Bayaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga digay maamulka Somaliland in uu sii wado duqeymaha aan loo meel dayin ee uu la beegsanayo shacabka xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kuwaas oo galay maalintii sagaalaad. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay saaxiibada caalamiga ah. Saaxiibada beesha caalamka* ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan. Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka…
Author: Jibril Qoobey
Afhayeen Ciidanka Somaliland, Cabdiraxmaan Dheere ayaa ku eedeeyay Puntland in ay daaha dabadiisa kaga jirto dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada deegaannada SSC. Isagoo saxaafadda la hadlaya, ayuu Cabdirxamaan Dheere sheegay in ciidamo katirsan Puntland ay qeyb ka yihiin dagaalka, sidoo kalena ay taakuleyn siinayso ciidamada SSC ee dagaalka saraakiisha badan ay ku weyday Somaliland kula jira. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dumiso guryaha Laascaanood, xilli si guud loo wada ogyahay in maamulka Somaliland uu madaafiic aan loo meel dayin ku gaaracayo maalintii sagaalaad…
Waxaa si habsami leh u soconaya mashruuca ballaarinta iyo dib-u-dhiska Dekedda magaalada Boosaaso, oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay heysato Puntland. Diyaarinta jidka ay marayaan wiishashka ka shaqeynaya ballaarinta dekedda ayaa hada gacanta lagu hayaa. Dhismaha Dekedda oo dhowaan la daahfuray kadib markii lagu wareejiyay shirkadda DP World, waxaana qorshuhu yahay in marka lasoo gabagabeeyo shaqada socota ee ballaarinta ah ay dekeddu awood u yeelato inay kusoo xirtaan maraakiibta waa weyn. Wasiirka Dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shaqada ballaarinta iyo dib-u-dhiska Dekedda Boosaaso lasoo gabagabeyn doono bisha December, ee sanadka 2023, wixii intaa ka…
In ka badan 100 qof oo shacab ah iyo 16 sarkaal oo boolis ah ayaa noloshooda ku waayey gacanta “burcad iyo xoolo dhacayaal argagixiso ah” gobolka Northern Rift Valley, lixdii bil ee tegay, waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Dhaca xoolaha iyo khilaafyada salka ku haya kheyraadka biyaha ayaa caadi ka dhex ah bulshada xoolo dhaqatada ah ee waqooyiga Kenya. “Burcadda dilalka gaysta ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyey argagixsada ay ku hayaan dadka Kenyanka ah ee aan waxba galabsan iyo hay’adaha sharci fulinta, waxayna mudadaas gubeen iskuullo, gawaari boolis iyo agabyo kale oo bulshada ay leeyihiin,”…
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood, Garaad Cabdikariin Cali Nuur ayuu ka hadlay duqeymihii u dambeeyay ee maamulka Somaliland ka geystay xarunta gobalka Sool, waxaana uu sheegay in duqeyntaas ay geysatay khasaare fara-badan. Garaad Cabdikariin ayaa sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ay laayeen waxgaradkii, maatadii, sidoo kalena ay dumiyeen magaalada Laascaanood, aysana aqbali doonin in dagaalku istaago ilaa ay ka tagaan Oog oo xadka u dhexeeya labada beelood. Madaxweynaha Jabuuti, ayuu Garaad Cabdikariin sheegay in uu qeyb ka yahay dagaalka ka socda Laascaanood, ayna ciidamo, hub iyo diyaaradaha basaaska ee Jabuuti ku taageerayo Somaliland. Waxaana uu intaa ku daray…
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku wajahan deegaano katirsan goballada Bari iyo Gardafuu ee cirifka Puntland. Siciid Deni ayaa safarkiisa u adeegsan doona diyaarad gaar ah. Deegaannada Gardafuu ee Madaxweyne Deni booqan doona ayaa waxaa kamid ah degmada Caluula, halka uu sidoo kale tagi doono degmada Xafuun iyo deegaanka Hurdiya ee gobalka Bari, ilaalada Madaxweynaha iyo gaadiidkiisa ayaa safar dhulka ugu socdaalay deegaanadaas, si ay uga hormaraan. Ujeedada safarka Deni ee gobalka Gardafuu ayaa la sheegay in uu la xiriiro dhagax-dhiga saldhig ciidan oo Imaaraatka Carabta laga siiyay agagaarka degmada Caluula, kaas oo qandaraaska dhismihiisa ay qaateen qoyska Madaxweyne…
Wararka ka imaanaya caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in duqeymo culus ay caawa ka socoanayaan magaalada, waxaana ku garaacaya ciidamada maamulka somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Duqeymaha ayaa si bartilmaameed la,aan ah ugu soconaya Laascaanood, iyadoo qaarkood ay ku dhaceen guryo ku yaalla magaalada oo ay degan yihiin dad shacab ah. Muuse Biixi iyo maamulkiisa ayaa horey u shaaciyay inay xabad-joojin shuruud la,aan ah oo ka dhaqangesha Laascaanood, balse waxaa gaashaanka u daruuray isimadda dhaqanka SSC oo cadeeyay in ay Somaliland ku qarinayso xabad-joojintaas abaabul horleh, maadama dagaalka ay kala kulmeen jab xooggan.
