“President Trump’s global peace mission, noting that Somalia is already reaping the benefits”. Xasan Shiikh Maxamuud,waa ku deg-degay xaqiiqdii hadalkan. Shiine ma’ahan in uu sidaa ufogeeyo oo 100% si cad uraaco reer Galbeedka. Maraykanku,wuxuu noogu soo istaagayay walwal uu ka qabo Shiine in uu Dalkeena soo galo. “Loolanka quwadaha,ayaa laga dhex qadeeyaa,adoo xeeladaysanaya”. Luuqad diblomaasi xataa ma’ahan sida Xasan uhadlay. Shiine,wuxuu Somaliya ka difaacayay Golaha amaanka 30-kii Sano ee udanbeeyay oo aan ka maqnayn Golayaasha caalamka,isagoo ilaalinayay midnimada Wadanka. Sidoo kale,wuxuu Sadexdii Biloodba siiyaa DFS $3-Milyan oo kabid miisaaniyadeed ah. Shiine in uu hantiyo hogaaminta caalamka ma haboona,sidoo kale in…
Author: Jibril Qoobey.
Badda PL,waxaa ka Kalluumaysta in ka badan 2100 Doonyo iyo Maraakiib shisheeye. Ku dhawaad Bishii,waxay la baxaan Kalluun qiimihiisu gaarayo $120-Milyan. Dad kooban oo PL udhashay iskuguna jira ganacsato iyo siyaasiyiin,ayaa ka hela Lacag yar oo gaaraysa $1-Milyan. Dowlada PL,waxaa uga soo xarooda Canshuur kooban oo Shati ah,taasoo dhan $5000 ugu badnaan Markabkii. Maraakiibta iyo Doonyaha ku jira Bada intooda badan,waxay ka kala yimaadeen Wadamada kala ah…. Wax badan,ayaa laga qaban karaa xaaladan….. B. Dowladu,waxay dajin kartaa qorshe dhab ah oo fulin daba socoto,iyadoo khuburo loo yeeri karo,kadibna la diyaariyo hawlgal ka faa’idaysiga Kalluunka ah,waxaana lagu diyaarin karaa Shir socda…
JL,waxay ka dalbatay Itoobiya in ay kusoo wareejiso Talyaha Ciidamada Lugta DFS Khaalid oo Doolow ku dhuumaalaysanayay,iyadoo ku eedaysay in uu argagixiso yahay oo Dad badan uu laayay. Khalid iyo Sadex kale oo ka tirsan Nisa iyo Milleteriga DFS qardoodi,ayaa diyaarad looga soo saaray Doolow Itoobiya Maanta. Xasan Shiikh oo aad uga carooday talaabada ay qaadeen Xamse,Fartaag iyo Mahad,ayaa Canaan kala dul dhacay,wuxuuna dhibsaday in Axmed Madoobe mar Sadexaad ka adkaaday… 1.Raaskanbooni.2.Kismaayo.3.Gedo. Xamse,Mahad Salaad iyo Fartaag,waxay soo abaabuleen qorshe lagu qabsanayo garoonka diyaaradaaha Doolow. Balse,waxaa ogaaday M.xigeenka JL Maxamuud Sayid kadibna,waa ka hawlgalay oo Ciidamada JL ah,ayaa la wareegay garoonkii.…
Miino,ayaa la kacday Ciidamo ka mid ah kuwa difaaca PL oo marayay Wadada Daraymadoobe. 7-Askari,ayaa ka shahiiday Ciidamada difaaca PL. Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waa xaq udirir ku dhintay sharaf iyo Diin. Waxyeelaynta argagixisadu,waa sii jiraysaa ilaa mudo oo hadba Sadex firxad ah,ayaa Habeenkii intay lugeeyaan Wado galinaya Miino,kadibna ka cararaya. Dhulku,waa Dhul balaaran oo gaaraya 450-km oo aan Wado walba iyo KM kasta Ciidan la dhigi karin. Balse waxyar baa ka harsan firxadka argagixisada nafla caariga ah. Ciidamada geesiyaasha ah ee PL,waa shaqaynayaan oo Labadii maalmood ee udanbeeyay,waxay qabteen xubno,waxayna dileen daraasiin argagixisada ah.
Mid ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Afrika ugu taariikhda dheeraa,ayaa geeriyooday. Weli,isagoon ka dhabayn ama gaarin hankiisii ahaa Madaxweyne,ayuu geeriyooday Odinga. Isbitaal ku yaal Hindiya oo Qaliin loogu samaynayay,ayuu ku geriyooday. Odinga oo da’diisu ahayd 80-jir,wuxuu kasoo jeeday Qoys caan ka ah Kenya,wuxuuna ahaa siyaasi saamayn weyn lahaa. Ruto,wuxuu ku ahaa culays siyaasadeed.
By Ido Levy | April 7, 2025 Somalia flag patch on military clothing.On Feb. 24, 2025, members of the Puntland Defense Forces posed next to a sign in Arabic that proclaimed the mountain town of Sheebaab as a “province” of the Islamic State group. The town, located in Somalia’s autonomous northeastern region of Puntland, was one of numerous areas that soldiers from the regional government have taken back during Operation Hilaac, an ongoing campaign against fighters from the Islamic State in Somalia – the local branch of the terrorist network – which began in late November 2024. Puntland’s success in…
Cirro Maanta,ayuu tagay Adis,isagoo ka haysta casuumad rasmi ah Dowlada Itoobiya. Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya oo udhigma maqaam ahaan Sadex Wasiir,ayaa garoonka kaga hor tagay,waxaana loo dhigay Rooga Cagaarka ah,iyadoo ay salaan siiyeen Ciidamada salaan sharafta,waxaana loo xiray Laamiga. Xasan Shiikh oo haysta aqoonsiga QM ee Mw Somaliya Maalin ka hor,ayaa looga yeeray Adis,waxaana lagu qaabilay garoonka diyaaradaha oo uu ka laabtay markii wada hadalku udhamaaday isaga iyo Abiy. Kala adkaan siyaasadeed hadaad ubaahan tahay in aad aragto,waa midan oo kale.
