Dib,ayuu saakay ufurmay Shirka oo xasaasiya. Shalay doodu,waxay ka bilaabatay mudo xileedka,waxaana dhexmaray dood ahayd… Dood dheer kadib Labada dhinac,waa isla soo dabceen,waxaana lays dhaafsaday aragtiyo. Maanta doodu,waxay ka bilaabanaysaa halkaas. Xasan,wuxuu danaynayaa in uu Hal Sano helo oo ku badasho in uu ka tanaasulo Dastuurka qodobada uu ka badalay iyo doorashada uu wato. Deni iyo Shariif,waxay taagan yihiin mudo xileedkaagu,waa dhamaaday mana lagugu darayo Hal maalin,waxaan ogol nahay 90-Cisho oo doorasho lagu qabto. Guusha ugu weyn ee la gaaray,waa in Beesha caalamku si cad uqirsan tahay in mudo xileedka Xasan ku eg yahay Jimcaha oo ay tahay ka hor…
Author: Jibril Qoobey.
Waxaa lawada hadlayay mudo Laba saac ah. Lama kala boodin oo jawi isfahan,ayaa jiray. Deni iyo Sh.Shariif,waxay miiska keeneen…. Xasan,wuxuu miiska keenay…. Berri,ayaa dib loo balamay.
Fariin cad,ayuu Maraykanku udiray Madaxweyne Xasan Shiikh. “Kaligaa ma go’aamin kartid nooca doorasho ee Somalidu qaadanayso,sida uu noqonayo fair ahaan lahjada uu isticmaalay ku simaha Safiirka Maraykanka ee Somaliya ” Halkaas,waxaa ku xirmay hanaanka doorasho ee Xasan diyaarsaday iyo qorshaha uu isku dubaritay . Sidoo kale doorasho beenaadka uu sheegtay in uu ka qabtay Xamar iyo Baydhabo,ayaa lagu diiday oo waxaa laga soo qaaday,waxaan waxba ka jirin. Sadex Waji gabax,ayuu Xasan la kulmay Sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay…. Sida muuqata Shirka Xalane ka qabsoomaya 13-ka Bidhan,ayaa Dalka lagu jihayn doonaa.
Shacabka Puntland saw uma cadaan siyaasadii Mw Deni ku hogaaminayay in ay miro dhashay? Maanta saw Dowlad Goboleedyadii Dalka PL ma matalayso oo Miiska masiirka kaligeed ma fariisanayso?. Maanta saw matalaadii Beesha Daarood Mw Deni kuma fadhiyo oo masiirkii ma go’aaminayo oo Xasan Slsiyaasiyiintii Daarood kala joogay ma noqon shaqaale Shirkad ushaqaynaya?. Afartii Sano ee lasoo dhaafay,wuxuu Mw Deni ka shaqaynayay in dib loosoo cesho maqaamkii sida fudud lagu wareejiyay ee PL,waxaana muuqata in uu guul ka keenay. Sadex Qodob,waa guul siyaasadeed oo Deni gaaray…… Kulankan,wuxuu Deni uyahay horumar siyaasadeed oo uu sameeyay oo ka turjumaya qab,qiyam iyo qadiyadii reer…
Madaxweyne Deni,ayaa ka dagay Muqdisho,kadib casuumad uu ka helay Diblomaasiyiinta shisheeye ee Xalane fadhiya. Maalinka Berri foog ah ee13-ka Bidhan ku beegan,ayuu kulanku Xalane ka furmayaa,wuxuuna soconayaa Hal Maalin,sida aan ka helnay Ilo muhiim ah. Albaabada,ayaa uxirnaan doona kulanka,waxaana martigelintiisa,qabsoomidiisa iyo dhexdhexaadintiisa iska leh Beesha caalamka. Waa Shirkii 10-ka Bisha ee Xasan lagu amray in uu fidiyo casuumadiisa oo lagala wareegay martigelintiisa iyo Ajandihiisa,kadib soo jeedin PL ka timid. Waxaa ka qaybgalaya….
Dekeda Bosaso saamayn la taaban karo kuma yeelan dagaalka Iran iyo cakirnaanshaha Marinka Hormus sida Dekeda Berbera. Sababta uusan dagaalkan saamayn ugu yeelan,waa Doonyaha oo ah Gaadiidka Badda ee isticmaala Dekeda Bosaso,halka Dekeda Berbera ay ubadan yihiin Maraakiibta. 80-100 Doonyood,ayaa Bishii yimaada Dekeda iyo ilaa 15- Markab. Doonyahaas isma dhimin imaanshahooda,waxaana haatan ku xiran ilaa Todobo,iyadoo in la mid ahna sugayaan dajin. Sidoo kale Maraakiib badeecooyin sida,ayaa taagan oo sugaya dajin. Markab qaaday 24-Kun oo Neef oo Xoolaha,ayaa ka anba baxay Maalin ka hor,waxaa kaloo Xalay ka dhoofay 60- Kun oo Neef Markab qaaday. Caawa,waxaa baxaya 20-kun oo Neef oo…
Qof ahaan iyo Beel ahaanba,waxaa ismuujiyay oo awoodooda banaanka soo dhigtay Beesha Murursade iyo siyaasigooda Khayre. Waxaa la oran karaa Khayre,waa Maxamed Qanyaraha xilligan ee Dayniile,wuxuu muujiyay baraha bulshada saamayn ka balaaran oo ka qoto dheer in uu leeyahay…… Waxaa fashilmay Wiilashii Hiraab haday ahaan lahayd kuwii Abgaal iyo kuwii Habar Gidir…. 1.Sh.Shariif. Maanta Xasan,ayaa kaga adkaaday banaanbixii oo qaawiyay,isla markaana muujiyay shacbiyad in aysan haysan. Siyaasiyiinta HG iyo AB,hal fursad baa u hartay oo waa 16-ka May talaabada ay qaadaan ee Xasan saamaynta ku yeelan karta.