Xisbiga UCID ee Somaliland oo uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay xabad-joojinta halka dhinac ah ee uu ku dhawaaqay maamulka Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay ka digeen sii socoshada dagaalka magaalada Laascaanood ee gobalka Sool. UCID ayaa sheegay in gacmo-shisheeye ay ku jiraan dagaalka Laascaanood. https://www.youtube.com/watch?v=QGK1rTvj4mU IDILNEWS
Xisbiga Barwaaqo oo ah midka talada dalka Itoobiya haya islamarkaana ku guuleystay Codka Aqlabiyada Shacabka,ayaa Shirweyne lagu sameynayo qaab dhismeedka Xisbiga ku qabsanaya Magaalada Jigjiga. Horaantii Bishan ayey aheyd markii Gudiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ay waxba kama jiraan ka dhigeen Shirweynihii hore ee Xisbiga Barwaaqo ee lagu dhisay Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga kasoo Abiy Axmed loogu doortay Gudoomiye,isla markaana Demeke Mekonen iyo Aadan Faarax loogu doortay Gudomiye ku-xigeenada dhanka Maamulka iyo dhanka Arimaha Xisbiga. Gudida doorashada Dalka Itoobiya,ayaa usababeeyay diidmada natiijada isdaba marin,mad-madow dhanka xulashada ah iyo in musharixiintu ahaayeen shir Gudoonka. Gudiga Doorashada,ayaa uqabtay Xisbiga Barwaaqo…
TPLF,ayaa dagaalyahanadooda dib ugu baxeen Magaalooyin ka tirsan Deegaanka Amxaarada iyo Canfarta oo ay gacan ku heyntooda la wareegen markay dagaal kaga awood roonaadeen Ciidamada Qaranka Itoobiya. Dagaalyahanada TPLF ee looyaqaano TDF Tigray Defence Force ayaa magaalooyinka Kobo,Gobiye, Kobo Robot, iskaga baxay ayagoona iskugu geeyay ciidankooda magalada Girakajo oo udhexeysa magaaloyinka Alamata iyo Koram. Magaaladan oo ah Buuralay istaraatiji ah oo usahleysa in ay kucaabiyaan dulaan kasta oo dhulka ah oo kaga imaan kara dhanka Deeganada Canfarta iyo Amxaarada,ayaa waxay hoostagtaa Degmada Jifra ee Gobolka Raya oo ay degaan Dadka isirka Amxaarada ah oo katirsan Deegaanka Tigreega. Taasoo cadeyneysa hadalkii…
Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay inay xoojinayso dowrka fir-fircoon ee hawl-wadeennada Warbaahinta ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay. “Warbaahinta Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka tahay koboca dimuqraadiyadda waxayn u baahan tahay in ay awood u yeelato inay u shaqayso si xor ah oo aan lahayn hanjabaad, cagajugleyn iyo waxyeello, si ay u gudato hawsheeda muhiimka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Saxafiyiinta ku…
Kumannaan qof oo muslimiin ah ayaa salaadda sunaha ah ee munaasibadda ciida ku tukaday garoonka weyn ee kubadda cagta magaalada Jig-jiga; Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa bulshada kala qayb’galay munaasibadda ciida. https://www.youtube.com/watch?v=R2Yzz0edPVw
Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa boqolaal kamid ah Shacabka caasimadda ganacsiga Puntland kala qeybgalay munaasabadda salaadda Ciidul-Fidriga, taas oo lagu oogay garoonka kubadda cagta Boosaaso. https://www.facebook.com/vpkaraash/videos/994072814616686
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa kala qeybgalay Shacabka magaalada Gaalkacyo munaasabad Salaada Ciidul-Fidriga oo maanta lagu oogay garoonka kubadda cagta Cawaale ee Gaalkacyo. Kumanaan shacab ah ayaa ka qeybgalay tukashada Salaada Ciida. https://www.facebook.com/yusufmohaAhmed/videos/451671036715417