Dilalka ka dhacaya mahan kuwo argagixiso ka danbayso iyo kuwo siyaasadeed ee waa danbiyada caadiga ah. Mida kale oo aan la yaabka lahayn,waxay tahay Aanada Qabiilka iyo Mudug oo isku Sancan. Waxaa la yiraahdaa Mudug,waxaa degan Jin hodan ah oo waa lagu hodmaa,balse Dhiiga Ragga Caba. Waa soo jireen Aanadu oo xataa hadii Hubka laga wada urursho ma joogsanayo,sidoo kale Geed walba hadii Askari la istaajiyo ma joogsanayo. Mudug xaalkeeda amni si hoose,ayaan ula socdaa oo ula hawlgalaa laamaheeda amniga kamana jirto khatar ka weyn Aanada dhaqanka soo jireenka u ah. Dadku caadifada lasoo boodka ah haka gudbaan,sidaanoo kale Garowe,ayaa…
In ka badan 20 Wadan Madaxdoodii oo ay ugu horeeyaan Maraykanka, Turkiga,Qatar iyo Masar,ayaa kuwada saxiixay Sharma Shiikh damaanadqaadka Wajiga 1-Aad ee heshiiska lagu soo afjarayo colaada Qasa ee Israa’iil iyo Xamaas. Sida uu sheegay Mw Trump Wajiga Labaad ee heshiiskan,ayaa socda oo la diyaarinayaa. Waa bilow wanaagsan oo Xabadii,waa istaagtay,waana lasii daayay Maxaabiistii labada dhinac. Balse maalamaha danbe wada xaajoodku,waa kasii adkaan doonaa Maanta oo waxaa loo gudbayaa Wajiyada adag….. 1.Ciidamada caalamiga ah ee imaanaya tiradoodu waa meeqa,halkee ka imaanayaan,doorkoodu muxuu noqonayaa iyo Israa’iil see uwada shaqaynayaan. 2.Xamaas sidee Hubka looga dhigayaa oo ay uwareejinayaan maamulka Qasa. 3.Sidee noqonayaa…
Ciidamada geesiyaasha ah ee difaaca Puntlabd,waxay ku dileen Aaga Al Arabiya Laba Xubnood oo argagixisada Daacish ah. Waxay kaloo ku hareeraysan yihiin Sadex kale. Sidoo kale,waxay qabteen Xubin argagixisada oo kasoo jeeda Turkiga.
Abiy,ayaa uyeeray Xasan Shiikh ee isagu ma dalban markan. Uyeerida Abiy uu uyeeray Xasan,waxay daarnayd arimaha JL. Xasan,ayaa ka dacwooday Kenya oo Abiy uga dacwooday kulankii Kismaayo kadib. “Nin OG ah,ayaad isoo dirtay Ruto oo iiga hiiliyay Nin kale oo OG,isagaana masuulka ahaa fashilkii Kismaayo iga soo raacay oo aan waxba sii diyaarin”Ayuu Xasan ku yiri Ruto,isagoo ka dacwoonayay Nuuradiin. Ruto,wuxuu ugu jawaabay..”Nuuradiin,isagaa masuul ka ah amniga Kenya iyo kan Gobolka,waana is afdhaafeen Xasan”. Kadib,Abiy iyo Ruto,ayaa wada hadlay,sidaa,ayaana Abiy ugu yeeray Xasan. Garoonka diyaaradaha,ayuu Abiy ku qaabilay Xasa,wuxuuna ku yiri…. “Waxaan kugula talin lahaa in aad JL xaalkeeda dajiso…
Trump hindisihiisii Nabada Bariga Dhexe,waa dhaqaaqay…. 1.Waxaa istaagay dagaalkii. 3.Xamaas,waxay sii daayeen ku dhawaad 30-Maxbuus oo Israa’iilliyiin ah,iyagoo nool. 4.Waxaa Qasa soo galay 600 oo Gawaari gargaar sida ah. 5.Waxaa yimid Ciidamo Nabad ilaalin ah oo ka kala yimid Carabta iyo Turkiga. 6.Waxaa socda isku dubaridka Maamulkii KMG ah ee la wareegi lahaa talada Qasa,kadib Xamaas. Trump,wuxuu rabaa taariikh in uu ka tago. Israa’iil,waxay rabtaa amaa n la hubo. Xamaas,waxay rabtaa badbaado. Shacabka Falastiin,waxay rabaan Nabad. Talo xumadii Xamaas miraheedii,waxay sababtay…. B. In la dilo 70-kun oo shacab aĥ.T.90% oo la burburiyaya dhusmayaashii Qasa. T. Israa’iil oo gaartay guulo taariikhiya…
Pakistan haday Gacanta ugu jireen Taalibaanku,xaalku,waa ka duwan yahay sidaas xilligan. Mar ayay ahayd Pakistan daaqada kaliya ee ufuran Caalamka ee Taalibaan ay haystaan,maantase taasi waa laga gudbay oo caalamka oo idil,ayaa ufuran. Shalay hadii Taalibaan ay ahaayeen kooxo qaska Gobolka ay u adeegsato Pakistan Maanta,waa nidaam aqoonsi haysta oo leh diblomaasiyad iyo siyaasad arimo dibadeed. Hindiya oo loolan kula jirta Pakistan,ayaa durba ka faa’idaysatay kala taga Pakistan iyo Taalibaan,waxayna ufidisay Gacan soo dhaweyn Taalibaaniyiinta. Wasiirka arimaha dibada Taalibaan,ayay casuntay oo la joogay 8-Cisho,waxayna ku sharaftay….. 1.Maqaam isle’eg oo diblomaasi iyo xiriir ku dhisan isqadarin isu dhigma. 2.Kabul oo ay…
Midowga Afrika iyo Midowga Yurub,waxay wadajir uxaqiijiyeen in ay taqgeerayaan Sadex Qodob oo kala ah…. 1.Midnimada,madaxbanaanida iyo Gobanimada Somaliya. 2.Dhismaha Ciidamada Qaran iyo Nabadsugida Somaliya. 3.Doorasho ku dhacda xiligeedii oo 2026 qabsoonta,iyadoo laysku raacsan yahay. Midowga Yurub iyo Midowga Afrika,waxay DFS ku booriyeen in ay ka shaqayso siyaasad loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin Dowlad Goboleedyada,iyadoo lagu dhex shaqaynayo Golaha wadatashiga Qaran. Waa fariin diblomaasi oo toos ugu socota Xasan Shiikh warka kasoo baxay Labada Midow ee saamaynta weyn ku leh siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha Somaliya. Mw Xasan hareerayn siyaasadeed,ayuu wajahayaa.
