Author: Jibril Qoobey

Magaalada Guriceel waxaa goor dhow Kasoo amba bixi doono Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee ay taageeraan Culumada  Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir isagoo ku soo fool leh Magaalada muqdisho. Guriceel ayaa waxa hada ka socda soo sagootinta waftiga balaaran ee uu hogaaminayo Madaxweyne Shaakir. Madaxweynaha ayaa Ka qeyb gali doona Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jmahuuriyada Federaalka Soomlaiya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo berito oo Arbaco ah ka dhici doonta magaalada Muqdisho. Waa markii ugu horaysay maamulka Gobolada dhexe ee ay taageeraan Culumada Ahlusuna uu helo aqoonsi heerkaa gaarsiisan,si toos ahna uga qaybgalo xafladaha iyo shirarka Somalida ee ay kuwada kulmaan guud ahaan…

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyay intii uu talada dalka hayay wada shaqeyntii soo dhexmartay iyo sida kaalin muuqata uu uga soo qaatay Madaxweynihii hore dhismaha maamulka Jubbaland. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta beri la filaayo inuu ka qaybgalo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in taariiqda ay xusi doonto Madaxweynihii hore ee dalka, maadaama si aanan horay looga baran Madaxweynayaashii dalka soo maray uu tanaasul u sameeyay wareegi labaad ee doorashada.

Read More

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada New York. Waxa uu maalin ka dib jirsan lahaa 65 sano. Afhayeen u hadlay hogaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka naxay geerida safiirka, isla markaana aad loogu xusuusan doono howl-karnimadiisii iyo xirfadiisii dhanka diblomaasiyadda. Waxa uu safiir ka ahaa Qaramada Midoobay tan iyo 2006, ayadoo si weyn loo dareemi jiray howlihiisa. Mar uu ahaa sarkaal daraja hoose, ayaa xukuumadda Moscow waxa ay Mr Churkin u dirtay sanadkii 1986-dii in uu ka hor marqaati furo Congress-ka Maraykanka, xilligaasi oo la baarayay…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lataliyihiisa ammaanka qaran u magacaabay jeneraal HR McMaster, kaasoo bedeli doona jeneraal Michael Flynn. Jen. Flynn oo xilkaasi hayay 24 cisho oo keliya ayaa laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu xiriir aan munaasab ahayn la sameeyay Ruushka. McMaster ayaa ka tirsan ciidanka Maraykanka, waxaana uu ka qeyb qaatay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, asagoo ka shaqeynayay ka hortaga musuq maasuqa. Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah. Mr Trump oo magacaabidan shaaciyay asagoo ku sugan daarta Mar-a-Lago…

Read More

Prof. Samatar wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu yeesho Geesinimo uu ku qirto wixii dhacay iyo laaluushkii la bixiyay ee codadka Xildhibaanada uu ku iibsaday. Prof. Samatar ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu Dadka Soomaaliyeed Cafis weydiisto maadaama Musuq-maasuq xoogan uu kusoo baxay laguna doortay  haddii kale ay jiraan wax la hoosaasinayo sida uu hadalka u dhigay. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka digay in dowladda cusub lagu soo dhiso qabiil, isagoo sheegay in haddii ay fashilanto dowlada cusub in la wada fashilmi doono. Si kastaba ha ahaatee, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa madax  ka ah qeybta Joqraafiga,…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo Rw Cumar Cabdirashiid oo maalmahan booqasho ku joogay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxay ka dageen garoonka Diyaaradaha ee Aadan-cade Muqdisho.   Waxay ahayd 5-Bari ka hor markii Diyaarad khaas ah ay ka qaaday Bosaso Madaxweyne Gaas ,taasoo gaysay dalka Imaaraadka Carabta.iyadoo uu kaga sii horeeyay halkaas Rw Cumar Cabdirashiid.   Ilaa iyo hada si dhab ah looma xaqiijin karo waxa uu ku saabsanaa safaraka Madaxweyne Gaas ee Imaaraadka Carabta ,sidoo kale saxaafadu ma helin waxii looga wada hadlay kulankii sadex geesoodka ahaa ee dhexmaray Madaxweyne Gaas,Rw Cumar iyo Masuuliyiinta ka tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta.,balse   Balse…