Madaxweynahii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay kursiga HOP#146 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu ku qabsoontay magaaladda Jowhar. Musharaxa la tartamayay oo ahaa Shariif Abuukar Axmed Sebriye ayaa ka tanaasulay tartanka, waxaana kadib loo qaaday codeyn gacan taag ah oo madaxweynahii hore uu ku helay 101 cod sida guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen. Sheekh Shariif ayaa kamid ah Musharraxiinta Madaxweynaha DFS, Waxaana uu kamid noqonayaa musharrixiinta soo qaatay kuraasta Golaha Shacabka BJFS ee beelahooda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda maalinta Shaqaalaha adduunka ugu hambalyeeyay guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland. “ Munaasabadda maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dowladnimada, horumarka iyo kaabista nolosha qoysaska Soomaaliyeed. Waxaan boggaadinaya shaqaalaha caawiya ciidamada ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shaqeynaya amniga, howlwadeenada caafimaadka, adeegayaasha Bulsho iyo kuwa ka shaqeynaya arrimaha Bulshada. . Si gaar ah waxaan ugu hambalyeeynaya Shaqaalaha Puntland, inagoo hirgelinay qorsheyaashii Horumarinta shaqaalaha, kor u qaadista xuquuqdooda iyo shaqo abuurka Dhallinyarada aan shaqeyn, isbedelkaasi oo hadda…
Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono dayactirka iyo ballaarinta dekedda Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland. Wasiir Axmed Yaasiin oo la hadlayay Telefishinka Puntland, ayaa xusay in kaddib is afgarad dhexmaray Puntland iyo DP World uu horseeday in Madax iyo Injineero ka socda DP World ay soo gaaraan Puntland, sidoo kalena ay bilaabaan qiimeynta Dekedda. Ugu dambeyn, Wasiirka Dekeddaha Puntland ayaa sheegay in muddo 5 ilaa 6 bilood gudahood ah, wax badan iska bedeli doonaan Dekedda Boosaaso, isagoo ugu baaqay dadka faafiyay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah shaqada Dekedda Boosaaso…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa beenisay war ay baahisay warbaahinta Talyaaniga oo ahaa in uu afgambi ka dhacay safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in uusan jirin Afgembi ka dhacay safaaradda Roma, balse Isbedel lagu sameeyay safiirkii u joogay Soomaaliya dalka Talyaaniga, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna bedelay Danjire Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee…
Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniino la xiriira in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay meelo kamid ah Soomaaliya ka geystaan falal isugu jira Afduubasho iyo weeraro qorsheysan intaba. Dowladda Uk waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay hanjabaado u jeediyeen dowladaha Reer galbeedka iyo Hay’adaha u Shaqeeya, taas oo keentay in xaalad cabsi oo dhanka Amniga ah laga dareemo magaalada muqdisho. “Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan,” ayay tiri dowladda UK. Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 – Dec- 2010 kaas oo Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ku sameeyey wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda maanta. Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa qodob-qodob uga doodey xeerka, waxayna ansixiyeen Qodobo ka mid ah. Xeerka oo horay u ahaa Wax-ka-bedalka Khamriga iyo Xashiishadaha, ayaa Guddiga…
Jeneraalka sare ee Mareykanka William Zana ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in howlgal Milatari in ay uga jawaabaan xaaladda kacsan ee ka taagan dalka Itoobiya ka dib markii ay xoogeysteen dagaallada Tigreeda iyo ciidanka Itoobiya. Waxaa uu sheegay in ay sugayaan jawaab uga timaada taliska Mareykanka ee Washington si ay u qaadan howlgalka. Ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa saldhig weyn oo lagu magacaabo Camp Lemonnier ku leeyihiin dalka Jabuuti. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagi doona wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika todobaadka soo socda, isagoo booqan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga Sare ee Warbaahint Puntland. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Puntland MAP iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxaa looga hadlay dardargelinta Guddiga Warbaahinta oo maanta la daah-furayo. Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda. Idilnews