Jamhuuriyadii Somaliya laysku oran jiray meel go’aamo siyaasadeed oo wax badali kara ay yaalaan,waa Sadex Madaxtooyo…. B. Hargaysa.T. Garowe.J. Xamar. Markii fahankaas laga soo tago PL,waxay qayb ka ahayd DF ee sii hoobanaysa,taasoo ubaahan usii toog hayn iyo ka diyaar garoobid dumisteeda kadib oo gudaheeda,ayay is diyaarinaysaa. Waxay kaloo PL ku xisaabtamaysaa xataa hadii lawada socdo in Somaliya oo qaranimo ka hanaqaadaa ay qaadanayso 20- 30 Sano oo danbe,ayna PL usii baahan tahay Ciidankeeda,dhaqaalaheeda iyo siyaasadeeda in ay gaar usii lahaato. Mida kale ee muhiimka ah,waa in shacabka PL ubaahan yihiin wakhti ay ugu diyaar garoobaan PL oo gaar unoqoto…
Berri,Xasan,ayaa noqon doona markay siyaasada timaado Hawiye Champion ama Mucaaradka Muqdisho,ayaa muruqooda Somalida tusi doona. Say hada sheegayaan Odoyaasha Mucaaradka Muqdisho,waxay diyaariyeen ku dhawaad 30- kun oo Qof oo ka qayb qaadanaya banaanbaxa awood muujinta Mucaaradka. Dhanka Xasan sida xoguhu sheegayaan 44-ta Isgoys ee amaanka xamar laga waardiyeeyo Ciidamo,ayuu dhigtay. Sidoo kale 24-kii saac ee udanbeeyay,wuxuu isku dayay in uu shacabka dajiyo,isagoo xataa sheegay in uu 12-kun oo Guri udiyaariyay dadkii uu barakiciyay. Isku soo wada duuboo Maalinka Berri foog ah,ayaa lakala baxayaa oo dhinac walba burhaantiisa la arki doonaa. Shirka BC sida hoose uwado ee qorshaysan in uu Xalane…
Mid ka mid ah ujeedooyinkii qarsoonaa ee loo qaaday hawlgalka ka dhanka ah Wadaadada Iran,ayaa hirgalay. Ujeedadaas,ayaa ahayd in la curyaamiyo kobaca dhaqaalaha Shiinaha. Qiimaynta ay sii daayeen kastamyada Shiinaha,ayaa sheegaysa in hoos udhac weyn uu ku dhacay soo dhoofsashada shidaalka ee shiinaha. “Hoos udhicii ugu weynaa soo dhoofsashada Tamarta Afartii Sano ee ugu danbeeyay,ayuu Shiinuhu wajahayaa,isagoo lumiyay 20%”. Hoos udhaca soo dhoofsashada Saliida ee Shiinaha,waxaa sababay dagaalka Iran iyo xirnaanshaha Marinka Hormus. Helida Tamarta markay ciriiri gasho,waxaa dhacaya….. 1.Kor ukac qiimaha Tamarta ku yimaada. 2.Kor ukacuna,wuxuu sababayaa nolosha oo qaaliyowda iyo in ay Warshaduhu shaqada yareeyaan. 3.Warshaduhu markay shaqada…
Xeerarkan lagu wareejiyay Wasaarada arimaha gudaha,waxay muhiim uyihiin nidaamka Dimuqraadiyada iyo doorasho Qof iyo Cod ah oo ka dhacda Puntland 2029. 1.Xeerka Doorashooyinka.2.Xeerka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda. 3.Wax-kabadelka Xeerka Diiwaan gelinta Codbiyaha. Gudiga doorashada,waa gutay waajibkiisa,waxay ku hartay Golaha Wasiirada iyo Golaha baarlamaanka.
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Farole), ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si loo xoojiyo nidaamka ruqsad-bixinta, diiwaangelinta, ilaalinta anshaxa xirfadeed iyo tayada adeegyada caafimaadka. Hoggaanka Guddiga: Xubnaha: Xoghayaha Guddiga: Guddigan wuxuu fulin doonaa waajibaadka diiwaangelinta xirfadlayaasha, bixinta ruqsadaha, ilaalinta anshaxa iyo hubinta tayada adeegyada caafimaadka. Magacaabistan waxay dhaqan galaysa marka uu Wasiirku saxiixo, wuuna saxiixay.
Argagixisada,waxaa ka haray haraadi Tobonaan ah qiyaastii,waxayna galeen Dhul 12-km oo isku wareeg ah ka kooban Godad ku yaalay. Geesaha,ayaa laga fariistay oo waa la go’doomiyay,kadib,waxaa la qorsheeyay in gadaal looga baxo si Godadka looga soo saaro,iyadoo khasaaraha soo gaaraya Ciidanka la koobayo. Qorshahaas,waa shaqeeyay oo haraagii argagixisada,waa kasoo baxeen Godadkii,waxaana laga faa’iday Istiraatijiyadaas…. Ciidamada difaaca Puntland,waxay ku qaadeen hawlgal ciribtir ah,iyagoo taageero cirka ah ka helaya Sxb-da caalamiga ah. Ilaa iyo hada khasaare baaxad leh,ayaa la gaarsiiyay haraaga argagixisada. Ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaaca Puntland,waxay mudan yihiin bogaadin iyo garab istaag.
