Author: Jibril Qoobey.

Taliska Ciidamada difaaca Puntland,wuxuu amray in Hubka lagala goostay si nabad ah dib loogu soo celiyo Gacanta Dowlada. Si gaar ah,waxay fariin ugu direen siyaasiyiinta ka danbaysa in Saraakiishaas Hubka la galaan LC. Hadii Hubkaas lasoo celin waayo Taliska Ciidamada difaaca Puntland,wuxuu qaadayaa dhawr talaabo oo kala ah…. Waa talaabooyin loo baahnaa oo xoojinaya Dowladnimada.

Read More

Hubkan Ciidanka lagu hubeeyay,waxay joogaan Cadaado sidaan horay usheegay,waxaana la qorshaynayay in Laascaanood ay tagaan. Waa 1100 Askari,waxaana Kilinka Somalida Itoobiya kasii raaci lahaa 500 oo Mustafe Cagjar qarsoodi udiyaariyay. Sidoo kale Ciidamada Ilmo Diyaano iyo kuwa Jimcaale,ayaa iyaguna ku biiraya,waxayna isku noqonayaan Hal Guuto sida la qorshaystay,kadibna,waxaa lagu soo werrarayaa Garowe. Ilaa Shalay diyaarado Hub sida,ayaa ka dagay Laascaanood. Sidoo kale Lacag gaaraysa $6-Milyan,ayaa loo qorsheeyay PL& SL in lagu carqaladeeyo….. 1.Boorame $2-Milyan.2.Burco Nus Milyan dolar.3.Hargaysa Nus Milyan dolar.4.Galkacyo Milyan dolar.5.Garowe Milyan dolar.6.Bosaso Milyan dolar. Safarka Xasan ujeedkiisa dhabta ah,waa hoosaasin qorshe PL lagu soo weerarayo oo lagu qariyo,waxaan…

Read More

This is the reality many Puntlanders express openly today: our patience is finished, our sacrifices have been exploited, and our future cannot be tied to a federal system that has failed us for more than two decades. Puntland built Somalia’s federal system. Puntland defended it. Puntland paid for it in blood and resources.And for twenty years, the south has responded with nothing but obstruction, sabotage, and a relentless campaign to weaken Puntland’s autonomy. This is not frustration anymore — it is a collective awakening. 1.Puntland Carried Somalia — The South Dragged It Down Across Puntland, people say the same thing:…

Read More

Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo goor dhaweyd bayaan soo saaray ayaa shaaciyay in ay nawaaxiga Boosaaso ka fuliyeen duqeyn ka dhana kooxda IS1*S Warkan ka soo baxay AFRICOM ayay ku sheegeen in ay 11th bishan Jan. 2026 duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel Boosaaso u jirta qiyaastii 27km, islamarkaana koonfur bari kaga beegan. Taliska AFRICOM ayaa tilmaamay in duqeyntaasi lagu beegsaday xubno ka tirsan IS*1S, balse ma sheegin khasaarihii kooxda gaaray. Waa duqeyntii 6aad ee AFRICOM ka fuliyaan nawaaxiga Boosaaso 11-kii cisho ee u horreeyay bishan Jannaayo, sida ku qoran warbixinaha ay soo saareen. Hoos akhri bayaanka AFRICOM.

Read More

“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay masuuliyaddi loo igmaday ee isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay u aragtaa arrimahan oo kale inay kaga dhuumanayso masuuliyadihii ay gabtay, oo ay ka mid ahaayeen isku haynta dadka Soomaaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa waqtigan adag ee dalku ku jiro, hubanti la’aanta doorasho iyo kala irdhowga ku dhacay dadka Soomaaliyeed. Dhammaan heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland uu xaqa u siinayo Dastuurkeeda iyo kan Dowladda Federaalka, way sii jiri doonaan, Jubaland kaliya ayaa xaq u leh wax ka beddelkooda ama baabi’intooda.” Halkan…

Read More

Puntland waxay Imaaraadka ka heshaa faa’iidooyin badan oo istaraatiiji ah. Amniga? Imaaraadku,waxay Gacan ka geystaan… B. Xoojinta Amniga guud.T. La dagaallanka argagixisada.J. La dagaallanka Burcad-badeedda. Taageerada Imaaraadka ee Amniga ,waxay door ka qaadatay xasilloonida siyaasadeed iyo mida bulsho ee PL. Ciidan dhisida? Imaaraadku,waxay door muhiim ah ka qaateen…. B.Tababarada.T.Qalabaynta.J.Tayaynta. Garab istaaga Ciidamada,waxaa ka faa’idaystay dhamaan qaybahooda…. B.Booliska.T.Badda.J.Daraawiishta.X.Wardoonka.Kh.Asluubta. Taageerada Imaaraadka,waxay ka dhigtay Ciidamada PL kuwo xirfad leh oo awood u leh ilaalinta amniga gudaha iyo xuduudaha Bad iyo Birri. Maritime security-ga? Imaaraadku,wuxuu ka caawiyaa PL… B Ilaalinta Xeebaha dhaadheer.T. Sugidda Maraakiibta Ganacsiga. J.Kalluumaysiga.X.Ciribtirka burcad-badeedda. Taageeradan,waxay kor uqaaday kalsoonida ganacsiga Badda. Horumarka…

Read More

The Federal Government of Somalia’s unilateral effort to restrict Puntland’s external security and economic partnerships is not merely politically misguided; it is strategically hazardous and constitutionally indefensible. At its core, the directive undermines Somalia’s federal compact by circumventing constitutional procedures and disregarding the autonomy expressly afforded to federal member states. Article 4.3 of Puntland’s Constitution clearly authorizes Puntland to exercise sovereign decision-making in matters directly related to its security, governance, and economic stability. Equally concerning is the deliberate effort to marginalize the United Arab Emirates, a pivotal partner that has made sustained and tangible contributions to Puntland’s security architecture, counter-terrorism…

