Ugu horeyn,waa talaabo wanaagsan in Hay’adda Nabad Sugiddu leedahay Sharci iyo nidaam ay ugu shaqeyso Shacabka Somaliyed. Dowladdii Kacaanku waxay abuurtay Hay’adda Nabad Sugidda Sanadkii 1972,iyadoo aan sifo sharci loo dhisin loona abuurtay caburinta shacabka. Golaha Wasiirada Fadaraalka,ayaa Maanta ansixiyay hindise Sharciyeed Xeer unoqonaya 50-sano kadib hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka. Hadaba Baarlamaanka Federaalka,ayaa laga doonayaa dhismaha Hay’ad sireed oo ku dhisan sharci laguna ilaaliyay Qodobadan… Qoddobadaas,ayaa la rabaa inuu Baarlamanka Fadaraalku hubiyo.
Author: Jibril Qoobey.
Puntland Maanta waxay uhayd maalin weyn oo ay si degan ugu bilaabatay diiwaangelinta Cod bixiyayaasha. Wajiga koobaad ee diiwaangelinta oo ka qabsoomaysa Gobolada Bari,Karkaar iyo Gardafuu,ayaa si guul ah ku bilaabatay. Waxay utahay Bulshada Puntland Maalin ay horay ugu dhaqaaqeen guulahooda Dowladnimo. Halkan ka daawo muuqaalka
Kulankii Maanta ee Golaha Wasiirada,ayaa waxa Guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda DanQaran in ay diyaariyeen isla markaana soo bandhigeen qorshe sanadeed waafaqsan hiigsiga Qaranka, gaar ahaan dib xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada inay wax ka beddelaan hab-dhaqankii hore ee ahaa dhayalsiga hawlaha qaranka iyo isla xisaabtan la’aanta. Kulanka ayaa Golaha Wasiirradu waxay ku ansixiyeen laba sharci oo muhiim ah oo kala ah Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Hindise…
Si degan oo xasiloon,ayay ku bilaabatay diiwaangelinta Cod bixiyayaasha doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Diiwaangelintan,ayaa ka dhacaysa Sadexda Gobol ee Bari,Karkaar iyo Gardafuu haatan. Sadex Weji,ayaa loo qorsheeyay Diiwaangelintu in ay uga qabsoonto guud ahaan Puntland oo Wejigan ugu horeeyo. Madaxweyne Deni oo ku adkaystay bilaabida 5-ta Bisha oo saakay ah diiwaangelinta ayay utahay guul ugalaysa taariikhda hogaamintiisa. Puntland oo horay looga qabtay 3-Degmo oo tijaaba ah doorashadood ayay tani utahay nidaamkeedii oo dhaqaaqay kuna tilaabsaday Dimuqraadiyad sax ah. Inkastoo Bulshada dareenkoodu jiro xaalada Laascaanood hadana waa usoo baxeen isdiiwaangelinta.
Aadan Madoobe waa dadaalay,waana qaatay doorkiisii Masuulnimo ee Shacabka Laascaanood. Gudi 10-Xubnood ka kooban,ayuu usaaray soo ururinta xogta dhabta ah ee xasuuqa Shacabka loo gaystay. Balse Laba Xubnood,ayaa iska casilay Gudiga oo kasoo jeeda Beesha Direed cadaadisna laga soo saaray dhanka Hargaysa. Gudoomiye Aadan Madoobe,waxaa laga rabaa in uu Shaqada ufasaxo 8-da Xubnood ee kale oo Gudigu ka kooban yahay. Gudigaas xogtiisu waa umuhiim qadiyada Laascaanood,waxayna wax ka tari doontaa in Muuse lagula xisaabtamo danbiyada uu ka galay Shacabka. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Fadaraalka,waxuu xiriir la sameeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland. Muuse Biixi waa ka qaban waayay Taleefoonka,waxuuna ka caraysan yahay xogo sheegaya in Dowlada Fadaraalku xiriir lasoo samaysay Isimo Beesha Dhulbahanta ah una soo dirtay dhaqaale. Deni waxay isla fahmi waayeen sida xaalka Laascaanood loo maaraynayo oo loo xakamaynayo xaalkeeda. “Waxay ahayd in aad Shacabka garab istaagto la xasuuqayo,Aniguna waa taageerayaa oo dagaalka waa galaynaa”Ayuu yiri Deni. Madaxweynaha Fadaraalku,waxuu isku dayayaa in uusan dagaal kale oo aan ahayn kan Shabaab lagula dirirayo ka qarxin Somaliya. Jibril Qoobey.
