In kabadan 50 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish ayaa lagu dilay dagaallo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas 48 saac ee u dambeysay ka socday buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari. Howlgallada oo intooda badan ka dhacay Toggaga Miiraale iyo Baallade, waxaana ciidamada Puntland oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Puntland iyo kuwa Mareykanka ay gudaha u galeen aaggag ay gabaad ka dhigteen firxadka kooxda Daacish, ee laga saaray Miraale oo ahaa Taliska ugu weyn ee Daacish ku leedahay Geeska Africa. Ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku waayay labo Askari, halka saddex kalena…
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Charles King. Charles King oo bishii May soo gaaray Muqdisho, u gudbiyay Xassan Shiikh dhambaal uu ka sidday Dowladda Ingariiska, kaas oo ku wajahan marxalada uu dalku marayo iyo xaalada cakiran ee siyaasadda dalka. Villa Somalia ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Charles King, ay isla soo qaadeen Horumarinta iskaashiga Amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Ingariiska. “Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo amniga.”…
Qarax miino ayaa haleelay gaari uu saarnaa Xoghayaha Dowladda hoose ee degmada Qandala iyo Askar la socotay, xilli ay marayeen Togga Ciida Dheer ee deegaanka Turmasaale. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo lagu aasay meel Ciid ah uu dhaawac kasoo gaaray Xoghayaha Dowladda hoose ee Qandala ee gobalka Bari. Ciidamada Puntland ayaa ku jira gabagabada Wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada, waxaana jira dagaallo dhexmaray ciidamada iyo firxadka kooxda Daacish oo lagu dilay xubno katirsan Daacish. IDILNEWS
Dowladda Mareykanka ayaa gabi ahaanba joojisay taageerada ay siin jirtay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, sidda uu xaqiijiyay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate ee Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in hoggaanka ciidamada DANAB ay lunsadeen saadkii ciidamada iyo raashinkoodii, iyadoo madaxda DFS ku guuldareysteen wax ka qabashada arrinta iyo in lala xisaabtamo kooxdii ku kacday musuqmaasuqa. “Mareykanku ma dayacayaan Danab ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Taageerada Danab waxaa la bilaabay in si tartiib tartiib ah loo yareeyo sannadkii 2024 kadib markii hoggaamiyaasha Danab ay musuqmaasuqeen raashinka loo qoondeeyey, dowladda Soomaaliya-na ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato arrintaas”…
Safiirrada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa qodobo adag hordhigay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, oo kulan qaatay saacado badan ay kula yeesheen xerada Xallane, gelinkii dambe ee isniintii. Kulanka oo qabsoomay wax yar kaddib markii uu soo dhammaaday kulan u dhexeeyay Wakiillada caalamiga ah, gaar ahaan bahda C6+ – ayaa diirrada lagu saaray baahida loo qabo in la badbaadiyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya ee heshiiska laga yahay. Danjire Swan iyo safiirka Mareykanka Richard Riley, ayaa u soo bandhigay Madaxweyne Xassan Shiikh labo qodob, kuwaas oo kala ah 1. In uu aqbalo shuruudaha mucaaradka (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed), uuna ka shaqeeyo in gogasha uu…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Cirro ayaa sheegay in Odinga ay ka wada-hadleen iskaashiga dhexmari Kara Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, isu socodka iyo Arrimaha istiraatiijiga ah ee gobalka Geeska Africa. “Waxa aan si qoto dheer uga wada-hadalnay xidhiidhka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Mudane Raila Odinga iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, waxa aanu isla meel dhignay fursadaha iskaashi ee ka dhexeyn kara Somaliland iyo Kenya, gaar…
4 xubnood oo katirsan firxadka kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Timirshe. Ragga oo ah Soomaali ayaa kamid ahaa baxsad Daacish, ee maalmo kahor laga saaray Miraale, waxaana ku sugan Timirshe Wasiirka Amniga Puntland, Xaaji Bakiin. Dhanka kale, howlgallo ayaa ka socda buuraleyda Cal-miskaad, kuwaas oo lagu baadi goobayo firxadkii argagixisada Daacish, waxaana jira warar sheegaya in maleeshiyaad kamid ah Daacish oo Soomaali ah, ay doonayaan in ay isa soo dhiibaan. IDILNEWS
Madaxweynihii hore ee DFS, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ayaa shuruudo ku xiray ka qeybgalka gogasha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, isagoo dalbaday in ay noqoto mid loo dhan yahay ayna qeyb ka yihiin dhammaan madaxda dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Farmaajo ayaa sidoo kale u soo jeediyay Madaxweynaha DFS, ka laabashada laallida Dastuurka, iyo dhisida Guddiga doorasho ee aan loo dhameyn. Hoos ka Akhriso War-saxaafeed kasoo baxay Farmaajo. Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee…
Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa maanta howlgallo ka wada deegaannada ku harreeraysan Togga Miiraale, ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari. War kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu ugaarsanayo firxadka argagixisada Daacish ee ka baxaday maalmo kahor Miraale. “Maanta Ciidanku waxay hawlgal ka wadaan deegaannada ku hareeraysan Togga Miraale, iyagoo ugaarsanaya firxadkii Argagixisada Daacish ee ka cararay Miiraale, Calmiskaad.” Maalmo kahor, ciidamada Puntland ayaa qabsaday Taliskii ugu weynaa ee argagixisada Daacish ku lahayd Cal-miskaad, oo ku yaallay Togga Miiraale, waxaana hadda firxad kala noqday xubno kooban oo ka harray…
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa diyaarinaya qorshe uu ku dhimo joogitaanka milatari iyo dhaqaale ee Maraykanku ku leeyahay gudaha Soomaaliya, tallaabadan oo qeyb ka ah isbeddel weyn oo ku wajahan siyaasadda guud ee Afrika, sida uu Axaddii weriyay The Washington Post. Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib-u-habayn istaraatiijiyadeed oo ballaaran, kaas oo lagu yareynayo ku lug lahaanshaha Maraykanka ee qaaradda Afrika, si mudnaanta loo siiyo arrimo kale sida sugidda xuduudaha iyo casriyeynta awoodda nukliyeerka. Miisaaniyadda cusub ee ay soo jeedisay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (Pentagon) ayaa si cad u muujinaysa jihada cusub, iyadoo hoos loo dhigay muhiimadda Taliska Maraykanka ee Afrika…
Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa iclaamiyay qabashada gogasha Wadatashiga Qaran, taas oo uu ku casuumay xubno uu ugu yeeray siyaasiyiin iyo hoggaamiyayaasha Bulshada. Gogasha oo ka qabsoomi doonta 15 June magaaladda Muqdisho – ayuu sheegay in looga hadli doono siddeed qodob, kuwaas oo kala ah Amniga, ciribtirka argagixisada, dimuqraadiyadda. doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, midnimada iyo dib-u-heshiisiinta. Sababta keentay iclaaminta gogasha. Habeeno kahor, Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ka ballanqaaday wakiillada Beesha Caalamka, in uu qaban doono gogol ballaaran oo ay qeyb ka yihiin dhammaan madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo looga hadlayo xaalka siyaasadeed ee…
Mahad Salad, ayaa mar kale loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaddib kulan aan caadi ahayn oo maanta ay yeesheen Gollaha Wasiirada XFS. Sanbaloolshe oo laga qaadday Hoggaanka NISA – ayaa ugu dambeyn xalay lagu qanciyay baneyntiisa xafiiska kaddib muddo bilo ah oo uu ka warwareegayay, iyadoo bedelkeeda loo ballanqaaday Wasiir muhiim ah. Mahad Salaad oo kamid ah xubnaha lasoo dhiig baxday doonistiisa xukunka ee 2022, xil ka qaadistiisii hore ayaa ku timid kaddib markii dalalka Reer Galbeedku joojiyeen la shaqeynta NISA si dhameystiran, iyadoo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada ah.…
Idilnews ayaa xaqiijisay in uu fashilmay, is afgarad la doonayay in ay Dubai ku gaaraan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Heshiiska Deni iyo Madoobe, oo ay daba ka riixayeen xubno ka agdhow labadooda iyo saraakiil u dhashay Imaaraatka Carabta ayaa guuldareystay saacadihii u dambeeyay ee uu qabsoomi lahaa kulan ballaaran oo dhex mara labada Madaxweyne. Wararka ayaa sheegaya in Siciid Deni uu dib uga gurtay heshiis uu hadda la galo Axmed Madoobe oo dareemaya go’doon siyaasadeed, isagoo ku adkeystay in uusan muhiim u arag, maadama axdi kasta oo siyaasadeed oo lala gaaro ka fuleyn…
Wararka ka imaanaya buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari ayaa xaqiijinaya in ciidamada Difaaca Puntland ay gudaha u galeen Togga Miiraale, iyagoo la wareegay Saldhiggii ugu weynaa argagixisada Daacish, kaas oo ahaa Ceel biyood. Dagaalka culus ayaa ilaa hadda socda, waxaana jira khasaare xooggan oo soo gaaray Daacish. Ciidamada Puntland oo garabsanaya diyaaradaha dagaalka ayaa baacsanaya firxadka kooxda Daacish, kuwaas oo u cararay dhanka Togga Baalade. IDILNEWS
Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadinaysa Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud in hoggaanka Ciidamada Xoogga dalka laga qaado Gen. Odawaa Yuusuf Raagge, kaddib guuldarooyinkii bilihii lasoo dhaafay soo gaaray ciidamada milateriga Soomaaliyeed. Idilnews ayaa ogaatay in dhowaan ay kala hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh, isbedel lagu sameeyo Taliska ciidamada xoogga dalka, xilkana laga qaado Odawaa Yuusuf, lana keeno hoggaan cusub oo leh aqoon ciidan iyo waayo aragnimo la xiriirta dagaalka argagixisada. Gen. Odawaa ayaa lumiyay kalsoonida ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada ka taageera Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada, oo Mareykanku ugu baaxad weyn yahay, kaddib markii bartamihii bishii April…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga Nairobi ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka oo ahaa mid muhiim ah looga wadahadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Dowladdood. Ruto iyo Cirro ayaa Isla soo qaaday Amniga gobalka iyo dadaallada nabad dhisidda ee gobalka Geeska Africa. Hoos ka Akhriso War-saxaafeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Dr. William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay…
Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka oo qabsoomay xalay, ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Puntland iyo Somaliland, iyadoo Deni iyo Cirro Isla meel dhigeen muhiimada ay leedahay in ka wada shaqeynta danaha labada dhinac ee ku foogan Arrimaha Soomaaliya. Deni ayaa habeen kahor soo gaaray Nairobi, isagoo soo gaabiyay safar uu ku joogay magaaladda Dubai, si uu ula kulmo Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga dalka Kenya. Is aragga Deni iyo Cirro ayaa daba socda dib u soo celinta xiriirka Puntland iyo Somaliland, kaddib dagaalkii…
Maamulka gobolka Mudug ayaa joojiyay banaanbax oo la qorsheynayay in jimcaha berri ah uu ka dhaco magaaladda Gaalkacyo, kaas oo looga soo horjeeday Dowladda Puntland, oo lagu eedeeyay in ay dayacday gobolka Mudug. Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Mudug – ayaa lagu sheegay in duruufo amni dartood loo baajiyay banaanbaxa oo ay wadeen qaar kamid ah dhallinyarada gobalka Mudug, dibna laga soo sheegi doono xilliga la qabanayo. “Kaddib markii aan aragnay duruufaha amaan ee ka jira gobolka Mudug, waxaa guddiga amniga gobolku go’aamiyay in banaanbaxaas dib loo dhigo Illaa amar dambe.” IDILNEWS
Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday xabsiga weyn ee magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Dableyda ayaa diidanayd in la toogto Yuusuf Axmed Jaamac oo ku dilay Gabar, duleedka deegaanka Daarusalaam ee degmada Goldogob, kaas Maxkamaddaha Puntland ku rideen xukun Dil ah, lana rabay in saaka lagu fuliyo toogasho. Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday saldhiga Kabida ee Gaalkacyo, waxaana weli xiisad dagaal ka taagan tahay agagaarka Saldhiga. Laamaha amniga gobalka Mudug ayaa weli ka hadlin weerarka lagu qaaday saldhiga. IDILNEWS
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa soo gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kaddib maalmo uu ku sugnaa magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta. Siciid Deni ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Nairobi, waxaana uu kulamo siyaasadeed la yeelan doonaa xubno muhiim ah oo kamid ah hoggaanka siyaasadda Soomaalida, dublamaasiyiin sare oo ka socda dalal kala duwan iyo Hay’addo caalami ah. Idilnews, ayaa xaqiijisay in xubnaha uu la kulmi doono Siciid Deni uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo maalmahan ku sugnaa Nairobi, iyagoo ka wadahadli doona marxalada siyaasadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka Somaliland iyo Puntland. Garoowe iyo Hargeysa…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa lagu wadaa in maanta uu xariga ka jari doona xafiiska Somaliland ee Kenya, kaas oo dib u casriyeyn lagu sameeyay. Xafiiska oo lamid ah kan Somaliland ku leedahay magaaladda Addis Ababa – ayaa ka shaqeyn doona arrimaha ganacsiga iyo dadaallada Somaliland ugu jirto in loo aqoonsado dal madax banaan. Dowladda Kenya ayaa maalmo kahor sheegtay in ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland iyo Jubbaland, maadama ay kala dhexeeyaan dano ganacsi iyo mid amni. Madaxweyne Cirro ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Nairobi, iyadoo xubno sare oo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital Nairobi qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay Wakiilka Puntland ee Kenya Maxamed Axmed Fagalade, iyagoo qoyska uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee General Moorgan, oo waddankiisa muddo dheer usoo shaqeeyey. Qoyska uu Madaxweynuhu la kulmay waxaa ka mid ahaa, General Maslax Maxamed Siyaad Barre, xaaskii marxuumka marwo Canab Maxamed Siyaad iyo wiilka marxuumku dhalay Samatar Maxamed Saciid Moorgan. Madaxweynuhu wuxuu uga tacsiyeeyey geerida marxuumka,…
Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Xirsi Morgan – ayaa ku geeryooday Isbitaalka ku yaalla magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Gen. Morgan oo ahaa 76 sano jir ayaa kamid ahaa hoggaanka Dowladdii Milateriga ee uu hoggaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre. Maalmo kahor ayuu arrimo caafimaad uga amba-baxay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, oo sanadihii u dambeeyay uu kunoolaa Janaraalka oo si weyn geeridiisa looga dareemay dhulka Soomaaalida. Taariikh Kooban oo la xiriirta sooyaalka AUN Gen. Morgan. Gen.Morgan wuxuu 1949-kii ku dhashay magaaladda Qardho, wuxuu ciidamada xoogga ka mid noqday 1967; isaga oo wax ku soo bartay Midowgii Soofiyeeti iyo…
