Author: Jibril Qoobey

Puntland warns that the debt forgiveness should not be rushed until Somalia has an efficient and transparent financial system. Otherwise, a certain group of people who want money will take over the new loan sought after the old one is forgiven. Corruption is being fought by Hassan Sheik is miss-acting and show off. As can be seen from the campaign to arrest the members of the federal government of Somalia who are accused of corruption, it is actions to misleading the Somalis and the international community, as Hassan Sheikh Mohamud himself is involved in past and present corruption allegations. Also,…

Read More

Soomaaliya iyo Comoros,ayaa aqbalay in ay Madax sare oo korjoogto ah u soo diraan shirka heer Wasiir ee Madasha Negev. Shirkaas,waxaa kaloo kasoo qaybgalaya Maraykanka,Isra’il, Masar, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Maroko. Labada Waddan ee Muslimiinta u badan, oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacadda Carabta,ayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la lahayn Isra’il. Saraakiil ka socda Somaliya iyo Comoros,ayaa muddo sanado ah wadahadalo hoose kula jiray Israa’iil,kuwaasoo si qarsoodi ah ku booqday Israa’iil. Madasha Negev waxaa lagu Aas Aasay Shir aan caadi ahayn oo bishii Maarso 2022-dii,kaasoo ka dhacay Israa’il ayna iskugu yimaadeen Madax sare oo kala ahaa,Xoghayaha Arrimaha Dibadda…

Read More

Al-Shabaab al-Mujahideen has recruited and trained nearly 5,000 new militants by 2023. Al-Shabaab is currently capable of deploying around 17,000 militiamen according to reports. The target of Al-Shabaab terror is according to reports from Kenya and the Atmis forces. This is a blow to the government led by Hassan Sheikh, because it often repeats that it is in a war against Al-Shabaab and has won.

Read More

Al-Shabaab al-Mujahideen waxay qorteen oo ay tababareen ku dhawaad ​​5,000 oo Maleeshiyaad cusub ah Sanadka æn 2023. Alshabaab waxay haatan awood uleeyihiin in ay hawlgeliyaan sida xogaha la helayo sheegayaan ku dhawaad 17,000 oo Maleeshiyo. Bartilmaameedka cargagixisada Shabaab,ayaa ah sida wararku sheegayaan Kenya & Ciidamada Atmis. Dowlada Xasan Shiikh hogaaminayo ayay tani dharbaaxo ku tahay,sababtoo ah waxay in badan ku celcelisaa in ay ku jirto dagaal ka dhan ah Shabaab guulana ka gaartay. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1673821763623432192?t=wJc9sIoIpGIBVIz5QO5tfQ&s=19

Read More

Idilnews, Tuesday, 27/06/2023. Madaxweynaha Kenya ayaa u yimid shir-madaxeedka cimilada Paris “ma ahan in uu caawinaad weydiisto” dalalka qaniga ah, laakiin si loo hubiyo in dib u habeyn lagu sameeyo qaab dhismeedka maaliyadeed ee caalamiga ah ay u saamaxdo waddamada soo koraya inay “ka qayb qaataan xalka,” ayuu yiri Khamiistii. . “Nashqada maaliyadeed ee hadda jirta waa cadaalad darro, ciqaab iyo sinaan la’aan” ayuu yiri William Ruto. “Wadamada Koonfurtu waxay bixiyaan ilaa sideed jeer ribo ka badan kuwa horay u maray, sababtoo ah waxaa loo arkaa inay khatar yihiin” ayuu yiri madaxweynaha Kenya oo doonaya inuu soo jiito maal-gashi gaar…

Read More

Waraaq kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS ayaa loogu yeeray in uu Muqdisho yimaado safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali, xilli uu maanta kusii jeedo dalkaas Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ruun Siciid Qorsheel ayaa la sheegay in ay siihaye ka noqon doonto safaaradda Soomaaliya ee Doxa. Amb. Cabdirisaaq Faarax oo ah seediga Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa ahaa xiriiriyaha Qatar iyo dawladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo.

