Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Pakistan
    Somalia

    Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Pakistan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliska Koonfur-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay Axadda maanta ah in qarax bambaano uu ka dhacay suuq ay dadku ku badan yihiin, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, 16 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Ma jirto koox markiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ka dhacday degmada fog ee Barkhan ee gobolka Baluchistan, halkaasi oo aysan fajac ka aheyn weerarrada maleeshiyada argagixsada ah.

    Saraakiisha Isbitaalka deegaankaas ayaa sheegay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay, iyagoo xaaladda dhowr dhibbanayaal ku sifeeyay “mid halis ah” lagana cabsi qabo in dhimashadu ay korodho.

    Guddoomiye ku xigeenka degmadaas, Cabdalla Khoso, ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago oo lagu soo xiray mooto bajaaj.

    Dukaamo dhowr ah ayaa sidoo kale si xun u burburay qaraxan, sida laga soo xigtay TV-ga maxalliga ah.

    Madaxa gobolka Abdul Qudoos Bizenjo ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo ku tilmaamay fal argagixisanimo wuxuuna ku tilmaamay ‘dambiilayaal cadow ah”.

    “Argagixisadu waxa ay isku dayayaan in ay hubanti la’aan ku abuuraan weerarradan oo kale si ay u gaaraan naqshadahooda gurracan, laakiin ma oggolaan doonno in kuwan qaran-diidka ahi ay guulaystaan,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Bizenjo.

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baluchistan, isagoo wacad ku maray in cadaalada la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dhiiga daadanaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.