Read More

Macnaha hadalka Wasiirka Arimaha dibada Imaaraadka,waa in Xagjiriin Islaamiya ay Yurub ku nool yihiin oo mustaqbalka gaysan kara khataro. Madaxda reer Yurub,ayuu ku canaanayaa in aysan xagjiriintaas ka taxadarin oo ay marka danbe ku eedeeyaan Wadamada Khaliijka dhibka ay sameeyaan. ” Hadalkiisa dulucdiisu,waa hada ka hor taga,hadii kale hanagu eedaynina hadhow”. Imaaraadka iyo Sacuudigu,waxay kuwada socdaan la dagaallanka xagjiriinta,si gaar ah Ururka Akhwaanul Muslimka. Dadaalkoodu,wuxuu ka badbaadiyay Akhwaanka in ay qabtaan hogaanka dhawr Wadan oo kala ah….

Read More

Warbixin maanta oo Taariikhdu tahay 11-ks Jan. 2026 ka soo baxay Taliska Africom,ayaa lagu sheegay in uu 9-kii bishan fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish. Duqeyntani waxay ka dhacday duleedka Bosaso,gaar ahaanna meel qiyaastii 33-km koonfur bari ka xigta. Taliska Africom waxa uu intaasi raaciyay in aysan shaacin doonin Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo agabka la adeegsaday Hawlgalkan, si loo ilaaliyo amniga iyo socodsiinta Hawlgallada. Sidoo kale, Sabtidii shalay Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ay 8-dii bishan ay duqeyn ka fuliyeen meel u dhow Boosaaso oo qiyaastii 31-km u jirta, islamarkaana ku beegsadeen kooxda…

Read More

Villa Somaliya awood dhaqaale iyo mid Saad uma leh in ay Ciidamo ka hawlgeliso gudaha PL,balse mar waa la adeegsan karaa Maleeshiyaad sidii kuwii Jimcaale loo adeegsaday xilligii doorashada. Guud ahaan Maleeshiyada ay DFS adeegsan karto,waxay dhan yihiin marka la buunbuuniyo 500 oo Nin oo aan isku xirnayn,isla markaana isku meel aan wada joogin oo ku kala yaacsan Gobollada PL. Jimcaale,ayaa ugu hilan Maleeshiyaadka la adeegsan karo,isaguna,wuxuu ogsoon yahay awooda Ciidamada PL ee Maanta,wuxuuna ka wal wal qabaa in Hubkiisa Gacanta looga dhigo mar Labaad oo aan Islaan Ciise ka yeelayn markale in uu usoo celiyo. Wararka dacaayadaha ah ee…

Read More

Sanadkii tagay,wuxuu u ahaa PL mid la xaqiijiyay amnigeeda gudaha oo wax badan laga qabtay. Waxqabadkii Xukuumada Deni ee 2025,waxaa ugu hilnaa amniga oo ahaa hortabinta 1-Aad…. 1.Waxaa dib uhabayn wanaagsan lagu sameeyay Ciidamada Daraawiishta oo maanta PL,waxay leedahay 13-kun Askari oo qalabaysan oo heegan ah marka laga reebo 2000 oo hawlgab ah. 2.Waxaa dib uhabayn lagu sameeyay Ciidamadii Booliska oo Maanta,waxay PL leedahay 3000-Askari oo 2000 ka mid ah ay haystaan Shahaadada Master-ka. 3.Waxaa dib uhabayn wanaagsan lagu sameeyay Ciidamada Wardoonka (PISA). 4.Waxaa la sugay amniga caasimada oo Boolis cusub la geliyay. 5.Waxaa la sugay amniga Xarunta ganacsiga PL…

Read More

Sicuudigu muhiim nooma ahan hadaan nahay reer Puntland siyaasiyan,balse ganacsi ahaan,waa ubaahan nahay. Iskaashi siyaasadeed iyo mid amni,waxaa muhiim noo ah Imaaraadka Carabta. Sacuudigu Xamar macno,waa uyeelan karaa marka laga eego dhinacyo kala duwan. Hadii Sacuudigu go’aansado in uu farageliyo siyaasada gudaha Somaliya oo Xamar ay isla jaanqaadaan PL,waa ku khasban tahay in ay ka hor timaado. Inkastoo aanan filayn in Xasan ka guuri karo Imaaraadka oo cid walba uga dhow yahay,waxaa tusaale kuugu filan galbintii hogaamiyihii Koonfurta Yemen ee gooni goosatada ahaa. Hogaamiyahaas,wuxuu Doon usoo raacay SL markii laga baqay in lasoo rido diyaaradii uqaadi lahayd Imaaraadka. Markuu yimid…

Read More

Villa Somaliya ma saari kartaa Imaaraadka? Xasan iyo kooxdiisu,waxay ka shireen sida looga saari karo Imaaraadka gudaha Somaliya,waxay sameeyeen qiimayn iyo xog ururin. Kadib,waxay la xiriireen Sacuudiga oo ay udireen xogtii ay ururiyeen oo ay ku jirtay sida ay ugu baahan yihiin Dal ubuuxin kara booska Imaaraadka haday saaraan. Sacuudigu,waa ka aamusay oo masoo siin jawaab cad iyo mid dadban toona. Villa Somaliya ma saari karto Imaaraad Afar sababood awgood…. 1.Kaliya,waxay xukuntaa Dekeda iyo garoonka Muqdisho. 2.SL,PL iyo JL kuma raacayaan oo waa iska diidayaan amarka Villada kasoo baxa. 3.Xasan oo ka hela dhaqaale joogta ah Imaaraadka,kaasoo ah Bille. 4.Xasan…