Read More

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan caasimadda dalka Qatar ee Doha. Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay casuumaad, waxaana ka la filayaa in ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga iyo siyaasadda. Waa safarkii uu uga horeeyay oo uu Doha uu ku tagayo Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii dib loogu doortay xilka 15kii May, 2022. Qatar ayaa xiriir wanaagsan la laheyd dawladdii Madaxweyne Farmaajo.

Read More

Isimadda dhaqanka SSC oo maanta soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Laascaanood oo maamulka Somaliland ka wado xasuuq. “Waxaan maanta kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC oo aan ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweyne Axmed Karaash.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab gaar ahaan Ururka shanaad ee saldhigoodu yahay Jubaland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Ciidamada Danab Sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeenu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa. Ciidamada Kala duwan ee Jubaland iyo Kuwa xooga dalka ayaa deegaanada kala duwan ee Jubaland ka wada howlgalo lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada ah kuwaas oo ilaa hada laga gaaray natiijooyin…

Read More

Dab xooggan ayaa fiidnimadii Jimcaha ka kacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof. Saraakiisha ayaa sheegay in dabku uu ka kacay keydka shidaalka ee Plumpang, oo ay leedahay shirkadda tamarta dowladda ee Pertamina. Muuqaal ay soo gudbisay warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay boqollaal qof oo ku nool xaafadda ay dadku ku badan yihiin oo argagaxsan, halka dabdamiskuna ay ka shaqeeyeen daminta dabka. Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ay sheegeen in 50 kale oo ka mid ah dadka deegaanka la dhigay…

Read More

Xaalada magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa maalintii afaraad degan, kadib dagaalo ka soconayay in ka badan 20 cisho. Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland oo duullaan iyo ciidanka deegaanka ee SSC oo iska difaac ah, ayaa sababay khasaare baaxad leh, tirada dhimashada ee labada dhinac ayaa kor u dhaaftay 1,000, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoon yahay. Duqa Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland magaalada ku dishay ilaa 210 qof intii ay socdeen dagaaladu, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in lagula xisaabtamo. Ciidamo gurmad ah ayaa gaarayay maalmihii lasoo dhaafay Laascaanood, taas oo cabsi gelisay maamulka Somaliland oo hada…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland ayaa lagu beeniyay sheegashada Somaliland ee ah in ciidamada Puntland ay qeyb ka yihiin dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood, ee u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC. Akhriso warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. WAR-SAXAAFADEED Garowe, 03/03/2023: Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran. Dowldda Puntland marwalba waxay qadarinaysaa in Soomaalida dhexdeeda iyo Gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada hadalka. Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada Dowlada Jubaland. Madaxweynaha Jamhuuriyada oo uu wehelinayay Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha uga warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah. Kulankan Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenada Jubaland, xubnaha golaha wasiirada ee heer Federaalka iyo heer Jubaland. https://www.facebook.com/Jubalandstatehouse/videos/746845196818697

Read More

Ciidamada gurmadka ee xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, ayaa gaaray gudaha magaaladaas, iyagoo kasoo socdaalay deegaano kamid ah gobalka Bari. Ciidamada oo wata gaadiid dagaal oo fara-badan ayaa si gaar ah uga socda jifida Bah-dir ee Beesha Cismaan Maxamuud. Waxaana ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah duullaanka maamulka Somaliland ee Laascaanood, si ay qeyb uga noqdaan difaaca deegaanka.

Read More

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Aadan, ayaa u geeryooday dhaawac xalay ay u geysteen magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland, dabley hubeysan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed ayaa kamid ahaa xubnaha Golaha Deegaanka degmada Badhan ee gobalka Sanaag. Dableydii ka dambeysay dilka Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa isaga baxsaday goobta.

Read More

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo is badalka Cimilada XFS Ambassador Khadiijo Al Maqsuumi ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula qaadatay dhiggeeda dalka Qatar Dr Faalix Bin Naasir oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac. “Sharaf ayey ii ahayd inaad maanta magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula qaatay wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Waxa aan ka wada hadalnay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada wasaaradood oo abuuraya fursado wax looga qabto isbedelka cimilada isla markaasna lagu caawiyo Soomaaliya” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Read More

