Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab uu weerar madaafiic ah saaka aroortii ku qaaday saldhigga Ciidammada Daraawiishta Puntland ee deegaanka Af-Urur ee gobalka Bari. Ciidammada Puntland ayaa uga jawaabay weerarkan madaafiic culus, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hubka culus ee dhinacyadu isweydaarsanayeen. Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay Weerarkan oo ahaa kii labaad ee bishan gudaheeda Al-Shabaab. Idilnews
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa degmadda Xudur ee Gobolka Bakool kula kulmay Maamulka Degmada Xudur. Maamulka Degmada Xudur oo Horkacayey Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Dadaalada ay ku bixinayaan u adeegida Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. “Waxaan idinkaga Mahadcelinayaa Shaqada aad uhaysaan Shacabka reer Xudur Socdaalkayga Xudur waa mid shaqo oo aan ugu kuura-galayo Xaalada Degmada, Amniga Gobolka Bakool waa muhiim in si Wadajir ah looga wada shaqeeyo, dhibaatada Argigixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka waa inaan si wadajir ah…
Kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa lagu wadaa inuu maanta furmo, kaddib dib-u-dhac ku yimid muddo 5 berri ah. Furitaanka kalfadhigga ayaa sida rasmiga ah ku aadanaa 25 bishan Octobar, balse Madaxweyne Deni ayaa codsaday in dib loo dhigo, sababo la xariira Doorashooyinkii 3 degmo ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furi doona Kalfadhigga 49-aad ee Baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Puntland, waxaana uu jeedin doonaa khudbad uu uga hadlayo xaalada Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya. Idilnews
Guddiga hirgelinta doorashada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka labo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay HOP239 iyo HOP237. Diiwaangelinta iyo qabashada codsiga musharrixiinta kuraastan ayaa bilaabanaysa maanta oo jimce ah, sida ku cad waraaq kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Labada Kursi mid ka mid ah ay ayaa waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay HOP239, waxaana u tartamaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed. Sidoo kale Kursiga kale ee Tirsigiisu yahay HOP237 waxaa horay ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta soo gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud. Maamulka Degmada, xubno ka tirsan labada gole ee DGM iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay duleedka magaalada Gurceel. Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee magaalada Guriceel ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay Ahlusunna isaga baxday Guriceel, kaddib afar maalmood oo dagaal ka socday magaaladaas. https://youtu.be/YNr19XN1ZZU Idilnews
Deegaanka Qarxis ee hoos taga degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa laga daah-furay Ceel-biyood ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanku. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shir Cabdi ayaa daah-furay qodist Ceel-biyood kan uu yeelanayo Deegaanka Qarxis. Kharashka lagu qadaayo Ceelka ayaa waxaa Bixinaysa Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Bulshada deegnka Qarxis ayaa Dowladda Puntland uga mahad celiyay Qodista ceelkan, waxana ay sheegeen in deegankan ay ka jirtay biyo la’aan. Idilnews
Madaxweynihii hore ee Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, oo uu ka maqnaa 3 sanno kaddib markii cadaadis lagu saaray inuu is-casilo. Madaxweyne Laftagareen ayaa kusoo dhaweeyay Shariif Xasan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo la dajiyay guri ku dhow Madaxtooyada Baydhabo. Ujeedada socdaalka Shariif Xasan ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay raadinta kursi kamid ah Golaha Shacabka BJFS. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland ee khamiislaha ah. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne kuxigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa todobaadkan looga hadlay Arrimaha Amniga, Abaaraha iyo Doorashooyinka BJFS. Idilnews
Xisbiga KULMIYE ee Somaliland ayaa xubinimadii xisbiga kala laabtay siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo kamid ahaa xubnaha awooda badan ee xisbiga, isagoo lagu eedeeyay inuu si khaldan u adeegsaday magaca xisbiga. Go,aanka ayaa imaanaya iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegayay inuu siyaasi Xaashi wada-hadal kula jiro xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI si uu ugu biiro. https://youtu.be/cnRy0P2wq4I Idilnews