Wax khasaare ah oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac midna masoo gaarin Bulshada Bosaso. Labo Bam-Gacmeed,ayaa lagu tuuray Hotel Jaabir gadaashiisa mana soo gaarin Hotelka. Xiliga,wax dhacayaan waxaa ka socday Hotel kulan balaaran oo ay Bulshada iyo Dowladu ku kulmeen oo looga hadlayay diiwaangelinta. Kulanka oo socday mudo Hal Saac iyo Bar ah,ayaa wax latuuray kumana yeelan saamayn oo sidii loo qorsheeyay,ayuu kusoo idlaaday,sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah Wasiirada. Tuuryadan waa mid argagixiso ama hasoo tuureen koox diidan diiwaangelinta oo xaalad abuuraysa ama argagixisada laftigeeda. Magaaladu aadbay udegan tahay mana laga dareemin Tuuryada xataa Aaga lagu tuuray…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab. Madaxweynaha,ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Somaliyed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Somaliyed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda…
Falistiiniyiinta iyo Dalal dhowr ah oo Carbeed,ayaa cambaareeyay daandaansina ku tilmaamay, booqasho uu Wasiirka cusub ee amniga Israel uu ku tegay Aagga uu ku fadhiyo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla Magaalada Qudus. Mas’uul ka tirsan Falastiin,ayaa sheegay in booqashada uu subaxnimadii hore oo maanta ah uu goobtaas ku tegay Itamar Ben-Gvir oo ka tirsan midigta fog, ay ku eedeynayaan, ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan,ayaa dhamaantood siyaasigan reer Israel ku eedeeyay inuu ku duulay goobtaas oo ah dhismaha masjidka Al Aqsa. Aaagaas waxaa hadda ku cibaadeysta oo ay u furantahay muslimiinta oo keliya,…
Ilhaan Cumar oo laga doorto Degmada Shanaad Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota,ayaa markii Saddexaad Talaadadii loo dhaariyay xubin ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka. Ilhaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga,ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay. “Kursigani aniga kaliya malehi,waxaa isla leh kumannaanka Qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama” Ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay. Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada,xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta Dimuqraadiyadda. Ilhaan Cumar,ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay Qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, tira kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah qaraxyadan,ayaa lala eegtay Guri uu Maxaas ka degan yahay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka,walow annu Xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay Qaraxan. Halka kan kalena uu ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane. Ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxyadan. Maxaas ayaa ka mid aheyd degmooyinkii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka ay bilhii lasoo dhaafay ka saareen Maleeshiyada argagixisada Al-shabaab. Halkan…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay. Waxaa kale oo uu sheegay…
Isimada Gobolka Mudug oo Qaybna ka ah Gudiga Hormarinta Magaalada Gaalkacyo,ayaa Go’aano kasoo saaray Cabasho ka timid Ganacsatada. Cabashada Ganacsatada waxay ku salaysan tahay Canshuur kordhin lagu sameeyay Gaadiidka iyo Ganacsiga kalaba. Canshuurta la kordhiyay,waxaa looga dan leeyahay in lagu fuliyo qorshaha horumarineed ee 5-ta sano loo ansixiyay Gaalkacyo. Waxaa muuqata in ay bilaabatay wada shaqayn la tabayay oo dhexmarta Maamulka iyo Dhaqanka si horumarka looga wada shaqeeyo. Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso, January 04, 2023: Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulan ku saabsan sidii hab midaysan looga wada shaqayn lahaa sugudi amniga Doorashada qof iyo cod laqaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida Puntland ee gobolka Bari. Shirka waxaa ka qayb ahaa sraakiisha Police,PMPF,Daraawiishta,PISF iyo PICA. Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa saraakiisha ciidamada qalabka sida ee gobolka Bari ka howlagaya doorashada qof iyo cod faray in ay bulshada siwayn loogu dhimriyo inta lagu jiro diwaangalinta doorashada isagoo xusay in laga hortago waxkasta oo amniga lid ku ah. Sidoo kale shirka waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha iyo saraakiisha ururka…