Read More

Wasiirka Arimaha dibada Shiinaha in uu Maanta yimaado Xamar,ayaa la qorshaynayay,waxaase jira caqabado amni oo sii xoogaystay. Shalay markii loo diyaar garoobay soo dhaweyntiisa oo ay soo dageen diyaaradihii siday ilaaladiisa oo ay Xamar dul timid diyaarad Shiinuhu leeyahay oo hawada ka saartay halmar Isgaarsiintii xataa Xerada Xalane,ayaa hadana la weeciyay Wasiirka oo uu ka degay Tansaaniya oo ahayd Dalkii Labaad ee uqorshaysnaa Somaliya kadib. Amarka weecinta Wasiirka,wuxuu ka yimid isla Shiinaha mana jirin,waxay kala socotay Villa Somaliya. Haatan oo Xamar ay ka dhaceen Afar Qarax oo cusub lama saadaalin karo in Wasiirku kasoo dago. Villa Somaliya,waxay aad ugu cadaadinaysaa…

Read More

Laba diyaaradood oo Ciidankii ilaaladiisa ahaa saaran yihiin,ayaa weli kusii sugan Xamar,waxaana dhici karta Berri in uu yimaado. Dhanka Villa Somaliya,way diyaar garowday,waana uxirtay Magaalada. Balse dhanka Wasaarada Arimaha dibada Shiinaha ayay wax ka baaqdeen,mana usheegin Villa Somaliya waxa sababay baaqashada. Safiirka Shiinaha ee Muqdisho oo lasoo xiriiray Villa Somaliya,wuxuu sheegay in isaga xataa lagu wargeliyay daqiiqadii ugu danbaysay baaqashada. Shiinuhu,waxay go’aanka baaqashada ku gaareen qorshe ugaar ah oo la xiriira amaanka. Safarka Muqdisho ee Wasiir Arimo dibadeedka Shiinuhu,wuxuu qayb ka ahaa socdaalka sanadlaha ah ee uu ku maro Afrika,waxayna muujinaysaa muhiimada Shiinuhu siinayo Somaliya marka uu ka dhigtay Afarta…

Read More

Khudbadiisa,waa sugayay,waxaana looga fadhiyay Laba Qodob oo kala ah….. 1.In uu aqbalo soo jeedintii Golaha mustaqbalka Somaliyed ee ahayd ka hor 20-ka Bishan in uu qabto Shir Qaran,mana samayn. 2.In uu SL hor keeno tanaasulaad la taaban karo,sida Caasimada Jamhuuriyada in la siinayo iyo wax la mid ah,mana samayn. Sidii caadada u ahayd khudbad aan qiimo Qaranimo lahayn oo macno yar,ayuu jeediyay,waxaana lagu soo koobi karaa in ay ku koobnayd xigmadeeda Sadex Qodob oo kala ah…. B.In uu iska Indhotirayo xaalka Wadanka weli. T In Reer SL Afxumadii iyo aragti yaridii uu ugu sii daray hanjabaad. J.In uu Israa’iil udirayo…

Read More

Madaxweyne Trump,ayaa qalinka ku duugay in Maraykanku ka baxo 66 hay’adood oo caalami ah oo ay sheegeen in aysan u adeegayn danaha Mareykanka. Hey’adaha waxaa ka mid ah, hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan isbeddelaka cimilada, sanduuqa Qaramada midoobay ee dimoqaraadiyadda, iyo ku dhawaad 30 hay’adood oo kale oo ah kuwa Qaramada Midoobey. (xxxi) Regional Cooperation Council; (xxxii) Renewable Energy Policy Network for the 21st Century; (xxxiii) Science and Technology Center in Ukraine; (xxxiv) Secretariat of the Pacific Regional Environment Programme; and (xxxv) Venice Commission of the Council of Europe. (b) United Nations (UN) Organizations: (i) Department of Economic and Social Affairs;…

Read More

Presidential Memoranda January 7, 2026 MEMORANDUM FOR THE HEADS OF EXECUTIVE DEPARTMENTS AND AGENCIES By the authority vested in me as President by the Constitution and the laws of the United States of America, I hereby direct: Section 1. Purpose. (a) On February 4, 2025, I issued Executive Order 14199 (Withdrawing the United States from and Ending Funding to Certain United Nations Organizations and Reviewing United States Support to All International Organizations). That Executive Order directed the Secretary of State, in consultation with the United States Representative to the United Nations, to conduct a review of all international intergovernmental organizations of which…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu daawaday muuqaal laga duubay toogashada haweeneydii Minnesota ay ku toogteen askarta ICE, isagoo ku tilmaamay muuqaal daawashadiisa “laga argagaxo”. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, wuxuu sii raaciyay in haweeneyda la toogtay ay ahayd “mid jahwareersan, oo iska caabinaysa, Sarkaal ICE, kaas oo uu sheegay inuu u muuqay mid si toos ah isu difaacaya”. Fiidiyowyo kala duwan oo laga duubay dhacdadan ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana aan ilaa hadda caddayn heerka gaaray in askariga toogto haweeneydaas. “Arrintan si dhamestiran ayaa loo baarayaa, laakiin sababta ay dhacdooyinkan u dhacayaan ayaa ah, in…

Read More

Dowladda Mareykanka,ayaa ku dhawaaqday in ay ‘hakisey’ dhammaan howlihii gargaar ee Soomaaliya, ka dib markii mas’uuliyiin ka tirsan DFS ay burburiyeen bakhaar-keyd raashin oo loogu talo-galay dadka danyarta ah, lana qaatay ilaa 76 tan cunto ah. Mareykanku ma caddayn halka ay dhacdadan ay ka dhacday, waxa ay se sheegeen in dib-u-soo-celinta gargaarka ay ku xirnaan doonto tallaabada ay qaaddo DFS.

