO. W/Q: Faarax Jaamac
    Somalia

    GARACAD IYO RAADGADASHO. W/Q: Faarax Jaamac

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 23, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hadalka ka soo baxay maamulka Madaxwayne Xasan Sheikh ee ah in dekada Garacad lacagta lagu dhisay lagu biiriyay dhulal xeryo milatari oo dadwaynaha dib looga gaday waa sax oo muran kuma jiro.

    Maamulka Puntland oo matalaya Dowlada Federaalka ayaa Dowlada dhexe uga wakiil ah saamiga federaalku ku leeyahay dekedaas.

    Dekada Garacad waxaa wada leh Dowlada Somalia iyo ganacsato Soomaaliyeed.

    Waa wax la yiraahdo Public-Private Partnership oo macnaheedu yahay mashruuc bulshada iyo dowladu wada fuliyeen oo Dowlada iyo dad gaar ah wada leeyihiin.

    Sidaas awgeed, dekada Garacad wax muran ah oo la isku hayn karo ma aha ee su’aasha taagan baa la iswaydiin karaa muxuu Xasan Sheikh kala dan leeyahay hadalkaan uu jeediyay hantidhowrku guud ee federaalku?

    Anigu labo arrimood baan maamiyay:

    1. Inuu soo socdo dhul-boob baaxad leh oo qoyska Madaxwayne Xasan Sheikh ka qaadi doono dhulalkii danguud ee gobolka Banaadir ku yaal oo la rabo in loogu qiil-sameeyo.

    2. In Xasan Sheikh oo hore xillligiisii hore shacabka Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug siyaasad ahaan iyo milatari ahaan iskugu diray inuu hadda isku dayayo inuu mar kale Magaalada Gaalkacyo shacabkeeda isku diro.

    Halkaan Xasan Sheikh wuxuu dirayaa farriin ah in Galmudug ay Puntland ku qabsan karto dekada Garacad.

    Dekada Garacad waa dekad Soomaaliyeed oo shacabka Soomaaliyeed wada maalgashadeen.

    Waxay dekada Garacad gacanta federaalka soo gali doontaa marka dekadaha kale iyo ayraboorada caalamiga ee dalka ku yaal kuli maamuladu wareejin doonnaan.

    W/Q: Faarax Jaamac

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.