Author: Jibril Qoobey.

Villa Somaliya,ayaa ku amartay in dib loo soo celiyo diyaarad sidday qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka,kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Diyaarada Daallo Airlines dib uga noqotay Garoonka Diyaaradaha Garowe 10 daqiiqo ka hor inta aysan caga dhigan. Xasan,waxaa la oran karaa Xabad siyaasadeed,ayuu Madaxa iskaga dhuftay oo loolankii looga soo horjeeday,ayuu Basiin kusii shubay. Si kale hadii loo yiraahdo,waxaa Xasan ugu afduuban Garoonka Aadan-cade 100 Qof shacab ah iyo 20-Xildhibaan.

Read More

Ku: Xubnaha Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kumetala Dowladda Puntland Ujeeddo: Casumaad Shir Wadatashi Xildhibaanada sharafta leh, Iyadoo laga duulaya xaaladda cakiran ee siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan idinku casumaynaa kulan wadatashi oo aan kaga wada arrinsan doono wixii laga yeeli lahaa xaaladda ka sii daraysa ee sharci iyo siyaasadeed ee hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanku wuxuu ka dhacayaa Caasumadda Dowladda Puntland ee Garowe, Maalinta Isniinta ah 2-da Bisha Maarso 2026 haddii Alle idmo. Ka soo qaybgal wacan, Waxaa saxiixay,Siciid Cabdullaahi DeniMadaxweynaha Dowladda Puntland. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Geeridiisu,waxay ka turjumaysaa diciifnimada Ciidamada ilaalada Kacaanka oo ah kuwa ugu awooda badan,isla markaana shaqadoodu tahay ilaalinta Kacaanka. Sidoo kale,waxay muujinaysaa sirdoonka Iran siduu dhulka uyaalo oo looga dhex adeegtay. Waxay guul weyn oo ay ka gaareen hawlgalka utahay Maraykanka iyo Israa’iil maalintii 1-Aad ee hawlgalka ka dhanka ah Wadaada Iran. Sidoo kale geeridiisu xiliga ay kusoo beegantay iyo sida fudud ee loo dilay,waxay keeni kartaa….. Waa war uweyn Maraykanka iyo Israa’iil geerida hogaamiyaha sare maalintii koobaad ee dagaalka. Waa war dhabarjab ku ah Kacaanka 50-ka Sano soo talinayay iyo khasaarihii ugu weynaa ee uu la kulmo Kacaanka Iran. Geerida…

Read More

Liiska Saraakiisha Sare ee Iran ee la sheegay in lagu dilay Duqeymaha Mareykanka iyo Israel,ayaa kala ah…….. Sida muuqata 90% Madaxdii sare ee Kacaanka Iran ee bartilmaameedka u ahaa Maraykanka iyo Israa’iil,waa la khaarajiyay. Sida xoguhu sheegayaan,waxay ubadan tahay in lagu helay Guri ku yaal Wadnaha Caasimada Tehran oo ay ku shirayeen Shalay.

Read More

Sidii la filayay Iran,waxay weeraro jawaab u ah weerarada Maraykanka-Israa’iil ku qaaday Afar Wadan oo Carbeed iyo Israa’iil oo kala ah….. Saldhiga Ciidamada Cirka Israa’iil. Saldhiga Cirka Maraykanka ee Alcudayda Qatar. Saldhiga Maraykanka ee Kuwayd. Saldhiga Cirka Maraykanka ee Al Dhafra ee Imaaraadka Carabta. Saldhiga 5-Aad ee Maraakiibta Maraykanka ee Baxrayn. Jawaabtan,waa laga filayay Iran,sababtoo ah,waxay haysataa Kumaanan Kun oo Ganaatalada Balaastikada ah.

Read More

Hal Qof oo shacab ah,ayaa ku naf waayay Gantaalada Iran ay ku tuurtay Imaraadka Carabta. Sidoo kale,waxaa jira khasaare burbur hantiyadeed ah. Dowlada Imaaraadka Carabtu,waxay sheegtay in lagu soo xadgudbay qaranimadeeda oo ay isdifaacayso. Weerarada Iran ku ekaysiisay Wadamada Carabta,wuxuu hiil uyahay Maraykanka-Israa’iil oo waxaa kala jabaya aragtida caalamka Islaamka ee dagaalkan. Dagaalku hada,waa ka gudbay sida ay Dadka caadiga ah ee Islaamku u arkayeen ee ahayd in uu yahay mid udhaxeeya Gaalo iyo Islaam. Haatan dagaalku,waa mid udhaxeeya Muslimiinta Sunniga ah-xulufadooda iyo Shiicada reer Iran.

Read More

The Ministry of Defence (MoD) announced that the UAE today was subjected to a blatant attack involving Iranian ballistic missiles, noting that UAE air defence systems dealt with the missiles with high efficiency and successfully intercepted a number of missiles. Authorities in the UAE also handled the fall of some missile debris in a residential area which resulted in some material damage. The fallen debris also resulted in one civilian death of an asian nationality. The authorities confirmed that the security situation in the UAE remains stable and that all concerned entities are monitoring developments around the clock. The Ministry…

Read More

Trump,ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Maraykanka waxyar ka hor ay bilaabeen dagaal ka dhan ah Iran oo ay ku difaacayaan amniga muwaadiniinta,danaha Maraykanka iyo xulafadooda. “Nidaam khatar kusoo ahaa danaha Maraykanka ee Gobolka 47-sano in meesha laga saarayo,ayaa Trump hadalkiisa xigmadiisu kusoo ururaysaa”. Si cad,ayuu Trump fariin ugu diray Shacabka iyo Ciidanka Iran in ay iska tuuraan Wadaada oo ay ka hor yimaadaan ayna bilaabaan Kacdoon isbadal keena. Markii si dhexdhexaad ah loo qiimeeyo oo laga fogaado nooc walba oo caadifad ah lagana duulo danaha istiraatijiyadeed ee wax lagu saleeyo Trump xisaabtu kama khaldana. Iran,waa quwad Gobolka Bariga dhexe ah…

