Author: Jibril Qoobey

Dhagaysiga khudbadaha qar kamid ah Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Doorashada Galmudug ayaa goor-dhaw ka bilaabanaysa Xarunta Shiirkole ee uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug. Musharixiinta khudbadaha jeedinaya marka laga tago waxaa jiro Musharixinta ugu tunka ama awooda badan ee doorashada Galmudug oo diiday ama qaadacay iney is diiwaan galiyaan, maadama mad madow badan ay ka qabaan Hanaanka Doorasho. Afar ilaa Shan kamid ah Musharixiinta ugu taageerada ama awooda badnaa Doorashada Galmudug ayaan ka qey galeynin Is diiwaan galinta Musharixiinta. Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay kala aragti duwanaashaha Madaxya weynta isku heysa Doorashada Galmududug, iyagoona ku…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojisay dhamaan dulimaadyadii diyaaradaha ee degaanada Gobalka Gedo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda Gobalka Gedo, ayaa saaka loo diiday inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan cadde, kaddib markii amar deg deg ah uu kasoo baxay laamaha ammaanka, intii ay ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha. Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda Federaalka ay u joojisay duulimaadyada diyaaradaha ee degaanada Gobalka Gedo, sababo la xiriira baarista Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo Talaadadii ka baxsaday xabsi ay ku heysatay Dowladdu. Wixii kasoo kordha kala soco…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii Aqalka Cad kusoo bandhigay qorshaha nabadda ee Bariga Dhexe oo isagu u bixiyey Heshiiskii Qarniga. Markii uu qorshahaan soo bandhigayey waxaa Trump weheliyey Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu. Qaar kamid ah wadamada Carbeed,sida Sacuudiga iyo Masar ayaa soo dhaweeyey qorshaha,iyaga oo sheegay in Nabada Bariga Dhexe ay hagaageyso hadii la saldhigo tan Falastiin.

Read More

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda iney sii deysay Wasiir Janaan, maadaama aysan jirin cid qaadaneysa ama yeeleysa inuu iska baxsado Maxbuus Dowladda dhaxe u xiran. Wuxuu sheegay Warka dowladda kasoo baxay ee ah waan baareynaa iney dowladd nimada kamid tahay, mar hadii dambi lagu waayay Wasiir Janan. “Waan baareynaaa, wuu baxsaday waa Jahwareerin iyo in ma waayay waxa loo sheego bulshada, maadaama qofkii aad soo xirtay si sharci aadan u marin soo xabsi galintiisa” ayuu yiri Xildhibaanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigtay 31, Agusta, 2019, Wasiir Janaan oo Saarnaa diyaarad ka timid…

Read More

Al-Shabaab ayaa Sheegtay duqeyn 48 Saac ka hor ka dhacday deegaanka Hoombooy oo qiyaastii 18Km dhanka Bariga uga beegan Jilib in lagu dilay nin beeralay ah xilli uu salaadda Casar ku tukanayay gudaha beertiisa oo ku taal Duleedka Jilib. Warka Kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay ninka la dilay sido kale inuu kasoo jeedo qoys caan ka ah gobalka oo ku caan baxay Beerashada. Al Shabaab ayaa sido kale ku sheegtay Magaca ninka la dilay in lagu magacaabi jiray Siidi Max’med Macallim oo 22 sana jir ahaa. “Diyaarad Drone ah ayaa gantaal laheshay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari katirsan ciidamada Dowladda oo xaafadda Kaawo Godey dhinaca dharkeenley ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo Saaxibo ay ahaayeen Askariga dilka xalay geystay. Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay inuu isku duubay Marxuumka la dilay Askariga oo Saaxibo ay ahayeen, balse askariga oo shakiyay oo aan hubsan cida isku duubtay inuu Xabado la dhacay. “Isaga oo banaanka ka yimid wiilka la dilay ayuu soo galay meel laga buuxo, si kalsooni leh ayuu Saaxibkii oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda isugu duubay, Askariga wax dilay oo aan hubsan ayaa la soo baxay bastoolad, waxana…

Read More

Afarta Musharax oo kala ah C/raxman Odawaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen ku dalbaday in muddo 15 Cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Musharixiinta ayaa Qoraalkooda ku sheegay in saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug si loo dhiso Galmudug mideysan. Ugu dambeyntii, Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ku baaqay in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, iyaga oo baaq u direy…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay baxsashada Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii ay ku heysay ee Muqdisho, iyadoona sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladiisa. Jubaland ayaa dowlada Federaalka ka dalbatay inay si deg deg ah meel ugu sheegaan Wasiirkii Amniga Jubaland oo aan raq iyo ruux la hayn 5bilood oo uu xamar ku xirnaa. Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay inay qaadi doonto Dowladda Federaalka Mas’uuliyadda wixii soo gaara Wasiir Janan.