Read More

Garoowe : 06 January 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa caawa wadatashi iyo is-xogwareysi la yeeshay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka. Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Senator Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka…

Read More

Garoowe : 06 January 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah kula qaatay haldoorka Puntland ee ku sugan caasimada Garoowe. Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, iyo doorka Puntland ee Dowladd dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay isbedelada sida xowliga ah uga socda Gobolka. Kulankan,ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ay la yeellanayaan Goleyaasha Dowladda , Siyaasiyiinta, Haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida…

Read More

Maalin ka hor Xasan Shiikh,ayaa kaga dhex faanay Golaha Wasiirada Fadaraalka in uu Israa’iil kaga adkaaday Diblomaasiyadii oo ay carartay,isla markaana aqoonsigii SL been ahaa,waxaase ka danbeeyay in Israa’iil ficil ku dartay hadalkeedii. Sidoo kale Rw Xamse,ayaa Dhuusamareeb ka sheegay in uu aqoonsiga SL yahay Prank ku kooban Video Call,balse Video Call mahan ee waa dhab. SL,waxay u ahayd guul kale oo ay gaartay imaanshaha Wasiirka arimaha dibada Israa’iil. SL,waxay heshay Quwad ay ka garabsato loolanka uga imaanaya Xamar iyo xulafadeeda. Turki iyo Sacuudi lama diriri karaan Israa’iil,waana iyaga kuwa hada Xasan isku halaynayo. Israa’iil,waxay muujisay in ay tahay Sxb…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil uga mahad naqay go’aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay…

Read More

Qabashada Moduru,waxay ceebaysay oo macno tirtay Shiinaha,sababtoo ah,wuxuu ahaa Geed fadhiga Moduru dhan walba. Sadex Waji,ayaa Shiinaha lagu ceebeeyay oo Maraykanku ku karbaashay….. 1.Siyaasiyan,waxaa la muujiyay in aan la hoos geli karin Shiinaha oo uusan gaarsiisnayn awood siyaasadeed oo la magansan karo. 2.Difaac ahaan,waxaa la bahdilay Qalabkii Ciidan ee Shiinaha oo Venezuela,waxay haysatay Raadaaradii iyo qalabkii difaaca Hawada ee Shiinaha waliba kuwii ugu casrisanaa… B.JY-27A Radar.T.HQ-9 Missile system. Sidoo kale Ciidamada Venezuela,waxay Qalabka ka heli jireen Shiinaha. 3.Dhaqaale ahaan,ayaa la khasaariyay Shiinaba oo Venezuela,waxaa ka galay $4.8 Bilyan. Diyaaradaha Maraykanka oo gaaraya 150,ayaa Hawada Venezuela si baqdin la’aan ah ugu…

Read More

Iran,waa la galay,waxaana Todobaadkii Labaad si xiriir ah uga socda banaanbaxyo. Dadka,waxaa ka dhamaaday dulqaadkii iyo adkaysigii,waxaana adkaatay Noloshii…. Sicir bararku,waa 40%.Shidaalkii?Cuntadii? Dowladu,waxay hada ballanqaaday in Qof walba lasiin doono $ 7,taasoo aan xaalada jirta waxba ka badali karin. Hogaamiyihii sare,waxay wararku sheegayaan in uu aaday Ruushka si uu uwaydiisto taageero. Maraykanku,wuxuu uga digay maamulayaasha Iran in ay laayaan shacabka.

Read More

Laba Qodob,ayuu kala hadlay Sh.Shariif marka laga soo tago inta guud ee ah….. B.In uu diyaar uyahay Shirweyne badbaado. Labadaba Qodob ee qarsoon ee Xasan uu kala hadlay Sh.Shariif,waxay kala yihiin….. B.In uusan Kursiga Villa Somaliya dhaafin Beeshooda hoose. T.In uu isaga dhisayo oo uu ka rabo dhankiisa in aan wax danbe loosoo raacan. Tan iyo intii ay soo yeertay dhawaaqa aqoonsi ee Israa’iil ay siisay SL Xasan lama kulmin siyaasi beeshiisa aan ahayn. Xalay markii uu aaday Sh.Shariif,waa awooday in uu sii maro Farmaajo iyo Cabdixaashi,balse ma rabo oo Qabyaalada,aragti gaabnida iyo fahan xumada Dowladnimo ee ku jirta,ayaa udiidaysa.

Read More

Maduro,wuxuu noqday Madaxweynihii Sadexaad oo Repuplican-ku,isagoo nool Gacanta kusoo dhigaan. Sidoo kale,waa Madaxweynihii Labaad oo Latin America ah oo Maraykanku kasoo dhex qabto Madaxtooyadiisa,waxaana ka horeeyay Madaxweynihii Panama Jen.Manawel oo 36-sano ka hor Maantoo kale 3-Jan-1989-kii lasoo qabtay laguna xukumay 40-sano oo xarig ah,kadibna markuu xirnaa 21-sano lagu sii daayay akhlaaq wanaag uu ka muujiiyay Xabsiga,balse markale Faransiisku ku xukumay 20- sano,ugu danbayna,isagoo duloobay ku dhintay Panama markuu kasoo baxay Xabsigii Faransiiska. Haatan Madoru,waxaa laga soo dhex qabtay Qolkiisii Jiifka isaga iyo Qoyskiisii,waxay Maraykanku sheegeen in ay sii daynayaan Qoyska,balse,isaga ay saarayaan Maxkamad,waxaana loo haystaa ka ganacsiga danbiyo iskugu jira…