Read More

Waxay umuuqataa in dagaalkii Maraykanka/Israa’iil oo dhinac ah iyo Iran uu u bilowday si rasmi ah. Weerarada,waxaa toos ugu biiray Maraykanka,waxaana Gantaaladu ku hoobanayaan gudaha Iran. Wasaarada dagaalka Maraykanku masoo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka. Maraykanku,waa ku khasban yahay in uu dagaal la galo Iran marka laga duulayo qorshihiisa amni,siyaasadeed iyo dhaqaale ee Bariga dhexe. Iran oo uu Gacanta ugalay Hubka khatarta ah ee Niyukleerka intuu Marayjanku la macmiili lahaa,waxaa ugu istiraatiijisan Iran oo aan weli helin in uu wajaho. Mudo dheer oo Iran lagula jiray dagaal cunaqabatayn ah,waa lagu guulaysan waayay in 100% laga hor istaago…

Read More

Weerar hordhac u ah hawlgalka balaaran ee Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Wadaada Iran,ayay qaadeen Ciidamada Israa’iil. Marka la qiimeeyo diyaar garowga socday,waa la filayay in 48 saac gudahood dagaalku qarxi karo. Iran oo haysata Gantaalo culus oo fara badan,waxay khasaare baaxad leh gaarsiin doontaa Dhulka Israa’iil iyo Wadamada Carabta ee Maraykanku ku leeyahay saldhigyada Milleteri. Sidoo kale,waxay xiri doonta marinka Badeedka muhiimka u ah qulqulka Shidaalka aduunka,taasoo dhaqaalaha caalamka saamayn ku yeelan doonta. Balse ugu danbayn Iran awood uma yeelan doonto haday dagaalkan gasho in ay si kama danbays ah isku difaacdo,waxaana dhici doonta….. Wadaadu masii jiri…

Read More

Maraykanka iyo Israa’iil,ayaa la sadaalinayaa in ay bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Iran 48-saac gudahood. Mareykanka,ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Israa’iil iyo Iran. Sidoo kale Mareykanka,ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa in ay ugu danbayn maanta ay ka baxaan Israa’iil oo ay raacaan duulimaadyada ugu danbeeya. Shaqaalaha Safaarada Maraykanka,ayaa laga daad gureynayaa magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq. Markabka USS Gerald R. Ford ee xambaara diyaaradaha,ayaa soo gaaray Xeebaha Israa’iil. Ciidamada Cirka ah ee Maraykanka,ayaa hadda taagan Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ben Gurion,waxaa diyaar ku ah Agab Milleteri oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Maraykanka. Boqollaal Askari oo kaydka Ciidamada kaydka…

Read More

Khudbadii Jamhuuriyada,ayuu jeediyay Madaxweyne Deni,wuxuuna buuxiyay doorkii Madaxweynaha Qaranka,isagoo muujiyay awood iyo in uu yahay hogaamiye hogaamin kara Wadanka. Khudbadan,waa xog waran iyo soo gudbin xogtii laga ogaaday dadadaaladii lasoo waday Todobaadyadii ugu danbeeyay ee badbaadinta Dowladnimada Somaliyed. Waa khudbad hogatusaalayn wadata iyo dardaaran ku fadhiya waaqaca. Khudbadan,waxaa la oran karaa,waa khudbad Shacabka Somaliyed loogu soo gudbiyay Mw Xasan Shiikh,hab dhaqankiisa,hab fikirkiisa,rabitaankiisa iyo ujeedooyinkiisa. Waa khudbad sagootin Muqdisho ah iyo gunaanadka dadaaladii lasoo waday Labadii Todobaad ee ugu danbeeyay. Khudbad macno leh,ayuu ujeediyay Madaxweyne Deni Shacabka Somaliyed.

Read More

Waxaan daawaday maalin dhawayd xil wareejin ka dhacday Wakaalada Biyaha Hargaysa. Arimaha isoo jiitay,waxaa ka mid ahaa Qalabka la wareejiyay ee qiimaha lahaa oo Wakaaladaas ay haysato. Sidoo kale Shaybaar tayadiisu sarayso oo qaaliya,kaasoo ay ka faa’idaystaan Deegaamo ka baxsan SL. Markaan usoo laabto Wakaalada Biyaha PL halkee ayay xaaladeedu maraysaa? 1.Waa Wakaalad leh dhaqaale oo guud ahaan PL Shirkadaha Biyaha,waxay ku leedahay 50% dhaqaalaha soo gala. 2.Waxay taageero ka ceshaa Hay’adaha caalamiga ah. 3.Waxaa Miisaaniyad ay ku leedahay Miisaaniyada guud ee PL. Maxaa la haray? 1.Hogaan xumo oo waxay Gacanta ugashay Dad aan uqalmin maaraynteeda. 2.Musuq baahsan. Tusaale? B.Sadex…

Read More

Garoonka diyaaradaha Jen.Maxamed Abshir ee caasimada Garowe ma noqon karo Deked qalalan oo reer Faroole uxiran. Xilligii Mw Gaas,ayuu Khadar Faroole keenay Shirkad ka diiwaangashan Hong Kong oo ka dhaxaysa Erik iyo Nin Shiinays ah. Shirkadaas,waxaa lagu wareejiyay Maamulka garoonka,waxaana heshiiska qayb ka ahaa in ay dhaqaale geliso oo casriyayso…. 1.In ay dhisto Terminal cusub.2.In ay Runwayga balaariso. Dhamaan qodobadaas mid kama fulin oo kaliya,waxay noqotay Shirkad Lacag khidmadaha saarata Shaqada garoonka ka socota oo Bishii iska hesha Lacag aysan meelna usoo marin. Ku dhawaad 10-Sano oo ay garoonka maamulkiisa haysatay kuma soo kordhina Hal shay. Garoonka? 1.Qaybta adeega alaab…