Madaxweynaha dalka Turkiga , Rejab Dayib Erdoğan waxa uu Tacsi u diray Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Giriiga, Katerina Sakellaropoulou iyo Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Kyriakos Mitsotakis. Erdoğan waxa uu ka Tacsideeyey Shilkii labada Tareen ee saqdii dhexe ee xalay ka dhacday meel ku dhow magaalladda Larissa ee dalka Giriiga, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 36 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 70 kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye, Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu isagana Tacsi u diray dhigiisa dalka Giriiga, Nikos Dendias oo ku aadan Shilka labada Tareen ee ka dhacay dalkaasi. Inkastoo Dowladaha Turkiye iyo Giriiga uu…

Read More

Qatar, Somalia, Turkey, the United Arab Emirates, the United Kingdom and the United States have expressed concern over fighting around a disputed town in Somalia’s northern breakaway region of Somaliland, where at least 34 people were killed in clashes in early February. Tension has risen between Somaliland and local clan forces in Lascanood since the end of last year, and heavy fighting has broken out around the town, which straddles a key trade route. “The partners expressed concern about the ongoing conflict in and around Lascanood and called on all parties to adhere to the ceasefire, de-escalate, allow unhindered humanitarian…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa…

Read More

Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada. Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Waa safarkiisii ugu horreeyay ee Kismaayo uu ku tagayo tan iyo markii la doortay mar labaad. Socdaalka Madaxweyne Xasan ayaa la xiriira kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan. Labada dhinac ayaa diirada saari doono doorashooyinka Jubbaland iyo arrimaha gobalka Gedo oo sanadadii lasoo dhaafay ka maqan gacanta maamulka Axmed Madoobe. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir wanaagsan la leh Axmed Madoobe, tan iyo markii dib loogu doortay Madaxweynaha dalka, 15kii May, 2022.

Read More

Adeegyada shirkadda isgaarsiinta Golis ee ka howlgasha Puntland ayaa maanta hakad ku yimid, waxaana dhamaan deegaanka aan ka shaqeynay barnaamijyada wicitaanka iyo lacagta danabeysan ee Sahalka. Istaaga ku yimid adeegyada shirkadda Golis ayaa abuuray jahwareer ku yimid suuqyada Puntland. Dadka ayaa dhooban goobaha ganacsiga kadib markii ay u shaqeyn waayeen lacagihii ay diri lahaayeen. Sidoo kale, xiriirkii khadka telefoonka ayaa meesha ka baxay, kaas oo dadku ku kala xog qaadan jireen. Lacagta Shillin Soomaaliga ayaa horey uga istaagtay deegaannada Puntland, waxaana ka dhashay daruufo nolaleed.

Read More

Ciidamo fara-badan oo kasoo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood, oo muddo saddex todobaad ah uu ka soconayo dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC, Ciidamada oo ka kooban ilaa 30 gaari oo Takniko ah ayaa kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud, gaar ahaan qoyska Boqorka Guud ee beelaha daarood (Boqor Burhaan Boqor Muuse). Waxaa la filayaa in ay ku biiraan halganka xoreynta gobalka Sool.

Read More

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran ugu dhufantay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda. Erdogan, oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sano uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari. Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas. “Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aan rabnay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka…

Read More

Howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dowlada Jubaland ka fuliyeen xaafadaha Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ayay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe Bashiir Noor Bashiir oo ka tirsan qeybta amniyaatka ee Khawaarijta Alshabaab. Sidookale waxaa gacanta lagu soo dhigey Nabdoonkii damiintey iyo dhamaan xubihii ka qeyb qaatey soo galintiisa magaalada iyo dajintiisaba. https://www.facebook.com/JLTVOFFICIAL/videos/155035824032061

Read More

Ciidamo cusub oo gurmad ah ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, oo maalintii 23aad uu ka soconayo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kolonyo ciidamo fara-badan ah, oo wata gaadiid oo galaya Laascaanood, iyadoo si farxad ku jirto u soo dhaweynayaan dadka kooban ee ku haray gudaha magaalada. https://www.facebook.com/i455353/videos/1381116559381315