Turkiga ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay in uu soo wareejiyo diyaaradaha casriga ah ee F-35 ama in uu soo celiyo lacagta mise uu ku bedelo qalab kale oo militiri. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mowluud Jaawish Ooglo oo wareysi siiyay idaacadda la iska arko ee CNN Turki ayaa sheegay khamiistan maanta ah in haddii Mareykanku uusan rabin khiyaaraadkaas ay raadsan doonaan dal kale oo ay ka soo iibsadaan qalabka militiri ee Turkigu u baahdo. “Haddii Mareykanku rabin uu uu xaliyo arrinta diyaaradaha F-35 ama Congress is hor taago, Turkigu wuxuu raadsan doonaa dal kale sida Russia oo aan ka soo…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso kaas oo manta diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha. Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari, ayaa waxaa diirada lagu saaray sare uqaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso Lagu Qabto Dorashadaas. Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka…
Hogaamiyaha Tigreega Debretsion,ayaa ku dhawaaqay in uu dhammaaday dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya. Debretsion oo khudbad ka jeediyey Telefishinka Tigray, waxa uu sheegay in lagu kala adkaaday dagaalka. Madaxweynaha Tigreega,ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay sharciga la horkeeni doono cid walba xasuuqa shacabka Tigreega ka qsyb qaadatay. https://www.youtube.com/watch?v=AGJXJ5by52s Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe ku qaabilay wafti ka socday Hay,adda IFES oo ka shaqaysa arrimaha doorashooyinka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo xubnaha ka socday Hay,adda IFES ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii hay,adda IFES gacan uga geysan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod. Idilnews
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diyaariyeen laba Kooxood oo suga amniga Goobihii lagu dagaalamay ee Guriceel, sidoo kalena baaritaano ku sameeya. Wasiiru dowlaha oo Warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa sheegay in guud ahaan amniga Guriceel la xaaiijiyay, isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya qof aan Ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Magaalada. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay soo saari doonaan Xeer guud ahaan Galmudug hub ka dhigis looga bilaabayo, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug inay xeryahooda ku ekaadaan. Amarkaan kasoo baxay…
Bangiga Adduunka, ayaa hakiyey kaalmadii uu u fidin jirey Sudan, kadib markii ciidamada military-ga ee dalkani, ay afgambi kagala wareegeen dowladdii rayidka aheyd talada dalkaasi. Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa la xirey isniintii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo idil ah, iyo cambaareyn caalami ah. Midowga Africa, ayaa sidoo kale ka joojiyey xubinnimadii ururka ee dalka Sudan, sababo la xiriira qabsashada aan sharciga aheyn ee xukunka ee ciidana military-ga. Mareykanka ayaa xayirey 700 oo milyan oo Doolar, oo gargaar ah. Hoggaamiyeyaasha ciidanka iyo kuwa rayidka ah, ayaa galey awood qeybsi aad u nugul, labadii sano ee lasoo dhaafey. Tallaabooyinka ay qaadeen Bangiga Adduunka…
Kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu furmo 30 bishan October oo ku beegan sabtida soo socota, kaddib dib-u-dhac ku yimid. Kalfadhigga ayaa qorshuhu ahaa in 25 bishan uu furmo, balse Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa codsaday in dib loo dhigo sababo la xariira doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee Isniintii ka dhacay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in doodo adag ay hareyn doonaan kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka ay kasoo horjeedaan in Golaha Wakiillada la horkeeno sharciga ka hortaga…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta Xafiiskiisa Garowe kulan kula qaatay wafti ka socday Hay,adda Diakonia. Shirkaan waxaa looga wada hadlay doorashooyinka hor dhaca ahaa ee 25kii Oct 2021 ka dhacay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn iyo sidii Diakonia qayb uga qaadan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka degmooyinka Puntland. Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Hay,adda Diakonia uga mahad celiyey doorkii ay ku lahayd qabsoomidda Doorashada. Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Idilnews
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhagax dhigay Mashruuca Ileyska Cadceedda ku shaqeeya ee deegaanka Kob-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufeyn. Mashruuca ileys-ka cadceeda ku shaqeeya ee Madaxweyne ku-xigeenku ka dhagax dhigay deegaanka Kob-dhexaad ayaa qeyb ka ah baahiyaha deegaankaasi, oo ay dowladdu ka jawaabtay. Idilnews
Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Abdiladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay in Puntland aaysan wax taageero ah siin Ururka Ehelusunna oo dagaal kula jira Galmudug, Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in qof dhinta iska daaye aaysan Puntland ogalayn qodax muda qof reer Galmudug ah. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in In Puntland aay gacan siiso ururka Ehelusunna oo col la ah Galmudug. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in In Puntland aay gacan siiso ururka Ehelusunna oo col la ah Galmudug. https://www.facebook.com/MudugRegionAdministration/videos/223912286511397 Idilnews
Shacabka kunool magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa soo dhaweeyay Doorashooyinkii hordhaca ah ee ka dhacay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, kuwaas oo shacabku ay kusoo doorteen wakiiladda ku matalaya Golaha deegaanka 3 degmo. https://youtu.be/jsm4JlZUTFw Idilnews
Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay kula dagaalamayeen xoogaga Ahlusuna. Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgaladii la socday maalmahi lasoo dhaafay magaaladaasi. Duleedka degmada Guriceel ayaa waxaa weli ku sugan dadkii ka barakacay Magaalada, kuwaas oo ka cararay dagaaladii halkaasi ka socday. https://youtu.be/cGXDcwTpRGY Idilnews
Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegaybin guud ahaan ay xaqiijiyren amniga degmada kadib dagaalo muddo Afar Maalin ah ka socday halkaas. Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa sheegay in Bulshada degmada ay ka difaaceen Koox usoo duushay oo dhibaato ku heeysay, wuxuuna dadkii ka barakacay Guriceel ugu baaqay inay dib u soo laabtaan. Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono cid kasta oo la Shaqeeysay xoogaga Ahlusunna. https://youtu.be/mSVavnDxLTw Idilnews
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka degmada Ufayn ayaa uga mahadceliyay sida wanaagsan ay uga qayb qaateen doorashadii golayaasha deegaanka ee ka dhacday degmooyinka Ufayn Eyl, iyo Qardho. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidamada Amniga sugayay, guddiga KMG ah ee doorashooyinka, ururada siyaasadda, Saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Puntland. Idilnews
Xoogaga Ahlusunna ayaa ka baxay saaka magaalada Guriceel, oo 4 maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalamayeen Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug. https://youtu.be/fgxY_KEV7QY Idilnews
Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya inay isaga baxeen Ciidammada Ahlusunna oo 4 maalmood ee lasoo dhaafay magaaladaas kula dagaalamayay Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya. Ciidammada DFS iyo Daraawiishta Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada, sidoo kale waxay la wareegeen gaadiid dagaal oo Ahlusunna uga qabsatay Ciidammada dagaal ka dhacay deegaanka Bohol. Ka bixitaan Ahlusunna ee magaalada Guriceel ayaa timid, kaddib wada-hadalo 12 saac ee lasoo dhaafay ay wadeen ganacsato iyo siyaasiyiin Reer Galmudug ah. Idilnews
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. “Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha Caalamka. Xubnaha beesha Caalamka ayaa dalbaday in xal deg deg ah loo helo dagaalka, islamarkaana la caawiyo dadkii ku barakacay dagaallada. “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u…
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa boggaadiyay hanaankii ay u qabsoomeen doorashooyinkii hordhaca ahaa ee shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn kusoo dooranayeen Wakiiladooda Golaha deegaanka 3 degmo. Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uusan weli hambalyeeyn doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacay degmooyin kamid ah Puntland, taasna ay cadeyn u tahay in uusam rabin doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay. “Villa Somalia iyo Madaxweyne Farmaajo kama hadlin doorashada Puntland, taasi waxay cadayn u tahay hadalkii aan ku celcelin…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo wasiirka amniga gudaha ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isagoo warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mas’uuliyiinta,howl wadeennada iyo saraakiisha hay’adda ku dhiirrigeliyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan kulana dardaarmay in ay sii dardar geliyaan waajibaadkooda sugidda amniga dalka. https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/3140534126176473 Idilnews
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo shir jaraa’id ku haya magaalada Qardho ayaa ka hadlay Doorashooyinkii hordhaca ahaa ee ka dhacay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/3862090883891278 Idilnews