Read More

Somaliya,waa Dal ku dhisan nidaamka Fadaraalka ah oo Dowladnimadiisu ay tahay Laba heer oo kala ah…. 1.Dowlada Qaran (Dowlada Dhexe).2.Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Qaran ama Dhexe. DG-yada,waa awooda muuqata ee rasmiga ah oo waxay Gacanta ku hayaan Dhulkii,Dadkii iyo Dhaqaalihii. Dowlada Dhexe,waa astaan utaagan Qaranimada oo ay dhisteen DG-yada isku tagay,waxayna leedahay awoodo la yaqaan oo kooban. Waxa ugu weyn Dowlada Dhexe ee Somaliya ay haysato ama ay ku taagan tahay,waa aqoonsiga caalamiga ah,sababtoo ah maleh…. 1.Awood Ciidan.2.Awood Dhaqaale.3.Awood Dhul.4.Awood Dad. Aqoonsiga caalamiga ah,wuxuu ku yimaadaa mudo xileed ay isla ogol yihiin DG-yada isku tagay,taasoo hadii la waayana ay…

Read More

Waxaa la diyaariyay qorshihii Labaad ee xigay markuu fashilmay Shirkii wada xaajoodka doorashada. Qorshaha Labaad,waa in la dhiso Dowlad,waana diyaar oo Caawa,ayaa lasoo bandhigay siday ii xaqiijiyeen masuuliyiin goobjoog ahaa. Qorshahaas fulintiisa,waxaa la bilaabayaa Todobaad kadib marka BC soo warceliso. Tagidii Axmed Madoobe,waxay ahayd cadaadis hordhaca oo loo baahnaa,wuxuuna la laabtay isagoo Madaxweyne sharciyad haysta,isla markaana ka ariminaya DG-yada kale doorashadooda.,ayuu tagay. Sidoo kale,waxaa guul weyn ah in lasoo gaarsiiyay cadaadiska halkii loo baahnaa oo BC kasoo geli kartay,iyaga,ayaana hada wixii ka danbeeya ukala damqaadi doona Somalida. Waxaa kaloo,isaguna muhiim ahaa kulankii Caawa lala qaatay Baarlamaanka xorta. Mw Deni iyo…

Read More

WAR-SAXAAFADEED. Garowe: February 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay cambaaraynaysaa jadwalka doorashooyinka ee uu soo saaray Guddiga lagu muransan yahay sharaciyadiisa iyo jiritaankiisa labadaba ee doorashooyinka. Guddigaas oo jadwalka uu shaaciyey ku daray Degmda Galgodogob ee Gobolka Mudug oo ay horay uga dhacday doorashadii Goleyaasha Deegaanka Dawladda Puntland May 25, 2023, iyo Degmooyin kale oo tirsan Gobolada Sool iyo Cayn oo Dastuur ahaan ka mid ah Puntland. Doorashooyinka Golayaasha deegaanka, Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyadu waa awood dastuuri ah oo ay leeyihiin Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka, waxayna ku cad yihiin qodobka 120-aad ee Dastuurka ku…

Read More

UNTMIS waxay aad uga xun tahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ku guul darraysteen inay heshiis ka gaaraan wadahaddalladii ilaa hadda dhacay. Hoggaanka UNTMIS, oo ay weheliyaan saaxiibbada kale, waxay maanta kulan la qaateen wakiillo sarsare oo ka kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada dhinacba uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada loogu raadinayo xalka. Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa in wadahadalka lagu sii wado niyad-sami. Annaga iyo saaxiibbada kaleba, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaalida ee lagu raadinayo tanaasul laga gaaro arrimaha…

Read More

BC,waxay ka codsatay GMS in aysan kala tagin oo ay fursad siiyaan ilaa Todobaad ay ku samaynayso ukala dabqaadid. BC,waxay la xiriiraysaa dhanka DF,waxayna isku dayaysaa in Shirku sii socdo. GMS,way aqbaleen codsigii BC,waana bixiyeen fursadii laga dalbaday oo wa ka jawaab sugayaan. Sida muuqata dhanka ay wax ka dhaqaaqi la’a yihiin,waa dhanka DF iyo Mw Xasan Shiikh. Waxaa guul siyaasadeed ah in BC iyo Somalida la tusay Xasan oo hada Indhuhu isaga kuwada jeedaan.

Read More

GMS oo midaysan in ay soo saaraan mowqif cad oo ay kuwada socdaan,waa guul weyn laga gaaray Shirkii burburay. Xasan kuma farxin wada socodka GMS,wuxuuna ka shaqaynayay maalmihii lasoo dhaafay in uu kala xodxoto,waase ku guul daraystay. Haatan Warqadan iyo fariintii kasoo baxday Maraykanka,waa cadaadis weyn oo Xasan fuulay. Sidoo kale kulanka BC iyo GMS,waa cadaadis kale oo waxtar uleh dalkan in uu doorasho loo dhan yahay aado. Maraykanku si cad,wuxuu usheegay khilaafka Somalidu in uu saamayn doono xiriirka BC iyo dagaalka argagixisada,waana fariin oranaysa…. (Majiri doonto cid aan gaar utixgelin doono),taasna,waxay udaran tahay Xasan oo waxa uu haysto oo…

Read More

Maraykanku ugu danbayn,waa bareeray in badan oo uu daahgadaashiisa ka shaqaynayay. Fariintiisa salkeedu,waa yaan la hakin wadahadalada ee ha socdaan si walba oo ay u adag yihiin. Xasan Shiikh oo markii horaba aan rabin wadahalada oo lagu khasbay oo baadigoobaya si uun ay ku fashilmaan,waxay fariintan ku tahay dharbaaxo,waxaana loo sheegay… ( Waxaan ka rabnaa natiijo in ay kasoo baxdo wadahadalada,iskabadaa in lagu kala tagee). GMS oo laga baqsanaa in ay ka tagaan Muqdisho,way dhiirigelisay fariinta Maraykanka,waxaana lagu yiri… ( Waa idinku garab taaganahay dadaalka ee ha niyad jabina ee sii wada). Fariimuhu awal,waxay ka imaanayeen Midowga Yurub,hadase,waa lasii xoojiyay…