Xiisadda u dhaxaysa waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa cirka isku shareertay ka dib markii dhowaan Tanzania bilowday in ay dalkeeda ka tarxiisho qaybo ka mid ah bulshada Kenya ee halkaas ku sugan halka qaar kalena loo diiday in ay dalkaas soo galaan. Dadweynaha Kenya oo ka cadhooday tallaabooyinka kaga yimi Tanzania ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawirro ay ka sameeyeen madaxweyne Saamiya Suluhu kuwaas oo ay ku aflagaadaynayaan. Dawladda Tanzania ayaa dhiggeeda Nairobi ka dalbatay in ay joojiso hadallada Xanafta leh ee baraha bulshada lagu baahinayo ee ka dhanka ah madaxweynaha dalka Tanzania Saamiya Suluhu. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto…
Mucaaradka Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud – ayaa goordhow shir uga furmay Hotelka Jazeera ee magaaladda Muqdisho. Xubnaha mucaaradka oo ay hormuud u yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake ayaa ka wada-hadlayay marxalada adag ee dalku ku sugan yahay, iyagoo si gaar ah diirada u saari doona doorashada dalka iyo isbedelka Dastuurka KMG ah uu ku sameeyay Madaxweyne Xassan. Shirka mucaaradka ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaan, lagana soo saaro go’aano culus oo ka dhan ah qorshaha Xassan Shiikh, ee dalka geliyay xaalada hubanti la,…
1. Introduction The debate over the future of the Somali Peninsula, whether through a repaired federation, confederation, or formal dissolution, is urgent and long overdue. I welcome it. For too long, fundamental questions of sovereignty, legitimacy, and political possibility have been deferred. The old reliance on Pan-Somalism and the nostalgic pull of the 1960s have outlived their usefulness. What is needed and what seems to be emerging now is an honest reckoning with the hard questions: What political arrangement could be viable and just? The fact that this debate is taking place suggests a political maturity among Somali thinkers now…
Idilnews – ayaa heshay in dib u dhac ku yimid kulan kama dambeys ah oo ay yeelan lahaayeen Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta. Kulanka oo ahaa mid lagu soo afmeerayay khilaafka Deni iyo Madoobe, laguna dhameytirayay is qaadashadooda siyaasadeed ayaa la rajeynayaa in uu dhaco ilaa habeenka arbacada. Siciid Deni iyo Madoobe, ayaa kaddib heshiiskooda u soo amba-bixi doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Deni ayaa maalmaha uu ku sugan yahay Nairobi ku geli doona kulamo siyaasadeed iyo kuwa uu la yeelan doono dublamaasiyiin sare oo…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xassan Shiikh iska horkeenida bulshada kunool Muqdisho, isagoo sheegay in uu meesha ka saaray degmo-nimada Koxda oo kamid ah degmooyinka Muqdisho, iyadoo cadaadis lagu saaray shacabka kunool in si khasab ah ay isku diiwaangeliyaan. Hoos ka akhriso qoraalka Shariif Shiikh Axmed. Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda. Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada…
Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS – ayaa buuq ka abuuray kulamada mucaaradka diiddan Madaxweyne Xassan Shiikh, ee ka socda magaaladda Muqdisho. Rooble oo isniintii soo gaaray Muqdisho, ayaa la xaqiijiyay in uu ka horyimid qorshe la doonayay in Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed, looga dhigo Guddoomiyaha Madasha Mucaaradka oo lagu dhawaaqayo. Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Rooble uu dalbaday in doorasho laga dhigo Guddoomiyaha mucaaradka, taas oo ay iska diiddeen inta badan xubnaha mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho. Idilnews, ayaa ogaatay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay shaki ka qabaan daacadnimada mucaaraddada Maxamed Rooble, maadama la xaqiijiyay…
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kulamo kula yeeshay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Kulamada oo dhacay 72 saac ee lasoo dhaafay, ayaa looga hadlayay xallinta khilaafka labada Madaxweyne, oo soo bilowday kaddib doorashadii May 2022, oo uu Axmed Madoobe ka baxay axdi siyaasadeed dhexyaallay isaga iyo Deni. Idilnews ayaa xaqiijisay in Deni iyo Madoobe, heshiis ka gaareen is diiddooyinka ka dhex jira iyo dhacdooyinkii abuuray kala-tagooda siyaasadeed, iyadoo Axmed Madoobe uu ballanqaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono Siciid Deni. Xubno ka agdhow Axmed Madoobe ayaa inoo sheegay in la dhameeyay khilaafka…
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xiriir dublamaasiyadeed la sameysanayso Somaliland iyo Jubbaland, si ay u ilaalsato danaheeda ganacsi iyo nabadgelyo. Kenya ayaa sheegtay in ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ay qeexayaan heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay qeybta ka tahay. “Annaga oo ilaalinaya midnimada Soomaaliya haddana waxaannu xidhiidh la samaynaynaa Somaliland iyo Jubaland oo annu la wadaagno dano amni iyo mid ganacsi” wasaararadda Arrimaha Dibadda Kenya. Qoraalka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli uu dalkaas gaaray Madaxweyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo kulan la yeelanaya…