Read More

Sacuudigu,waa Quwad Gobolka ah oo muujisa masuuliyad oo aan isticmaalin awoodeeda,isla markaana aan samayn faragelino badan oo qaawan. Waxaa lagu tilmaamaa quwad goboleed masuul ah oo hadana Maraykanka Sxb la ah oo aan ku noqon khatar danihiisa. Awoodiisa,waxaa toos loo arkay markuu ku amray Imaaraadka in ay 24 saac gudahood uga baxaan Yemen oo Imaaraadku aqbalay,isla markaana Qatar ka codsaday in ay dhexdhexaadiso Sacuudiga. Yemen,waa ku khasban yahay Sacuudigu in uu ka hawlgalo oo ulama sinna Wadamada Somaliya iyo Sudan. Sacuudigu mudo,ayuu ku mashquulsanaa oo muhiimada hor tabinta ah siiyay gudaha dalkiisa,taasoo ka jeedisay loolanka Gobolka. Dulqaad badan oo uu…

Read More

Turkigu,wuxuu diyaariyay xog hordhac ah oo sheegaysa in uu ka jiro Raad shidaal oo gaarsiisan 80% Aaga uu wax ka baaray. Hada,wuxuu soo iibsaday Laba Markab oo midna uu kasoo iibsaday Holland midna uu kasoo iibsaday Maraykanka. Labadaas Markab iyo khuburo reer galbeed ah,ayaa markale galaya Aaga,waxayna daloolilanayaan halka lagu arkay Raadka shidaal. Daloolintaas,waa mida rasmiga ah ee xaqiijinaysa …. B.Shidaalka ku jira Aagaas in uu geli karo Iib. T.Shidaalkaas noociisa. J.Afafka Ceelasha Aagaas laga helay halka ay jiraan. Hadii shidaalkaas noqdo mid iibgeli kara markaas ayay raadinayaan Shirkado waa weyn oo maalgashta. Hadii shidaalkaas noqdo wax ka yar wax…

Read More

Maraykanka,ayaa weerar ku ekeeyay gudaha caasimada Caracas ee Venezuela,sida ay xaqiijinayaan xogo laga helayo Aqalka Cad. Qaraxyo waa weyn,ayaa laga arkayaa agagaarka Saldhig Milleteri iyo goobo kale. Waxaa kaloo dusha magaalada heehaabaya diyaaradaha qumaatiga ukaca ee Milleteriga Maraykanka. Venezuela,waxay wajahaysaa waxa loogu yeeri karo ( Dib u edbinta Latin America) oo Maraykanku wado. Maduro oo ah Mw Venezuela ayay Maraykanku madaxiisa saareen $50 Milyan ama isaga iyo Qoyskiisu in ay iskaga baxi karaan Dalkaas. Waxaa la fahansan yahay Madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo in lagu dilay xanuunka Kansarka.

Read More

Turkey was one of the first Muslim-majority countries to recognize Israel, formally doing so in 1949. This early recognition reflected Turkey’s Western-oriented foreign policy in the early years of the republic and its desire to align with the United States and Europe. Since then, relations between Turkey and Israel have experienced periods of cooperation as well as tension, shaped by regional politics and changing governments. Diplomatic and military cooperation developed strongly during the 1990s. During this period, the two countries collaborated in defense, intelligence sharing, and military training. However, relations deteriorated in the late 2000s, particularly after political disagreements over…

Read More

Mowqifka Puntland,waxaa laga soo saari doona fadhi ay yeelan doonaan Labada gole ee Dowlada Puntland. Fadhigaasi,wuxuu dhici doona Todobaadyada soo socda marka ay soo dhamaato wadatashiyo lala samayn doono qaybaha bulshada. Saakay,waxaa qabsoomay shirkii golaha wasiirada,waxaana lagu falanqeeyay arinka aqoonsiga SL,iyadoo laysla qaatay in gudiyo loo saaro oo inta qiimayntaasi soo dhamaanayso aysan jiri karin Wasiir,Xildhibaan iyo Shaqaale ka hadli kara. Hadalka Caydiid ku hadlay ma’ahan mid uu ku matalo Dowlada Puntland ee waa fikradiisa ugaarka ah. Mowqifka Puntland ee aqoonsiga SL,waa masiiri si rasmi ah usoo bixi doona.

Read More

Israa’iil, waxaa guul u ah ugu yaraan in aduunka meel ka mid ah rabitaan looga hayo,gaar ahaan Dhul Islaam Sunni ah,waliba Somaliya iyo geeska Afrika ee muhiimka ah. Sidoo kale SL,waxaa guul weyn u ah in ay heshay aqoonsigii ay baadigoobaysay 40-kii sano ee udanbeeyay. SL muhiim uma ah Wadanka ay ka helayso aqoonsiga diintiisa iyo aragtidiisa,waxaase macno usamaynaya danaheeda qaran. Waa tusaale nool oo loosoo qaadan karo kala danaysiga siyaasadeed sida uu udhexmari karo bulsho loo arko in ay cadow diimeed,fikradeed iyo ummadeed uu ka dhaxeeyo. Xaqiiqdu,waxay tahay in SL muujisay bisayl siyaasadeed iyo diblomaasiyad oo ay cidlo uga…

Read More

Xasan Laba ergay,ayuu udiray Israa’iil,sida xoguhu xaqiijinayaan,waxayna kala hadlayaan Laba Qodob oo kala ah…. 1.Anagaa ah DFS ee la aqoonsan yahay ee nagala heshiiya,waxaad rabtaan. 2.Abraham Accords diyaar baan unahay in aan ku biirno. 3.Saldhig Milleteri oo Berbera ahna diyaar baan unahay in aan saxiixno. Bisha danbe,waxaa tagaya oo ku casuman Israa’iil Madaxweynaha Somaliland,wuxuuna isku dayayaa Xasan in uu baajiyo booqashadaas oo Israa’iil ay ka laabato casuumadaas. MW Cirro,wuxuu si rasmi ah usoo saxiixi doonaa Abraham Accords.