Read More

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan “Madoobe” ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qayb-galo munaasabad-da caleema saarka madaxweynaha Somaliya oo maalinta arbacad ah dhacaysa. Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa mudadii lagu jiray ololaha doorashooyinka Soomaliya oo uu ku guulaystay Maxamed C/laahi Faraamjo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa kulan kula qaatay Villa Somaliya madaxweyne Maxamed cabdulaahi Farmaajo. Axmed Madoobe iyo farmaajo ayaa kulankodii caawa kaga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin caleema saarka Madaxweyne farmaajo iyo xaalada guud ee…

Read More

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa u dhowaaday deegaanada dhanka Galbeed kaga beegan Mosul. Waa maalintii labaad ee uu socdo wejiga labaad ee dagaalka dowladda iyo xulafadeeda ay ugu jiraan inay daacish uga saraan Mosul. Deegaanka Abu Sharif oo kaabiga ku haya Mosul, waxaa duqeeyay diyaarado ayadoo militarigana uu dhulka kaga siqeen. Hadda wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada ay galeen qeybo ka mid ah Abu Sharif. Qeybaha bari ee Mosul waxaa ururka Khilaafada Islaamka laga saaray bishii la soo dhaafay, ka dib dagaal aad u culus. Abu Sharif, oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Mosul, waxaa loo arkaa inay muhiim u…

Read More

Wasiirkii hore ee  Arimaha Dibada Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Doorashada Maxamed Cabdulaahi farmaajo. Hure Buubaa ayaa yiri”farmaajo waa nin degan oo lixdii bilood ee uu xukunka hayay xiligii Rw uu ahaa muujiyay hogaan fiican kasbadayna shacbiyad fara badan’ Imsaaciil Hurre oo sii watay hadalkiisii ayaa yiri ”farmaajo waxaa iiga muuqata in uusan hayn taladii uu uga gudbi lahaa siyaasadii ku kaliftay in uu iscasilo xiligii Rw uu ahaa”’ hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZqJqeAQRolk

Read More

SHEEKO GAABAN Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban) Maxamed Cali Xasan “Alto” Finland, Helsinki, 26.10.2001 xasan_maxamed@hotmail.com Waa waayada ka mid ah, ayaa la yiri, waxaa degsiimooyinka Soomaalida ka aloosmay colaado iyo dagaaallo damiwaayay. Xaajo ugub oo dihin ayay ahayd oo gar cadaawo noqotay. Kufsasho, xasuuqid, isirxaaqid, baqti-gowrac, maataddoox, mooradduug iyo saqiirraddubad ayaa dhacay. Dhiig fara badan ayaa dhulka galay. Falal aad u foolxun, silloon oo sirgaxan, Muslin daayoo, Masiixi iyo Yahuudba uu ka sarriigto ayaa dhacay. Ka daran, hayeeshee, abaaro gaag-ma-reebaan ah baa dhulkii si isdaba joog leh ugu habsaday. Xilliyadii roobabka beeyan daruurihii di’innin. Biyihii iyo baadkii ayaa yaraaday. Balliyadii…

Read More

Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban] Waa waayada ka mid ah, waxaa aagga Sarrinley ee Degmada Baardheere ku noolaa libaax la magacbaxay Qabweyne. Wuxuu ahaa nafleey aad u naxariisdaran. Wax allaale iyo wixii ka horyimaada cagta ayuu marin jirey oo waa dili jirey. Wuxuu dalandooli jirey oo uu isaga kala gooshi jirey miyiga Gedo oo dhan. Duurjoogta halkaa joogta oo idil waa ka wada biqi jireen. Dabjoogta iyo dadkii dhaqanayay wuu xasuuqi jirey. Dawaco Caglibbadan la yidhaahdo ayaa ka xanaaqday oo u dulqaadanwayday waxa Qabweyne uu falayo. Khiddad ayay u aloostay oo ku doonaysay siday uga takhalusi lahayd. Maalin maalmaha ka…