Read More

Ciidamada Somaliland ayaa jab xooggan kala kulmay dagaal culus oo aroornimadii saaka ay kusoo qaadeen magaalada Laascaanood, ayna doonayeen in ay dib ugu qabsadaan magaalada. Dagaalka ayaa ka dhacay galbeedka Laascaanood, ciidamada deegaanka ee SSC ayaa ku guuleystay in ay dib u riixaan ciidamada maamulka Somaliland, waxaana ay ka qabsadeen farriisimihii ay dagaalka kasoo qaadeen saaka. Sidoo kale, ciidanka deegaanka ayaa gaadiid dagaal ka qabsaday Somaliland, halka si dirqi ah ay ku baxsadeen Taangiyada dagaalka ee Somaliland oo duullaanka saaka wehlinayay. Tiro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa Somaliland kasoo gaaray dagaalka maanta, waxaana sida la xaqiijiyay ka geeryooday…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in Taliyayaal ciidan oo ka yimid Muqdisho ay kusoo biireen dagaalka ka saaka ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dalalka dariska ah in laga caawiyo dagaalka oo ay sheegeen in ay kula jiraan argagixiso.! Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland. WAR-SAXAAFADEED Hargeya-28-02-2023(), waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna…

Read More

Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa xalay heshiis cusub ka gaaray muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma, ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midawga Yurub. Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo, kaasoo ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain. heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo wajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub.

Read More

Agaasimihii Guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Cabdirisaaq Diiriye oo kasoo jeeday gobalka Sool ayaa iska casilay xilka, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Hargeysa. Is-casilaada Agaasime Axmed Diiriye ayaa la xiriirta xasuuqa maamulka Somaliland ku wado shacabka magaalada Laascaanood. Xubno badan oo kasoo jeeda goballada SSC oo xilal ka hayay Somaliland ayaa iscasilay tan iyo markii uu bilowday kacdoonka shacabka Laascaanood, ay uga soo horjeedaan maamulka Hargeysa.

Read More

Dagaal culus ayaa saaka dib uga bilowday duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka ee SSC iyo ciidamada maamulka Somaliland ee duullaanka ku ah Laascaanood maalintii 23aad. Aaga maraaga ayaa dagaalku saaka ka soconaya, waxaana la xaqiijiyay in ilaa saddex jiho ay dhinacyadu ku dagaalamayaan. Somaliland ayaa khasaare xooggan kala kulantay dagaallada ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, waxaana ay ku weyday saraakiil sare iyo ciidamo fara-badan.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland. Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa xilka kala wareegay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Cali Careys Xasan oo ku-sime ka ahaa Wasaaradan. Munaasabada Xil-wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Jubbada hoose iyo kan degmada Kismaayo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa beenisay in ay qeyb ka tahay dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood, iyadoo sheegtay in Somaliland ay dooneyso in ay siyaasadeeyso xasuuqa shacabka Laascaanood. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dagaalka oo galay maalintii 22aad, uu dhexeeyo Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana ay ugu baaqday maamulka Hargeysa joojinta xasuuqa. Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa Dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori…

Read More

Dagaal culus ayaa ka soconaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC. Inta badan dagaalka ayaa ka soconaya aaga miraanyada oo ay shalay deegaan ka dhigteen ciidamada Somaliland ee ka baxay deegaanada Tukaraq iyo Gambadha. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland laga durkiyay aaga dhufeysyada ka sameysteen. Waa asbuucii saddexaad oo dagaalku soconayo, ciidamo ka kicitimay gobalka Mudug ayaa saaka qeyb ka ah dagaalka. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Read More

Bulshada Xaafada Dayaxa magaalada Boosaaso oo dhambaal gar-dhigasho ah u dirtay madaxweynaha Puntland Said Deni. “30 sano ayay dekedda Boosaaso shaqaynaysay, maalin isbaaro looma dhigan, amni-darona kama dhicin, Amaantaas waxaa iska leh dadka xaafadaas deggan, mudnaanteediina ma helin” ayaa lagu yiri war-saxaadeedka kasoo baxay shacabka xaafada Dayax ee Boosaaso.