Boosaaso : 09 October 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…. 1.Amniga, 2.Siyaasada. 3.Horumarinta. 4. Arrimaha Puntland . Waxaa si gaar ah looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka socda Calmiskaad iyo xasilinta deegannada laga saaray argagixisada. Waftiga ka socda Dowladda Ingiriiska ayaa kulan- doceed la qaatay Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, Saraakiisha Amniga iyo La-taliyeyaal Madaxweyne . -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAAFINTA…
Safiirka UK ma xusin DFS,halka PL uu toos usiiyay maqaamkeeda oo u karaameeyay oo cadeeyay in ay kala xaajoodeen amaanka iyo xaalada guud ee Somaliya. Sadex Qodob oo Dowlad dhiska Somaliya hortabin u leh,isla markaana BC taageerayso,ayaa kala ah……. 1.Dagaalka argagixisada.2.Dimuqraadiyada.3.Qadiyada SL. Sadexdaas Xasan,waa ku fashilmay,waana dhaqaajin waayay oo Lacag,ayuu ka dhex raadiyay. Balse Mw Deni,ayaa ka faa’idaystay oo shaqadii Xasan loo siiyay mudo xileedka qaatay….. B.Dagaalkii argagixisada waa ka mira dhaliyay. T.Dimuqraadiyadii,waa ka mira dhaliyay. J. SL wada hadal buu la furay,waana la heshiiyay,si gaar ahna colaada Ceerigaabo,waa la xakameeyay. Caalamku,wuxuu ugu abaalguday Puntland …….. B.Maqaam iyo karaamayn uusan…
Kulanka PL & UK,wuxuu kusoo idlaaday guul,waxaana lagu gaaray is afgarad,iyadoo laysla qaatay…..
Saadaasha roobka, qaybo ka mid ah degmooyinka ceerigaabo, Taleex, Boocame Xudun, Garowe, Laascaanood iyo Burtinle, ayaa lafilayaa inay helaan roobab xaddigoodu dhex dhexaad yahay kuwaas oo gaari kara (40-100) mm sababi karana daadad meelaha godan iyo biyo mareeenada ah. Halka deegaanada qaar sida Laasqoray, Badhan, Waaciye, Dhahar, Qardho, Benderbeyla, Bursaalax, Galkacyo,Godobjiraan, Jariiban,iyo Qardho la filayo inay helaan xaddi roobaad u dhexeeya (10-40) mm. Degmooyinka dhaca xeebaha sida Xaafuun, Gumbax, Balidhidin, Caluula iyo Qandala ayaa la filayo inay helaan roobab ka yar degaanada kale ee Puntland. Dhammaan bulshada ku dhaqan dagmooyinka xaddi roobaad koodu dhex-dhexaadka yahay waxaa lagula talinnayaa inay taxadar…
Maraykanka,Ingiriiska,Itoobiya,Kenya iyo QM,ayaa ukeenay Warqad ay ku qoran tahay in uusan ku dhaqaaqi karin ka shaqaynta waxa loogu yeero ( New Jubaland). “Horay,ayaan kaaga dignay LC,wixii aad ka samaysay,markale khaladkii oo kale ha gelin oo Gedo wax haka samayn,hadaad ku adkaysato,waxaan soo saaraynaa Qoraal nuxurkiisu yahay (In aad qaswade tahay),waa fariinta Xasan farta laga saaray. Dhanka kale Siyaasiyiinta lagala laabtay ama lagala laaban doono Basaboorada,waxaa ka mid ah…. 1.Fartaag oo haysta Diblomaasi Itoobiya,kaasoo ka dhacaya 2028 mana loo cusboobaysiin doono. 4.Xoghaynta Xamse. Dadka la bartilmaameedsaday,waa Gudigii ugu danbeeyay ee Xasan Shiikh umagacaabo dhismaha New JL,sida xogaha aan ku helayno
Xasan,ayaa udirsaday Abiy casuumad ah in uu yimaado Adis- ababa Sabtida ama Axada (Weekend),waase ka cudurdaartay Abiy oo wuxuu ugu soo jawaabay (Waa buuxaa jadwalkaygu). Si lamid ah tan Uganda ma cada sababta muhiimka ah ee ku khasbaysa safarkaas marka laga soo tago in uu dhaqaale ka sameeyo safarada Mw Xasan. Waa diidmadii Labaad oo Todobaadkan uu la kulmo,taasoo muujinaysa sida looga nacay Gobolka oo dhan. Habayaraatee,wax karaama ah loogama hayo gudaha iyo dibada Xasan Shiikh,waana sii macno beelayaa Maalinba Maalinta kasii danbaysa Xasan Shiikh.
Xasan Shiikh,wuxuu udirsaday Mw Uganda codsi ah in uu yimaado Kambala oo ay kulmaan,waase ka cudurdaartay Musefeni oo wuxuu ugu soo jawaabay ( Wakhti igama banaana). ilaa hada ma cada sababta uu urabay in uu ugu tago,iyadoo la og yahay dhawaan in uu halkaas ka dhici doono Shirka Wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa ilhaamo kale iyo caalamkii oo fahmay macnaha Xasan,waxaana ah mid ay adag tahay in laga soo kabto halka uu dhigay haybadii Qaran ee Somaliyed Xasan Shiikh.
