Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka jira in MW Deni & Xassan Sheekh ku kulmayaan Gaalkacyo?
    Somalia

    Maxaa ka jira in MW Deni & Xassan Sheekh ku kulmayaan Gaalkacyo?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 22, 2023Updated:August 22, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa lagu wadaa in 28ka bishan August, uu ka dego xarunta gobalka Mudug ee Gaalkacyo, halkaas oo uu ka daahfuri doono ‘1-da September’ tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee 9 gobal ee Puntland.

    MW Deni ayaa sidoo kale Gaalkacyo kula kulmaya Isimadda dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uu kala hadli doono adkeynta Amniga iyo soo afjarida aanooyinka qabiil ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay gobalka Mudug.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqanaya mashaariic hormarineed ee ka soconaya gobalka Mudug, sida wadada 3G ee isku xiraysa Garacad, Goldogob iyo Gaalkacyo.

    Ma jiro kulan Madaxweyne Deni uu kula yeelanayo magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha DFS Hassan Sheikh Mohamud, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen saraakiil kamid ah xafiiska Madaxweynaha Puntland.

    Amniga Gaalkacyo ayaa hadda aad loo xoojiyay waxaana magaalada la geeyay ciidammo dheeraad ah, kuwaas baritaaraya laamaha amniga gobalka Mudug.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.