Read More

Kan hore waa heshiiskii Puntland 2016-kii ay diiday Puntland ee kala qeexayay awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Kan ku xiga waa heshiiskii ay Puntland diiday in ay saxiixdo 2019-kii xilligii Goodax,waana dulucda khilaafka Waxbarashada ee jira. Kan Sadexaad waa 2017-kii heshiis gaar ah oo ay galeen PL iyo Fadaraalka markuu Farmaajo yimid balse Goodax Barre kabaxay. Kan Afraad waa heshiiskii lawada galay 14-kii July markii uu Wasiir Carab yimid oo Shir ay iskugu yimaadeen Garowe dhamaan Wasaaradaha Waxbarashada Dalka,balse ma fulin isaguna. Kismaayo,ayaa layskugu tagay markale,waase ismari waayay oo sidaas,ayaa wakhtigeedii ku dhamaaday Dowladdii Farmaajo. Faarax Sh,Cabduqaadir markuu…

Read More

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeryooday shil diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka deegaanka Balli-doogle ee gobalka Shabeellaha hoose oo uu ku yaallo saldhigga ciidamada DANAB ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya. Aabe Cabdirisaaq Sheekh Maxamed Faarax, oo dhalay mid kamid ah dhallinyarada geeryooday ayaa sheegay in wiilkiisu uu ahaa askari lagu tababarayay saldhiga Ballidoogle, uuna dhintay kadib markii diyaarad Helicopter ah oo laga leeyahay Mareykanka, ayna tababar ku qaadanayeen ku timid cilad sababtay in ay burburto. Shilka diyaaradeed ayaa dhacay casar liiqii shalay. Tirada dhallinyarada ku dhimatay shilka diyaaradeed ayaa gaaraya 5, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale. Duuliyihii Diyaarada oo Cadaan…

Read More

Waa Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Mudug ka yimid iyo kuwa la midoobey ee Taleex iyo Sanaag oo wax ka badalay dagaalka kuna khasbay Ciidamada SL in ay ka guuraan Ganbarre iyo Tukaraq. Sidoo kale waxay ku khasbeen Ciidanka SL in ay ka baxaan difaacyadoodii ku teedsanaa Buurta Sayidka ilaa Hotel Xamdi,waxaa si gaar ah ucararay kuwii saarnaa Buurta Sayidka ee Magaalada garaacayay. Ciidankan oo wata ku dhawaad 70-Gaari oo Tukniko ah,ayaa iskugu jira.. 1.Ciidankii Mudug. 2.Ciidankii Taleex. 3.Ciidankii Xanaano. Haatan,waxay difaac ka xirteen Maraaga,Buurta Sayidka ilaa Guriga Gobolka iyo Hotel Xamdi. Ciidamadii Somaliland intii udanbaysay Kolonyadoodii waxay dhaafeen Koonfurta Maraaga,waxayna ku…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto, oo booqasho sagootin ah ugu timid. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka ahayd Xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wacan. Lisa Filipetto ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dowladda Soomaaliya, sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay hawlaha sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.

Read More

Booliska Koonfur-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay Axadda maanta ah in qarax bambaano uu ka dhacay suuq ay dadku ku badan yihiin, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, 16 kalena ay ku dhaawacmeen. Ma jirto koox markiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ka dhacday degmada fog ee Barkhan ee gobolka Baluchistan, halkaasi oo aysan fajac ka aheyn weerarrada maleeshiyada argagixsada ah. Saraakiisha Isbitaalka deegaankaas ayaa sheegay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay, iyagoo xaaladda dhowr dhibbanayaal ku sifeeyay “mid halis ah” lagana cabsi qabo in dhimashadu ay korodho. Guddoomiye ku xigeenka degmadaas, Cabdalla Khoso, ayaa sheegay in qaraxa uu…

Read More

Shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayuu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hurinayo colaadda Laascaanood, uuna diiday xal kasta oo nabaddeed. Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in uusan isagu matalin Hargeysa, Burco iyo Gabiley, balse uu yahay masuul matala gobalka Sool ayna dadkiisu soo doorteen, sidoo kalena lamid aheyn Mahad Cambaashe iyo Saleebaan Koore oo ah adeegayaal. Maamulka Madaxweyne Biixi ayuu ugu baaqay in uu ciidamada kala baxo gobalka Sool, loona hoggaansamo go’aanka isimadda dhaqanka SSC oo ah kan rasmiga ah ee ka shaqeyn doona deegaanka. https://www.youtube.com/watch?v=NxoAuH3Sx-w