Doorashada labo kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Kuraasta doorashadoodu dhaceyso ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee xubnaha Aqalka Sare oo ka kooban 54 Senator. 4 musharrax ayaa ku tartamaya doorashada maanta kuwaas oo kala ah, 1. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cawil Nuur Cali, 2. Cabdi Cismaan Sareed iyo Mahad Aadan Guuleed. Idilnews
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5-tii bishan ka bilaabatay Maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Waxaa halkaas lagu dhageysanayay kiis dacwadeed loo haystay shan askeri oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay “in ay dad rayid ah ku dileen” deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose. Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay. Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa caawa shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka, kaas oo ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir. Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta doorashada Golaha Shacabka, iyadoo la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddi Aqoonyahano Soomaaliyeed ah oo isugu jira Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dalka iyo xubno ka mid ah Ururada Bulshada, kuwaasi oo isu xilqaamay ka shaqeynta ka hortagga khilaafaadka ka dhalan kara doorashooyinka. Guddigan maanta uu qaabilay Madaxweynuhu oo uu hoggaaminayo aqoonyahan Prof. Cabdiraxmaan Baadiyow, ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Madaxweynaha iyo guud ahaan Puntland doorashadii taariikhiga aheyd ee goleyaasha deegaanka ee ka dhacday Qardho, Ufeyn iyo Eyl. Taasi oo tusaale wanaagsan u noqotay guud ahaan Soomaaliya. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashooyinka,…
Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeryooday, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo galabta lagula beegsaday isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kolonyo kamid ah Ciidammada AMISOM. https://youtu.be/Q7ipOF0xvOA Idilnews
Taliyaha cusub ee Qeybta Ciidanka Booliiska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Manta si rasmiya ula wareegay xilkaas. Munaasabad ka dhacday xarunta Taliska Booliiska Garoowe islamarkaana ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayuu xilka kula wareegay Taliye Xuseen Cali . Taliyihii hore ee Qeybta Nugaal G/Sare Maxamed Adan Jaamac ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub ee Nugaal waxana uu u rajeeyay in uu ku guulaysto sida ugu wanagsan mas’uuliyadda loo idgmaday. Taliyaha cusub ee Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga mahad-celiyay Taliyihii hore shaqadii uu ka qabtay Mudadii uu joogay Qeybta wuxuna ballan-qaaday in uu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES) iyo Adeega danabeysan ee (E-Cabinet) . Wasaaradda Qorsheynta ayaa Golaha la wadaagtay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES), oo ah hannaan casri ah oo online-ka lagala soconayo maamulka iyo xogaha mashaariicda dalka ka socda. Golaha ayaa soo dhoweeyay habkan casriga ah oo daah-furnaanta leh. https://www.facebook.com/580791179001073/posts/1287923894954461/ Ugu danbeyn Madaxtooyada ayaa Golaha usoo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet), waa adeeg sahlaya in Shirka Golaha Wasiirada uu u qabsoomi hab casri ah iyadoo aan la…
Sida ay ogaatay Idilnews, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ku-sime ka qaaday dhamaan hoggaanadii Taliska Booliska Puntland. Madaxweyne Deni,waxuu si cad ugu sheegay Saraakiil sheeganaysay in Talyihii Booliska ee xilka laga qaaday uu usii magacaabay kusii simayaal hogaamada 13-ka ah ee Booliska ay sharci daro ku joogeen Xaafiisyada laga bilaabo Shalayna aysan ahayn kusii simayaal. Madaxweynuhu waxuu cadeeyay in isagu yahay Talyaha Guud ee Ciidanka uuna soo magacaabi doono hogaamada 12-ka ah ee dhiman marka laga saaro hogaanka C.I.D. ee Cumar Bile uu umagacaabay. Jibril Qoobey.