Sadex qodob,ayaa muhiim u ah in ay Puntland gaarto Sanadkan 2026 inta ka dhiman. Sadexda qodob,ayaa kala ah…… Qodobadan si loo gaaro,waa in la dadajiyaa oo laga faa’idaystaa wakhtiga yar ee harsan.
Santuukha horumarinta Puntland,wuxuu marayaa dhismihiisu heer gabagaba ah,waxaana la shaacin doonaa Bisha Sagaalaad hadii rabi idimo. Afar waaxood,ayuu ka kooban yahay…… Waxaa maamulaya Gudi Sagaal xubnood ka kooban oo ka kala imaanaya…… Gudigaas oo shaqaynaya Sadex Sano,ayaa,waxaa kaloo hoos imaanaya Gudiyo hoosaadyo maamulaya Waaxyaha. Santuukha horumarinta PL qaab dhismeedka loo dhisayo ee gabagabada ah,waa mid aad usareeya oo laga taxadaray. Maalgelinta Santuukhan,waxaa iska kaashanaya Dowlada PL,ganacsatada iyo Deeq bixiyayaasha. Waa mid ka mid ah Tiirarka nidaam dhiska ee lagu gaari karo horumar oo PL ay ku talaabsatay.
Madaxweyne Deni,waa ku bogaadinayaa ku dhiirashada dhismaha Bankiga horumarinta iyo maalgashiga Puntland. Bankigan sida Madaxweynuhu sheegay dhawaan,ayaa la shaacinayaa oo lasoo gabagabaynayaa dhismihiisa. Agaasimaha Bankigan,waxaa magacaabaya Madaxweynaha. Muhiimad weyn,ayuu uleeyahay dhismihiisu Puntland oo wuxuu qaadanaya doorkii horumarinta iyo soo jiidashada maalgashiga… Bankigan oo magac uyaal ah,waxaa samaystay Xasan Shiikh oo udhiibtay Gabadhiisa,isla markaana Lacag loogu talagalay guud ahaan horumarinta Somaliya uleexsaday,isagoo ku dooday in uu ku dhisay Bankiga. Puntland in ay Banki horumarineed gaar uyeelato,waa lama huraan Deeq bixiyayaashu,waa soo dhaweeyeen talaabada Puntland.
Waxa Qoray: Abdifatah Abdinur Tan iyo markii Madaxweynaha Dowladda Puntland uu si rasmi ah u iclaamiyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada ISIS, isla markaana uu amray in si buuxda loo kasifeeyo dhammaan deegaannada Puntland, waxaa la qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo beddelay jihada amniga iyo xasilloonida guud. Hawlgalkii “Hilaac” oo ay si geesinimo leh u fuliyeen Ciidamada Difaaca Puntland ayaa noqday mid guul taariikhi ah horseeday, kadib markii lagu jabiyey firxadkii argagixisada ISIS ee ku dhuumaaleysanayey buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. Guusha hawlgalkan ma ahayn oo keliya mid militari, balse waxay dib u soo celisay kalsoonidii shacabka iyo…
Waxaan ku faraxsanahay in aan caawa xariga ka jarnay Garoonka Kubadda cagta ee Shuhaadada Stadium ee Boosaaso oo runtii ah riyo bulshada Boosaaso muddo sugeysay oo allaah inoo fududeeyay, caawa habeen weyn ayeey u tahay bulshada Boosaaso ee isu soo baxday , Farxada iyo damaashaadku waa miraha halgankii Calmiskaad iyo guushii Ciidankeenna geesiyaasha ah soo hooyeen sidaasi darteed ayaan garoonkana loogu xusay Shuhaadada Calmiskaad. Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo inaga taageertay dhismaha Garoonkan oo si casri ah u dhisan, sidoo kale dhammaan Masuuliyiintii iyo qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qeyb qaatay ayaan iyana boggaadinaynaa. Ugu danbeyn waxaa…
QM ayaa war kasoo saartay Gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku casuumay Madasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri” UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha muhiimka ah ee qaranka. Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybqaataan wada-hadallada, iyagoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad. Iyada oo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha kale, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya…
Bosaso,waxay ku jirtaa maalmaheedii wacnaa. Waxaa maalmahan kasoo degaya Laba wefti oo maqaam sare leh,kuwaasoo ka kala imaanaya QM iyo Maraykanka. Waxaa kaloo ka dhacaya Ciyaaraha Kubada Cagta ee Caasimadaha. Waxaa xariga laga jarayaa garoonkii Kubada Cagta oo si casri ah loo dhisay. Waxaa laga hirgeliyay Hotel Airport oo muhiimad leh. Waxaa laga hirgeliyay Beer qurux badan oo balaaran oo casri ah. Waxaa laga hirgeliyay Wadooyin muhiim ah. Amniga iyo maamulkii oo lagu sameeyay isbadal si habacsanaanta looga saaro. 60% awooda dhaqaalaha iyo Dadka ee PL,waa Bosaso,waana muhiim horumarkeeda.