Read More

Dhagarqabe Dhulka Ayaa u Dhaqdhaqaaqa [Sheeko Gaaban] Waxaa la wariyey waa inuu jirey dhurwaa la magac baxay ”Qooqane.” Da’diisu boqol sano gu’yaal baa uga hadhsanaa. Kaddib Qooqane waxaa la sheegey in uu indhabbeeley oo waxba arki waayay. Kob ayuu iska yaxoobsaday oo yuurarsaday. Wuxuu isugu yeedhey oo u habarwacday wax-allaale iyo wixii ehelladiisii ahaa ee degaankiisa degganaa. Qaraabadii baa u timid oo soo gabraday. ”Aniga ayaa isugu kiin qayladhaantay,” Qooqane ayaa hadalkii furay. ”Tol haddaan ka dhashay, ha lay badbaadsho! Maanta samatabbixin baan u baahnahay. Waad arkaysaan, waanigaa lixaadkii laba i maqan yihiin, dhaayihii ma jiro oo geed kama leexan…

Read More

Oday baa waa waayada ka mid ah arkay nin doonayay in uu is-daldalo. “Adeer, maxaad isu dilaysaa?” odaygii ayaa ninkii ku yidhi. “Arrin reerkayaga iga haysata oo aan xal u waayay awgeed baan isu dilayaa,” ayuu ninkii ku warceliyey. “Adduunka waxaan xal loo heli karin ma jiraane, adeer, ii sheeg siday wax u jiraan, waa intaas oo aan dhibaatadaada xalkeeda helaa!” “Adeer, iskaddaa! Waa arrin cakiran oo aan xal loo heli karinnin. Adiguna waxba kama qaban kartid. Waxay ku habboontahay in aadan isku daalinnin oo aadan isku hawlinnin oo aadan waqtiga iskaga luminnin,” ayuu ninkii odaygii u sheegey. ”Nin kaa…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda ee Javad Zarif, ayaa sheegay in Trump uu kicin sameynayo ka dib gantaal ay Iran dhowaan tijaabisay oo caag ahaa. Wuxuu u digay Mareykanka oo uu u sheegay in aysan cunna qabateyn saari karin xukuumadda Tehran. Zarif ayaa tilmaamay in tallaabo la mid ah ay qaadidoonaan, haddii xayiraad lagu soo rogo. Mr Zarif wuxuu ka qeybgalay kullankii amniga ee Munich. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa Iraan ku tilmaamay “maalgeliyaha ugu sareeya ee argagixisada”. Iraan oo heshiis kula jirta maamulkii Obama ayaa hadda u muuqata inay si weyn isaga soo horjeedaan maamulka Donald Trump,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa laga dalbaday in uu sharaxaad ka bixiyo sababta uu u sheegay in fal ammaan darro uu ka dhacay dalka Sweden Jimcihii, kaas oon xaqiiqo ahaan waxba uga jirin. Isaga oo Sabtidii khudbad u jeedinaya dad isu soo baxay ayuu yiri, “bal fiiriya waxa habeen hore ka dhacay Sweden” isaga oo markaas tirinayay dalal Yurub ku yaalla oo ay argagixiso ka gaysteen falal ammaan darro ah. Maadaama uusan wax dhib ah ka dhicin Sweden Jimcihii waxay maamulka Maraykanka ka dalbadeen in uu sharaxaad ka bixiyo arrintan. Trump ayaana Twitterkiisa ku soo qoray in uu soo…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalaya Munaasabad lagu xusayo 47-sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ciidanka Asluubta. Munaasabadaan oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kasoo qaybgalay taliyaha ciidanka Asluubka iyo ku xigeenadiisa, saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale. Waxaa munaasabada khudbado ka jeediyay Taliyaha ciidanka Asluubka iyo Madaxda kale ee uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka JF Soomaaliya ee ka qaybgalay xuska ciidanka asluubta dalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/13Td4rwdw8U