Isku soo bax balaaran oo Roob-doon ah ayaa maanta lagu qabtay bannaanka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, Isimada dhaqanka, culimo-awdiin iyo boqolaal shacab ah ayaa ka qeybgalay Alle barigan. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/4334728216624310 Idilnews
Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in muddo 21 bilood ah ay shaqada ka joojiyeen shirkadda Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ah shirkad bixisa adeegyo la-talin oo ku saabsan maamulka, maalgashiga, xalinta ganacsiga, maaliyadda shirkadaha iyo horumarinta ganacsiga. Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa lagu helay in ay wax isdaba marin ku sameysay mid kamid ah mashaariicda horumarinta ee uu bankiga adduunka ku taageero xoojinta shaqaalaha iyo tayada hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay u qabtaan hawlaha asaasiga ah ee dawladda. Sida laga soo xigtay xaqiiqooyinka kiiskan, shirkadda ADP ayaa lagu eedeeyay in ay wax isdaba ku marin ku…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar. Idilnews
Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay tirakoob ku sameyn doonto dugsiyadda Qur’aanka, Macaahida, Masaajida iyo macalimiinta ee deegaanada Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ismaaciil Xaaji Cabdi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay tirakoobkan uu bilaabanayo horaanta bisha soo socota ee December. https://www.youtube.com/watch?v=3x2OGqhf2Ug Idilnews
Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay ka billaabato diiwaangelinta musharixiinta labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Galmudug. Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta ilaa beri wadi doona diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi, halka Sabtida soo socota la qabanayo doorashada. labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug oo ah labadii kursi ee ugu dambeeyay Aqalka Sare ayaa waxaa u sharraxan Afar musharrax oo ku tartami doona, kuwaas oo kala ah. 1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo…
Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa ku amartay mac-hadka Islaamiga ah ee Khadiija in aysan dib dambe u isticmaalin buug ku qoran Af-Soomaali oo dagaal ooge ku tilmaamay madaxweyne, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Mas’uuliyiinta mac-hadka Khadiija oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda, waxaana su’aalo laga weydiiyay buuggaas oo muran ka dhaliyay baraha bulshada, kadiba waxa lagu amray in ay joojiyaan. Wasaaradda ayaa sida la xaqiijiyay la wareegtay buuggaas, oo mac-hadka Khadiijo u isticmaali jiray mid laga tixraaco taariikhda dad ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxmed Xuseen Rooble ayaa booqanaya magaalooyinka ay ka dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo gaaraya ilaa 10 magaalo oo ku yaala Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay ka hadlayay kulan uu la qaatay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, ayaa yiri “Wixii ka bilowda Jimcaha ama sabtida, waxaan diyaariyay inaan aado goobaha ay doorashadu ka dhaceyso”. Sidoo kale, Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashooyinka dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka BJFS, isagoo sheegay inay Xukuumaddu diyaar la tahay imkaaniyaadka dooeashada. https://www.facebook.com/1968423146722143/posts/3112059515691828/ Idilnews
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta Xalane kula kulmay wafdiga ka socda Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, kuwaasoo maalmahan Muqdisho u joogay qiimeynta howlgalka iyo waajibaadka AMISOM, iyagoo kulamo la qaatay Madaxda Dowladda iyo Qeybaha kale ee bulshada. Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga ka socda Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha howlgalka AMISOM, doorka Midowga Afrika ka qaadanayaan Nabadda Soomaaliya iyo arrimaha Amniga Soomaaliya. Idilnews
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan. Madaxweynaha iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargalinta doorashooyinka dalka, xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, Amniga, mashaariicda horumarineed, dhibaatooyinka fatahaadaha ee soo noqnoqday iyo abaaraha. Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM arrimaha Afrika ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii daaha furneed ee aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaaddada duullimaadka hawada iyo rukhsadda duuliyenimo guddoonsiiyay shirkadda diyaaradaha ee Freedom Air iyo duuliyeyaal Soomaaliyeed, ka dib markii uu ka qeyb galay munaasabad uu lagu daahfurayay bixinta Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada (OAC) oo ay bilowday DFS. https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/2977961902470919 Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Amniga Gudaha ee Puntland, oo looga hadlay warbixinta Amniga iyo dardargelinta qorshaha lagu horumarinayo amniga gudaha. Shirka waxaa ka qeybgalay, Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo ay weheliyaan Taliyeyaasha qeybta booliska ee Gobollada Puntland, Hoggaanka dambi baarista ee Ciidanka Booliska, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada Iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/270480461799103 Idilnews