Mareykanka ayaa sheegey inay ka fiirsanayaan taageerada ay siiyaan Ciidanka Danab ee Soomaaliya. Arrintan ayaa ka danbeysey kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Ciidamada Danab ay ka qeybgaleen dagaaladii maaalmihii dhawaa ka socdey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalladan ayaa u dhexeeyey ciidamo taageersan Ahlu-Suna iyo maamulka Galmudug oo taageero ka helaya ciidamada xooga dalka ee Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ka jawaabayey dalab ay VOA-du ku weydiineysey sida ay u arkaan ku lug lahaanshaha ciidamada Danab ee dagaalka Guriceel ayaa sheegey in ay Mareykanku la socdaan wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku…
Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ayaa waxa lagu qabtay kulan uu soo qaban qaabiyay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geesey. Kulan ayaa la isugu yeeray Mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo xirfadlayaasha xarumaha Caafimaadka ka hawl gala ee Magaalada Galkacayo. Shirkaan ayaa ujeedkiisu ahaa Sidii ay isaga bixin lahaayeen canshuurta ku waajibtay shaqalaha iyo goobaha caafimaadka ee ay ka howl-galaan. Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismacil C/nuur ayaa sheegay in uu kulanka u sharaxad kasiiyey xirfadlayaasha Caafimadka Cashuuraha kuwaajibay. Gabagabadii shirka ayaa Mulkiilayaasha, iyo xirfadleyda caafimadka ay balan qaadeen inay bixinayan Cashuuraha iyo khidmada ku waajibay ee Wasaaradda maaliyadda.…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku yimid Jubaland. Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo. https://www.facebook.com/watch/?ref=search&v=215758357290845&external_log_id=593ad351-b2d9-4feb-8e2f-5630e31727eb&q=Madaxweynaha%20Jubbaland%20oo%20la%20kulmay%20Taliyaha%20AMISOM Idilnews
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Golaha deegaanka degmada Eyl ee gobalka Nugaal, kaddib markay soo dhamaatay tirinta codadka doorashada. Kuraasta lagu tartamayay ayaa aheyd 27 kursi, iyadoo shacabku soo dooranayeen. Waxaana loo kala helay; Degdeg: Eyl: 1. KAAH 13 2. Mideeye 6 3. Sinaan iyo Cadaalad 4 4. Horseed 2 5. RUNCAD 2 Idilnews
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada Golaha deegaanka degmada Qardho, waxaana hoggaaminaya Ururka Xukuumadda Puntland ee KAAH. Halkaan hoose ka Akhriso sida loogu kala guuleystay 33 Xildhibaan ee Golaha deegaanka Qardho. Urur siyaasadeedka KAAH 12 xubnood Urur siyaasadeedka Mideeye 11 xubnood Urur siyaasadeedka Sinaan iyo Cadaalad 9 xubnood Urur siyaasadeedka IFIYE 1 xubin Idilnews
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel, isagoo ku eedeeyay dagaalka inay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo dalal shisheeye oo garab siinaya Ahlusunna. Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku barakacay dagaalada Guriceel. https://youtu.be/27SEF4yBpD8 Idilnews
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP ee Somaliya El-Khadir Doloum. Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxa Xafiiska WFP Gaalkacyo Lakule Ladowani, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa warbixin ka dhagaystay Madaxa Xafiiska WFP Somalia Shaqooyinka u hirgalay iyo kuwa dhawaan ay ka qabanayaan Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug isagoona Gudoomiyaha uga mahadceliyey Shaqooyinka Dowladda Puntland ay ka qabatay Gaalkacyo iyo dibu dajintii ay usameeyeen shacabkii laascaano laga soo barakiciyey. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ ku soodhawoow Magaalada Gaalkacyo, waan idinkaga…
Matt Brydan, Agaasimaha Hey’adda Sahan Reseach ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay shan sanno oo xariga ah, kaddib markii ay sheegtay inay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka. Sidoo kale, Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya. Mr. Matt Brydan ayaa xukunka lagu riday isagoo ka maqan dalka. Idilnews
Hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hadlay dagaalka degmada Guriceel ay kula galeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac tiro badan ah. Qoraal kasoo baxay hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweeynayaan baaqii nabadda ahaa ee kasoo baxay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta iyo baaqyaa nabadeed oo ay soo saarayaan waxgaradka, Siyaasiyiinta & Culimadda. Sidoo kale Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in ay aqoonsan yihiin jiritaanka Maamulka Galmudug iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, balse ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Guriceel.…