Read More

Gu’ga 2026, inta badan deegaanada Puntland waxaa laga filayaa roob u dhow ama ka badan celceliska (40%–60%). Qaybo ka mid ah gobollada Nugaal, Mudug iyo Bari ayaa heli kara roob ka badan caadiga, halka deegaannada kale ay filan karaan roob dhexdhexaad ah oo wanaagsan. Xilli roobaadkani wuxuu fursad u yahay kororka wax-soo-saarka daaqa iyo kaydka biyaha. waxaa jirta suurtagalnimo fatahaado iyo daadad sida ku cad jaantuska khariidadda hoose. Waxaa lagu wargelinayaa bulshada reer Puntland inay feejignaadaan oo u diyaar garoobaan khataraha ka dhalan kara roobabka culus. iyagoo qaadanaya tallaabooyin ka hortag iyo digniinta. -Dhammaad–Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Read More

Doorashada DG Sadexda ah in laga hadlo,waa khasab,markii la qiimaynayo Sadex arimood oo kala ah…… 1.Ilaalinta Dastuurada Labada heer ee Dowladnimada Somaliyed. 2.Jihaynta mustaqbalka Wadanka. 3.Damiirka,masuuliyada iyo udamqashada Bulshada Somaliyed ee ku dhaqan Dowlad Goboleedyadaas. Waxaa xusid mudan in Madaxda DG Sadexda ah ay lasoo xiriiraan GMS,iyagoo ka codsanaya in Xasan laga furfuro,sababtoo ah,iyagu awood ay kula loolamaan oo uga hoos baxaan,isla markaana ku fuliyaan waajibaadka Dastuuradoodu siinayaan mahayaan Maanta. Markii dhan laga eego,waxaa la oran karaa,iyaga,ayaa halkaas isdhigay oo oo isku kalifay in ay ka mid noqdaan shacabka caadiga ah ee loo talinayo. Waa rajaynaynaa in Dowladaha xubnaha ka…

Read More

Burburka wada xaajoodka markii Labaad,waxaa sababay hal qodob oo ah….. 1.Doorashada DG Sadexda ah ee Hir-shabelle, Galmudug iyo KG…. B.GMS,waxay soo jeediyeen in uu Xasan Shiikh faraha kala baxo oo ay qabsadaan doorashadooda sidii caadiga ahayd. T. Xasan Sh,waa ku Gacansayray,wuxuuna ku adkaystay in ay isaga utaal doorashadooda oo GMS iyagu faraha kala baxaan. Qodobkaas,ayaa laysla dhaafi waayay oo looma gudbin Qodobadii kale. GMS,waxay Berri yeelan doonaan kulan ugaar ah oo la rajaynayo in ay kasoo saaraan Warmurtiyeedkooda. GMS,waa dadaaleen,waxayna muujiyeen dulqaad,Wadaniyad iyo Lexjeclo. Balse dhanka DF,ayay ka muuqataa masuuliyaddaro,damqasho la’aan iyo uturid yari Dalka iyo Dadka. Majiro ilaa iyo…

Read More

Muqdisho: 21 February 2026 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan is-xogwareysi ah la qaatay qayb ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir. U xog waranka Bulshada,waxay qayb weyn ka qaadanaysaa Wadankan in jihada saxda ah loo jiheeyo. Si gaar ah Bulshada Mw Xasan matalaad ahaan kasoo jeedo,waa muhiim in loo xog waramo oo la tuso xaalka Dalka halka uu marayo. Mw Deni,wuxuu Bulshada la wadaagay dareenkiisa,aragtidiisa,lixjecladiisa xaalka Dalka. Isagoo ka yimid Deegaan ujira Muqdisho ku dhawaad 1000-km,ayuu muujiyay aragti iyo dareen fog oo Wadaniyadeed. “Madaxda Maanta joogta Kuraasta Villa Somaliya,Anigaa uga Lixjeclo badan Dalka”Ayuu yiri Mw Deni.…

Read More

Doodaha Laba dhinac ee DFS iyo GMS ay kala taagan yihiin….. DFS? 1.Wax-ka badalka Dastuurkaee hadda socda in uu sii socdo oo GMS ay kusoo biiraan soona gudbiyaan qodobada ay kaga aragtida ka duwan yihiin waxkabadlka socda. 2..Doorashada DG Sadexda ah in lagu qabto qodobada doorasho ee ku jira Dastuurka wax laga badalay,isla markaana ay maamulaan Guddiga doorashada ee lagu dhisay Dastuurka wax laga badalay. 3.Doorashada QaranIn loo magacaabo Guddi hawshiisu ay ku eg tahay oo kaliya talo-bixin iyo talo soo jeedin ku saabsan hannaanka doorashada Qaran. Muhiimada DF ee Xasan hogaaminayo ee mudo xileedkeedu gabaabsiga yahay,waa in lala qaato…

Read More

Sadex nooc doorasho,ayaa doodaha ku jira oo kala ah…. 1.Doorasho dadban oo la kordhiyay Ergooyinka. 2.Hanaanka Labaad,waa Doorasho Afar Xisbi ah. Tusaale? 1.GMS Xisbi in ay noqdaan.2.DFS oo Xisbigeeda JSP.3.Mucaaradka kale Laba Xisbi. Afartaa Xisbi in loo sameeyo habraac ay kusoo saartaan Xildhibaanada midkiiba 25%. Sidoo kale Gudi doorasho oo laysla ogol yahay in lawada samaysto. 3.Hanaanka Sadexaad,waa in loo laabto Odoyaashii 135 ee Saxiixayaashii hore. Puntland? Sadexda nooc PL dhib kuma ahan oo dhankii la’aadaba,waa ugu badisaa…. 1.Doorasho dadban PL culays kuma ahan oo si fudud ayay uqaban kartaa oo siyaasiga ay wadato ugu soo saari kartaa. 2.Xisbiyada hadii…

Read More

Kulan loo baahnaa,ayuu ahaa kulankii caawa uu Mw iyo Wasiirada ay la qaateen Bulshada reer PL ee ku dhaqan Gobolka Banaadir….. Wasiirada,ayaa markii hore uga xog waramay xaalka PL,amni ahaan,dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan. Kadib,waxaa qaatay Mw Deni oo faahfaahin dheeriya siiyay Dadkii reer PL ee madasha yimid. ” Somaliya Gacanteena kuma burburayso,waxaan ku dadaalaynaa in aan wax badbaadino,hadaan aragno in aysan xal lahayna,waa utashanaynaa Dalkeena”,Ayuu yiri. Mw Deni. Dareenka Dadka oo aad usareeyay,ayuu Madaxweyne Deni ku qaboojiyay in hada wixii ka danbeeya ay ka shaqayn doonaan in Dad uqalma oo matali kara ay usoo diri doonaan mataalada. 120-Qof oo…