Warqada Xasan soo saaray,waxaa ku khasbay BC oo kulankii ugu danbeeyay ee ay la yeelatay si cad ayay ugu sheegtay in laga rabo doorasho heshiis lagu yahay ka hor 15- May. Xasan oo raba in uu BC qanciyo ama u been guuro,ayaa Warqadan soo tuuray. Halkaas markay marayso,waxaa la gudboon Golaha mustaqbalka Laba qodob awgood in ay tagaan Shirka…. PL iyo JL,waxaa la gudboon in Madaxweynayaashoodu ay tagaan Xamar Laba sababood awgood….. Gogasha Xasan dhigay tagid ayay mudan tahay,iyadoo laga eegayo shaqada Diblomaasiyiinta shisheeye ay qabteen. Mw Deni mar in uu Xamar ku laabto,waa loo baahnaa,waana hada oo cadaadiskii siyaasiyiinta…
Halkan ka akhriso:-
Halkan ka akhriso:-
Siyaasiyiinta Muqdisho cadaadiskii loo baahnaa ayay sameeyeen,waxayna diyaarinayaan banaanbax balaaran oo lagu diidan yahay mudo dhaafka Xasan Shiikh. Banaanbaxaas,waxaa la qorsheeyay in uu qabsoomo 16-ka Bishan oo ku beegan maalin kadib mudo xileedka MadaxweynahaDowlada Fadaraalka. Banaanbaxaas,waxaa la diyaariyay Shacabkii ka qaybgeli lahaa iyo Ciidmadii amaankooda sugi lahaa.
Burcada halmar Badda ku dhaqaaqday,waxaa maalgelinaya Aaran-jaan oo Wakiil ka ah Turkiga iyo Xasan Shiikh,waxaana looga dan leeyahay….. Dowlada PL qorshahaas,waa la socotaa,waana laga hawlgalay…. Dadka Deegaanka Garacad,waxay saxiixeen Burcadaas hadii la dilo in aysan diyo lahayn,waxay dilaana iyaga loo ciqaabayo. Puntland,waa la diriraysaa cid walba oo amniga khatar ku ah haday noqon lahayd argagixiso,Bucad Badeed iyo danayste.
Ciidankii Booliska,waa dhisnay oo hada,wixii ka danbeeya sii hormarin joogta ah ma’ahane uma baahna isbadal asaasiya…. Maxaa noo harsan? Tayaynta Dowladnimada,waa halhayskii uu Mw Deni kusoo galay olalihii doorashada ( Tayayn iyo Tiigsi),waxaan uga fadhinaa in uu dhamaystiro 80% hiigsigaas.
Awoodii Milleteri ee Wadaadada Iran,waa la jabiyay 60%. Ishii Lacagta ay ka heli jireen ee ahayd Saliida,waa la cunaqabateeyay oo wax ganacsi ah ma geli karaan mana kasoo bixi karaan Dekadahooda. Waxa hada socda oo harsan,waa in ay aqbalaan heshiis ka kooban…… Dhankooda in ay helaan…. Ugu danbayn,waxaa la gaari doonaa heshiis rasmi ah. Trump shaqadii loo doortay 80% waa qabtay…..
480-Askari oo utababaran sidii Milleteriga oo ku qalabaysan Gaadiid Gaashaaman,Hoobiyayaal,Jabshe,BKM iyo Qalabka kale oo muhiim ah,ayaa si adag loogu tababaray Ciiidanka Booliska Puntland. Waa Ciidan ka hawlgalaya…. Waa Laba Urur oo fadhigoodu noqonayo… 3.Fadhigooda 3-Aad,waa Galkacyo. Waxaa loo magacaabayaa Talye ugaar ah oo hoos taga Talyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Macnaha Ciidankan,waa S.W.A.T. oo kale,waxaana magacooda rasmiga ah yahay Puntland Police Force,( PPF).
Reer Sanaag,waxay ka mahadceliyeen waxqabadka Dowlada ee Gobolka sida…. Waxay codsadeen…. Dilkii Caaqilka? Dowlada PL,waxay markale ucadaysay Qoyskii iyo guud ahaan reer Sanaag in aysan qayb ka ahayn garaacistii lagu dilay,markay dabagashayna Dowlada Maraykanku qiratay oo si cad ugu sheegtay in iyadu dishay ayna fasax uga haysatay Dowlada Fadaraalka Somaliya. Qoyskii,waxgaradkii iyo Dowlada PL,waxay isla qaateen in dilka Caaqilka xogtiisa laga rabo DFS ee fasaxday oo wax ka ogayd. Majirin cabasho kale oo Deegaanka ka timid,waxayna reer Sanaag muujiyeen Dowladnimo iyo Puntlandernimo aan gorgortan lahayn.