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo soo saaray wareegto ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, Wakiilka cusub ee Somaliland u fadhin doona dalka Kenya. Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa Guddoomiye kuxigeenka Gobalka Sool u magacaabay Maxamed Aadan Cumar Maxamed, kaddib markii uu xilkii ka qaaday kuxigeenkoo hore. Halkaan hoose ka Akhriso wareegtooyinka Madaxweyne Biixi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool UJEEDDO: XIL…
Garoowe, November 10, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo furay fadhiga ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL oo akhriska labaad ku sameeyay Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 – Dec- 2010. Intaa kadib, Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS. Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa todobaadka soo socda u socdaali doona magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda. Farmaajo ayaa uga qeybgalaya magaalada Kampala shir ay isagu imaanayaan madaxda dalalka ku jira Urur-gobaleedka IGAD, kaas oo looga hadlayo Xaalada dagaal ee dalka Itoobiya, iyo xiisada ka taagan dalka Sudan, oo afgambi kale uu ka dhacay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS. “15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha…
Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka sare ka harsan ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug kadib markii uu xalay Madaxweynaha Galmudug uu soo saaray liiska Musharrixiinta Aqalka Sare. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in maanta oo Arbaco ah iyo khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi, halka Sabtida soo socotana la qabanayo doorashada. Kuraastan ayaa waxaa ku tartami doona afar musharrax, kuwaas oo kala ah: 1. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Cawil Nuur Cali 2. Cabdi Cismaan Sareed Mahad Aadan Guuleed Idilnews
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa looga hadlay shir looga hadlayay shidaalka dabiicaga ah ee Africa, kaas oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Puntland ayaa sheegtay in aysan qeyb ka aheyn sharciga shidaalka Soomaaliya, maadama uu hareer-marsan yahay Dastuurka KMG ah, iyo hannaanka qeybsiga kheyraadka oo aan wali lagu heshiin. Sidoo kale, Puntland ayaa uga digtay DFS galitaanka heshiisyo lagu xaraashayo kheyraadka dalka, kuwaas oo dhalin kara xasilooni darro ka dhacda dalka. Ugu dambayn, Dowladda Puntland ayaa uga digtay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, inay heshiis sharci-darro ah aysan la galin Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaaday.…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa caawa soo saaray liiska musharixiinta ku tartamaya labo kursi oo ka haray doorashada xubnaha Aqalka Sare ee matalaya Dowlad-gobaleedka Galmudug. Kuraastan ayaa waxaa ku tartami doona afar musharrax, kuwaas oo kala ah: 1. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Cawil Nuur Cali 2. Cabdi Cismaan Sareed Mahad Aadan Guuleed Idilnews
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ku soo gaaray Muqdisho shalay oo Isniin ahayd booqasho shaqo oo seddex cisho qaadanaysa , isagoo kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31 December, 2021 , sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568. Wasiirka iyo xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Mohammed Omar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad ay ka dhacday dalka Turkiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in xilka madaxweynaha aan la isku dhajin oo la aqbalo in ay doorasho ka dhacdo dalka afartii sanno mar. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan ka sheegay in subaxnimadii 8da Febraayo 2017 uu ka soo toosay gurigiisa isagoo madaxweyne ah habeenkiina u hoyday oo uu seexday isagoo aan Madaxweyne ahayn. “8-dii Febaraayo 2017-kii waxa aan gurigeyga kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, si wanaagsana…
Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa maanta daahfuray tababar ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland iyo hay’adda UNDP, kaasoo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa dowladda hoose ee degmada Kismaayo. Tababarkan oo ku saabsan habraaca maamulka iyo maareynta Xafiiisyada ayaa waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah. Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa kula dardaarmay howlwadeenada loo qabtay tababrkan in ay ka faa’ideystaan bulshadana si wanaagsan ugu adeegan. https://www.facebook.com/JLTVOFFICIAL/videos/1495095204204675 Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta qaabilay Safiirada 15 dal ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho, si ay u qiimeeyaan howlgalka AMISOM, dhageysiga cabashada DFS ee qorshaha Amniga ee xilliga kala guurka iyo waajibaadka AMISOM iyo mustaqbalkooda kaddib 2021. Wafdigan ka socday Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminayay Safiirka Masar Mohamed Omar Gad, waxaana kulankii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada la yeesheen ka wada hadleen howlaha howlgalka AMISOM, xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika. Idilnews
Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), ayaa Magaalada Dubaay ee iskutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgalay shirka asbuuca Saliidda (Shidaalka) ee Qaaradda Afrika oo ay Martigalisay Dowladda Imaraadku. Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha la xariira maalgashiga Shidaalka iyo Macdanta kala duwan ee ay hodanka ku tahay qaaradda Afrika, Waxaana ka qeybgalaya 45 wasiir oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo shirkado badan oo daneeya shidaalka Afrika. Shirka ayaa socon doona inta u dhaxaysa 8-11 bisha November 2021, Waxaana inta uu shirku socdo laga hadli doona saliidda…
Waxaa lagu wadaa in dhawaan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle lagu qabto doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle. Saddexda kursi ee doorashadooda la qabanayo ayaa Wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan inay tahay kuraasta ugu adag ee Hir-Shabeelle gaar ahaan kuwa degaan doorashashadoodu tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe. Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashada Maamulka Hir-Shabeelle inay soo saaraan jadwalka doorashada Saddexda kursi ee Golaha Shacabka. Idilnews
Waxaa Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho uu kulan uga socdaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb, Francisco Madeira & Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) oo booqasho shaqo shalay Gelinkii dambe ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidii Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM. Xubnaha Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire…
Taliyaha cusub ee ciidammada Booliska Puntland Gen. Maxamed Cali Xaashi, ayaa xilkii kala wareegay Taliyihii hore ee Booliska Gen. Cabdi Xasan Xuseen, kaas oo uu dhowaan xilka ka qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro kamid ah Xukuumadda Puntland, Maamulka gobalka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo marti-sharaf kale. Idilnews
Cabdirasaaq Axmed Geeldoon,ayaa loo magacaabay Xoghayaha Dowlada Hoose ee Bosaso. Geeldoon waa Nin saamayn ku leh Deegaankiisa iyo Beeshiisa Dubays. Horay,ayuu usoo qabtay booskan xiligii Dowladii Gaas. Jibril Qoobey.
Getachew Reda, Afhayenka TPLF ayaa maanta sheegay inay wada haddal galayaan,oo ay xabada joojinayaan haddii wadooyinka loo furo ,lagana qaado cunaqabataynta. Getachew, wuxuu leeyahay TLF wax gaar ah Addiss-Ababa kama rabto, dhawaana waxaa jiray isbahaysi dhexmaray iyaga iyo TPLF oo ku wajahanaa inay qabsadaan caasimada dalka. Haddaba muxuu noqon karaa haddalkan kasoo yeedhay TPLF? 1) Wuxuu noqon karaa haddal dan gaara laga yeelahay.Xisbiga Barwaaqo haddii wada haddal lagu dhawaaqo oo la galo,dhanka Tplf-na xabad baanu joojin dhahaan,waxay keeni kartaa in kala qaybsanaan timaado(Axmarada iyo Oromada),Axmaradana waxaa ka bilaaban kara dibad baxyo iyo kacdoono Dawladdu taagerro badan ku waydo,waana fursad kale…
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Musadaq soomajeeste oo uu Wehlinayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga DPL ayaa si wada jir ah u daah-furay xaflada qorshaha naqshadaynta iyo sharciyeynta dhulka (top planka) Magaalada Galdogob. Furitaanka xaflada qorshaha naqshadaynta iyo sharciyeynta dhulka (top planka) ee Magaalada Magaalada Galdogob waxaa goob joog ahaa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobalka mudug, Maamulka Degmada Galdogob, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Galdogob. Maamulka Degmada Galdogob ayaa ku tilaabsaday Hormar la taaban tilaabadaan qorshaha naqshadaynta iyo sharciyeynta dhulka ayaa qayb qaadan doonta Hormarinta Degmada Galdogob.…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke. Kulanka ayaa Lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha iyadoo gurmad baaxad leh ay Dowlada Jubaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay. Waxaa kale oo masuuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arimaha Doorashooyinka. Idilnews