Read More

Laascaanood Bilihii lasoo dhaafay,waxaa weeraro joogta ah lagu hayay shaqaalaha Shirkadaha dhismaha ka shaqeeya ee laga leeyahay Gobolada kale ee PL. Shirkadaha Shaqaalahooda la weeraray,waxaa ka mid ah…. 1.Gandagooye.2.Dolfiin.3.Dugaal. Xalay,ayaa ugu danbaysay oo la weeraray Shaqaale ushaqaynayay Shirkada dhismaha Gandagooye,kuwaasoo gaarayay Sadex ay Labo Ajaanib tahay midna yahay Somali. Dhaawacooda oo aad uculus darteed,waxaa la keenay Isbitaalka Manhal Laascaanood. Weeraradan,waxay ka imaanayaan Dad reer Laascaanood ah oo diidan in Shirkadaha laga leeyahay Mudug iyo Bari ay wax ka dhisaan Laascaanood. Shirkadahan,waxaa keensada Dadka reer Laascaanood ee wax dhisanaya maadaama aysan ka jirin Magaalada Shirkad awood uleh in ay wax dhisto.…

Read More

Wadada isku xirta Gobollada Puntland inta Laamiga ah,waa 750- km,waxaana uxilsaaran dayactirkeeda Hay’ada Wadooyinka PL ee (PHA). In ka badan $15-Milyan,ayaa Sanadkii ku baxa daib udhiskeeda joogtada ah,waxaana bixisa Dowlada PL oo Canshuurta Shacabka laga qaado,ayaa dib loogu ceshaa. Mw Deni 7-da Sano oo PL uu hogaankeeda hayay,wuxuu xil gaar ah iska saaray Wadadaas,waana Madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa markay timaado Wadooyinka. Haatan qaybtii Wadada ee Galkacyo- Bacaadweyn oo burbursanayd,waxaa dib loogu dhisay Lacag gaaraysa $12- Milyan,waxaana bixisay Dowlada. Wadooyinka Gacanta ay ku hayso Dowlada PL kaliya ma’ahan Wadada dheer ee waxaa kaloo jira kuwo muhiim ah sida Wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo.

Read More

Xasan,wuxuu raadinayaa mudo kordhin,balse Afka masoo marsiin karo. Mudo kordhinta uu baadigoobayo,waa 6-7 Bilood,wuxuuna hada istusay in uu jiido wadahadalada oo gaarsiiyo ilaa Bisha 5-Aad,markaas,ayuu rabaa…… B. In Gudiga doorashada lala qaybsado. T. In uu badalo Xukuumada. J. In uu DG Hir-shabelle, Galmudug iyo KG doorasho geliyo. Muda kororsiga Xasan raadinayo,waxaa uga xiran Mashaariic iyo heshiisyo uu kula jiro Dawlada Turkiga. Mucaaradka ama GMS? Waxay qabaan….. 3.Dastuurka saxda ah ee 2012 in aan waxba laga badali karin. 4.Mudadaas in lagu diyaariyo Gudiga doorasho iyo nooca doorasho. 5.Doorashada Dawlad Goboleedyada Sadexda ah iyo mida Faderaalka in aan laysku xirin oo maamuladaas…

Read More

Sababta uu ubaaqday kulankii Maanta loo balansanaa,waxay ahayd… ” GMS,waxay Xalay iska dhex doorteen Gudi kooban oo ku matala wada xaajoodka,kadibna DFS dhankeeda,ayaa iyaduna Gudi iska dhex qabatay ku matala wada hadalka,balse Gudiga DFS iska soo dhex qabatay,waxaan ku jirin Madaxweynaha Fadaraalka,taas,ayaana sababtay in GMS ay diidaan in ay la fariistan Gudi uusan ku jirin Madaxweyne Xasan”. Kuma khaldana GMS in ay diidaan la friisiga Gudi Xasan ka maqan yahay oo aan lahayn go’aamo,isla markaana aan geli karin wada xaajood dhab ah. Waxaa la oran karaa,waxaa kulankii Maanta fashiliyay Xasan Shiikh oo hoos udhigay Gudigii matalayay Dowlada. GMS Berri ayay…

Read More

Laba Gudi,ayaa la saaray wada hadalka DFS iyo GMS oo Berri kulmaya. Dhanka GMS oo aan helnay Xubnaha ay Gudiga dhankooda ay saareen,ayaa waxay kala yihiin…. Sida ay sheegayaan xogo la helayo Labada Gudi,ayaa Berri kulmaya,waxayna isla qaadan doonaan Ajandaha,kadibna,waxaa la balami doonaa Soonka kadib.

Read More

Waa fariin toos ugu socota Xasan Shiikh oo ka timid Qaramada mudoobey qoraalka kasoo baxay. “Intaan mudo xileedka Dastuuriga ah kaa dhamaan,heshiis doorasho gal”,ayay xigmada fariinta QM xanbaarsan tahay. Waa dhiirigelin,cadaadis iyo digniin,isaga si gaar ah utaabanaysa,maadaama cida mudo xileedka Dastuuriga ah ay ka dhamaanayso ay isaga tahay. Qoraalka QM,wuxuu yimid kadib markii kulankii Maanta uusan ku bilaaban niyad wanaag oo Xasan laga dareemayay qorshe ila meerayso ah. Halkan ka akhriso:-