Tirinta cododka doorashada Golaha deegaanka degmadooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa maraysa meel gaba-gabo ah, waxaana la filayaa in goor-dhow Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland uu ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashada. Warar hordhac ah ayaa sheegay in tirinta cododku ay ku hartay kaliya goob kamid ah magaalada Qardho, waxaana ay intaas ku darayaan in degmadda Qardho uu ilaa hada codadka la tiriyay hoggaaminayo Urur siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews Idilnews
NATIIJADA HORDHACA AH EE DOORASHADA 11 KA SEEJO EE DEGMADA UFAYN IYO SIDA AY URURADU U KALA HELEEN:- Urur siyaasadeedka Run cad 47 cod Urur siyaasadeedka Shaqalaha xoogsatada ah 13 cod Urur siyaasadeedka Dhalinyarada 11 cod Urur siyaasadeedka cadaalad iyo sinaan 1248 cod Urur siyaasadeedka Kaah 1687 cod Urur siyaasadeedka Mideeye 1300 cod Urur siyaasadeedka Mustaqbal 192 cod Urur siyaasadeedka Horseed 180 cod Urur siyaasadeedka ifiye 8 cod Tirada ansaxa ah 4739 Tirada xumaatay 598 Tirada lagu muransan yahay 29 Tirada guud ee codaysay 5366 Idilnews
Tirinta cododka ayaa si habsami leh uga socota degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana jira warar kasoo baxay sida loo kala helay codadka, si gaar ah magaalada Qardho iyo deegaanada hoostaga. Tuulada Gerihel” 700-cod waxaa wada helay Ururka Mideeye. Tuulada Liboow” Kaah-190. Mideeye-102 Sinaan-13 Shaqaalaha-1 Run iyo Cadaalad-5 Tuulada Dhaxan” Sinaan iyo Cadaalad-450. Mideeye-54 KAAH-30 Jibril Qoobey.
Tirinta codadka doorashada ayaa ka bilaabatay degmadda Ufeyn, kaddib markii goor-dhaweyd ay soo xirmeen dhamaan 11 goobood ee shacabka degmaddu ka codeynayeen. Doorashada ayaa aheyd mid shacabku kusoo dooranayeen wakiillada ku matalaya Golaha deegaanka degmadda. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/241303288038307 Idilnews
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysay Doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo ka tirsan Puntland. Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah…
Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa ku dhawaaqay inay soo xirmeen goobaha codbixinta degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana uu sheegay inay haatan codeyn karaan dadka safafka ku jira, balse uusan qof cusub ku biireyn safafka. Guddoomiye Saalax ayaa sheegay in goob kasta oo soo xiranta ay horey ka bilaabayaan tirinta cododka. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/1100386820766637 Idilnews
Shacabka Puntland, gaar ahaan shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa weli ku jira safafka codeynta doorashada hordhaca ee Golaha Deegaanka saddexda degmo, waxaana soo gaba-gaboobi raba waqtigii loogu talagalay doorashooyinka. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/1100386820766637 Idilnews
Kumanaan kamid ah shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayaa weli u taagan codeynta doorashooyinka hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka saddexda degmo. Waqtiga loo asteeyay doorashada oo ku eg 6 marqibnimo, ayaa haatan gabaabsi ah waxaana ka dhiman daqiiqado. Lama oga in Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ay kordhin doonaan waqtiga, maadama ay dadku weli ku jiraan safafka. Idilnews
Gadoomiyaha gobolka Cayn Cabdifatax Ciise Maxamed ayaa hambalyo u diray shacabka Puntland ee codeynaya dorashada qof iyo codka ah ee looga dareeray degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, isagoona ku baaqay in la xoojiyo midnimada. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/274884851059180 Idilnews
Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa sheegay inay rajeynayaan in Urur Siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH uu guul ka gaaro doorashooyinka hordhaca ah ee ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo shacabku ay kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya Golaha deegaanka. Sidoo kale, Madaxweyne Karaash ayaa xusay in Xukuumadda Puntland ay xaqiijisay hirgalinta mid ka mid balan qaadyadii shacabka Puntland ay u samaysay, isagoona boggaadiyay Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyo howl wadeenada kaleba shaqada ay hayaan. https://www.facebook.com/826003914191316/videos/744869370244458 Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu hambalyeey dowladda iyo shacabka Puntland doorashooyinka qof iyo codka ah ee saaka ay u dareereen bulshada kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Halkaan hoose ka Akhriso qoraal uu bartiisa Facebook Ra’iisul Wasaare Rooble. “Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda.” “Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna.…
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi Deni, ayaa baaq u diray shacabka ka codeynaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, isagoona ka codsaday inay u dulqaataan inay go’aamiyaan masiirkooda, soona xushaan dadka ku matalaya Golaha deegaanka degmooyinka ay kunool yihiin. https://www.facebook.com/826003914191316/videos/3147372418842030 Idilnews