Read More

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa isaga baxay saaka deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo 2018kii ka qabaadeen ciidamada Puntland, xilli ay garab ka helayeen dadka deegaanka. Somaliland ayaa ciidamadoodii iyo gaadiid dagaal rartay, sida ay soo warrinayaan dadka deegaanka. Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo dhowaan gaaray aaga Tukaraq ayaa la wareegay saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada Somaliland. Sida muuqata jab xooggan ayaa ciidamada Somaliland kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood, taas oo keentay in ay raraan ciidamadoodii joogay Tukaraq. Sidoo male xiisad kacsanaan ah ayaa ka taagan gudaha Gooja-cadde oo laga maqlayo rasaas goos-goos ah.

Read More

45 askari ayaa maamulka Somaliland looga dilay, 86 kalena waa looga dhaawacay dagaal maanta ka dhacay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood. Xubnaha dagaalka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Taliye kuxigeenkii guutada 7aad ee ciidanka Somaliland ahaana Abaanduulaha ciidamada, Korneyl Askhkir Ibraahim. Dagaalka ayaa ka dhacay galbeedka iyo bariga Laascaanood. Ciidamada ka dhintay Somaliland ayaa u badnaa kuwo looga dilay dagaalkii ka dhacay xerada Guulwade oo ahaa fariisinka ciidamada uu hoggaaminayay Taliyaha gobalka Sool ugu magacaaban Somaliland, Gen. Mahad Cambaashe. Sidoo kale, hub isugu jira Labo Taangi, gaari Suu ah, gaari waaraad ah iyo qoryo kala duwan ayaa lagu qabsaday…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Dawladda Puntland ayaa loogu baaqay maamulka Somaliland in uu joojiyo weerarada iyo gumaadka shacabka Laascaanood, ee diidan gooni-goosadka. Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Dagaalka gumaadka ah ee uu maamulka Somaliland ka wado magaalada Laascaanood waxa uu u dhaxeeyaa: Dadka deegaanka oo ka gadooday Dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kale-gedisan iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu khasbaan mashruucooda gooni-goosadka ah, una hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah in ay qayb ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa…

Read More

Wasaarada Waxbarashada Fadaraalku waxay miisaaniyadeeda ku darsatay Mushahaarka Macallimiin dhan 3000. Macallimintaas waxay udiyaarisay hanaan ay kusoo xulanayso,kuna diiwaangelinayso,kuna siinayso Mushahaarka. Puntland markii loosoo gudbiyay hanaankaas waa ka biyo diiday,iyadoo doodeeda ku salaysay Dastuurka iyo heshiisyadii jiray… 1.3000-kun ee Macallin,waxaa laga siiyay 400 oo waa ka biyo diiday. 2.Dalku waa Fadaraal ee mahan hanaan Dowlad Dhexe,sida loo qorayo Macallimiintan,waxay baalmarsan yahay Dastuurka Dalka. Faarax Sh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Fadaraalku,waxuu rabaa in Macallinka jooga Caluula laga qoro,lagala soo xisaabtamo,lagana siiyo mushahaarka Xamar. Khaladkiisa,isagoo boor ku qarinaya,ayuu isku dayay in PL eeda saaro iskuna muujiyo Qof dadaalaya balse lala shaqayn la’a yahay.…

Read More

Taliska Ciidanka Somaliland ayaa ka hadlayay qabashashada ciidamada deegaanka ee SSC ee xerada Guulwadayaasha oo ay degnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hargeysa oo uu horkacayay Taliyaha Somaliland ugu magacaaban aaga Sool, Gen. Mahad Cambaashe. Isagoo saxaafadda kula hadlayay Hargeysa Madaxa howlgelinta ciidamada Milateriga Somaliland, ayuu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen dabley hubeysan oo ay dabadda ka riixayaan Al-Shabaab iyo Puntland. Waxaa uu intaa ku daray in ay is difaaceen ciidamadooda, halka dhanka kalena ay ilaalinayaan xabad-joojinta ay ku dhawaaqeen. https://youtu.be/_TnqcfKwbFY