Read More

ACCOUNTABILITY FIRST The President, Prime Minister, and the Speaker of the Lower House MUST be held accountable for the: 1) Egregious violation and abuse of powers and responsibilities bestowed on them by the Constitution. Effectively dismantling the fragile constitutional order on which the 3rd Republic was foundationally built. 2) Unlawful and fraudulent surrender of Somali sovereignty and strategic resources to a foreign power. The bogus and shameful economic, hydrocarbon and maritime pact ratified by the Federal Parliament without seeing a word about its content MUST be revoked. 3) Orgy of industrial scale corruption and plunder, especially the massive public land…

Read More

100% IL aan ku kalsoonahay,ayaa noo xaqiijisay in aysan wada hadlin Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Xasan. Sidoo kale majiro safar uqorshaysan Madaxweyne Deni oo Xamar ah waayahan. Waxaa kaloo rasmi ah in aysan PL ka hadlayn xilligan arinka ictiraafka SL. Madaxweyne Deni,wuxuu imaanaya gudaha PL,waxaana dhici doona wadatashi guud oo ku saabsan xaalada taagan ee Somaliya.

Read More

Dowlada Puntland,waa in aysan ka hadlin qodobka ictiraafka Israa’iil ee SL. Wasiirada,Xildhibaanada iyo shaqaalaha Dowlada Puntland noocay rabaan ha noqdaan,waa in aysan hadlin. Sidoo kale golaha mustaqbalka Somaliyed ee aan xubinta ka nahay,waa in uusan wax Warmurtiyeed ah kasoo saarin arinkan. SL aqoonsi helideeda ma rabno in aan caqabad kusii ahaano,sababo jira awgood. Sidoo kale difaaca midnimada Somaliyed Ninbaa loo dhaariyay ee haka hawlgalo. Saakay,waxaa ilaahay mahdiiya in Kursiga uusan ku fadhiyin Madaxweyne nagu qayb ah oo gacantiisa aysan Somali ku kala tagin. Xasan,waxaa la go’ay Wadaan siyaasadeed ee yaanan kasoo saarin ee aan ku fiirsano oo arinkan ka galno…

Read More

Dawladda Dalka Israa’iil,ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka,ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal. Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay Dawladda Israa’iil u fidisay Somaliland waxa uu…

Read More

sraeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has announced that Israel has officially recognized the Republic of Somaliland as an independent and sovereign state, marking a significant diplomatic development in the Horn of Africa. In a statement released on Thursday, Netanyahu said the recognition was formalized through a “joint and mutual declaration” signed together with Israeli Foreign Minister Gideon Sa’ar and Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi. He described the declaration as being “in the spirit of the Abraham Accords,” which were signed under the initiative of US President Donald Trump. Netanyahu said he congratulated President Abdirahman on what he described as a…

Read More

Doorashada Xasan ee Xamar,waxaa lagu tilmaami karaa ( Canjilid doorasho). Xaqiiqdii,waa fursad dahabiya oo uu ka macno tiray Xasan dadka ku dhaqan Muqdisho doorashadan oo waxay noqon kartay mid loo dhan yahay oo laga wasa qaybgalo oo taariikhiya. Hadaba,waxaan isbarbardhigaynaa doorashooyinka ka qabsoomay PL& SL iyo canjilida doorasho ee Xasan kawado Xamar…… 1.Doorashooyinkii SL& PL,waxay ahaayeen kuwo lagu midaysnaa oo loo dhamaa. 2.Gudiyadii doorasho ee maamulayay doorashooyinkii SL& PL,waxay ahaayeen kuwa kalsooni kawada haystay mucaaradka,muxaafidka,bulshada rayidka iyo beesha caalamka. 3.Doorashooyinkii SL & PL,waxay ahaayeen kuwo Xisbiyo isku awood ah ay ku tartamayeen. 4.Doorashooyinkii SL& PL,waxay ahaayeen kuwo Xisbiyadii talada hayay…

Read More

“Dowlada Puntland,waxay uheshay dhaqaale dhismaha Wadada Galkacyo- Goldogob sida uu noo xaqiijiyay sarkaal muhiim ah oo ka mid ah Madaxtooyada PL”. Dhawaan in uu bilaabanayo qiimaynta mashruuca dhismaha Wadadan oo ay maalgelinayso QM,ayuu noo xaqiijiyay sarkaalkaas. Wadadan,ayaa muhiim u ah Dekeda Garacad oo caqabad ay ku tahay Wado xumida taagan.

Read More

“Shiinaha,wuxuu ku eedeeyay Mareykanka in uu isku dayayo fashilinta xiriirka Shiinaha iyo Hindiya oo soo hagaagay”. Shiinaha oo Milleteri ahaan kobcaya,ayaa raba in uu isku balaariyo Koonfurta Aasiya,isagoo Saldhigyo ka qalqaalsanaya Wadamada Bangaladhesh iyo Myanmar,sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay Pentagonka Maraykanka. Shiinaha,ayaa warkan beeniyay,isagoo ku tilmaamay qorshe Maraykanku ku kala fogaynayo iyaga iyo Hindiya. Hindiya,ayay ku tahay khatar toos ah isbalaarinta Shiinaha ee Koonfurta Qaarada Aasiya.