Mudaahaaraadkii ay qorshaysteen mucaaradka Xamar,waxaa loo baajiyay baqdin amni. Talyaha Booliska iyo Talyaha Nisa,ayaa uwada tagay Odoyaasha Mucaaradka kana codsaday in ay dib udhigaan banaanbaxa. “Baabuur qaraxyo ka buuxaan,ayaa Magaalada ku jira oo aan raadjoognaa ee dib udhiga mudaahaaraadka”Ayay ku yiraahdeen Mucaaradka. Waxaa laysku afgartay in gudi labada dhinac ah la sameeyo oo Sabtida ama Axada mid la qabto banaanbaxa. Waa fadeexad Magaaladii Xasan ku faanayay in uu ka qabanayo Doorasho Qof iyo Cod ah in banaanka loosoo bixi waayo. Jimcihii ayay ahayd markii uu Masaajidka ka lahaa ” AS wax qarxin kara miyaa haray”.
Wuxuu tagay Kismaayo oo kala soo laabtay ilhaamo taariikhda ugashay,kadib markii uu la tagay qorshe la’aan iyo siyaasad xumo. “Walaalkay Xasan Shiikh,ayaan kusoo dhaweeyay Kismaayo”Waa mid ka mid ah hadaladii Todobaadkan qormay. Xasan,wuxuu macno tiray….. 1.Garsoorkii Dalka.2.Haybadii Dowladnimo.3.Maqaamkii Madaxweyne.
Waa lagu kala kacay wadahadalkii Caawa usocday JL iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya. “Ka laabo doorashadii aad qabsatay oo kusoo laabo Madashii Dowlad Goboleedyada ee aad ka baxday”Ayuu Xasan soo istaagay. “Doorashadaydii,waa sharci,waafaqsan Dastuurka JL ee kusoo dhawoow xaqiiqda”Ayuu Axmed Madoobe ugu jawaabay. Ugu danbayn,waa lagu soo kala tagay. Maalinka Berri ah ka hor intaan Xasan anba bixin in lays arko,ayaa dhici karta.
Ugu danbayn,isagoo hagoogan oo qajilaya,isla markaana dacaysan,ayuu ka degay Kismaayo Xasan Shiikh. Waa tilmaan cad oo muujinaysa in uu ku fashilmay siyaasada iyo wuxuu ka shaqaynayay. Safarka Xasan ee Kismaayo ujeedadiisii,waxaa macno tiray Shirkii Nayrobi iyo yagleelida Golaha Mustaqbalka Somaliya. Balse,iyadoo laga duulayo tixgelinta codsigii Xasan udirsaday Imaaraadka,ayaa la aqbalay in Kismaayo Axmed ku qaabilo oo eed reebid loo isticmaalo. Igu sawir wax ka weyn kalama soo laabanayo Xasan Kismaayo.
Kulamo wax ku ool ah,ayaa uga soo dhamaaday Nayrobi PL & SL. Qodobada kulamada looga xaajooday,waxaa ugu waa weynaa Laba arimood oo kala ah….. 1.Amniga.2.Duulimaadyada. PL& SL,waxay wadajir uqaateen go’aan mid ah oo ay la wadaagayaan QM.
Xaruntii Nisa ee Godka Jilocow Xamar,waxaa weeraray argagixisada AS. Wararka hordhaca ee laga helayo halkaas,ayaa sheegaya in Xabadu dhacayso oo Ciidamada Haramcad ay isku dayayaan in ay ka saaraan Xarunta Maleeshiyada AS. Xaruntan,waa meel xiran in AS gudaha ugalaan mahan wax caadiya oo iska dhacay xaqiiqdii. Weerarkan,wuxuu yimid,iyadoo mudo laga nastay weerarada argagixisada oo Dadka Muqdisho halmaameen Qaraxyada. La soco wararkayaga danbe.
Wax la hubo,waxaa tagay Kismaayo ilaa iyo hada…. 1.Talyaha Nabadsugida Kenya.2.Ilaalo kooban oo Xamar ka timid. 3.Kaamirastayaal iyo Protocol-ka Xasan. Waa loo sheegay Xasan in uusan soo kaxaysan Ciidan iyo Siyaasiyiin fara badan. Safarka Xasan ee Kismaayo ujeedadiisii,waxaa macno tiray Shirkii Nayrobi iyo yagleelida Golaha Mustaqbalka Somaliya. Balse,iyadoo laga duulayo tixgelinta codsigii Xasan udirsaday Imaaraadka,ayaa la aqbalay in Kismaayo Axmed ku qaabilo oo eed reebid loo isticmaalo. Igu sawir wax ka weyn kalama soo laabanayo Xasan Kismaayo.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,ayaa ku dhawaaway Qof walba oo Maraykan ah oo haysta dhalasho in uu siin doono $2-kun. Lacagahan,ayaa ka soo xarooday Canashuuraha Trump kusoo rogay Alaabaha loo soo dhoofsho Maraykanka ee laga keeno Wadamada kale ee Dunida. Lacagahan cashuuraha ka soo xarooday,ayaa noqday kuwo fara badan,waxaana loo isticmaalayaa Laba qaybood oo kala ah….. 1.In lagu bixiyo daymaha dalka lagu lee yahay.2.In Dadka loo siiyo Gunno ahaan,iyadoo Qof walba oo Maraykan ah heli doona Lacag dhan $2000 Bil walba. Tani,waxay utahay Trump sumcad iyo soo jiidasho Shacab,waxaana loo arkaa hogaamiye ka dhabeeyay halhayskiisii ahaa ( America First). Xigasho:-Soojire-TV.