Read More

Ciidamada deegaanka ee SSC ayaa dagaal kula wareegay xerada Guulwadayaasha ee Laascaanood, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Gen. Mahad Cambaashe oo u qaabilsanaa Somaliland gobalka Sool. Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hubkii yaalla xerada, oo ay kamid ahaayeen labo Taangi iyo qoryo kale oo culus. Mahad Cambaashe iyo xoogaa ciidamo yar ayaa ka baxsaday goobta dagaalka, waxaana jira khasaare baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Read More

Dagaal culus ayaa dib uga bilowday goor-dhaweyd xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo ciidamada deegaanka ee SSC. Galbeedka magaalada oo saldhig ciidan ku leeyahay Mahad Cambaashe oo kasoo jeeda Laascaanood, balse daacad u ah maamulka Hargeysa iyo Bariga magaalada ayay duullaanka kasoo qaaday Somaliland. Waa tobaadkii saddexaad oo magaalada Laascaanood martigelinayso duullaanka Somaliland, wallow lagu jabiyay dagaaladii dhacay.

Read More

Dablay hubaysan ayaa weerar ay ka geysteen badhtamaha dalka Mali, waxay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan dawladda dalkaas. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee ay kooxaha Islaamiyiintu ay ka geystaan deegaankaas. Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la baaxaa degaya qalalaase gacan ka hadal wata, oo ay wadaan kooxo xidhiidh la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish. Kooxahan Islaamiyiinta ayaa sidoo kale hawlgallo ka geysta dalalka deriska la ah Mali, iyaga oo ku dilay kumanaan qof, halka ay barakiciyeen malaayiin qof. Weerarkan ugu dambeeyey ayaa ka dhacay…

Read More

Ciidamo fara-badan iyo gaadiid dagaal oo xalay kasoo ruqaansaday xarunta gobalka Mudug ee Gaalkacyo ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood, oo todobaadkii saddexaad uu ka soconayo duullaan maamulka Somaliland ku doonayo in uu dib ugu qabsado. Diyaarinta ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn looga dareemaya magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee gobalka. Isimadda dhaqanka oo uu hormuud u yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa horkacayay diyaarinta ciidamada u ruqaansaday Laascaanood. Dadka deegaannada SSC ayaa hadal-haya tagista ciidamada cusub ee ka baxay gobalka Mudug, kuwaas oo sida la rumeysan yahay door weyn ka geysan kara xoreynta gobalka Sool.

Read More

Ciidamada dalka Turkiga ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey woqooyiga dalka Syria, waxayna dileen nin lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Istanbul, sida ay baahisay warbaahinta Turkigu. Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay Arbacadii fuliyeen ciidamada sirdoonka ee Turkigu inay dileen Halil Menci oo ay ku tilmaameen inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Istanbul bishii November 13-keedii, hawlgalkan qorshaysan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Qamishli. Ururka dusha kala socda hawlaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar cirka…

Read More

Maleeshiyaad katirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo ay farriisimo ku leeyihiin ciidamada Puntland. Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa hadda kantaroolka Boosaaso, ciidamo kooban oo ku sugnaa goobta ayaa la sheegay in ay iska difaacayaan. Wixii kasoo kala soco Idilnews

Read More

Xubnaha Golle Wasiiro ah oo uu amray in ay tagaan gobalka Mudug, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday in ay aadaan gobalkaas, iyagoo u sheegay in aysan tagi karin, maadama aysan isku wanaagsaneyn isimadda dhaqanka iyo waxgaradka Mudug. Wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa xusay in isimadda gobalka Mudug aysan isku wanaagsaneyn iyaga, ayna tabasho ballaaran ka qabaan isaga (Madaxweynaha). Waxaana ay u soo jeediyeen in uu isagu tago gobalka oo ah mid xasaasi ah, aysana hadda ka jirin diidmo ballaaran oo la…

Read More

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay in ay hayaan cadeymo muujinaya in maamulka Somaliland uu wada shaqeyn ballaaran la leeyahay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. Cabdiweli Gaas ayaa xusay in intii uu ahaa Madaxweynaha Puntland ay aruuriyeen warbixino badan oo la xiriira wadashaqeynta Al-Shabaab iyo Somaliland, sida taageerada ay siiso maleeshiyaadka al-shabaab ee ka dagaalamaya buuraleyda Puntland. https://www.facebook.com/i455353/videos/3123704347923937

Read More