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Cusub ee dalka Ingiriska Amb. David Concar, iyaga oo kawada hadlay qaban-qaabada shir heer sare ah oo ku saabsan horrumarka iyo amniga Soomaaliya oo sannadkan lagu qaban doono magaalada London. Mudane Carte, ayaa Safiirka kala hadlay wax yaabaha looga hadli doona shirka oo ay martigelinayso dawladda UK lana filayo in ay ka soo qayb galaan dawlado badan iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa safiirka uga mahadceliyay martigelinta ay dawaldiisa martigelin doonto shirkan, isaga oo ka codsaday in xiriirka laba dal…

Read More

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku soo gaaray magaalada Muqdisho.   Madaxweynaha Jubaland iyo wafdigii la socday ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed.   Madaxweynaha Axmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan-cade ee Muqdisho sood haweynta kadib,ayaa ka waramay xaalada Guud ee dalka gaar ahaan Isbadalka ku yimid Hogaanka dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay Shacabku ka sugayaan wax qabad dhab ah, si looga boxo dhibaatooyinka hareeyay dalka…

Read More

Hal Askari ayaa ku dhintay Afar kalana way ku dhaawacmeen Qarax ciidammo ka tirsan Jubbaland lagula eegtay Galbeedka magaalada Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Miino dhulka lagu aasay oo qabsaday gaari ay la socdeen ciidammadaan ka tirsan maamulka Jubbaland. Askarta dhaawacyada qaba ayaa la geeyay isbitalka magaalada Kismaayo Mudooyinkaan danbe ayaa ciidanka Jubbaland waxay sii xoojiyeen dagaalada ka dhan ah maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab. idilnews kismaayo

Read More

Qaraxa ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 40 qof, oo gabigooduba ahaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan, oo ka dukaamaysanayay Suuqa Kaawo Godeey, kadib markii lagu weerarayay gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo uu waday nin naftii Halige ahaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xZKW4Rcrqr0

Read More

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir. “Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating. Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii degdegga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga…

Read More

Mulkiilaha Taleefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal Inj Axmed Abuubakar ayaa lagu xirey magaalada Hargeysa,   Ax,ed Abuukar ayaa Ciidamada amaanka Somaliland ay xabsiga u taxaabeen ilaa iyo hadana lama xaqiijin karo sababta ka dambeysa xarigiisa.   Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo xirey Mulkiilaha Universal ay tahay barnaamijka qosol wareedka ah ee Faaliyaha Qaranka oo warar aysan jecleysan mas’uuliyiinta Somaliland laga daawaday, Kuwaasi oo ay ka qayb ka ahaayeen Warbixino ku saabsan Arinta magaalada Berbera, Go’aankii Dawlada Soomaaliya iyo Waliba Riwaayad Qosol leh oo ku saabsan.   Taleefishinka Universal ayaan illaa iyo hadda baahin xariga loo geystey…

Read More

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) in Somalia, Michael Keating, condemned in the strongest possible terms today’s attack at a market in Mogadishu that reportedly killed at least twenty-five people and injured dozens more. At about 1300 hours, a VBIED detonated at the Abagedo market near Kawa Guudey in the Dharkenley district of Mogadishu. The deceased include pedestrians and shopkeepers who were in the vicinity of the market when the blast took place. No group has yet claimed responsibility. SRSG Keating described the incident as a brutal reminder of the retrograde tactics employed by violent extremists. The attack…