Xamaas,waxay aqbaleen qorshaha Trump ee soo afjarida colaada Qasa,waxayna soo saareen war uqornaa sida tan…. Waxaan ka mahadcelineynaa dadaalka Madaxweyne Trump uu ku soo afjarayo dagaalka. Waxaan ku heshiinay in lasii daayo dhamaan lahaystayaasha si loo gaaro xabad joojin joogto ah. Waxaan diyaar u nahay in aan si deg deg ah u galno wada xaajood looga wada hadalayo faahfaahinta qorshahan. Waxaan ku heshiinay in aan wareejino maamulka Qasa. Qorshaha Nabada ee Trump oo ka kooban 22- ka Qodob,ayaa,waxaa ka mid ah…. 1.In la keeno Qasa Ciidan caalamiya oo Nabad ilaalin oo loogu yeerayo (ISF). 2. In Qasa uu maamulo nidaam…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,ayaa xarigga ka jaray dib-u-habeyn lagu sameeyay qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kuwaas oo ay kamid yihiin… 1.Qaybta martida gaarka ah. 2. Qaybta dadka safarka ku baxaya. Dib-u-habeyntani,ayaa wax badan kusoo kordhinayso shaqada iyo adeegyada garoonka diyaaradaha Kismaayo oo marin ah Bulshada Koonfurta fog ee Dalka. Labadan qaybood,waxaa maalgelisay Wasaarada Maaliyada Jubaland oo taageero ka helaysa hay’ada Premis iyo Ganacsata reer Jubaland. Wasiir Handal intii uu hogaaminayay Wasaarada Maaliyada JL,waxaa ka muuqda isbadal la taaban karo.
Maanta,ayaa udanbaysay muuqashada fashilkiisa oo Dhulka Xamar uu ka hadlayay,isagoo umuuqday Duqa Miqdisho….. 1.Kama hadlin xaalada guud ee Dalka 2.Kama hadlin argagixisada.3.Kama hadlin amniga.4.Kama hadlin Dhaqaalaha.5.Kama hadlin Midnimada.6.Kama hadlin siyaasada.7.Kama hadlin Dowlad dhiska. Horay,wuxuu ugu fashilmay…. 1.Siyaasadii gudaha.2.Siyaasadii dibada.3 .Amnigii Wadanka.4.Dhaqaalihii.5.Midnimadii.6.Dowlad dhiskii. Tagidiisa Kismaayo,waxaa macno tiray Shirkii Nayrobi iyo Golihii kasoo baxay,waxaana ka kala daatay khiyaamadii uu watay ee ahayd Axmed ku guur oo uga badalo aqoonsi in uu kula qabto doorasho beenaadka. Tuhun kala gelintii PL& Jl,waa ka fashilantay. Sidoo kale Imaaraadkii uu ka codsaday in uu la heshiisiiyo PL & JL si xirfadaysan ayay PL & JL umaareeyeen…
Ceelasha Butici,waa laga sifeeyay argagixisada,waxaana lagu hareeraysan yahay Ceelka Barakalaah. Waa Ceelal muhiim ah Ceelashan Maanta laga sifeeyay argagixisada. Tiro door ah oo argagixisada ah,ayaa lagu laayay hawlgalka Maanta dhacay,halka Ciidamada difaaca Puntland,ay ka shahiideen Sadex Askari kana dhaawacmeen Lix kale. Hawlgalku,waa sii soconayaa ilaa laga soo afjaro midka udanbeeya argagixisada.
Halkan ka akhriso:-
Waa soo gabagaboobeen wada xaajoodkii Nayrobi ee PL,JL iyo Madasha Mucaaradka Muqdisho. Mowqif midaysan ayay ugudbiyeen Sadexda Garab Dowlada Kenya iyo Diblomaasiyiinta kale. Waxaa laysla qaatay Maalinka Axada ah in Xasan yimaado Kismaayo ka hor imaanshihiisana uu shaaciyo Afar Qodob oo kala ah…… Marka Xasan intaa fuliyo,isla markaana raaligelin utago Kismaayo,waxaa kaloo Xasan laga rabaa kasoo jawaabida Shuruudaha ay Kenya kasoo qaaday kulamadii Nayrobi. Hadii Xasan aqbalo shuruudaha lagu xiray,waxaa loo gudbi doonaa fulintooda iyo Shirweyne Somaliyed hadii uu diido,waxaa Shir Garowe iskugu imaan doona PL,JL iyo Madasha Xamar. Madaxweyne Axmed Berri,ayuu Kismaayo ka dagayaa haduu rabi idmo.
Deni iyo Axmed,waxay muujiyeen midnimo xoog badan oo Hal Qof ay isku noqdeenwaxaana muuqata in Axmed Madoobe ka fogaanayo in la tuhmo habayaraatee. Kulamadoodii,waxay ugu soo dhamaadeen guul,waxaana dhici karta in ay kusoo biiraan Maanta Xubnaha Madasha Mucaaradka Xamar. Mw Axmed ilaa berri in uu kasoo tago Kenya,ayay ii sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada JL. Halka Mw Deni ilaa Jimcaha sii joogayo oo kulamo la qaadanayo BC,waxaana Maanta ku biiraya weftigiisa Wasiir Qoorsheel iyo Cabdullaahi Bile oo Bosaso kasoo tagaya,iyadoo horay ay ula joogeen Wasiirada Maaliyada,qorshaynta,Tamarta iyo Shaqada iyo Agaasimaha madaxtooyada PL. Tagidii Xasan ee Kismaayo oo markii horaba ahayd,waxaan lagu heshiin…
Wada shaqayntii IMF,waa istaagtay,sababta ay u istaagtay,waa Afar sababood oo kala ah….. Haatan Baanka aduunku,wuxuu ku amray DFS Sadex Qodob oo deg-deg ah oo kala ah…. Baanka Aduunka,ayaa DFS uqabtay Bishan Oktoobar bilowgeeda in ay kasoo jawaabto Sadexdaas Qodob hadii kale Baanku hakin doono wada shaqaynta iyo sidoo kale Lacagta Kabida Sanadkan aan la bixinayn. W.M.DFS,waa dadaalayaa,waxaase wax la leh Xasan Shiikh oo aan waxba xeerinayn,wuxuuna ujoogaa Sacuudiga in uu kasoo baryo Lacag $50-Milyan ah oo ka dhiman Lacag la qorshaynayo Wadanka in loo soo sameeyo.