Read More

Waa awood kale oo reer Mudug muujiyeen dhismaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Galkacyo. Wasaaradda Duulista Hawada PL iyo shirkadda Galkayo Development Group (GDG),ayaa kala saxiixday heshiiska. Ganacsato isku tagtay,ayaa qaadatay qandaraas ay ku dhisayaan garoonka oo ku kacaya $30-Milyan…… 1.Waxaa la dhisayaa Dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ( Run Way). 2.Waxaa la dhisayaa Terminalka. 3.Waxaa la dhisayaa qaybta kaydka shidaalka. 4.Waxaa la dhisayaa qaybta dabdamiska. 5.Waxaa la dhisayaa Hotel ( Five Star). Dowlada PL,waxay ku amaanan tahay in ay ufududaysay ganacsatada maalgashiga dalka. Heshiiska caawa lala galay ganacsatada,waa isfahan haysta hal sano oo fulin ah. Horay,waxay reer Mudug udhiseen Dekeda Garacad…

Read More

Madaxweynaha wakhtigu gabagabada ka yahay Xasan Shiikh,ayaa heediyay khudbad uu uga hadlay doorashadiisa berri Xamar ka dhacaysa. Dhawr qodob,ayaa la yaab lahaa oo laga dheehan karay hab hadalkiisa….. 1.Somaliya,wuxuu uyaqaan Xamar? 2.Doorasho Qof iyo Cod ah oo laysla ogol yahay oo lagu doortay ilaa heer Madaxweyne waxay ka dhacday dhawr jeer SL. 2.Doorasho Qof iyo Cod ah oo lagu doortay golayaasha deegaanka,waxay ka dhacday PL. 3.Afar Sano kadib Xasan,wuxuu kusoo idlaaday Xaafadiisa iyo jifidiisa in uu Santuuq dhex dhigto. 4.Sida Xasan ugu nool yahay khiyaali oo la yaab leh. 5.Sida uu ugu qanacsan yahay in uu Xamar ka qabanayo doorasho…

Read More

Mucaaradka Muqdisho erayo adag oo loo hakan karo ayay u isticmaaleen diidmada doorashada Xasan Shiikh… 1.Doorasho aan loo marin sharciyad. 2.Gudi doorasho oo aan loo dhamayn. 3.Doorasho Hal Xisbi wada jilayo. 4.Doorasho miisaaniyadeeda halka ay ka imaanayso aan la aqoon oo aan ku jirin miisaaniyada Dowlada. 5.Doorasho habkeeda diiwaangelinta aysan cadayn. 6.Doorasho aan lahayn kormeerayaal dhexdhexaad ah. 8.Doorasho aan haysan aqoonsiga saamilayda siyaasadeed ee Somalida. Dooda mucaaradku ku diideen doorashada Xasan ee Xamar,waa gadmaysaa xaqiiqiyan. Xasan Shiikh Afar Sano kadib markii loo doortay Mw Somaliyed Xaafada Kaaraan,ayuu dhigtay Santuuq uu Beeshiisa cod uga doonayo,halkii ay ahaan lahayd Afar sano kadib…

Read More

Doorasho,waxaa la yiraahdaa mid xor iyo xalaal ah,marka la qiimeeyo Somaliyoo kale oo dal fawdo ahna 80% ,waa la in la helaa aaminaad. Xasan,waxa uu wado,waa… 1.Anaa isla ciyaaraya.2.Anaa salaxday Kubada .3.Guulaystaha iyo guuldaraystuhu,waa aniga.4.Albiitaraha,waa aniga. Beesha caalamku,wax macno ah kama soo qaadin doorashadiisa oo waa xog ogaal. Shacabka Somaliyed,waa iska diideen Kaararkiisii,marka laga soo tago tiro kooban oo Lacag looga iibsaday. Siyaasiyiinta Muqdisho,waxay u arkaan,waxaan soconayn oo aan mudnayn in xataa laga hor tago. Xasan kuma bareejayn karo Denigii ka qabtay 40-ka degmo mar qura doorasho hufan oo laga soo wada qaybgalay. Xasan doorashadiisu,waxba kama duwana sida caadada ah…

Read More

Safiirkiirkan markii horaba wakhti,waa ka dhamaaday oo in uu baxo,ayuu udiyaarsanaa. Caadiyan marka Madaxweyne la doorto Maraykanka,waxaa iscasila dhamaan Safiirada dibada oo idil,markaas,ayuu Madaxweynuhu aqbalaa ama dib uceshaa. Haatan,waxay ubadan tahay in uu soo magacaabi doono safiiro cusub Trump. Siyaasada maamulka Trump ee Somaliya,waxay ku dhisan tahay danta Maraykanka,ayaa mudnaanta leh oo aan la diblomaasiyadayn. Maraykanku,wuxuu qorshaynayaa in uu Berbera usoo raro saldhigiisa Jabuti. Sidoo kale,wuxuu diyaarinayaa in Saldhigiisa Ballidoogle uu usoo raro Bosaso. Dhanka kale ka ilaalinta Shiinaha ee geeska Afrika,wuxuu u adeegsanayaa gacmihiisa Turki iyo Imaaraad. Maraykanku horay,wuxuu ubari taari jiray dowlada dhexe ee Somalida,waase ku hungoobay oo…