Maqaam sare oo karaamo wata,ayaa lagu soo dhaweeyay Boqorka Aduunka xorta ah King Charles. Maraykanka oo aan ukala harin soo dhaweyntiisa,ayaa muujiyay xushmad iyo qadarin aan caadi ahayn. Booqasahada Boqorka,waxay kusoo beegantay xuska 250 guuradii kasoo wareegtay Maalinkii Xoriyada la siiyay Maraykanka iyo 25 guuradii weerarkii 9/11. 1991 ayay Hooyadii Queen Elizabeth booqashadan oo kale ku timid Maraykanka. Markaad daawato sida loo karaamaynayo,waxaa ogaanaysaa in Labada Wadan uu ka dhaxeeyo xiriir dhalasho,Diimeed,Dhaqan marka siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha laga soo tago. Booqashadan,waxay aduunka tustay si walba oo Maraykanka iyo Uk ay ugu kala aragti duwanaadaan siyaasadaha qaarkood hadana in ah jiraan wax…
The United Arab Emirates, OPEC’s 3rd largest oil producer, announced it will leave OPEC and OPEC+ The move would free the UAE from cartel production quotas, allowing it to pump oil at full capacity, set its own export strategy and price crude without group restrictions. That could pave the way for higher UAE output, stronger state revenues and downward pressure on global oil prices. Lower prices and increased supply would likely be welcomed by President Trump, who has long criticized OPEC production limits and called for cheaper energy. UAE VS OPEC? Iran attacked UAE for weeks. Hormuz got blocked. UAE’s…
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,ayaa sheegay Iiraan ay ‘’hadda nagu soo wargalisay inay ku sugan tahay xaalad ‘’Dowlad burbur ah’’ Trump,ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay doonayso in Maraykanka uu furo marinka Hormus sida ugu dhakhsiiyaha badan,iyaga oo isku dayaya xallinta xaaladooda hoggaamin. Trump,ayaa sheegay inuu aaminsan yahya inay wax dhacayaan Iran. Iran weli wax falcelin ah oo la xiriirta hadalka Truml ma soo saarin.
Galkacyo, 28 Abriil 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maalmahan waday dadaallo isdaba joog ah oo la xiriira nabadaynta beelaha Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shikhaal), kuwaas oo horey ula kulantay si gooni-gooni ah 23 iyo 27 Abriil 2026. Iyadoo kulamada uu goob-joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Abdiweli Jibriil Bayle.Kulamada la-tashiga ah ee ay beeluhu isku arkeen ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda soo jiitamaysay tan iyo 2023, taas oo marar badan soo noqnoqotay isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh. Wasaaradda iyo maamulka gobolka ayaa si wadajir ah…
Go’aankan,ayaa Imaaraadka banaanka ka dhigaya heshiiska cayimida wax-soo-saarka ee Ururka (Cartel).wuxuuna umadax banaan doonaa,wixii ka danbeeya 1-da May cadadka Saliideed ee uu saarayo,qiimaha uu ku iibinayo iyo guud ahaan qorshayaashiisa Saliideed. Imaaraadku,waa Wadanka Sadexaad ee wax soo saarka Saliida ee Wadamada ku jira OPEC. Go’aankan,wuxuu sababi karaa in Imaaraadku dakhli fiican ka helo iibka Saliidiisa iyo in uu qayb ka qaato jabinta Sicirka Saliida ee cirka isku shareeray kadib dagaaalka Iran. Maxaa sababay carada Imaaraadka? Imaaraadku,wuxuu ka caraysan yahay in Wadamada xubnaha ka ah OPEC ay ka gaabsadeen weeraradii Wadaadada Iran ay Dalkiisa kusoo qaadeen. Sidoo kale xirnaanshaha Marinka Hormus…
Mashruucan,waxaa maalgelinaya Baanka Aduunka,waxaana loogu talagalay horumarinta Dowlada Hoose ee Dhulka Somalida. Mashruucan,ayaa ku kacaya $35 Milyan,waxaana loo kala helay sida tan…… Lacagtan,waxaa toos loogu shubayaa Dowlad Goboleedyada marka ay soo gudbiyaan,waxa ay u isticmaalayaan,waxaana Baanka Aduunku wakiilan doonaa mid ka mid ah hay’adaha ka hawlgalka halkaas. Dowlada Fadaraalka kaliya,waxay ku lahayd ogaysiin Lacagtan iyo mashruucan fulintiisa,waana inta Maanta dhacday oo ku kooban sawirkaas.
Midowga Yurub,ayaa go’aansaday in ay hirgelinayaan nidaamka wax iibsiga badeecadaha lagu sameeyay gudaha Yurub. Shiinaha,ayaa ugu hanjabay Midowgo Yurub in uu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah, haddii ay dhaqangeliyaan sharciga mudnaanta siinaya wax soosaarka gudaha Yurub oo meesha ka saaraya soo dhoofsashada dibadda. In ka badan $300 bilyan oo Sannad walba uu Shiinaha ka faa’ido suuqyada Yurub,ayuu waayi doonaa hadii go’aankan hirgalo. Shiinaha,ayaa Midowga Yurub ku eedeeyay in ah baabi’inayaan siyaasadda suuqa xorta ah ee caalamka. Midowga Yurub,ayaa raba in uu ka baxo qandaraasyadii ay kula jireen Shiinaha, waxayna taa beddelkeeda u aqoonsanayaan Warshadaha Turkiga in ay yihiin wax soosaar…
Badhan : 27 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, kuwaas oo lagu tababarayo xerada tababarka Ciidanka ee Jen. Giriin ee magaalada Badhan. Madaxweynuhu wuxuu xusay in Dowladda Puntland isku filan tahay dhinac kasta oo amniga la xiriira, isla markaana Ciidankeennu tusaale u noqday dalal badan, kadib markii la arkay sida ay u burburiyeen cadowga Daacish ee adduunku muddada dheer la tacaalayay. Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, xubno ka…
Badhan: 27 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Sanaag oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubni ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta DPL, Saraakiisha Qeybta Booliska gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo kusoo gaaray degmada badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa booqasho ugu tegay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire. Weftiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Dowladda Puntland. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdille,waa Labada Isin ee Caano shubka Ugaaska Murursade uga baaqday Xasan in uusan helin fursad uu iskula sawiro. Suldaan Siciid,waxaa uga macno badatay aadistii Xamar kusoo dhaweynta Badhan Madaxweynaha Puntland.