Bosaaso, January 04, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa shir Guddoomiyey shir heer Wasiir ah oo looga hadlayey u diyaar garowga diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha dadweynaha ee Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar. Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Maamulka Gobolka Bari ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa u diyaar garowga diiwaangelinta dadweynaha ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka, taas oo 05/01/2023 ka bilaamandoonta 17 Degmo oo ka mid ah Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar. Intii shirku socday ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday qorshaha Dawladda ee ku aadan habsami u socodka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo kor…
Muuqaalkan waa Shaqaalaha diiwaangalinta Cod bixiyayaasha Gobolada Bari,Karkaar iyo Gardafuu oo 5-ta bisha ay ka bilaamanayso wajiga koowaad ee diiwaangalinta. Shaqaalahan,waxaa lagu tababaray shuruucda Guddiga, xeerka diiwaangelinta,talaabooyinka ay marayaan Dadka isdiiwaangalinaya,Qalabka ,iyo nidaamka lagu diiwaangalinayo codbixiyayaasha. Guddiga Doorashada Puntland,ayaa lagu amaanay Shaqada baaxada leh iyo dadaalka ay muujiyeen. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Saxaafada kula hadlay Garowe,ayaa si adag uga hor yimid Maamul ay sheegeen isimada Gobolka Sool qaybtood in ay udhiseen Gobolada SSC. “Maamulka ay ku dhawaaqeen Odoyaasha Dhaqanka si iskood ah oo aysan cidna kala tashan waa la diiday, oo maya,ayaa la yiri”Ayuu yiri Wasiir Caydiid. ” 2018-kii dagaalkii Tukaraq 52-Wiil oo reer Mudug baa ku dhintay Dhulbahante waxaa kaga dhintay Hal Nin oo Gaari ka dhacay”Ayuu yiri markale Wasiir Caydiid oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad. Halkan ka daawo muuqaalka
Dadkii reer Puntland niyadoodii Laascaanood ayay Aaday Diiwaangelina uma soo jeedaan. Waxa ugu daran Ciidamadii oo khatar ugu jira si iskood ah in ay udagaal galaan. Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Puntland ee kala duwan dhamaantood niyadoodu Laascaanood ayay jirtaa. Shacabkii caadiga ah ee Puntland laga soo bilaabo Caluula ilaa Goldogob Laascaanood ayay ku jihaysan yihiin. Diiwaangelintii niyad uma hayaan oo waa ka jeesteen. Maalmo ka hor xaalka Laascaanood intuusan soo ifbixin Dadkoo dhan waa Dimuqraadiyaysnaayeen hadase kuwii ugu dhawaa,ayaan niyad uhayn. Qiimaynta aan sameeyay,waxaan ka ururshay qaybaha Bulshada,Ciidamada iyo Siyaasiyiinta. Dimuqraadiyadii Laascaanood baa cuntay. Waa lagu khasban yahay dareenka Shacabka in…
Xiligeedii ayay yimaadeen Musharaxiinta Madaxweyne ee Madaxtooyada Puntland. Balse,waxaa hooseeya miisaankooda Ragga ku bahoobay,waxaana ku jira Musharax loo hakan karo Faarax Cali Shire. Qaar badan oo ka mid ah Magacyada Warqada ku qoran waa boos buuxis macno tiray Madasha miisaankeeda. Weli ma muuqdo hogaamiyihii Deni badeli lahaa 2024 oo uqalma ku fariisashada Kursiga Madaxtooyada Garowe. Jibril Qoobey.
Muuse waxaad moodaa in uu la hadlayo Dadka taageersan oo qura. Tirada Dadkii lagu laayey Laascaanood waa yareeyay, wuxuu soo bandhigay warbixin aan la’aamini karin,sababtoo ah waxay ahayd intaan dhibaatadu cirka isku shareerin in uu soo saaro. Xogaha Sirdoon waxay xaqiijinayaan in markii laga saaray Laascaanood Dadka Raxanweynta ah kadib la ogaaday waxa Dadka laaya in ay yihiin Rag kasoo jeeda Beesha Habarjeclo oo ku hoos jira argagixisada wada shaqayna la leh Maamulka Somaliland. Marna waxay dilaan Qof kasoo jeeda Beesha Bah-ararsame,marka kalana waxay dilaan Qof kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad,taasoo keentay in Labadan jifo kala shakiyaan. Xogaha lahayo waxay…
Ruushkaa,ayaa qirtay in ciidamo badan looga dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Doneska. Qirasho dhif iyo naadir ah oo ay Wasaaradda Gaashandhiga Ruushka shaacisay,ayaa waxaa lagu sheegay in 63-Askari oo Ruush ah ay ku dhinteen weerar ay Militariga Ukraine u adeegsadeen Gantaalada Himars. Waa tiradii ugu badnayd oo Ruushku hal goob looga dilay tan iyo markii uu bilowday duullaanka uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii tagay. Ciidamada Ukraine,ayaa horay u sheegay in ay ku dileen boqolaal askari oo Ruush ah dukheyn Gantaalo ah oo ka dhacday gobolka bariga ee Donetsk xilligii bilowga sanadkan ka dib…