Read More

Hawlgalka Midowga Afrika,waxaa la siiyay mudo xileed ilaa Sanadka danbe dhamaadkiisa ah,waxayna ubadan tahay marka wakhtigaa la gaaro in mudo kordhin kale loo samayn doono,maadaama danaha Dowladaha waa weyn weli uu ku xiran yahay. Maraykanka oo ah Deeq bixiyaha ugu balaaran ,wuxuu ku bixiyay taageerida hawlgalka xasilinta midowga Afrika ee Somaliya $ 1.6 Bilyan ilaa maalinkii uu bilowday. Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ma’ahan mid mira dhalay,waxaana lagu tilmaami karaa mid faashil ah. Sababaha hawlgalkan ufashilmay,waxaaa laga xusi karaa…….. 1.Dowladaha Ciidamadu ka yimaadaan oo musuq dilooday. 4.Dowladaha waa weyn ee taageera hawlgalkan oo laftigoodu aan rabin in lasoo afmeero. Aussom,waa…

Read More

Xaafiiska siyaasada QM ee Somaliya in la xiro,waxaa riixaya Maraykanka oo raba in Somalida loo madaxbaneeyo siyaasadooda. Balse,waxaa ku diidan midowga Yurub oo hada wada xog ururin ku saabsan siyaasada Somalida,waxayna soo bandhigi doonaan dhawaan,iyadoo xogaha hordhaca ah ee laga helayo xog ururintaas ay sheegayaan in ayba fashilantay siyaasada Somalida. Midowga Yurub,waxay rabaan in mudo kordhin loo sameeyo xaafiiska siyaasada QM oo xataa hadii Maraykanku ka baxo bixinta kharaashaadka Xaafiiskaas ay kaligood maalgeilyaan. Waxyaabaha ugu waa weyn ee loo cuskanayo xiritaanka xaafiiska QM ee Somaliya,waxaa ka mid ah…. B.Iyadoo Somalya xubin ka tahay golaha amaanka in hadana siyaasadeedu aysan madaaxbanaanayn,waa…

Read More

Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka mustaqbalka Somaliyed,waa qodobadii loo baahnaa ee mudnaa xilligan…. 1.Waxaa la cadeeyay in Mw Xasan ku fashilmay hogaaminta dalka iyo arimihii loo igmaday. 2.Waxaa daaqada laga tuuray Dastuurkii Xasan samaystay. 3.Waxaa lays xasuusiyay mudo xileedka Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka ah xilliga uu ku eg yahay. 4.Waxaa lays xasuusiyay mudo xileedka Madaxweyne Xasan xiliga uu ku eg yahay. 5.Waxaa loo sheegay DG KG,Galmudug iyo Hir-shabelle in ay qabtaan doorashadii hay’adahooda dastuuriga ah ee mudo dhaafka noqday. 6.Waxaa la cadeeyay in Mw Xasan ku tuntay Dastuurka Fadaraalka ah iyo kan Dowlad Goboleedyada. 7.Waxaa Mw Xasan loo qabtay mudo…

Read More

Madaxweyne Faroole qadiyada Great Puntland gorgortan ma geliyo marnaba. Aragtida siyaasadeed ee SL in wax lala qabsado,isagaa horay uqabay,waxaana ku diidanaa dad badan,gadaalse kasoo raacay. Hadalka uu Kismaayo ka jeediyay ma’ahan mid khaldan,sababtoo ah,wuxuu yiri….. “Halkii aan ka sugaynay Somali midowda oo isqaadata,waxaa nooga yimid Somali PL la diriraysa oo kala qaybinaysa sida wixii ka dhacay LC,taasi markay dhacday PL,waa sii fogaatay oo SL ayay ku dhawaatay aragti ahaan”. Macnaha hadalkiisu,waa in reer PL maanta ay dhextaal dood ah..( Ma noqonaa dal madaxbanaan mise mar baan holinaa qaran Somali mideeya raadintiis?. Dooda PL taala,waxaa dhaliyay fogaynta iyo nacaybka reer PL…

Read More

Farmaajo iyo Xasan,ayaa hor istaagay in Somaliya yeelato caasimad la tartanta kuwa caalamka oo sidaa umadaha kale ula fajacaan qurxdeeda. 13-kii sano ee udanbeeyay oo Adis ay horumarka samaynaysay,waxaa talada Villa Somaliya iskaga danbeeyay Xasan iyo Farmaajo,waana khasaariyeen dalka oo dib ayay uceliyeen 20-sano. Subixii Mw Shariif xilka uu ku wareejiyay Mw Xasan rajada soo kabashadu cirkay maraysay dadkuna hami sare ayay lahaayeen… 1.Dalkii oo Dastuur laysla ogol yahay yeeshay.2.Dalkii oo kmg ka baxay.3.Dalkii caasimadiisii oo AS laga saaray.4.Xamar oo ay bilaabatay in layskugu soo laabto. Waxaase ka danbeeyay…. 1.Dastuurkii laysla ogolaa oo lagu tuntay.2.Dalkii oo dib loogu celiyay kaligii…

Read More

Hir-shabelle,KG iyo Galmudug,waa diideen codsigii Xasan ee ahaa in waxuun sadaqo ah ay uga reebaan Lacagaha Kabida ee ay qaateen Laascaanood. Xasan awood uma leh in uu DG Lacagtiis la baxo ama wax ka reebo oo waxaa diidaya Baanka Aduunka. Xisaab khaldan ayay isku darsatay Beesha degta Sool Bari,waxaase ku baryay waa,waase ubaahnayd in ay aragto xaqiiqda ah in aysan xataa dhaqaale ahaan isbixin karin. Sidoo kale beesha degta Sool Bari,waxay ogaatay in aysan jiri karin cid awooda in ay biisho oo Bil walba $ 2-Milyan la dul taagnaan karta. Xaafiiska qurbajoogta ee ka furan LC ma noqon karo Isha…

Read More