Tiro ahaan iyo tayo ahaanba Ciidanka Booliska Puntland,waa istaagay oo wuxuu gaaray halkii lagu haminayay. Tiro ahaan? 3500-Askari,ayuu horay u ahaa,halka lagu daray 1000-Askari oo cusub,waana 4500-Askari Maanta. Ku dhawaad 800- Askari,waa saraakiil soo jireen ah iyo xirfadlayaal. Tayada? 2500-Askari,dib,ayaa loo diyaarshay.2000-Askari,hada ayay ku socotaa. Qalabka iyo Gaadiidka Ciidanka kor,ayaa loo qaaday Sanadkii ugu danbeeyay. Bishan 25- keeda,waxaa tababar usoo xirmayaa Laba Urur oo loo tababaray si gaar ah la dagaallanka argagixisada,amniga Wadooyinka iyo rabshadaha. Ururadaas,waxay ku qalabaysan yihiin Gaadiid dagaal oo ku dhow 40-Gaari. Sidoo kale,waxaa tababar loo dirayaa 175-Sarkaal…. Saraakiishan,waxaa la qaadayaa Bisha Shanaad ilaa Bisha Sidaad ee…
30-sano ka hor,waxaan dib ugu soo laabanay Dhulkii gaariwaa la oran jiray ee Awoowayaasheen. Kama jirin Nolol macno leh oo Dadkiisii Xamar buu camirtay. Malahayn,Wadooyin.Malahayn Garoomo Diyaaradeed.Malahayn Waxbarasho.Malahayn Caafimaad.Malahayn Koronto.Malahayn Biyo macaan.Malahayn isgaarsiin. Waxa kaliya ee ka jiray Dhulkaas,waxay ahayd Hal Deked oo yar. Hardan iyo dadaal dheer kadib Dhulkii noocaas ahaa,waxaan ubadalnay Barwaaqo sooran leh…. 1.Adeeg Waxbarasho oo fiican.2.Adeeg Caafimaad oo fiican.3.Adeeg isgaarsiin oo fiican.4.Wadooyin.5.Garoomo Diyaaradeed.6.Dekedo.7.Adeeg Koronto.8.Adeeg Biyo macaan.9.Hotelo casriya.10.Adeeg hay’ado amni oo xoogan. Heerka nololeed ee Bulshadeenu 65% Boqolkiiba waa darajada heerka Dhexe ee nololeed. Halka 15% wax haysigoodu sareeyo,20 % ay fakhri tahay. Aragtiyadu waxay ahayd Somaliyada…
Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan ixtimaalka roobabka laga filayo deegaannada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo hooseeya ixtimaal ahaan. 📍Magaalooyinka ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Goldogob, Garoowe, Taleex, Xudun, Ceerigaabo, Laasqoray, Laascaanood, Ufayn, iyo Baargaal ayaa la filayaa inay helaan roobab u dhexeeya qiyaastii 10–50 mm. ⚠️ Maadaama roobabka la saadaaliyay ay yihiin kuwo xaddidan oo aan si buuxda u dabooli karin baahiyaha biyaha ee deegaanka, waxaan bulshada ku baraarujinaynaa in la muujiyo feejignaan isla markaana la sameeyo qorshayn hore oo ku aaddan isticmaalka biyaha. 🌦️ Waa muhiim in la ogaado in saadaashan roobka ay isbeddeli…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa habeenimadii xalay laga saaray goob ay casho sharaf ku lahaayeen isaga iyo Warbaahintu, kadib markii rasaas tiro badan laga ridey banaanka Hoteelka Washigton Hilton oo ahayd meesha casho sharaftu ka dhacaysay. Muuqaalo laga duubtay goobtaasi ayaa muujinaya dhawaaq iyo sawaxan ka bilaabmay hoolka iyo banaankiisa, iyada oo ciidamada amaanku garbaha qabanayaan Trump isla markaana goobta ka saarayaan. Dhacdada kadib, Donald Trump ayaa sheegay iney nabad qabaan isaga iyo Marwada koobaad iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi, isagoo u mahad celiyay booliska iyo ciidamada amaanka. Hay’adda Secret Service ayaa sheegtay in rasaastu ka dhacday meel lagu hubinayay…
Xaqiiiqdii,waa guul weyn oo laga gaaray horumarinta Waxbarashada PL dhismaha Gudiga Tacliinta Sare. Sadex arimood,ayaa mudnaan leh….. Wasaaradu,waxay wadaa qorshe gabagabo ku dhow oo macno leh,kaasoo ay kula wareegayso Iskoolada iyo Jaamacadaha qaarkood ,kuwaasoo kala ah… B. Jaamacada PSU.T. PUST.J. Kulliyada Macalimiinta.X. Dugsiga Cumar Samatar.Kh.Dugsiga Ganbool.D. Bosaso Puplic School. Iskuulladan iyo Jaamacadahan sababta Dowladu ula wareegayso,waa Sadex ujeedo oo kala ah…… B. In ay bixiso dhaqaalaha ku baxa. T. In Kulliyadaha aqoontoodu dalka ay muhiimad uleedahay lagu soo kordhiyo. J. In Kulliyadaha Gobollada loo qaybiyo oo Deegaan walba Kulliyada ku haboon la geeyo. Hadafka guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ay…
Garowe : 19 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 15 kuna saabsan magacaabid Guddiga Tacliinta Sarre ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Xeerka Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Markuu arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Tacliinta Sare eeDowladda Puntland Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo TacliintaSare ee Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey:(Magacaabid Xubnaha Guddiga) Waxaa Xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, kuwaas oo kala ah:- -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Garowe : 19 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 oo Ku saabsan magacaabida Taliyaha iyo Taliye – Ku- xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Baahida loo qabo magacaabidda Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanimo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey:- -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –
Taliyayaal xilalka laga qaaday
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay Maxkamada Sare iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus. Qodobka 1-aad(Dhismaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada) Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus Qodobka 2-aad (Dhismaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada) Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
Trump,wuxuu ku dhow yahay waxa uu ka rabo Wadaadada Iran in uu ku gaaro cadaadiska Milleteri iyo kan diblomaasi. Wadaadadu,waxay aqbaleen qodobo muhiim ah oo Maraykanku watay,iyagoo dhankooda ku badalanaya arimo muhiim u ah iyaga. In lays fahmo,ayay dani ugu jirtaa Labada dhinac,waxaana Wadaadada uwanaagsan in ay la Sxbaan Maraykanka halkii ay cadow ka dhigan lahaayeen,waxayna helayaan……. Haday sii wadaan sharaysiga Maraykanka,waxay ku danbaynayaan burbur,sababtoo ah,waxay Wadamada caalamku ku dadaalaan in aysan Maraykan cadow iyo Sxb rasmi ah midna ka dhigan oo kaliya sharkiisa ay ka badbaadaan.
Mid ka mid ah ujeedada Maraykanku uqaaday hawlgalka ka dhanka ah Wadaadada Iran,ayuu gaaray,kaasoo ah…. In Tamarta kaliya ee uharsanayd Shiinaha ee ka madaxbanaanayd Maraykanka la joojiyo. 90% Saliida Iran,waxay aadaysay Shiinaha oo waliba looga iibinayay qiimo dhimis gaaraysa $10 Fuustadii. Saliida Iran,wuxuu Maraykanku ka qorshaystay Laba qodob oo kala ah… Qodobka hore ee xanimaada ah,ayuu ku guulaystay oo Maraakiibtii Saliida uqaadaysay Shiinaha,ayuu Maraykanku si cad u hor istaagay,isagoo fasaxay guud ahaan Maraakiibtii kale ee ganacsiga caalamka. Shiine,waxay uga jawaabeen xanibaada Maraykanka in ay Warqad uqoraan Trump,taasoo ay ku aqbaleen in ay joojinayaan taageerada qarsoon ee ay siinayaan Wadaadada Iran.…
Shiine saamaynta uu ku leeyahay Somaliya aad ayay u kooban tahay. Kal hore,waxaa baajiyay booqasho uu Xamar ku imaan lahaa Wasiirka arimaha dibada Shiinaha arimo amni dartood. Maalin ka hor,waxaa yimid ergay ka socda Shiinaha Xamar. Ujeedka imaanshiisa,waxaa lagu sheegay kala xaajoodka Somalida Sadex qodob oo kala ah….. Yoolka ugu weyn ee Shiinaha,waa in uu galaangal ku yeesho Somaliya,balse,waxaa caqabad ku ah dhawr arimood…… B. Maraykanka oo ka ilaaliya saamayn in uu ku yeesho Somaliya,ayaa haysta dagaalka argagixisada oo fursadaas xirtay. T. Maalgashigii iyo dhismihii kaabayaasha dhaqaalaha oo ay xirtern Turki iyo Imaaraad oo Maraykan kusii xiran oo fursadaas ma…
Boqol iyo Afar oo iskugu jira Xildhibaano iyo Senetero Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya ee wakhtigu ka dhamaaday,ayaa si cad usheegay in mudo xiloodkoodii ku ekaa 14- ka April.
In uu qabto Shir looga xaajoonayo doorasho laysla ogol yahay intaan wakhtigu ka dhamaan,ayay PL usheegtay Xasan Shiikha haysta mudo sharciyeedka 30- ka Casho ah. Waa fursad iyo tilmaan ay PL siisay haduu ka faa’idaysanayo,waxaana ufuran in uu cayimo Shir looga xaajoonayo doorashada oo dhexmara PL,JL iyo DF. Dalkan wax haysta mudo xileed sharciyad leh oo go’aamo siyaasadeed soo saari kara,waxaa jira Maanta PL,JL iyo Villa Somaliyada 30- ka casho uharsan tahay. Hadii uu fahmo ishaarada PL siisay Xasan,waa badbaadayaa hadiise uu fahmi waayo oo isa sii adkeeyo,wuxuu gaari doonaa xilli,isagoo taagan laga tashto doorashada ama uu la maqaam noqdo…
Joojinta dagaalka Lubnaan iyo Israa’iil Trump,waxay utahay diblomaasiyad wanaagsan oo uu hirgeliyay. Labada hogaamiye ee Israa’iil iyo Lumnaan,ayuu ku casumay Aqalka Cad si ay ugu wada hadlaan. Wadamadan,ayaan yeelan wadaxaajood macno leh tan iyo 1983-dii,waxaana la filayaa in uu kulankoodu noqdo mid macno leh oo kusoo aaday xilli xasaasiya. Sii socoshada dagaalka,wuxuu fursad siinayay Xisbullaah,wuxuuna kicinayay shucuubta Carabta ee Gobolka. Sidoo kale dhabarjab siyaasadeed,ayuu ku ahaa xulufada Maraykanka ee Gobolka. Israa’iil in ay aqbasho 10 Beri oo Xabad joojin ah xilligan,waa udiyaar oo shaqadii ay rabtay way ka qabsatay Xisbullaah.