Read More

Xil Warejintan Oo Lagu Qabtay Xarunta Hay’adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Ee Bosaso Ayaa Waxaa ka Soo Qayb Galay Agasimihii Hore Ee Hayada Macdanta Iyo Badroolka Puntland Agaasimaha Cusub, Maamulka Gobalka Bari Wasiiro Ka Tirsan Puntland, Siyaasi Cali Cabdi Awaare, Masuliyiin Kale. Agaasimihii Hore Ee Hay’adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Ayaa Ku Warejiyay Agaasimaha Cusub Waraqihii Cadeynayay Shaqalaha Hayada Furayasha Hal Gaari Iyo Felasha Celashi Shidaalka Ee Ay Puntland Ka Qodeen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/iCxFLCwnzqk

Read More

He was a refugee who embraced U.S.-style democracy. Now’s he’s trying to bring it home. By TAYLOR GEE February 19, 2017 On the morning of February 8, a civil servant from Buffalo, New York—a Somali by birth but an American by choice—walked into a heavily-guarded airplane hangar in the battle-scarred capital of his native country where an important vote was about to take place. When he emerged that night he was president. His surprise victory, which was celebrated with gunfire and camel slaughter in Mogadishu and high fives at the Buffalo office of the New York Department of Transportation…

Read More

Marwo Caasho Geele Diiriye  Wasiirkii hore Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo kamid ah ahayd waftigii uu hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya Michael Keating ee ka qaybgalay fadhigii Qaramada Midoobey ee loga arinsanayay arimaha Somaliya ayaa maalmahan waxay booqasho ku kala bixinaysay Gobolada kale ee Dalka Maraykanka. Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minisota ayaa soo dhaweyn aad u saraysa u samaysay Marwo Caasho Geelle,waxayna xaflad ugu dhigeen Habeen hore magaalada Minyaabolis. Hadaba Warbaahinta idilnews ayaa idin soo gudbinaysa sawiro hordhac ah oo xafladaa ku saabsan,sidoo kale idilnews waxay idin balan qaadaysaa in ay idinla wadaagi doonto muuqaalka iyo warbixinta oo…

Read More

  Xiriirka Kubada Cagta  Puntland   Puntland FootBall Federation Tell:+2520907728825/2520907790256/2520907770141 Email: pufofed@gmail.com /pufofed@yahoo.com Website: www.punsoccer.com: post DHL Garawe Date  14 /02/2017 Puntland League Table No TEAMS PLAYED WIN DRAW LOSE GOAL/DIFFERENT POINTS 1 Garoowe City 5 3 1 1 12 – 5 10 2 Bari Fc 6 2 3 1 4  –  4 9 3 Horseet Fc 5 2 2 1 4  –  4 8 4 Homboboro Fc 5 1 4 0 3  –  2 7 5 Sbc Fc  5 2 1 2 4  –  4 7 6 Comsed Fc 5 1 2 2 6  –  6 5 7 Qardho…

Read More

Ganacsiga Jira Xilliga Kalagguurka Ah Fekerka weyn ayaa ka horreeya guusha weyn. [Big thinking precedes great achievement.] Wilferd Peterson [1900–1995] Sayladda xoola-dhoofinta Soomaaliya waxay sannadkiiba dhantahay afar boqol oo milyan oo Dollarka Maraykanka ah. Waxaa muddooyinkii dambe xoola-dhoofinta Soomaaliya sameeyneeysey sannad kasta koror dhan boqolkiiba lix (6%), ka hor xayiraadihii Sacuudiga xoolaha saartay, sannaddii 2016kii iyo tii Imaaraadka Carabta sannaddii 2015kii. Waxaa la ogsoonyahay in badi xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo waddammada Carbeed uu Sacuudigu ugu iibsi badan yahay, marka lagu jiro xilliga barakeeysan ee Xajka. Waxaa kale oo xoolo badan loo iib geeyaa waddanka Imaaraadka, kaas…