Sadex arimood ,ayaa lagu gaaray Shirka Deeq bixiyayaasha ee socda,waxayna kala yihiin…. 1.Waxaa la diiday in Laascaanood,wixii lagu dhisay loo aqoonsado Maamul oo lagu daro qorshaha Mashaariicda 5- ta Sano ee soo socota,waxaana lagu soo koobay ( Dhul muran ku jira). Barnaamijka Baanka Aduunku kula shaqeeyo Somaliya ee Hal Wadan,wuxuu dhacayaa 2026,waxaana dib loo cusboonaysiiyaa 5-tii Sanaba hal mar. Waxaa muuqata Deeq bixiyayaasha oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriisku in ay danaynayaan xoojinta Dowladnimada Somaliya.
PL& JL Xalay si rasmi ah ayay uwada hadleen oo iskula meel dhigeen Qodobada ay gudbinayaan….. PL? B. Waxay ku adkaysatay kaliya in ay Xasan kawada hadlayaan Dastuurka. JL? B. Waxay soo gudbisatay in uu doorashadii JL aqbalo. T. Waxay soo gudbisay in Maxkamadii Axmed laga laabto. J. Waxay soo gudbisay Gedo in faragelinta laga daayo. X. Waxay soo gudbisay in loo fasaxo Lacagta Kabida iyo Mashaariicda. Intaas kadib Labada Oday,waxay isla qaateen hanaanka uu udhacayo wada hadalka….. Labada Oday,waxay la kulmayaan Mw Kenya Maanta ilaa Caawa.
Inta badan,waxay ahayd mid guud oo aan lahayn faahfaahin la arki karo…. 1.Wuxuu ka hadlay in uu horumariyay Waxbarashada mana sheegin Deegaan uu ka fuliyay horumarkaas. 2.Wuxuu sheegay Caafimaadka in uu horumariyay mana sheegin Deegaan uu ka fuliyay. 3.Wuxuu sheegay in Ceelkii Shidaal ee ugu horeeyay Somaliya si tijaabo ah looga qodayo,waana xog khaldan oo horaa Sadex Ceel looga qoday Dalka…. B.GedoT.Holhol.J. PL. Qodobka xalinta khilaafaad ma magac dhabin cida uu la heshiinayo ama wada hadalka kula jiro kaliya si guud,ayuu uhadlay. Waxaa la oran karaa khudbadii Xasan,waxay ahayd…. B. Mid uu kusoo gudbinayay waxa Maamulkiisa uqabsoomay oo ubadan ,waxaan…
Israeli PM Netanyahu apologises to Qatar over Doha attack Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has apologised to Qatar for the killing of a Qatari citizen during an unprecedented Israeli attack on Hamas leaders in Doha this month, which drew global condemnation. Qatari Prime Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani received the apology on Monday in a joint call from United States President Donald Trump and Netanyahu during their meeting at the White House. “As a first step, Prime Minister Netanyahu expressed his deep regret that Israel’s missile strike against Hamas targets in Qatar unintentionally killed a Qatari…
Kulan ka dhacay Nayrobi oo ay filaysay DFS in ay ku hesho saxiixyo cusub iyo dardargelin wada shaqayneed. Balse,waxaa dhacay dhaliilo waa weyn oo ay soo jeedisay IMF,kuwaasoo DFS ka dhan ah….. 1.Waxaa lagu dhaliilay sida ay umaaraysay heshiisyada shidaalka. 2.Waxaa lagu dhaliilay arimaha Dhulka. 3.Waxaa lagu dhaliilay sida ay umaaraysay Lacagta kasoo gasha Dekeda iyo garoonka. IMF,waxay ku dooday DFS in ay baalmartay hanaankii wada shaqayneed ee la dhisay iyo kalsoonidii keentay dayn cafinta,mashaariicda iyo taageerada kabida miisaaniyada. Qodobka ugu weyn ee lagu haysto,waa in Lacag badan oo kasoo gashay Dekeda iyo Dhulka aysan si sax ah usoo xisaab…
Ciidamada Difaaca Puntland oo saakay fuliyay hawlgal qorshaysan,ayaa dilay 5-ka mid ah Miinaystayaashii argagixisada,halka ay nolosha ku qabteen Hal mid. Hawlgalkaasi,wuxuu ka dhacay Deegaanka Koor-Xagarle ee nawaaxiga Guryo-samo oo ka tirsan Deegaanka Dhasaan ee Degmada Qandala Calmiskaad. Sidoo kale,waxay Ciidanku ku hareeraysan yihiin Afar kale oo argagixisada ah. Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Difaaca Puntland,waa Hal Askari oo shahiiday iyo Laba dhaawac ah. Miinaystayaashaas,waa kuwii wareegayay oo hadba Wado galinayay Qaraxyada.
The number of ISIS terrorists killed yesterday and today: The terrorists gathered in a 60-km radius such as: B.Barakala.T.Hays Maragade.J.Shakshakow.X.Shakalo.Kh.Habar Bakuuje. This area is a very strategic and difficult valley with wells, caves and mountains that are challenging to reach. Terrorist have built large rocks and caves under the trees in the middle of the Valley to hide from the planes. They start firing once they spot forces from a distance, and quickly retreat as the shooting starts. They have also hide behind trees and bushes. But the brave PL defense forces have attacked and killed them in those caves.…
Ugu danbayn Islaan Bashiir Islaan Cabdille,ayaa soo afjaray khilaafkii Ceelka Qabooley ee Jifooyinka Walaalaha ah MC & RM ee Beesha CM. Isfahanka dhacay,waa in si buuxda layskugu raacay qodida Ceelka Qabooley oo jifida MC ay gaar uqodonaysay,waxaana udhagaxdhigay Islaanka. Amniga Gobolka,midnimada Bulshada iyo wada noolaanshaha guud,ayuu khilaafkan khatar ku ahaa.