The government of the self-declared Republic of Somaliland has rejected what it described as “misleading claims” by the Federal Government of Somalia regarding its diplomatic engagement with Israel, insisting that its foreign relations are a matter of sovereign authority. In a statement issued on Wednesday, Somaliland said the assertions by Mogadishu are “unfounded in law, inaccurate in history, and lack factual basis,” dismissing Somalia’s position as having no legal standing to comment on or interfere in its bilateral relations. The statement reiterated Somaliland’s longstanding claim to sovereignty, noting that it attained independence on 26 June 1960 and was recognized internationally…
Israa’iil,waxay usoo magacowday Safiir cusub Somaliland,kaasoo ah diblomaasi rugcadaa ah oo kasoo shaqeeyay Wadamada Tansaaniya iyo Sishelis. Waa dhaqaaq diblomaasiyadeed oo weyn,si gaar ah SL,wuxuu uyahay dhaqaaqan mid nacno weyn ugu fadhiya. Israa’iil, waa Wadankii ugu horeeyay ee aqoonsi siiya SL 40 sano kadib markay ku dhawaaqday in ay tahay Jamhuuriyad madaxbanaan.
Kulankii Shalay dhexmaray Wasiirada Xasan Shiikh iyo Wakiilada BC,waxaa lagu waydiiyay Hal Qodob oo ahaa….. Maxaad haysaan qorshe? Waxay ku jawaabeen Wasiirada Xasan…… “Anaga,waxaa wax nala leh PL iyo JL oo haysta mudo xileed sharciya oo siyaasadeed,mucaaradka kale,waa Dad Kursi doon ah,balse aan haysan awood sharci,waana tixgelinay oo waa dhagaysanay”. Iyagoo hadalkooda sii wata Wasiirada Xasan ayay yiraahdeen…. ” PL iyo JL,waxaan ka sugaynaa aragtidooda doorashada qaran,waxaan anagu hada sii wadnaa,waa midii hoose oo Dimuqraadi ah”. Wakiilada BC,waxay ugu jawaab celiyeen….. “Halkan,waxaan ujoognaa ka shaqaynta deganaanshaha siyaasadeed ee Somaliya mana rabno in xaaladu qasanto,waxaan idinka filaynaa ka hor 15- ka…
Xiritaanka Marinka Hurmus,wuxuu toos usaamaynaya dhaqaalaha Shiinaha in ka badan Wadaadada Iran. Trump,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka xiray Maraakiibta soo galaya iyo kuwa kasoo baxaya Marinka Hormus. Ujeedka Trump uu xayiraada usaaray Hormus,waa in in shuruud la’aan ay Wadaadadu aqbalaan furitaanka Marinka. Wuxuuna rabaa in ay ka dhalato Laba qodob oo kala ah…… Waa talaabo Maraykanka sumcad xumo ku ah oo ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah,waxayna umuuqanaysaa in uu Maraykanku noqday qayra masuul.
Addis Abeba — The U.S. Central Command (CENTCOM) has announced it will begin enforcing a maritime blockade on all traffic entering and exiting Iranian ports starting April 13 at 10:00 a.m. ET, in line with a directive issued by U.S. President Donald Trump. In a statement released an hour ago, #CENTCOM said the blockade would be applied “impartially” to vessels of all nations operating in and out of Iranian ports and coastal areas, including along the Arabian Gulf and the Gulf of Oman. The command, however, said U.S. forces would not interfere with freedom of navigation for vessels transiting the…
Bartamaha iyo Koonfurta oo aan udiyaarsanayn in ay Dowlad noqdaan,ayaan ku dhufanay Irbad foolkululaysa ah…… 1.Waxaan abaabulnay dhismaha DF oo Somali yeelato,waa ku guulaysanay 7-Shir kadib. 3.Waxaan u istaagnay oo si ka balaaran Somalida kale xil iskaga saarnay in ay yeelato Dowladaas Dastuur,waa na yeelatay. B.Maamulkii Hawada( Somali Civil Aviation).T.Maamulkii hay’ada socdaalka.(Imgration-ka)J.Maamulkii Deeqaha caalamka.(New Deal). B.Midaynta siyaasada amniga ( Dhismaha Ciidan Qaran). T. Midaynta siyaasada dhaqaalaha (Midaynta Canshuuraha iyo miisaaniyadaha). Balse nasiibdaro dadaalkayagaas hadaan nahay reer Puntland,waxaa loolan ku ahaa burburin guulaha la gaaray,kaasoo ka imaanayay Somalidii kale oo u arkay shaqada dhismaha Qaran ee socota wax reer PL gaar…