Jeneral Abdel Fattah Abdelrahman Burhan – oo ahaa madaxa Golaha Sare ee Suudaan – ayaa qudbad uu jeediyay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah. Sidoo kale, Jeneraal Abdel Fattah ayaa uu kala diray Golihii Sare ee kormeerayay geedi socodka xukunka loogu wareejinayo rayidka, wuxuu sidoo kale kala diray golaha wasiirrada. Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli Milateriga Sudan uu xabsi guri galiyay Ra’isul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk. Dalka Suudaan waxaa ka jira hubanti la’aan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019. Idilnews
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Qardho ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay aqbalayso natiijo kasta oo kasoo baxday doorashada hordhaca ah ee shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay kusoo dooranayaan Golaha deegaanka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee uu abid codkiisa dhiibto, uuna ku faraxsan yahay, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay muujiyaan dulqaad ayna sii adkeeyaan safafka inta ay ka go’aaminayaan masiirkooda. Idilnews
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray qaar ka mid goobaha ay ka socoto doorashada codbixinta golaha deegaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maanta shacabka Puntland ay u tahay maalin taariikhi ah, xukuumadduna ay xaqiijisay hirgalinta mid ka mid balan qaadyadii shacabka Puntland ay u samaysay. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeebka ayaa bogaaadiyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyo howl wadeenada kaleba shaqada ay hayaan, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, kana faa’idaystaan fursadda qaaliga ah ay haystaan. https://www.facebook.com/vpkaraash/videos/234257715359797 Idilnews
Ra’isul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa xabsi guri la geliyay saaka oo Isniin, sida uu baahiyay TV Alxadath ee dalkaas. Askarta ka tirsan ciidanka dalka Suudaan ayaa isku gedaamay hoyga Ra’isul wasaaraha, arrintan ayaa daba socota xariga saraakiil dowladda ka tirsan oo ay xir xireen ciidanka, dadka la xirey waxaa kamid ah; golaha sare ee xukuma dalka iyo lataliyaha arrimaha warbaahinta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Dalka Suudaan waxaa ka jira hubanti la’aan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019. https://www.facebook.com/826003914191316/videos/254969359917562 Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd ka codeeyay seejada codbixinta ee Kaambo oo ku taala magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar, isagoo kamid ah dad gaaray 2,000 oo qof oo horey goobtan isaga diiwaan-geliyay si ay codeeyaan. Madaxweyne Deni oo saxaafadda la hadlay codeyntiisa kaddib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay markii ugu horeysay uu codeeyay, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay kasoo baxaan guryaha, ayna muujiyaan dulqaad inta ay ku jiraan safafka ay ku jiraan si u go’aamiyaan masiirkooda. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland oo la weydiiyay inuu ku qancayo natiijada hadii laga adkaado Urur siyaasadeedka uu…
Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada hordhaca ah ee golaha deegaanka degmada Ufeyn ee Gobolka Bari. Guddoomiye Abwaan ayaa ugu baaqay shacabka inay kasoo baxaan guryaha, ayna dhiibtaan codkooda si ay u go’aamiyaan masiirkooda, una soo doortaan dadka ku matalaya Golaha deegaanka. https://www.facebook.com/115585813219758/videos/253074083502453 Idilnews
Shacabka kunool degmada Eyl ee gobalka Nugaal ayaa safaf dhaadheer ugu jira codeynta doorashada hordhaca ah ee saddexda degmo, waxaana ay soo dooran doonaa 27 xubnood ee ku matala Golaha deegaanka degmada Eyl. Idilnews
Dadka kunool magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar, ayaa safaf dhaadheer ugu jira codeynta doorashada hordhaca ah ee saddexda degmo, waxaana ay soo dooran doonaa 33 xubnood ee ku matala Golaha deegaanka degmada Qardho. Idilnews
Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa safaf dheer saaka ugu jira Doorashooyinka hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka saddex degmo. https://youtu.be/cfmb523OkF4 Idilnews
Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa saaka u dareeray doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanada Puntland. Doorashadan ayaa shacabku kusoo dooranayaan dadka ku matalaya Golayaasha deegaanka saddexda degmo, waxaana laga codeyn doonaa 54 goobood oo ku yaala degmooyinkaas, halka ay ku tartami doonaan 449 musharax oo ka socda 8 Urur siyaasadeed. Idilnews