Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jakarta: 17 qof oo ku dhintay dab ka kacay keyd shidaal
    Somalia

    Jakarta: 17 qof oo ku dhintay dab ka kacay keyd shidaal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dab xooggan ayaa fiidnimadii Jimcaha ka kacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof.

    Saraakiisha ayaa sheegay in dabku uu ka kacay keydka shidaalka ee Plumpang, oo ay leedahay shirkadda tamarta dowladda ee Pertamina.

    Muuqaal ay soo gudbisay warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay boqollaal qof oo ku nool xaafadda ay dadku ku badan yihiin oo argagaxsan, halka dabdamiskuna ay ka shaqeeyeen daminta dabka.

    Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ay sheegeen in 50 kale oo ka mid ah dadka deegaanka la dhigay isbitaalka, kuwaas oo qaarkoodna ay si daran u gubteen.

    Waxay sheegeen in inka badan 600 oo qof la daadgureeyay tan iyo markii uu dabku kacay abbaare 8-dii fiidnimo waqtiga maxaliga ah.

    Iis Iswanti oo joogtay Isbitaalka Koja, ayaa VOA u sheegtay in wiil ay habaryar u tahay uu ku jiro waaxda gargaarka degdegga ah ee ICU, kaas oo ay sheegtay in 90% uu jirkiisu gubtay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.