Saddex meelood meel ka mid ah dhaqaalaha adduunka ayaa sanadkan hoos u dhaci doono sida ay ka digtay madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF. Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in 2023 uu “ka adkaan doono” sanadkii hore iyadoo Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha ay u arkaan in dhaqaalahooda uu gaabis yahay. Waxay ku soo beegmaysaa,iyadoo dagaalka Ukraine uu weli sii xoogaysanayo,Bishii Oktoobar IMF joojisay saadaalinta kobaca dhaqaalaha adduunka ee 2023. “Waxaan filaynaa in Saddex meelood meel dhaqaalaha adduunka uu ku jiro hoos u dhac,”Ayay Ms Georgieva ka tiri barnaamijka wararka ee CBS ee Face the Nation. “Xitaa Wadamada aan hoos u…
Waxaa socda baaritaanno la xiriira askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (Atmis) uu subaxnimadii Isniinta ku dilay Saddex ka mid ah Ciidamadaasi. Toogashada,ayaa ka dhacday xarunta ugu weyn ee Ciidamada Uganda. Waxaa la sheegay in uu ku kacay fal dil ah oo uu ku toogtay saddexda askari. Ciidamada ayaa markii hore mooday in saldhigooda la soo weeraray. Dhibbanaha Labaad,ayaa Saddex Xabbadood lagaga dhuftay Madaxa, isagoo isku dayayay inuu ogaado waxa dhacaya, halka kan Saddexaadna Dhabarka laga toogtay isagoo isku dayay inuu baxsado. Waa dhacdadii ugu horreysay oo muddo dhowr sano ah ka…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddiga ku-meel gaar ah oo ka shaqeeya doorashooyinka kuraasta bannaan ee baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya. Xamsa,ayaa sheegay inuu magacaabista guddigan ku dhaqaaqay kadib markii uu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee dastuurka KMG ah, go’aanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, iyo wareegtadii Lr.60 ee burinta xeer madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray madaxweynaha ee lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa kala ah: 1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame3. Cabdi Hiis Udan4. Cabdishakuur Abiib Hayir5. Cabdullaahi…
Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub. Baarlamaanka Yurub ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Roberta Metsola, inay ka codsatay dhammaan adeegyada iyo guddiyadu inay mudnaanta siiyaan arrintan, iyada oo la doonayo in la dhameeyo inta ka horraysa bisha February 13-keeda. “Waxaa markii ugu ugu horraysay uu baarlamaanka Midawga Yurub uu sameeyey wax kasta oo awooddiisa ah, si uu uga gacan geysto baadhitaanada…
Dowladii hore Ciidankan kuma soo xulin,kuma qorin,kumana diyaarin Xeerar Ciidan oo ku fadhiya qaab dhismeedka Amniga Qaranka. Dowlada Xasan waxay raacday Wadadii Dowladii ka horaysay,waxayna qoraysaa oo udaabulaysaa dibada Dalka Maleeshiyo loo diyaarsanayo Ciidan. Madaxweyne Xasan oo la filayay in uu dhamaystiro qorshaha Amniga Qaranka weli waa ku dhiiran la’ a yahay hirgelintiisa. Ilaa la helo qaab dhismeed Amni oo Somali ku midaysan tahay majirayaan Ciidamo Qaran oo laysla ogol yahay. Ciidamadana waxay qayb ka yihiin Maleeshiyaadka jooga Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya. Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe: 02 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Golaha garsoorka Dowladda Puntland, oo isugu xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, xubnaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Garsoorka Puntland iyo Sidii loo horumarin laha, sida shuruucda Garsoorka, xarumaha ay ku shaqeeyaan iyo guud ahaan horumarin lagu sameeyo shaqada Garsoorka. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee hirgeliya Maxkamadda Dastuuriga ah, Iyadoo Shacabweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay siweyn usoo dhoweeyeen arrintaasi. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Diiwaangelinta hala Aado xaalka Laascaanood maarayntiisa Dowlad ku filan,ayaan uleenahay. Xoraynta Laascaanood waa Wajiyo badan tahay kaliya ma’ahan dagaal qaawan waxa lagu xoraynayo.. 1.Midayn Shacab. Dhamaan arimahaas,waxay ubaahan yihiin wakhti iyo dhaqaale in la geliyo. Ma’ahan saakay wax lagu dhaqaaqi karo oo la fulin karo. Shacabka caadiga ah ee reer Puntland waxay muujiyeen dareenkooda qadiyadeed,ehelnimo iyo damiirkooda nool. Sidoo kale Shacabka ku jira gudaha Laascaanood waxay bilaabeen halgan loo baahnaa oo bilow ah. Balse weli kulaylkii looga baahnaa Waxgaradka,Ciidanka iyo Ganacsatada Beesha Dhulbahante ma muuqdo. Laascaanood xorayn bay rabtaa Xikmad ku fadhida ee uma baahna qiiro raqiis ah. Jibril Qoobey.