Read More

Kulankii 1-Aad,waa laysku fahmi waayay oo waa lagu soo kala kacay……. 1.Xubnaha GMS,waxay Miiska la yimaadeen Hal qodob oo ah….. B.Doorashada aan ka heshiino oo Gudi usaarno hadaan wada joognaa. 2 Mw.Xasan,wuxuu ku jawaabay dib iigu dhiga ka hadalka doorashada Qaran oo waxaan qabanayaa doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Xildhibaanada heer DG. Kadib GMS,way ku diideen soo jeedintiisii,waana kasoo dareereen fadhigii,kadib Xasan,ayaa kasoo daba hadlay,iyaga oo fadhiya Shir ugaar ah oo qirshaynaya in ay soo saaraan Warmurtiyeed,wuxuuna ka codsaday Laba qodob oo kala ah…. Waa aqbaleen GMS oo Berri,ayaa markale laysku laabanayaa. Sida aan xogta lagu helayo Xasan Shiikh Sabtida,ayuu ubaxayaa…

Read More

Muqdisho: 19 February 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni,ayaa ka qaybgalay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ah oo ka furmay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Kulankan,ayaa looga xaajoonayaa doorashooyinka Qaran,waxaana ka qaybgalaya GMS oo ay ku midaysan yihiin Madasha samatabixinta,PL iyo JL Dhanka kale,waxaa iyaguna fadhiya DFS oo uu hogaaminayo Mw,Rw,ku xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirada.

Read More

Boqorka dalka Britain, King Charles III ayaa sheegay in uu si qoto dheer uga walaacsanahay wararka ku saabsan xariga walaalkiis, Andrew Mountbatten-Windsor iyo tuhunnada ku saabsan ku takri-fal awood xil dadweyne. Waxaa uu yiri: ‘ Waxaa hadda xigi doona habraac buuxa, caddaalad ah oo sax ah, kaas oo arrintan loogu baari doono si habboon oo ay u fulinayaan hay’adaha ku shaqada leh. Arrintan, sidaan hore u sheegay, waxay heli doontaa taageeradayada iyo wada-shaqaynteena buuxda si qalbi furan. Waxaan si cad u sheegayaa: sharcigu waa inuu qaataa jidkiisa. Inta howshu socoto, ma habboona inaan faallo dheeraad ah ka bixiyo arrintan. Dhanka…

Read More

Xasan,wuxuu isku dayay in uu ka dhigto shuruud ka dhigo Villa Somaliya halaygula shiro,waase laga saaray Godkaas oo shuruudihiiisii,waa lala qaatay. Villa Somaliya,ayaa lagu Shirayaa oo waliba looga xaajoonayaa doorashada in ay ku qabsoonto wakhtigeeda. Dastuurka Wadanku,waa kii 2012,waxaana wax looga badali karaa Somali oo isku raacsan waxkabadalkiisa,sidaa daraadeed in lagu mashquulo macno ma samaynayso xilligan. Dastuurka Xasan wato,waa ku kaligii aan cidnana la lahayn. Dadaalka Dal badbaadinta ah ee PL ay hormuuudka utahay,waxaa ka muuqda mira dhalay… 1.Dalka doorashaa,ayaa la geliyay.2.Xasan iyo qorshiisii,waa lakala daadiyay.

Read More

Daa’uud Bisinle Wasiirka qorshaynta Puntland, ayaa waxaa shaqo joojin ku sameeyay M.xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha PL Lugatoor. Sababaha shaqada looga joojiyay,ayaa lagu sheegay Sadex qodob oo kala ah…. 1.Wada shaqayn xumo Dowladnimo iyo ku tumasho nidaam. 2.Nidaamka Dowliga ah ee PL oo uu loolan ku noqday. 3.Xogaha qorshaha PL oo uu toos ula wadaagayay Damjadiid,gaar ahaan Faarax Cabdiqaadir,Wasiirka Waxbarashada DFS. Mudo xileedkii hore ee Xasan Shiikh uu Madaxweynaha ka ahaa DFS oo uu ka noqday Wasiirka Batroolka,wuxuu si qaawan ula diriray barnaamijkii Shidaal baarista PL ee xilligaa socday. Sidaanoo kale Bisle Dowladii MW Faroole,wuxuu ka ahaa Wasiirka qorshaynta mase…

Read More

Fikrad gadmaysa ma’ahan oo loo hakan karo dooda Rw Abiy. 130 Milyan anagoo ah Bad la’aan ma noqon karno? Xasiloonida Geeska Afrika,waxay ku xiran tahay Anagoo Bad helna? Hadalo kasoo baxaya Qaalin laylinimadii ka saaqiday,ayaa la oran karaa. Maxay tahay,waa in aan Bad helnaa? Itoobiya uu hogaaminayo ee uu ka dhigayo Quwad in la qanciyo maahee aan Nabad lagu ladayn…. Sawmahan mida Ereterya Ciidamadeedu gudaha ugu jiraan? Sawmahan mida colaada sokeeye ka holcayso? Sawmahan mida dhaqaalaheedu burburay? Macnaha ugu weyn ee Abiy ka leeyahay hadalkan,waa mashquulinta shacabkiisa noloshu ku adkaatay oo sicirbararku dilooday. Su’aashu,waxay tahay…. Itoobiya haday Bad hesho Gaajada…

Read More

Maraykanka,ayaa kala wareegay Turkida qodistii Shidaalka si rasmi ah oo markii horaba Turkidu,waxay hordhac u ahaayeen Maraykanka oo ay usii diyaarinayeen Aaga. Markabkan ma’ahan midkii Daloolin lahaa Ceelka ee waa kii xaqiijin lahaa Afka Ceelka oo aan la aqoon ilaa iyo hada jihada uu jiro. Markii Afka Ceelka la helo,ayuu Markabku dib ulaabanayaa,waxaana xigi doona midka Doloolin doona oo isna xaqiijin doona Shidaalka ku jira noociisa iyo in uu iibgeli karo,wuxuuna noqon doonaa Marakab Maraykanku leeyahay. Kadib,ayaa la bilaabi doonaa soo saarista shidaalka haduu noqdo mid iibgeli kara,waxaana soo saari doona Shirkad Maraykan ah. Hawlgalkan natiijadiisa rasmiga,waxay soo bixi doontaa…

