Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo ciidamo geynaysa gobalka Waqooyi bari kadib dilka 100 qof
    Somalia

    Kenya oo ciidamo geynaysa gobalka Waqooyi bari kadib dilka 100 qof

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2023Updated:February 14, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 100 qof oo shacab ah iyo 16 sarkaal oo boolis ah ayaa noloshooda ku waayey gacanta “burcad iyo xoolo dhacayaal argagixiso ah” gobolka Northern Rift Valley, lixdii bil ee tegay, waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

    Dhaca xoolaha iyo khilaafyada salka ku haya kheyraadka biyaha ayaa caadi ka dhex ah bulshada xoolo dhaqatada ah ee waqooyiga Kenya.

    “Burcadda dilalka gaysta ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyey argagixsada ay ku hayaan dadka Kenyanka ah ee aan waxba galabsan iyo hay’adaha sharci fulinta, waxayna mudadaas gubeen iskuullo, gawaari boolis iyo agabyo kale oo bulshada ay leeyihiin,” ayay tiri wasaaradda.

    Boqolaal qof ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan, ayey ku dartay wadaaradda, ayada oo ku dhowaaqday xaalad deg deg ah kuna amartay shacabka inay saddex maalmood kusoo dhiibaan hub kasta oo sharci darro ah oo ay haystaan.

    “15-ka Febraayo 2023, Ciidamada Difaaca Kenya ayaa la gayn doonaa si ay u taageeraan Booliska ayaga oo ka jawaabaya xaaladda amni ee ka dhalatay burcadnimada joogtada ah,” ayey dowladda ku tiri qoraalka ay soo saartay.

    Daad-gurayta ciidamada ayaa u baahan inuu ansixiyo baarlamanka.

    Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan sideed boolis iyo madaxii deegaanka, ayaa waxaa bishii September degmada waqooyi ee Turkana ku dilay burcadda lo’da dhaca.

    Bishii November 2012, 40 sarkaal oo boolis ah ayaa waxaa lagu dilay weerar gaadmo ah ayaga oo eryanaya tuugo lo’ xaday, degmada Baragoi ee waqooyiga Kenya.

    Bishii August 2019, ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ayaa lagu dilay laba weerar burcadda lo’da dhaca ay ka fuliyeen waqooyiga Kenya.

    AFP/VOA
    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.