Xaqiiqdii Madaxweynaha hadalkii looga baahnaa ee ku aadanaa Laacaanood waa jeediyay. Waa cadeeyay mowqifka Dowlada Puntland ee xasuuqa Shacabka Laascaanood. Sidoo kale awaamiir cad-cad,ayuu kasoo saaray waxa Dowladu ka yeelayso maaraynta xaalada taagan. “Sool,Sanaag iyo Cayn waa Dhul iyo Dad reer Puntland,waana difaacaynas”Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni,wax uga reeban arinka Laascaano oo hadal ah majiraan,waxa haray waa fulinta qorshaha Dowlada ee xoraynta Laascaanood iyo difaaca Sharafta iyo karaamada Bulshada. “Waa difaacaynaa Sharaftooda iyo karaamadooda,waana muujinaynaa in ay ehel leryihiin oo aan layska layn karin laguna xadgudbi karin”Ayuu yiri Madaxweynuhu. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
International partners* are concerned about the violence in Laascaanood resulting in civilian deaths and casualties. Preventing violence and ensuring the protection of civilians is paramount. We call for calm and restraint. Tensions must be resolved through de-escalation and dialogue. *African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Canada, China, Denmark, Egypt, Ethiopia, EU Delegation, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, League of Arab States (LAS), Netherlands, Norway, Qatar, Russia, Sudan, Sweden, Türkiye, Uganda, United Kingdom, United States and United Nations.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay Madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mr Evert Kets. Kulankaan,ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland, dardargelinta arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee hal cod iyo hal qof iyo Xiisadda ka aloosan magaalada Laascaano ee Gobolka Sool. Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi-Wanaaagsan iyo is afgarad laga gaaray dhammaan qodobada hortabinta leh ee shirka looga wada hadlay. Dhammaad. Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda…
Suuriya,ayaa sheegtay in dukheymo ay Israa’iil ka geysatay caasimadda Dimishiq ay sababeen in garoonka caalamiga ah ee ugu weyn uu shaqeyn waayo. War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada Suuriya,ayaa lagu sheegay in laba Askari oo ka tirsan Militariga lagu dilay weerarka. Warbaahinta dowladda,ayaa sheegtay in dukheymo dhanka cirka ah ay sidoo kale ka dhaceen qeybo kale oo ka tirsan Dimishiq. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan sheegashada Suuriya. Sanadihii la soo dhaafay Israa’iil waxay si joogta ah u weerareysay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya oo lala xiriirinayay Iran.
Dowlada Puntland kama fulinayso hawlgal Mileteri Laascaanood xiligan haba yaraatee. Hal talaabo ayay qaadaysaa oo ah in la taageero Shacabka dhibku soo gaaray. Talaaba walba oo Mileteri oo Puntland ku dhaqaaqdo waxay hiil utahay Muuse Biixi-ga ku fashilmay Siyaasada gudaha iyo dibada ee Maamulkiisa. Dowlada Puntland dagaal wajiyo badan oo Xabada ka macno badan ayay kaga jirtaa Laascaanood iyo xaalkeeda. Sidoo kale looma hakinayo Diiwaangelinta Doorashada ee Gobollada Bari iyo Karkaar ka bilaabanaysa 5-ta Bisha haduu rabbi idmo xaalada jirta. Gacana Shacabka dhibku soo gaaray,ayaa loogu gurmanayaa,Gacanta kalena Dimuqraadiyadaa lagu socod siinayaa. Bulshada caadiga ah ee reer Puntland waa in…
Saaxiibada Beesha caalamka,ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan”Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay BC. “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn, Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal”Ayaa markale lagu yiri wsrka Beesha Caalamka. Wadamada soo saaray Qoraalkan ee ku midaysan,ayaa kala ah… *Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga Farsamada ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Halkan ka akhriso:-
Dhamaan Qodobada muhiimka ah ee mudnaanta uleh Dowladnimada hirgelintooda,ilaalintooda iyo xurmayntoodaba waa ka gaabiyay Madaxweyne Xasan Shiikh. 1.Dagaalka Argagixisada Madaxweynihu,wuxuu muujiyay kaligii talisnimo,Eex iyo Musuq. Waxaa muuqata in uusan gaarsiisnayn qorshihiisu mid Qaran ee uu leeyahay mid gaaban oo ku fadhiya Qabiil,dan gaar ah iyo Xukun jacayl. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah,waxuu ku faanay in uu horumar ka sameeyay arimaha qaabdhismeedka Amniga Qaranka,waxuuna dul istaagay in uu heshiis kala gaaray Dowlad Goboleedyada. Hadalkaasi waa deelqaaf uu ku buuxsanayo soo jeedintiisa Sanadka cusub… 1.Majiro heshiis qaab dhismeed Amni oo ay wada gaareen isaga iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. 2.Weli,waxaa socda dhaqankii Dowladii ka horaysay ee ahaa in la qoro Ciidamo aan lahayn Sharciyad iyo Midab Qaran. 3.Masar,waxaa loo qaaday 850-Askari oo ah Qaybtii ugu horay Maleeshiyo gaaraysa 3500 oo la qorsheeyay in Dalkaas lagu soo tababaro. 4.Eretereya,waxaa loo qaaday ilaa 1500 qayb ka ah Maleeshiyaad 5000…
7-Bilood kadib dhaliisha ugu weyn ee hogaaminta Madaxweyne Xasan dul hoganaysa waa fudayd iyo Kaligii talisnimo aan lagaba filayn xiligan markii lagu qiimeeyo Da’daiisa iyo khibradiisa. Dagaalka argagixisada? Aragtidiisa la dagaallanka argagixisada,waa lasoo dhaweeyay,waxaana loo arkayay in ay tahay mudnaantii oo uu asiibay. Balse si khaldan,ayuu uwajahay oo halkii ay ka ahayd in uu mideeyo Siyaasada amniga fuliyana qorshaha amniga Qaranka ee Dowladii ka horaysay ay ku fashilantay,waxuu la booday abaabulka Maleeshiyo Beeleed. Dagaal in lagu qaado argagixisada,waxaa ka horaysay in Dalka la mideeyo Ciidankiisa oo la dhamaystiro Shuruucda Ciidan lagu qori karo,tirada Ciidamada Somaliya iyo qaybaha ay kala noqonayaan…
Maamulka falastiiniyiinta,ayaa soo dhaweeyay codbixin uu Golaha guud ee Qaramada midoobay kaga codsanayo Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada in ay fikrad sharci ka bixiso qabsashada Isra’il ee dhulka Falastiin. Afhayeen u hadlay Falastiin, oo lagu magacaabo Maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Israa’iil ay hoos imaan lahayd sharciga, isla markaana lala xisaabtami lahaa. 87-Waddan,ayaa taageeray qaraarka Jimcihii oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha iyo dalal Muslimiin ah. Mareykanka, Britain iyo Jarmalka,ayaa ka mid ahaa dalalkii diiday, iyagoo mooshinka ku tilmaamay mid aan faa’iido lahayn.
Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa beryahan danbe ku soo badanaya falal danbiyeedyo ay gaysanayaan Dhalinyaro Dadka habeenkii Toorey ku baarta. Dhawaan,ayaa magaalada lagu dilay Dad goor habeen ah khasab lagaga qaatay wixii ay siteen. Haweenay Danyar ahayd caana ka ahayd magaalada oo Danyar oo Caruur ku korsan jirtay Cunto ay Dariiqyada ku diyaariso ayay dhalinyaradaasi Qudha ka jareen. Bulshada Gaarisa,ayaa danbiyadan si weyn uga carooday kuna dhaliilay Maamulka waxqabad xumo.
Sabihullah Mujaahid, oo ah Afhayeenka xukuumadda Talibaan,ayaa sheegay in warqadda ku saabsan mamnuucidda shaqada Haweenka shaqaalaha ah ee gudaha iyo kuwa Ajaanibka ah ee aan dowliga ahayn ee Afgaanistaan loo soo saaray si loo ilaaliyo ixtiraamka iyo sharafta Haweenka. Wasaaradda dhaqaalaha ee Taliban ayaa u sheegtay BBC Pashto in “hay’adaha Qaramada Midoobay ee aysan khusaynin warqadan.” 25-kii bishii Desembar ee Bishii tagtay,ayaa amar ka soo baxay Talibaan Haweenka looga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn. Go’aankaas,waxaa cambaareeyay Qaramada Midoobey iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah xuquuqda Aas-aasiga ah . Hoggaamiyaasha Taalibaan,ayaa sheegay in Haweenka u…
Waxa aad qabanaysaan waa amaano, amaanadana waa la iskula xisaabtamayaa qof kastana Tixraac buu leeyahay,hadaa TPEC horay ula soo shaqaysay diiwaankaa ku jirtaa oo taariikhdaadu fiicanyahay, hadaa Jaamcad ka timina Jaamacadaa masuuliyadaada qaaday qof kastana waxaa la rabaa inuu sidii loo qorsheeyay shaqada uga shaqeeyo dulqaad iyo dadaalna muujiyo”.Ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga Doorashada. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka Hees Macaan
Si fiican,ayuu usharaxay Aqoonyahankan reer Muqdisho Dastuurka iyo hanaanka Fadaraalka. “Puntland caqabad kuma noqon Dowlada Fadaraalka ah ee waxay taqaan xaqeeda,waxaana dhisan nidaamkeeda”Ayuu yiri. “DG kale ayay ahayd in ay raacaan Wadada PL oo ay ilaaliyaan Dastuurka,isla markaana difaacdaan xuquuqdooda Dastuurga ah”Ayuu yiri markale. Sadex Qodob maahee arimaha kale oo idil waa laga wada xaajoon karaa,waxayna kala yihiin… 1.Arimaha Dibada Dowlada Dhexe,ayaa leh.2.Gaashaandhiga Dowlada Dhexe,ayaa leh.3.Socdaalka.Dowlada Dhexe ayaa leh. Sidoo kale Garsoorka Dalku sida uu noqonayo,waxaa qeexaya Dastuurka oo Cutub dhan,ayaa udhisan oo ubaahan kaliya fulin. Garsoorka Dalku waa Sadex kala ah… 1.Maxkamada Dastuuriga ah ee heer Fadaraal2.Maxkamada Sare ee…
Kuuriyada Waqooyi,ayaa saddex Gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku riday dhinaca badda gaar ahaan bariga gacanka Kuuriya, sida laga soo xigtay Militeriga Kuuriyada Koonfureed. Gantaalladan oo ahaa nooca ballistic,ayaa waxay jareen masaafo dhan 350 Kiiloomiitar ka hor inta aysan ku dhicin Badda. Talyaha Ciidamada Kuuriyada Koonfureed,ayaa arrintan ku tilmaamay falal dandaansi ah oo daran. Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan tijaabisay gantaallo fara badan marka loo barbardhigo sanadihii hore xilli ay isku dayayso inay horumariso hubka casriga ah ee Nukliyeerkeeda. Xukuumadda Washingtnon waxay sheegtay in tijaabadii Hubka ee ugu dambeysay ee Kuuriyada Waqooyi aysan wax halis ah ku aheyn Mareykanka iyo…
Qaraxyo dhowr ah,ayaa laga maqalay Caasimadda Ukraine ee Kyiv. Duqa caasimadda Kyiv Vitaly Klischko,ayaa shacabka ugu baaqay inay goobo gabbaad ah raadsadaan kadib markii uu qoraal soo dhigay barta Telegram-ka. Hadalka Maayarka,ayaa imaanaya kadib markii Magaalada laga maqlay qalabka bixiya digniinada. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky,ayaa ka digay in Ruushka uu Ukraine ku qaadi karo weerarro hor leh xilligga dabbaaldegga Sanadka cusub,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladda Somaliya,ayaa u codeysay in la aqbalo soo jeedintii Itoobiya ee ahayd in dhaqaalaha laga jaro Hay’adda UN Human Rights ee baareysay dembiyada xadgudubka ee ka dhacay Gobolka Tigray. Waxay ahayd nasiib darro in Somaliya ku taageerto Itoobiya dadaalkeeda ay ku daboolayso tacdiyadii dhacay sannadka 2022 Gobolka Tigree.. Balse Nasiib wanaag Itoobiya,waa looga adkaaday codeyntii!