Geerida argagixisada la laayay,waa…… 1.Shalay oo la dilay 12-xubnood. Ilaa iyo hada Aag ilaa 3-km ah,ayay ku jiraan,waxaana ku socda Hoobiyayaal Maanta. Dhulka guud ee hawlgalka sifaynta argagixisadu ka socdo,waa 60-km oo isku wareeg ah oo ka kooban……. B.Barakala.T.Hays Maragade.J.Shakshakow.X.Shakalo.Kh.Habar Bakuuje. Dhulkan,waa Tog adag oo aad istiraatiiji ah oo leh Ceelal Biyood,Godad iyo Buuro difaaca ku wanaagsan. Geedaha Toga ku dhexyaal ayay hoostooda ka samaysteen Dhagxaan waa weyn iyo Godad ay uga dhuuman karaan diyaaradaha,waxayna samaynayaan marka Ciidanku usoo jiro 20-M ayay Xabada halmar soo ridayaan,marka loo jawaabo,waxaa Xabada bilaabaya Nin haysta Qori diiradleh oo ku jira Bohol ay Dhir…
Madaxweyne Deni,wuxuu usafrayaa Kenya Maalinka Berri foog ah hadii rabi idmo. Socdaalka Mw,wuxuu daaran yahay Laba Qodob oo isku Qodob ah……… Dhamaan kulamadan,waxay daaran yihiin ka tashiga masiirka iyo mustaqbalka Dalka,waxaana jira fariin xoogan oo ka timid Xasan Shiikh,taasoo ah…… “Waxaan diyaar u ahay in aan tanaasulo oo aan si rasmi ah ula heshiiyo PL& JL”. Beesha caalamka,ayaa PL & JL arinkaas kala tashanaysa oo hordhigaysa.
Madasha Mucaaradku,waxay hordhigtay ganacsatadii waday dhexdhexaadinta Laba Qodob oo kala ah….. Ganacsatada dhexdhexaadinta waday,waxay codsadeen in la siiyo wakhti ay qodobadaas uga soo dhaadhiciyaan Xasan Shiikh. Ugu danbayn,waxaa laysla qaatay Todobaad in dib loo dhigo banaanbaxa.
Ciidamada Difaaca Puntland Maanta,waxay qaadeen hawlgal qorsheysan oo ay ku beegsadeen firxadka Argagixisada. Deegaanka Carabiya ee Togga Baallade,ayay ka hawlgaleen Ciidamadu,iyagoo ku laayay Xubno badan oo argagixiso ah oo ku dhuumaalaysanayay halkaas. Khasaare gaaraya 5-dhimasho iyo 6-dhaawac ah,ayaa Ciidamada Puntland kasoo gaaray. Argagixisada,waxaa laga sifeeyay Ceelal hor leh oo ay ka mid yahay Ceelka Baarakalaah.
“Ilhaan Maskaxdeedu,waa hoosaysaa oo maba aamini kartid in ay tahay Qof Kongarees ah,waxaana la kulmay Madaxa Somaliya,waxaan usoo jeediyay in uu la tago,wuxuuse iisheegay isaguna in uusan rabin”Ayuu yiri Trump. Si jees jees ah oo yasmo ah,ayay hadaladu uga soo baxeen umana dan lahayn si toos ah in uu uga hadlo kulan dhexmaray isaga iyo Xasan ee waxaa lasii maray hadal weerar shaqsi ah oo uu uwaday Kongarees kale,waxaana ka muuqday hadalkiisa….. 1.Somalida oo uusan waxba u arkin. 2.Maqaamka Madaxweynaha Qaramada midoobey aqoonsan tahay ee Somaliya oo si ka baxsan akhlaaqda Diblomaasi uu hoos ugu dhigay. 3.Ilhaan oo uu ku…
Xilligii loo baahnaa ayay ku bilaabatay Xasan,waxaana sii dilay fursadaha uu bixiyay. Mucaaradka Xamar,waxay ka faa’idaysanayaan “Garab istaaga Shacabka iyo diidmada caburinta”.Waxay ugu yeereen. Xabadii Saldhiga ka dhacday,waxay u ahayd fursad weyn oo uu bixiyay Xasan. Waxaa kaloo sugaya furitaankii Baarlamaanka oo Wadnaqabad ku ah maadaama Xildhibaano 100 ku dhow abaabulan yihiin. Ilaa iyo hada Xasan mid,waa looga guulaystay oo laga fashiliyay,waana Shirkii QM in uu tago,isagoo muujinaya Somali midaysan oo aysan jirin cid ka daba qaylinaysa. Maalmaha soo socda,wuxuu isku dayi doonaa in uu Indhaha ka jeediyo Xamar oo ku jiheeyo PL iyo JL,isagoo isku sii dayn doona Kismaayo.…
Maalmaha soo socda,wuxuu isku qaadi doona JL si uu Indhaha uga jeediyo gudaha Xamar Dabka uga holcaya. Axmed Madoobe horay,waa udiiday in uu la kulmo,wuxuuna soo jeediyay in Shirka QM kadib ay kulmaan,waxaana aragtidaas la qaadatay Itoobiya oo Imaaraadka iyo Kenya fahansiisay doodiisa. Xasan,wuxuu xataa isku dayay in uu tago Kismaayo oo Axmed ka maqan yahay si uu uga qaato sawiro uu la aado kulankii QM,waxaase ka diiday Axmed Madoobe. Haatan Axmed Sabtida,ayuu Kismaayo kusoo aadan yahay,wuxuuna isku dayi doonaa in uu ka war wareego imaanshaha Xasan ee Kismaayo hadiise cadaadisku ku bato,waa aqbalayaa,wuxuuna hor dhigayaa….. 1.In uu ku dhawaaqo…