Read More

Iskuulka Bardacad iyo kan Ummada,waxaa loo hayaa Mashruuc lagu dhisayo oo waxay la socdaan mashruuca hada socda ee lagu dhisayo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug. Qiimayntii Lacagta ku baxaysa dhismaha Labada Iskuul,waa la sameeyay,waxaana dhismahooda la bilaabayaa markuu soo dhamaado dhismaha Gudoonka Waxbarashada. Sidoo kale Biyo saarida Magaalada Galkacyo,waxaa lagu qiimeeyay $3-Milyan,waxaana Dowlada lagu qoray $1-Milyan in ay bixiso,waana keentay oo ku shubtay Akoonka. Gudiga horumarinta ee uxilsaaran diyaarinta dhaqaalahan,ayaa laga rabaa $ 2-Milyan ee harsan,waxaana ilaa iyo hada ururiyeen $250- kun. Mudug? 1.Waxaa gabagaba maraya dhismaha Laamiga Galkacyo- Bacaadweyn oo Dowladu bixisay Lacagta ku baxday. 2.Waxaa la dhisay xarumihii Booliska…

Read More

Addis Abeba – Recep Tayyip Erdoğan is scheduled to visit the United Arab Emirates (UAE) and Ethiopia next week as part of a two-nation tour according to Türkiye’s Communications Bureau. The bureau said President Erdoğan will first travel to Abu Dhabi on Monday, where he is expected to meet with Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Discussions are anticipated to focus on expanding cooperation between Türkiye and the UAE, as well as regional and global developments. On Tuesday, President Erdoğan will arrive in Addis Abeba at the invitation of Ethiopia’s Prime Minister, Abiy Ahmed. The Communications Bureau noted that several…

Read More

Wakaalada wararka ee Reuters,ayaa sheegtay in wareegga Labaad ee wada-hadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka lagu qaban doono Geneva, Switzerland, Talaadada. Warbaahinta ayaa, iyadoo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, sheegtay in Steve Whittaker, wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe ee Donald Trump, iyo Jared Kushner, ay la kulmi doonaan wafdiga Iiraan subaxda Talaadada. Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Reuters in sidoo kale wafdiga Omani uu joogayo Geneva si uu u dhex-dhexaadiyo wada-hadallada, sidii hore. Wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallada aan tooska ahayn waxaa la qabtay Jimcaha, 6 Febraayo, magaalada Muscat, caasimadda Oman, taasoo labada dhinac ay ku tilmaameen mid…

Read More

By:-Trump “For five centuries before the end of the Second World War, the West had been expanding—its missionaries, its pilgrims, its soldiers, its explorers pouring out from its shores to cross oceans, settle new continents, build vast empires extending out across the globe. But in 1945, for the first time since the age of Columbus, it was contracting. Europe was in ruins. Half of it lived behind an iron curtain, and the rest looked like it would soon follow. The great Western empires had entered into terminal decline, accelerated by godless communist revolutions and by anti-colonial uprisings that would transform…

Read More

“Waxaan nahay Caruurtii Yurub). Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka,ayaa khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha Amniga Munich quluubta reer Yurub ku gilgilay. “Ma nihin oo kaliya isbahaysi amni iyo dhaqaale wadaag ah ee,waxaan nahay Dhiig Wadaag”. “Waxaan jecel nahay Yurub horumar samaysa,waana ka shaqaynaa difaaceeda iyo horumarkeeda in ka badan intaad ka shaqaysaan),Ayuu yiri Rubio. Xoghayuhu,wuxuu difaacay siyaasada Trump ee loo yaqaan (Danta Qaranka). Rubio,ayaa sheegay in Qarni cusub oo R.Galbeedku aduunka sii hogaamiyo ay qayb ka qaadan karaan yaraynta Dadka soo galootiga ah iyo soo koobida ganacsiga xorta ah. Reer Galbeedka,waxaa wal wal ku haya 2100 marka la gaaro hogaaminta caalamka…

Read More

Qorshihii PL ay utimid Muqdisho sidii loogu talagalay,ayuu usocdaa…. 1.Muujinta awooda siyaasadeed PL.2.Doorasho gelinta Wadanka.3.Kala daadinta Xasan iyo Ragiisa. Qorshayaashaas,waa hirgaleen… 1.Somalida iyo BC,waxay markale xaqiiqsadeen Dalkan cida wax diidi karta ama yeeli karta in ay reer PL tahay. 3.Waxaa kala daadatay Dowladii Xasan oo aamintay in meesha lagu kala tagay,waxayna usoo kala dhuumanayaan Hotelka noqday Madaxtooyada Kmg ah ee Somaliya. 6.Mucaaradkii Xamar horay ujoogay,waxay heleen garab iyo dhiirigelin dhinacyo badan leh,waana qorshayaashii loo yimid Muqdisho. Xamse Xalay,wuxuu uhadlay sidii Nin anba baxay,waxaa kaloo qaabilaad raadinaya Cali Xoosh,halka Timacade taagan yahay Seneterkaygii meel halay saaro iyo intii badnayd Xildhibaanadii Ummadan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, caasimadda dalka. Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Shirka lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Read More

Baarlamaanka xorta ah,waa madal la helay oo udiyaarsan in ay noqoto fadhi yeesha Gudoon oo matalaada Dalka qaybtooda qaata. Si kale hadii loo dhigo Baarlamaan kala qaybsan oo 50 Xildhibaan laga ganaaxay,waxa kasoo baxa macno ma yeelanayaan. Baarlamaanka xorta ah ee lagu dhawaaqay,wuxuu ku filan yahay Laba Qodob…. In uu dhismo Baarlamaan Labaad ,waxaa sababay maarayn xumada siyaasadeed ee Xasan Shiikh.