Garoowe:30 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa war Qoraal ah kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood. Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland…
Muuse Biixi ayay hiil utahay waxa ka socda Laascaanood. Gudaha Beeshiisa Isaaq,ayuu xaalku meel adag ka marayaa,waxuuna soo saaray Warqad cadaynaysa in Xisbiyadii Sharciyadii ka dhamaatay. Xisbiyadiina waa diideen oo si adag ayay uga hor yimaadeen,waxaana qarka saaran in Beesha Isaaq markale isgacansaarto. Laascaanood waxa ka socda,isagaa abuuray siina hurinaya,hadafkiisuna waxuu yahay in uu helo wax uu ku mashquuliyo Beeshiisa. Muuse looguma hiilin karo qorshihiisa xaalad abuurka iyo rabitaankiisa ah in ay Puntland dagaalka soo gasho xiligan. Laascaanood waxaa ku gadaaman waa Siyaasad ubaahan maarayn iyo aragti ka fog Shacab qiiraysan. Dowlada Puntland kuma ceebaysna ka gaabsiga in ay ficil…
Muxuu ka aaminsan yahay Horumarka Dekedaha Geeska,Dimuqraadiyad,Maamul wanaaga iyo Xornimada Saxaafada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? Kaga bogo Waraysigan. Halkan ka daawo muuqaalka
Xaqiiqdii ilhaamo ayay ku ahayd Sinjiga Somaliga in Ismaaciil la gudoon siiyo Billad Sharafta ugu saraysa Qaranka. Ma istaahil,ma mutaysan,ma kasban umana qalmin in maqaamkaas la gaarsiiyo. Markii la qiimeeyo sida uu ula dhaqmay Somaliya mudadii burburka ee ku dhisnayd ku danaysiga,kala qaybinta iyo dulaalnimada uma qalmo in la gaarsiiyo heer lagu tilmaamo Walaal daacad ah oo waxtar muujiyay xili loo baahnaa. Sidoo kale markii la dul istaago hogaamintiisa Jabuti laguma tilmaami karo hogaamiye lagu daydo oo mudan in la karaameeyo. Geelle,waxuu dhaqmay sidii in uu hogaaminayo Shirkad Ganacsi oo Qoyskiisu leeyahay,waxuuna dil,xarig iyo caburin iskugu daray Mucaaradka iyo Saxaafada…
Boqorkii Kubadda Cagta ee reer Brazil, Pele,ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu ay tahay 82 jir. Pele ayaa saddex jeer ku guulaystay koobka Adduunka, isaga oo ka mid ahaa, ciyaaryahanaddii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta. Pele ayaa cusbitaal ku jiray, tan iyo dhammaadkii bishii November, waxaana dhakhaatiirtiisu ay sheegeen inuu Pele, la ildarnaa xanuunka cancer-ka, iyo xanuuno kale oo ugu darsamay oo ka haleelay dhinaca kelyaha iyo wadnaha. Bishii September ee sannadkii 2021, waxaa lagu sameeyey Qaliin lagaga jarayey Buro uu keenay xanuunka Cancerku. Pele,ayaa markii uu jiray 16 jir wuxuu ku biiray xulka qaranka ee dalka Brazil, isaga…
Magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine,ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday mowjado Gantaallo ah oo Ruushku leeyahay,taasoo ka mid ah dukheymihii ugu waaweynaa tan iyo markii uu dagaalka billowday. Ugu yaraan Saddex Qof oo ay ku jirto Gabar 14 jir ah,ayaa loo qaaday Isbitaalka ka dib markii ay qaraxyo ka dhaceen caasimadda Kyiv, sida uu sheegay Duqa magaalada. Qaraxyo,ayaa sidoo kale laga maqlay magaalooyinka Kharkiv, Odesa, Lviv iyo Zhytomyr. Milateriga Ukraine ayaa sheegay in 69-Gantaal la riday, iyadoo difaaca Cirka uu qabtay 54-ka mid ah. Mar sii horreysay, la taliyaha Madaxweynaha Mykhailo Podolyak,ayaa sheegay in in ka badan 120 gantaal lagu soo riday…