Read More

Waxaa waa waayada ka mid ah kob ku wada noolaa Naalleeye iyo labadiisa xaas, Nacabo iyo Nasteexo. Labadiisa marwood ayaa habeen iyo dharaar dagaal joogta ah oo aan abid soo af-jarmin isku hayay. Naaleeye waqtigiisa intiisii badnayd waxaa ka qaatay u kala garniqidda labadiisa afood. Xilliyadii hore waxaa gacansarreeyn jirtey Nasteexo oo inta badan garab iyo gaashaan heli jirtey. Saygoodu intii hore oo dhan wuxuu garta siin jirey Nasteexo, hayeeshee waayadii dambe Nacabo xaggeeda ayuu billaabay in uu isu janjeeriyo oo is-xijiyo. Nacabo carruur ma leh, dabeecad ma leh, qurux ma leh, dulqaad ma leh, dadnimo ma leh,…

Read More

Ciidamadan PSF-ta Puntland ee ay taageerto Dawlada Maraykanka ayaa bilaabay hawlgalo looga sifaynayo Maleeshiyada Ururka Argagixisada ah ee Alshabaab Deegaamada hoos yimaada maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado. Ciidamada PSF-ta Puntland oo kaashnaya maleeshiyo Deegaanka ah ayaa hawlgalkan ka bilaabay Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo,hoos ka daawo muuqaalka hawlgalkaas. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo sidoo kale kamid ah saraakiisha sar sare ee Al Shabaab ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Farmaajo uusan waxba kaga duwaneyn kuwii ka horeeyay balse uuba ka daran yahay. Sheekh Xasan Ycaquub aya auga digay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan kuna kadsoomaan Madaxweynaha cusub, waxa uuna ku hanjabay in ay la dagaalami doonaan Farmaajo afarta sano uu xilka hayo. ”Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga digno la shaqeynta Farmaajo, ninkan cusub kama duwana kuwii ka horeeyay balse wuuba kasii shar badan yahay, ninkan tabeelihiisa waxaa ku qornaa waxaana ka shaqeenaya…

Read More

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus. Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay. Qaraxa ka dhacay Suuqa kuyaala Xaafada Kaawo Godey ayaa sidoo kale sababay in uu gubto qeybo kamid ah Suuqa , waxaana…

Read More

Kooxaha Kubada cagta ee Horyaalka Puntland oo si habsami leh uga socda Guud ahaan Puntland,ayaa waxaa maanta dhacay ciyaaro xiiso leh,   Magaalada Bosaso waxaa ku wada ciyaaray kooxaha kala ah Bari FC 1 vs 0 Comset ,waxaana guusha ku raacday ciyaartaas oo xiiso lahayd kooxda bari FC oo kaga adkaaday kooxda Comsed 1-0.ciyaartan ayaa hayad kulankii 22aad.   Magaalada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar kulankii 23-aad waxaa ku wada ciyaaray Qardho fc 0 vs 1 somtel,ciyaartaas oo aaad u kululayd waxay guusha ku raacday oo ku adkaaday 1-gool kooxda qardho fc,halka kooxda Somtel ay la anba baxday 0.  …

Read More

Thesis written by: Mohamed A. Mohamed | 01 June 2009 Nominated as TFG Prime Minister on October 14, 2010. Contact: Office of the Prime Minister TFG Somalia Email: pmcommunicationoffice@gmail.com U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror by Mohamed A. Mohamed 01 June 2009 A thesis submitted to the Faculty of the Graduate School of the State University at Buffalo in partial fulfillment of the requirements for the degree Master of Arts Department of American Studies “I object to violence because when it appears to do good, the good is only temporary; the evil it…

