Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo la kulmaya hanjabaado dil ah
    Somalia

    Maraykanka oo la kulmaya hanjabaado dil ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 3, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan toban qof ayaa guud ahaan dalka Maraykanka waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira, inay u hanjabeen qaar ka mida shaqaalaha doorashada. Shaqaalaha dawladda ayaa inta badan xilliyada doorashooyinka waxay la kulmaan hanjabaado kala duwan. Xoghayayaasha gobollada iyo khubarada kale ayaa iyagu arrintan ka digaya.

    Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo qaar ka mida taageerayaashiisa ayaa marar kala duwan ku soo celceliya, sheegashooyin been abuur ah oo tilmaamaya, in la xaday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyaga oo bulshada ku dhex qaybiya aragtiyo been abuura oo ka dhan ah, shaqaalaha doorashooyinka.

    Khubarada kala duwan ayaa cabsi weyn ka qabta, in doorashada sannadka 2024 ay ka sii xumaan doonto, tii hore, iyaga oo ugu baaqaya dawladda federaalka ah, inay la timaaddo, tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo shaqaalaha doorashada.

    Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sannadkii 2021 waxay abuurtay xafiis si gaara ula socota hanjabaadaha ka dhanka ah shaqaalaha doorashooyinka, kuwaas oo baadhis ku sameeya dembiyada la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

    Xafiiskan ayaa baadhis ku sameeyey in ka badan 2,000 oo warbixinood oo la xiriira, hanjabaado iyo cagajuglayn ka dhan ah shaqaalaha doorashada.

    AP

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.