Dhoofka Xoolaha nool ayaa si weyn uga socda Dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Boqollaal Kun oo meerisyada kala duwan ee Xoolaha ayaa ka amba-baxay habeenadii lasoo dhaafay Dekedda Boosaaso, kuwaas oo loo iibgeeyay qaar kamid ah dalalka Khaliijka. Xoolaha ugu badan ayaa loo dhoofiyay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cumaan iyo Yemen. Xoolaha loo iibgeeyo dalalka Carbeed ayaa kor u kaca inta lagu guda jiro u diyaargarowga Ciidul-Adxa. Dekedda magaaladda Boosaaso ee Puntland ayaa kamid ah Dekeddaha sida weyn loogu dhoofiyo Xoolaha ay iibgeeyaan ganacsatada Soomaaliya. IDILNEWS
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Maalmihii lasoo dhaafay u diyaargarowga soo dhaweynta Cirro ayaa si weyn looga dareemayay Nairobi. Waa socdaalkii saddexaad ee uu uga baxayo gudaha Somaliland, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Somaliland, uuna xafiiska la wareegay 12 December, 2024. Cirro ayaa horrey booqasho ugu tagay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti, kaddib casuumaad uu ka helay madaxda labada dal. Si rasmi ah looma oga ujeeddada socdaalka Madaxweyne Cirro ee Nairobi – balse, wararka qaar ayaa sheegaya in uu kulan la yeelan doono madaxda dalka Kenya.…
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Daacish ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoo ciidamada Difaaca Puntland ay ku guda jiraan diyaargarowgii u dambeeyay ee soo afmeeriida firxadka argagixisada. Ciidamada ayaa maalmaha soo socda qaadi doona howlgal cir iyo dhul ah, kaas oo lagu beegsanayo goobo lagu tuhunsan yahay in ay ku sugan yihiin saraakiil iyo maleeshiyaad katirsan Daacish oo ajaanib iyo Soomaali ah. Wafti ka socda Dowladda Puntland, uuna hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Gollaha Wakiillada Puntland ayaa sabtidii gaaray furimaha hore ee dagaalka, iyagoo kulan la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka oo uga warbixiyay diyaargarowgooda iyo natiijada howlgalladii la sameeyay maalmihii lasoo dhaafay. Waddo cusub…
Tan iyo markii ay dhacday doorashada Madaxtooyada ee maamulka Somaliland, uuna kusoo baxay Cabdiraxmaan Cirro – waxaa kor u kacay olalaha aqoonsi raadinta is Somaliland, taas oo ay hor boodayaan dowladdo, Hay’adda iyo xubno saameyn weyn ku leh siyaasadda Mareykanka. Dowladda Ingariiska ayaa ah maalgeliyaha ugu weyn ee gooni-goosadka maamulka Somaliland, iyadoo marar badan abuurtay kooxo qaata dhaqaale oo qaada mab’da aqoonsi u raadinta Somaliland. Dhaqaalaha baxa ayaa waxaa bixiya Dowladda Imaaraatka Carabta. Akhriso shaqsiyaadka horboodaya Qorshaha aqoonsiga maamulka Somaliland. 1. Timor Nagy, oo ahaa xoghaye ku xigeenka arrimaha dibeda ee Maraykanka mudo xileedkii hore ee Donald Trump, haddana waxaa…
𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐮𝐱𝐮 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮 𝐡𝐚𝐧𝐭𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚. 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱-𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧, 𝐰𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲. 𝐖𝐚𝐚 𝐊𝐚𝐧 𝐍𝐮𝐱𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐋𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚. Heshiiskii shidaalka ee u dhexeeyey dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyey kadib markii loo gudbiyey Baarlamaanka Turkiga. Waxaana si cad u muuqata in Turkigu helay xuquuq dhaqaale oo ballaadhan, isagoo si aan xadidneyn xaq loogu siiyey kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐮 𝐮𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚: 𝟏: 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪 𝐆𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐀𝐚𝐧 𝐋𝐚𝐥𝐚 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐦𝐢 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐧: Turkiga waxaa la siiyey xuquuq gaar ah oo uu keligii…
Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay Doon sidday dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo u badan dumar iyo carruur. Doonta ayaa lagu qabtay xeebta deegaanka Bacaad ee degmada Qandala. Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa sheegay in baaris lagu waddo dadka saaran doonta, oo looga shakiyay in ay yihiin Haweenkii iyo carruurta argagixisada Daacish ee dagaalka ay kula jiraan ciidamada Difaaca Puntland. IDILNEWS
In kabadan 100 Xildhibaan ayaa saxiixday mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Aadan Madoobe, iyagoo ku eedeeyay qodobo ay kamid yihiin ku tumashada Dastuurka KMG ah ee dalka, xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo in uu Aqalka hoose ee Baarlamaanka hoos geeyay Madaxtooyada. Aadan Madoobe ayaa ku guuldareystay in uu shir-guddoomiyo kulankii sabtidii ee Golaha Shacabka, iyadoo si lamid ah isniintii uu baaqday kulankii Golaha, taas oo ah caqabad weyn oo xallinteeda ay ugu kacayso Guddoomiye Madoobe iyo Villa Somalia qiimo badan. Baarlamaanka Federaalka ah ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa Golle ku guuldareystay in uu ka madax banaanado Madaxtooyada,…
Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa uga digay Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud in uu kusii socdo siyaasadda dhaawacaysa nidaamka Dowlad dhiska Soomaaliya. Kulanka dhexmaray Xassan Shiikh iyo Danjire Richard H. Riley ayaa lagu weydiiyay Xassan sababta keentay in uu iclaamiyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee aan waafaqsaneyn xal u helida khilaafka Villa Somalia iyo Puntland iyo Jubbaland, xilli horey loogala hadlay in uu u yeero dhammaan dhinacyada qeybta ka ah madasha. Xassan Shiikh ayaa ka dhaga adeegay soo jeedin ka timid dhinaca Mareykanka, oo ah in dib loogu yeero dhammaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay…
Dabley hubeysan ayaa caawa ku dishay degmada Bursaalax ee gobalka Mudug labo ganacsato ah oo kamid ahaa haldoorka bulshada degmada. Ganacsatada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Burhaan Xaashi oo ahaa Maamulaha Shirkadda Golis ee Bursaalax iyo Mahad Siyuun oo ahaa ganacsade. Dilka ayaa la xaqiijiyay in uu salka ku hayo aano qabiil. IDILNEWS
Sarkaal sare oo katirsanaa Qunsuliyadda Dowladda Itoobiya ee Garoowe, Laguna magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. Faarax ayaa la xaqiijiyay in lagala baxay hoygii uu ka deganaa Laascaanood, iyadoo meydkiisa laga banaanka magaalada, xilli ay dushiisa ku yaalleen jirdil loo geystay iyo xabaddo lala dhacay. Maamulka Sool Bari ee ka arimiya Laascaanood ayaa weli ka hadlin dilka Faarax Caydiid, oo u muuqda mid qorsheysnaa. Laascaanood ayaa kamid ah meelaha ay saameynta ba’an ku leeyihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo in muddo ah dilal ka geysan jirtay magaalada. Xogo sirdoon oo…
Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa go’aamiyay isbedel degdeg ah oo uu ku sameeyo hoggaanka ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah, gaar ahaan ciidamada Xoogga dalka iyo Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Idilnews – ayaa ogaatay in kulan xalay dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh iyo saraakiisha ciidamada oo uu folaad u ahaa Gen. Odawaa Raagge, lagu gorfeeyay guul darrooyinka is xigxigay ee todobaadyadii lasoo dhaafay soo gaaray ciidamada xoogga dalka. Si gaar ah, kulanka ayaa diirada lagu saaray la wareegitaanka argagixisada Alshabaab ee degmada Aadan Yabbaal, taas oo maleeshiyaadka kooxdu qabsadeen xilli ay ku sugnaayeen Gen. Odawaa iyo…
Wararka ka imaanaya buuraleyda Cal-miskaad ayaa sheegaya in duqeymo culus ay ka socdaan aagga Togga Miraale – oo 30 saac ee u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo ay fulinayaan ciidamada difaaca Puntland. Duqeymaha oo ay fulinayaan diyaaradaha Mareykanka ayaa lala eeganayaan goobo ay ku sugan yihiin haraadiga firxadka argagixisada Daacish. Dagaallo culus oo ka dhacay Miraale tan iyo shalay – ayaa lagu dilay in kabadan 65 xubnood oo argagixisada Daacish ah, kuwaas oo ahaa ajaanib kusoo duushay nabadda dadka Puntland. IDILNEWS
Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ayaa toogtay xubno katirsan argagixisada Daacish, kuwaas oo weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin Togga Miiraale oo 24 ee lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo looga sifeynayo Miraale firxadka kooxda Daacish. Xubno weerarka soo qaaday oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa dhammaan ay toogteen ciidamadu, iyadoo aysan jirin khasaare kasoo gaaray ciidamada Difaaca Puntland. Sawirro ay baahisay Warbaahinta Dowladda Puntland ayaa muujinaya Meydadka argagixisada Daacish ee weerarka soo qaaday oo qaarkood qarxay, halka kuwa kalena la toogtay kahor inta aysan is qarxin. IDILNEWS
Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku geeryooday tiro hoobiyayaal ah oo saaka ku dhacay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay tuureen argagixisada Al-Shabaab. Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay degmooyinka Xamar Weyn, Xamar Jajab iyo Waaberi ee Muqdisho. Todobaadyadii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay hoobiyayaasha ay ku tuurayso xaafadaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka deegaanka u ah Hay’addaha Dowladda iyo xeyndaabka sidda weyn loo ilaaliyo ee Xalane oo fadhi u ah safaaradaha iyo hay’addaha caalamiga ah. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga DFS, kaas oo ku aadan hoobiyayaasha lagu garaacay xaafadaha Muqdisho. IDILNEWS
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo maanta ka dhacay Togga Miiraale, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee argagixisada Daacish. Dagaalka oo qaatay ilaa 10 saacadood ayaa lagu dilay tiro kabadan 60 xubnood oo argagixisada Daacish, kuwaas oo meydadkooda daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay. Dhanka ciidamada Puntland – 18 askari ayaa ku geeryooday, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 30 Askari, dagaalka oo ahaa mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee lala galo argagixisada Daacish, tan iyo markii uu bilowday howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Saddex kamid ah ceelasha 4 ah ee…