Read More

Belete Belachew Yihun Department of History, Jimma Jimma University, Ethiopia. Abstract With Siad Barre’s invasion of Ethiopia in 1977, the military regime of the Derg implement policies aimed at the weakening and destabilization of the Republic of Somalia. This initiative was not entirely novel but was based upon precautionary plans first laid down under the imperial administration of Haile Selassie. The defeat of the Somalia army in the Ogaden would in fact herald the beginnings of the collapse of the power of Siad Barre and the Somali state, but the destabilization of Somalia has also destabilized the entire region of…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta howlgallada ka dhan ah kooxaha nabad-diidka. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida  ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan  dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee mar…

Read More

Waa safiirkii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha J.F. S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka guddoommo, safiirka dowladda Ingiriiska danjire David William Concar, waxaana looga guddoomay xafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee boqortooyada Ingiriiska ayaa wada qaatay kulan,  waxa ay ka hadleen xiriirka labada dowladooda iyo  sii amba-qaadidda wada shaqeynta ka dhaxeysa. Sidoo kale, waxaa laga hadlay taageerada Ingiriiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey dowladda UK arrimahaasi. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Soomaaliyo iyo Ingiriiska uu ka dhaxeeyo xiriir…

Read More

Nin tuug ah ayaa baadiggoob ugu jirey wax uu xado oo boobo. Wuxuu dabadeed isagoo waddo haya la kulmay doqon jidka marayay. Tarooxii wuxuu ninkii weyddiiyey in reero meelahan ka dhow yihiin oo deggan yihiin iyo in kale. Doqonkii wuxuu ku jawaabay: “Haayoo, reerkayga ayaaba kob dhow deggan”. Tuuggii wuxuu kaddib doqonkii weyddiiyey dariiqa reerka taga. Wuxuu ku yidhi: “Jidkan toos u raac, wuxuu ku geeynayaa gurigayga, markaad aqalkayga gaadho, ha xadin alaabta ii taal ee xaggaa iyo xaggaa iigu jirta. Haddiise aad xaddo, aniga ii kaalay oo alaabtayda waan kaala hadhi. Kolkaan kaala hadhana dadka ayaan u yeedhi oo…

Read More

Xafiiska Qandaraasyo bixinta Dawlada Puntland ayaa soo bandhigay waxqabadksiii sadexdii sano ee lasoo dhaafay.   Hogaanka Xaafiiska Qandaraasyo bixinta Puntland Aagaasime Cabdiqani faarax Dhaashane oo saxaafada la wadaagay mashaariicdii u hirgashay ee ay ku guulaysteen sadexdii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa kamid ahaa mashaariicda ay soo bandhigeen sida:-     B.Dekada Bosaso qaybteeda Kunteenarada oo dhawaan la saxiixayo.   T.Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Garowe oo mashruuceedii soo dhamaaday bishana uu bilaabanayo.   J.Wadada isku xiraysa Bursaalax,Bayra ilaaa Gacno-fale oo dhismaheedu bishan bilaabanayo.   X.Wasaarada maaliyada oo dhismahoodii gabagaba marayo.   Kh.Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo,Beeraha oo dhismaheedu gaba gaba marayo.…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ,ayaa safar ugu anba baxay Dalka Ingiriinska. Safarka Madaxweynaha waxaa faahfaahin ka bixiyay oo sharaxay ujeedka socdaalkaas, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Siiilanayo anba baxaya https://youtu.be/t-HEIIHATNE Halkan ka daawo muuqaalka afhayeenka https://youtu.be/zjfOyAWoZo4

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz iyaga oo ka wada hadlay  taageerada dowladda Mareeykanka ee dhinacyada amniga, mushaaraadka ciidamada iyo gurmadka abaaraha. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Danjire Schwartz kaalinta dowladda Mareykanka ay ka ciyaareyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in ay sii kordhiyaan taageeradooda si dalka loogu soo dabbaalo nabad waarta iyo nolol wanaagsan. Danjire Schwartz ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii 8da Febraayo, waxa uuna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay Gebagabadii…

Read More