In Syria, U.S. forces conducted 108 missions with Syrian Democratic Forces, America’s Kurdish allies, along with 14 “unilateral” operations in 2022, resulting in 215 suspected ISIS operatives being taken prisoner and another suspected 466 ISIS fighters being killed, CENTCOM announced on Thursday. It was also a busy year for U.S. troops in Iraq, who conducted 191 partnered operations with Iraqi forces that led to 159 suspected ISIS operatives being captured and at least 220 suspected ISIS fighters being killed, a CENTCOM News release says. No U.S. troops in Iraq or Syria were killed or wounded during operations in 2022, according…
Waxaa caasimada GobolkaTigraay ee Maqelle gaaray Safiirada 32-Dal ufadhiya Itoobiya iyo Ururada Caalamiga ah. SIdoo kale Guddigii wada hadalka ee Midowga Afrika oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyata,ayaa tagay Saakay Maqalle. Isgaarsiintii,Bangiyadii,Duulimaadyadii Shirkada Itoobiyan Airlines iyo Shidaalkii,ayaa si rasmi ah loogu fasaxay Gobolka. Waxaa kaloo gudaha ugalay Gobolka Tigreega Hal Batalyan oo Ciidamada Mileteriga Itoobiya ka mid ah iyo kormeerayaal ka socda Midowga Afrika,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Heshiiskii waa socon waayay,waxayna ubadan tahay in la hakiyo eediisiina Xamse dusha laga saaro. Lataliyayaasha Xasan,ayaa ilaa Maanta waxay ku mashquulsanaayeen saamaynta ay keentay saxiix la’aanta Puntland ee heshiiska. “Maxaad ku deg-degayseen oo keenay in heshiiska lakala saxiixo dibna loogu laabto kala qaybsanaan”Ayay Beesha Caalamku ku tiri Xaafiiska Madaxweynaha. Sidoo kale haldoorka iyo Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Somalida,ayaa si weyn uga hor yimid heshiiskan baalmarsan Dastuurka. Haatan waxay leeyihiin heshiiska Madaxweynuhu ma Saxiixin kaliya Xamsaa saxiixay marka waa la hakinayaa si loo dabiyo culayska ka yimid. Waa dharbaaxo Siyaasadeed oo ku dhacday fashilka heshiiskan Madaxweyne Xasan,balse layskaga gudbayo Ra’isalwasaare Xamse.…
Boosaaso, December 29, 2022: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire , ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah Booliska oo todobaadkan looga hadlay Warbixinta Amniga dalka gaar ahaan Gobolka Bari. Shirka Todobaadlaha Booliska ayaa looga hadlay Amniga Doorashooyinka Qof & Cod ee Puntland iyo Hannaanka amniga dimuqraadiyadda dalka, waxaana ka qeyb-galay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyeyaasha saldhigyadda Booliska Boosaaso iyo Saraakiil Booliska ka tirsan. Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Mumin Abdi Shire ayaa maalmahaan ku suganaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib, Safaro uu ku soo maray deegaano ka mid ah Gobollada Nugaal, Karkaar…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hadda ah Ku-simaha xilka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Kiki Gbeho. Waxaa Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland sida Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya iyadoo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo madlanyahay 05 January 2023. Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
15-sano oo aan Masraxa ku haynay hanka Siyaasiga Ogaadeen weli waa Qaangaari la’a yihiin. Wiilal Ururo la yiraahdo Damjadiid + Daljir ku shaqaysta oo Siyaasadooduba aysan qaangaar ahayn ,ayaa Jar ka boodo ku Ciyaaraya. Ra’isalwasaarihii Jamhuuriyada,waxuu cidlo la yuururaa Aniga waxba la ii sheegee kama baxayo balanka.!! Madaxweynihii Jubaland Siyaasadaba,waxuu ufahmay ballan ha yeelan oo waxuu ku doodayaa heshiiska aan Saxiixay markaan laabtaan ka baxayaa oo wax soconaya mahan !! Bal maxay ku badasheen Dowladii dhamayd ee Jubaland wax kalaba yeelkeed?? Miyaysan ogayn in Gedo loo dhisayo Maamul Kmg ah oo Laba Sano ah? Miyaysan ogayn ilaa Jilib in Ciidan…