Dagaal culus ayaa ka socda Togga Miiraale ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari. Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa guluf weyn ku qaaday aroornimadii saaka talisyadii u dambeeyay ee argagixisada Daacish, iyagoo ka kiciyay dhowr goobood oo muhiim u ahaa firxadka argagixisada Daacish. Tiro kamid ah firxadka argagixisada ayaa lagu dilay dagaalka oo socda saacado badan, halka khasaare dhanka ciidamada uu kooban yahay. Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish oo ku guda jira wajigiisii 3aad ayaa maraya meel gabagabo ah. Wixii faahfaahin ah kala soco Idilnews IDILNEWS
Dowladda Puntland ayaa doonaysa in Isbitaallada Guud ee Dowladdu maamusho lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, kuwaas oo maalgelin ku sameeya, sidoo kelana maamulla. Idilnews ayaa ogaatay in shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland, oo u furmi doona 21 bishan April looga hadlayo siddii loogu wareejin lahaa ganacsato gaar ah Isbitaallada Guud ee Puntland, taas oo ka dhigan in Wasaaradda Caafimaadka Puntland ku guuldareystay maamulka Isbitaallada iyo tayeyntooda. Inta badan shaqaalaha ka howlgalla Isbitaallada Guud ayaa dhaqaale ka hela Hay’addo caalami ah, kuwaas oo taageera Caafimaadka Puntland, iyagoo sidoo kale ballaarin iyo dayactir ku sameeyay Isbitaallada. In Dowladdu ku wareejiso ganacsato gaar ah…
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa uga digay dadka kunool Sool Bari aflagaadada joogtada ah ee ay u geysanayaan Puntland, gaar ahaan beesha Majeerteen oo kamid ah beelaha dega deegaanada Puntland. Garaad Soofe ayaa sheegay in dadka caaya Puntland, ay yihiin kuwo lacag kasoo qaatay DFS, kuwaas oo raba in ay kala dilaan dadka Sool Bari iyo Puntland, ayna kaddib Dowladda Federaalka ah cidlo uga dhaqaaqdo. “Ogaada dadka Puntland caayaya iyo dadka wax ina taraya waa dad lacag lasoo siiyey, Federaalkuna wuxuu raba inu xariga inoo jaro” ayuu yiri Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe. https://www.facebook.com/share/v/1DwM2rhZo8/ IDILNEWS
Dowladda Mareykanka ayaa iska diiday taageero dhaqaale oo ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, kaas oo hadda wajahaya dhaqaale xumo baahsan. Howlgalka AUSSOM oo horey loo oran jiray AMISOM & ATMIS – ayaa hadda loo bedelay magaca, waxaana kusoo biiray dalka Masar oo ka helay ciidamo ka badan kun askari, kuwaas oo qeyb ka noqon doona mashruuca nabad ilaalinta Soomaaliya. Mareykanka ayaa doonaya in isbedel lagu sameeyo nooca howlgalka, dhaqaalaha ku baxa, iyo waqtiga kooban lagu soo gabagabeeyo, lagana gaaro natiijo rasmi ah. Sidda laga soo xigtay sarkaal sare oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka – Washington ayaa…
Idilnews ayaa ogaatay in ay been abuur yihiin warar lagu baahiyay baraha bulshada 24 saac ee lasoo dhaafay, kuwaas oo la xiriiray in xubno kamid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo shaqaalaha Guddiga ay iibsadeen xogta diiwaangelinta dadka Puntland. Xubno sare oo katirsan Guddiga PEC – oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in aysan jirin xog ka baxday gacanta Guddiga Doorashooyinka Puntland, balse ay jiraan in shaqaale muhiim u ahaa Guddiga, door weyna ku lahaa qabsoomida doorashadii qof iyo codka ahayd ee ka dhacday Puntland wada shaqeyn la yeesheen Guddiga Doorashooyinka ee lagu muran yahay ee DFS, kuwaas oo diiwaangelin…
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu laalay wada-hadalladii ay la geli jireen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo soo socday in kabadan 10 sano aanana laga gaarin wax natiijo ah. Go’aanka ayaa laga soo saaray shir maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland – iyagoo si adag u cambaareeyay safarkii Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamze Cabdi Barre uu ku yimid magaalada Laascaanood iyo deegaano kale oo katirsan Sool. Somaliland ayaa sheegtay in aysan jirin wadahadal ku aadan maxaabiista oo ay la gashay DFS. “Ma jirto wax wada hadal ah oo dawladda Somaliland kala yeelatay arrimaha Maxaabista, Maxaabista uu Raysal wasaadaha Soomaaliya geeyey…
Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay degmada Aadan Yabbaal ee gobalka Shabeellaha dhexe, taas oo muddooyinkii u dambeeyay ay gacan ku heynteeda ku fara adeegaysay DFS. Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka, weerar dhowr jiho ah kuna bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidamada Dowladda Federaalka ah ku lahaayeen Aadan Yabbaal – waxaana dagaal saacado socday kaddib isaga baxay degmada ciidamada Xoogga dalka, taas oo suuragalisay in argagixisadu si buuxda ula wareegto. Sawirro iyo muuqaallo ay baahisay kooxda Al-Shabaab – ayaa muujinaya maleeshiyaadka kooxda oo dhexmaraya degmada Aadan Yabbaal, oo kamid deegaanada istiraatiijiga ah uuna dhowaan booqday Madaxweyne…