Read More

Santuukha horumarinta PL diyaarintiisa,ayaa meel wanaagsan maraysa,waxaana loo helay Dowlado waa weyn oo Jaal la noqda iyo kuwa taageera. Bisha June ee Sanadkan,ayaa si rasmi ah loo daahfurayaa,wuxuuna hada ku jiraa dhismaha lagu diyaarinayo. Santuukhaas marka la daahfuro,waxay PL ka gudbaysaa caqabad weyn oo ka haysatay horumarka,waxayna toos uhelaysaa mashaariicda,iyadoo Deeq bixiyayaasha iyo PL aan loo dhaxaynayn. Tusaale? Hadii mashruuc $ 100 milyan ah ay PL dalbato,waxaa laga rabaa in ay 10% iyadu marka hore ku shubto Santuukha. Sidoo kale la socodka Lacagta Santuukhaas ku dhacda,waxaa qayb ka ah Deeq bixiyayaasha oo Gudiga maamulaya xubno ku leh. DF masoo marayaan…

Read More

Caawa Garowe,ayuu ku hoyday oo uu Beri ka baxayaa,isaga iyo weftigiisa Safiirka Talyaaniga ee Somaliya. Wuxuu PL keenay Laba mashruuc oo kala ah… 1.Mahruuc Kalluunka ah oo Bosaso looga dhisayo suuq fiican oo ku qalabaysan qalabka tayada lagu ilaaliyo,wuxuuna ku kacayaa €3-Milyan. 2.Soo xirida tijaabada mashruuc balaaran oo Guryaha Magaalooyinka PL loogu samaynayo Tiro iyo tilmaan. Talyaanigu,wuxuu horay uga hirgaliyay PL mashaariic door ah oo ugu danbeeyay kan Biyaha macaan ee Bosaso oo Bisha April la daahfurayo,kaasoo Bosaso ka haqabtiri doona Biyaha oo Guri walba la gelin doono. Sharaf iyo maqaam ayay utahay PL in Diblomaasiyiinta shisheeye ay ku hoydaan…

Read More

Madaxweyne Deni sidii ugu qurux badnayd,ayuu iskaga xil saaray Caano shubka Ugaaska Beesha Tanade. Waxaa muuqatay in Mw Deni yahay Oday dulqaad leh,hogaamin leh oo aan ahayn macangag. Sida uu umaareeyay Caano shubka,waxay dirtay fariin weyn oo oranaysa…( Deni,waa masuul wax weyn maarayn kara). Xaqiiqdii Madal uu ubaahnaa oo ukulmisay Dad kala duwan oo muhiim ah,ayaa uqabsoontay,waana uga faa’idaystay siday ahayd Mw Deni. Puntland qurux badan,midaysan oo uu Geed fadhi uyahay,ayaa muuqatay Maanta.

Read More

Puntland oo isku duuban Siyaasiyan iyo Dhaqan,waxaa si guul leh ugu soo dhamaaday Caano shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood. Saldanada Tanade,waa mid ka mid ah Saldanooyinka reer Puntland oo maqaamka sare leh. Sidoo kale Beesha Tanade,waa mid ka mid ah Beelaha Hilbaha sare wax laga siiyo ee reer PL. Caana shubka Ugaaska,waxay Somalida kale tustay sida reer PL iskugu duuban yihiin oo uyihiin Bulsho Geed fadhi leh. Aadbaan ugu faraxsanahay in ugu danbayn lagu Caano shubay Ugaas Leelkase isku raacsan yahay oo sii wada doorkii curadnimo ee Beeshu ku lahayd Mudug,PL iyo Somaliya. Wixii la muujiyay Maanta sharaf…

Read More

Garoowe: 08 Feb 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco Coppi iyo Madaxa Hay’adda Iskaashiga Talyaaniga (AICS) ee Soomaaliya, Dr. Valeria Buoninfante. Kulanka ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada dimuqraadiyadda, Amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu xusay taariikhda dheer ee ka dhaxaysa dawladda Puntland iyo dalka Talyaaniga, sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dhinac, xaaladda abaaraha iyo ugu danbayn sidii looga gudbi lahaa hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalku wajahayo…

Read More

Galdogob : 08 February 2026 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda Caleemasaarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood. Munaasabadda waxa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka ah, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Hoggaan Dhaqan oo ka yimi guud ahaan Soomaaliya. -DHAMMAAD –

Read More

Waxaa Maanta Mw Deni Dhagax dhigay dhismaha Xarun cusub oo si casri ah loo dhisayo oo uu yeelanayo Garsoorka Gobolka Mudug,waxaana maalgelinaysa Dowlada Puntland oo ma’ahan Deeq iyo Mashruuc. Sidoo kale,waxaa la karaameeyay Xeer ilaaliyihii Gobolka ee muujisay hufnaan Garsoor,iyadoo Gaari hadyada la siiyay. Horay,waxay Dowlada Puntland udhistay…. 1.Taliskii iyo Saldhigyadii Booliska.2.Xaruntii Wasaarada Maaliyada.3.Xaruntii Qaybtii Banigiga PL ee Mudug.4.Dib udhiska Wadada Galkacyo-Xarfo oo gabagaba ku dhow. Waxaa Tuubada kusoo jira oo la Dhagax dhigi doonaa….. B.Dhismaha Garoonka diyaaradaha oo Ganacsato la siiyay. T.Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob oo PL ay ka taageerayso Dowlada Imaaraadka Carabta. J.Mashruuca Biyo saarista Magaalada Galkacyo.

Read More

Afarta Saldhig oo ka mid ah Saldhigyada Degmada Galkacyo,CID iyo Taliska Qaybta Gobolka Mudug,waxaa lagu wareejiyay Ciidamada cusub. 1.Saldhigga Dhexe.2.Saldhigga Kabidda.3.Saldhigga Siinaay.4.Saldhigga Halabooqad. Waxay kaloo la wareegayaan Saldhigayada harsan ee Magaalada Galkacyo iyo Degmooyinka Gobolka oo kala ah…. 1.Xarfo.2.Jariiban.3.Bursaalax.4.Goldogob.5.Saaxo.6.Towfiiq.7.Miir.8.Gallayda. Guud ahaan Ciidamadii Booliska Gobolka Mudug,waxaa laga reebay Talyaha Qaybta iyo ku xigeenkiisa. 400-Askari oo guud ahaan Gobolka joogay,ayaa la qaadayaa oo lagu xaraynayaa Dugsiga tababarka Booliska ee Xorgoble Qardho. Sidoo kale,waxaa Gobolka lagu soo xoojiyay Hal Urur oo Ciidamada Daraawiishta ka mid ah,kuwaasoo la xoojinaya amniga guud Ciidamada Booliska. Si la mid ah Gobollada kale,waxaa amniga Mudug loolan ku ah…

Read More