Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo ku wajahan gobalka Gardafuu, dhagax-dhiga saldhiga Milateri ee Imaaraadka.
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan gobalka Gardafuu, dhagax-dhiga saldhiga Milateri ee Imaaraadka.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2023Updated:February 14, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku wajahan deegaano katirsan goballada Bari iyo Gardafuu ee cirifka Puntland. Siciid Deni ayaa safarkiisa u adeegsan doona diyaarad gaar ah.

    Deegaannada Gardafuu ee Madaxweyne Deni booqan doona ayaa waxaa kamid ah degmada Caluula, halka uu sidoo kale tagi doono degmada Xafuun iyo deegaanka Hurdiya ee gobalka Bari, ilaalada Madaxweynaha iyo gaadiidkiisa ayaa safar dhulka ugu socdaalay deegaanadaas, si ay uga hormaraan.

    Ujeedada safarka Deni ee gobalka Gardafuu ayaa la sheegay in uu la xiriiro dhagax-dhiga saldhig ciidan oo Imaaraatka Carabta laga siiyay agagaarka degmada Caluula, kaas oo qandaraaska dhismihiisa ay qaateen qoyska Madaxweyne Deni.

    Marinka caalamiga ah ee Raas-caseyr ayaa ku yaalla gobalka oo magac ahaanba (Gardafuu) loogu bixiyay raasiga, waana mid kamid ah meelaha ugu istiraajisan ee gobalka Geeska Africa. in loo saxiixo Imaaraadka Carabta saldhig milateri oo ku yeelanayo gobalkan ayaa ka dhigan hardan cusub oo ka bilaabanaya gobalka.

    Mashruuca oo la qiyaasayo in bilowgiisa uu ku kaco ilaa 60 milyan oo dollar, ayaa saxiixiisa lagu kala qaadan doonaa in ka badan 7 milyan oo dollar, taas oo ah faa’idada kowaad ee Siciid Deni ka rajeynayo dhismaha saldhigan. Waxaana u xigi doona in shirkadda ka shaqeyn doonta hirgelinta mashruucan ay ka qaadan doonaan qoyskiisa, si lamid ah mashaariicda hormarinta garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Boosaaso.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.