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan oo ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa la kulmay labo kamid ah Isimmada dhaqanka Sool, gaar ahaan Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale. Kulanka oo ahaa qado ayaa Madaxweyne Madoobe iyo Isimmadu isaga xogwareysteen arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotama danaha ka dhexeeya. Axmed Madoobe oo wajahaya culeys siyaasadeed ayaa maalmaha joogay Nairobi – isagoo doonaya in uu helo xulufo siyaasadeed, gaar ahaan Puntland oo tan iyo markii uu galay Kismaayo u ahayd garab siyaasadeed oo ka gudbiyay mowjado adag oo seejin lahaa kursiga, balse oo dhabarka…
Cirka News, In a troubling development, Al-Shabaab has released a video showing its fighters operating in the Golis Mountains of Somaliland’s SSC-occupied region. This marks the first reported appearance of Al-Shabaab militants in Somaliland’s northern territories.The fighters in the video are seen communicating in dialects typically associated with southern and central Somalia, including the Maxaa Tiri dialect and Maay Maay, rather than the local northern Somali dialect. The group identifies itself as the (Liwa Al-Quds unit, lit. Jerusalem Brigade) further raising concerns about the growing presence of Al-Shabaab in regions previously considered relatively safe.This development outlines the consequences of Mogadishu’s…
Mogadishu, (Idil News) – On Tuesday, a significant incident occurred in Mogadishu when a powerful explosion struck the El-Gaabta intersection near the Presidential Palace, Villa Somalia, targeting President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy as it passed through. Al-Shabaab, a militant group, claimed responsibility for the attack via their media outlet, Al-Kataib, confirming it was an assassination attempt using an improvised explosive device (IED). After the attack, Hassan Sheikh was reportedly narrowly survived and skipped to the airport for a scheduled visit to the frontline offensive aimed at halting Al-Shabaab’s advance toward Mogadishu in south-central Somalia. Local sources confirmed that at least…
Mogadishu, (Idil News) – A wave of criticism has swept across Somalia following a controversial cabinet reshuffle by Prime Minister Hamza Abdi Barre. The appointment of Mohamed Abdikadir Ali as the new Minister of Youth and Sports Affairs has sparked outrage, with many pointing to his familial ties as the sole qualification for the role. Ali is the son-in-law of President Hassan Sheikh Mohamud, reigniting debates over nepotism in the country’s leadership. The decision, announced on Monday, has drawn sharp reactions on Social media, where users have labeled it a blatant example of favoritism in a government already under scrutiny;…
Jowhar, (Idil News) — A captured Somali National Army (SNA) soldier has delivered a damning account of dysfunction and despair within government forces, shedding light on the challenges facing Somalia’s military in its ongoing battle against Al-Shabaab. The soldier, a member of the Sa’d sub-clan of Habar Gidir, was taken prisoner during a recent Al-Shabaab assault in Cadaan Laxey and featured in a message released by the militant group on March 16, 2025. In the recording, the prisoner recounted how his unit succumbed to panic during the attack, abandoning him as they fled the battlefield. He described the incident as…
(Idil News) Saturday, 15 March 2025, the Speaker of the House of the People of the Federal Republic of Somalia, Adan Mohamed Nur (Madobe), announced the dismissal of Abdullahi Hashi Abib, a Member of Parliament (MP) representing the Awdal region. This unilateral action has sparked widespread concern over the erosion of legal norms, the abuse of power and the targeting of dissent within Somalia’s fragile democratic institutions. A Breach of Legal Procedure The dismissal of MP Abib is not only unjustified but also unlawful. Somalia’s parliamentary framework requires a two-thirds majority vote to remove a member—a threshold that has not…
Gudoomiyaha golaha Shacabka Faderaalka Shiikh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii ka xayuubiyey Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Xaashi Abiib oo ahaa xubin Baaralamaan ee Federaalka Soomaaliya katirsan, si lamid ah sida Golaha wasiirada shaqo ka ceyrinta loogu sameeyo.Xildhibaankan ayaa qoraalo dhaadheer ka qori jiray habxukunka, Musuq maasuqa iyo eexda kooxda Damul Jadiid ee Xamar fadhida, gaar ahaana warbixino uu kusheegay in uu musuqmaasuq ku dabagalay, sannadkii u dambeeyey ayuu sheegay in fariimo Hanjabaad ah ay madaxda NISA iyo DFS Soomaaliya qaarkood u direen, oo uusan sidaas Muqdisho u tagi karin.Kursigan #HOP201, waxaa horay ugu fadhiyey Cabdiraxmaan Bayle oo ahaa wasiirka maaliyada Faderaalka, balse…