Dowladda federal Soomaaliya ayaa cambaareysay iska hor’imaadka ka dhacay degmada Wardhiigley maanta. “Dowladda waxay ka niyadjabsan tahay in shaqsiyaad doonaya in ay hoggaamiyaan dalka ay diyaar u yihiin daadinta dhiiga shacabka iyo ciidamada ammanaka ee ilaalinaya dalka, lana dagaalamaya argagixisada”. Dowladda fedealka waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka iyo hantiodooda iyo xaqiijinta in lala xisaabtamo cidkasta oo wiiqeysa ammaanka. Xasan Shiikh damin siyaasadeed,ayuu ku dhacay oo lagu dabanayo hada,wixii ka danbeeya. Mucaaradka Muqdisho,waxay raadinayeen fursad ama meel ay kasoo galaan Xasan ilaa iyo Maanta,wixii ka horeeyayna,isagaa ku watay oo la ciyaarayay. “Shacabkaan difaacaynaa”waa halhays gadmaya oo lagula…
Si Qaran,ayaa loo aasay Jen.Qalyare,waxaana Janaasadii koobaad kusoo tukaday Madaxweyne Deni ka hor intaan laga soo qaadin Bosaso. Sidoo kale,waxaa Janaasadii Labaad iyo Aaskiisii ka dhacay Caasimada Puntland ee Garowe. Xaqiiqdii geeridu,waa lama huraan,balse Qalyare Dadkiisa karaamuu ka dhex helay lagu sagootiyay. Geerida Qalyare,waxay muujisay dhawr arimood……. 1.in shacabka PL Ciidanka jacayl weyn uhayan2.In Dowladu karaamaysay Ciidanka.3.In dagaalka argagixisada dhab naga yahay.3.In Sarkaalka ama Askariga udirira Dadkan uu maqaam ka helayo. Qalyare rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,wuxuu ahaa Shahiid kamana bixi doono quluubtayada ka fir ka fir.
Waa Shirkad Xasan Shiikh leeyahay oo lagu magacaabo (New Mogadishu Development Corporation). Shirkadan,waa mida suuqa gaynaysa Mashruucan oo ka kooban Afar qaybood oo kala ah….. 1.Qaybta Tamarta.2.Deked.3.Garoon diyaaradeed.4.Aag Canshuuraha ka caagan. Maalgelinta,waxaa laga raadinayaa…. 1.Wadamada Khaliijka.2.Shiinaha.3.Turkiga.4.Ganacsatada Somalida. Mashruucan,waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya $4-Bilyan….. B.$1-Bilyan Garoonka Diyaaradaha.T $1-Bilyan,Dekeda.J.$1-Bilyan Tamarta.X.$1-Bilyan Aaga Canshuuraha. Wajiga koobaad,waa dhismaha garoonka oo ku kacaya $1-Bilyan oo ay ku jirto Wado ku kacaysa $300-Milyan oo isku xiraysa garoonka iyo Magaalada. Ujeedka Xasan? 1.Mid Qabiil.2.Mid Dhaqaale. Mida Qabiilka,wuxuu rabaa in uu Beesha Abgaal ugu hiiliyo Qalinka Dowladnimada. Mida dhaqaalaha,isaga iyo kooxdiisa,ayaa iska leh Shirkada Mashruucan wada. Maxaa qorshe u…
Ilaa iyo hada Trump,waa diidan yahay in uu xataa la galo sawirkii caadiga ahaa ee Shirka QM. Kulankan xataa ma fadhiyo Safiirkii QM,waa lataliye hoose oo Trump kalataliya arimaha Afrika. Sida aan xogta ku helay kulankan,wuxuu daarnaa sida Trump loola kulansiin karo iyo Wadooyinka uu mari karo. Diidmada Trump,waxay muujinaysaa sida BC uga quusatay Maamulkiisa,waxayna daba socotaa diidmada Trump diiday in uu isla sawiro fariimaha ay gudaha dalka ka dirayaan Safiirada BC,kuwaasoo kasoo xirxirtay Xamar. Caalamka iyo Somalidu,waxay isku raacsan yihiin Bisha May hadii la gaaro in uusan Hal Maalin ku darsan Xasan Shiikh.
Markab sida 150 Kunteenar oo Dowlada Puntland ay gaar uleedahay,ayaa ku xiran Dekeda Bosaso oo la dajinayaa. Kunteenarada saaran,waxaa Dowlada Puntland ugu deeqay Dowlada Imaaraadka. Xogta dhabta ah ee Markabka lama shaacin.. Imaaraadku,waa garab istaagaha ugu weyn ee Puntland.
Dhasaan, Qandala – Gobolka BariPuntland waxa ay wayday mid ka mid ah saraakiisheeda ugu sarreeya, uguna hal-adagnaa, kadib markii uu ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala. Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Howlgalka Calmiskaad, ahaana Taliyaha Guutada 2-aad iyo Ururka Duufaan, General Axmed Cabdi Qalyare, ayaa ku dhintay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Puntland. Taariikh Nololeed Kooban General Qalyare wuxuu ahaa sarkaal khibrad dheer u lahaa arrimaha milatariga iyo dhismaha ciidamada. Waxa uu hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.…
Allaha unaxariisto Jeneraal Qalyare oo kugeeriyooday qarax miino Aaga Dhasaan iyo Sheebaab dhexdooda. Qalyare,wuxuu kamid ahaa saraakiisha aysan reer Puntland marna ilaawi doonin,waana xusaynaa halyeeygaas. Guud ahaan reer Puntland,gaar ahaan Ciidamada iyo Qoyskiisii,waa uga tacsiyaynaynaa. Geerida Jen.Qalyare,waxay mudan tahay in lagu maamuuso Calanka PL iyo kan guud ee Somaliyed in hoos loo dhigo Sadex Berri.