Read More

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay qaar ka mid ah dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ka tagay dalka Mareykanka, ee ku biiray ururka Al-Shabaab, oo qaarkood hadda kasoo goostay ururka iskuna dhiibay dowladda Soomaaliya. Laba ka mid ah dhallinyaradan oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista, balse codsaday inaan codkooda la baahin, ayaa sheegay inay mareen barnaamijka dhaqan-celinta dowladda Soomaaliya. Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Xigasho: VOA

Read More

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabaeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii qaaday Wasiiru-dowlihii Kallumiyesiga Kheyraadka iyo bada Hirshabeelle, iyadoo mid Cusub la Magacaabay. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa Wasiiru-dowlaha Kallumiyesiga Kheyraadka iyo bada Shabeelle loogu nagacaabay Axmed Cabdi Cali, kaasi oo bedelaya Mas’uulkii ee xilkaas haayay. Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

Read More

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray faah-faahin uga bixiyey dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah xarunta Bankiga ee magaalada Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Bankiga, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dabku uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed War saxaafadeed Habeenimaddii xalay oo taariikhdu 27/12/2010 ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.Valueimpression Placeholder Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku…

Read More

Kooxda Ahlu-sunna ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqday Xildhibaano cusub ay sheegeen in ay yihiin Baarlamaanka labaad ee Galmudug. Xildhibaanadan Ahlu Sunna ku dhawaaqeen wali magacyadooda la shaacin ayaa tiradooda lagu sheegay 69-Xildhibaan kuwaa oo lagu daray 20-kii Xildhibaan ee horey looga siiyay Baarlamaanka saxda ah ee Galmudug. Kulan isla maanta Xildhibaanada Ahlu-sunna ku yeesheen Xerada INJI ee Dhuusomareeb ayaa lagu doortay Gudoomiye Baarlamaanka oo yeelanayaan Xildhibaanada Ahlu Sunna, waxaana gudoomiyahan la doortay lagu magacaabaa Abdiqani Salaaad Ibrahim . Ahlu-sunna ayaa sidoo kale qaban qaabineysa doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa , waxaana garabkan…

Read More

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhamaan Shirkadaha Shidaalka iyo Mac’danta in ay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda. Qoraal kasoo baxay Wasaarka Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdiraxmaan Nuur ayaa lagu sheegay in cid alaala ciddii aan u hoggaansamin amarkaan laga qaadi doono tallaabo waafaqsan Sharciga. Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Koonfur Galbeed.

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta daahfuray diiwaan-gelinta habka Casriga ah ee Ciidamada. Gudoomiyaha Golaha Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxaa daah furkan ku wehlinayey gudiga dib u habeynta Ciidamada iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland. Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee ka howlgala Degmooyinka Gobolka Sanaag ayaa maanta lagu bilaabay habkan, oo sahlaya in si hufnaan-leh ay Ciidamadu ku helaan xuquuqdooda. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka. Qoraal lasoo dhigay barta twitter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada. Qoraalka ayaa lagu yiri “Hanaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay qasab tahay in hanaanka ay ka qeyb-galaan mucaaradka. “Mucaaradka waa qasab inay qeyb ka noqdaan hanaan…

Read More

Laba caruura ayaa u geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Balaasa ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, sida uu sheegay Taliye ku-xigeenka ciidanka dab-damiska magaalada Burco Jimcaalle Maxamed Cabdi. Ciidanka dabdamiska magaalada Burco ayaa badbaadiyey ilmo yar oo guriga gubanayey laga soo saaray, halka guryihii u dhowaa laga badbaadiyey inuu dabku gaadho, maadaama oo goobtu ahayd guryo ka samaysan jiingado iyo Buulal, kuwaas oo si fudud iskugu gudbinayey dabka.

Read More

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Cabdinuur Xasan (Janan), ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay barteeda Twitter-ka ku shaacisay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. Taliye Zakiya ayaa intaas ku dartay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan, inkastoo aysan shaacin halka uu ku xirnaa. Hadaba, Maxaan kala soconaa baxsashada Mr. Janan ? Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay Wasiir Janan oo u xirnaa Dowladda Soomaaliya, illaa 31-keedii bishii Ogosto ee sannadkii tagay “2019”, goobta uu ka baxsaday la keenay 5 maalmood kahor. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay inuu…

Read More

Shirkaan oo muddo hal maalin ah soconayay oo ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa sidoo kale shirkaan kasoo qayb galay dhammaan taliyeyaasha Dalalka ciidamada ay ka joogaan dalkeenna Soomaaliya iyo safiirada dalalka Turkiga, Raashiya, iyo diblumaasiyiin ka socday safaaradaha Ingiriiska, Mareekanka, ee Soomaaliya, halka sidoo kale ay goobjoog ahaayeen madax ka socotay Ururka Midowga Yurub,Qaramada Midoobay iyo Midowga afrika. Shirka ayaa looga hadlay siddii loo bilaabi lahaa bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta ee…

Read More

Mas’uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa sheegay in dad gaaraya 106 qof ay u dhinteen caabuqa corona, halka afar kun oo kalena uu haleelay xanuunka. Dadka cudurka u dhintay ayaa waxaa kamid ah dhakhaatiir ku hawlanaa daweynta iyo kahortagga cudurka, waxaana dowladda ay sheegtay in nus milyan shaqaale caafimaad ah ay ka qeyb qaadanayaan dedaalada ku aadan caabuqa corona. Dowladda Shiinaha ayaa sii xoojisay xayiraad dhanka socdaalka, si looga hortago faafidda cudurka. Magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay caabuqan ayaa haatan go’donsan, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaaladaas. Waxaa sidoo kale sare u kacay dadka ku…

Read More

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabkaayaa Saddex Su’aalood ka keeney Warka kasoo yeeray Booliska Soomaaliya ee ahaa in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rahiid Xasan Cabdi Nuur(janan). Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku heegay in markii hore dowladda soo afduubatey Wasiirka,sidoo kalena aan la ogeyn halka uu ku xirnaa,waxaana uu shaki geliyey in uu nool yahay Cabdi Rahiid Janan.Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii…

Read More

Somaliland ayaa gebi ahaan waxa ay aksoo horjeesatay in deegaanadeeda laga fuliyo mashruuca horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu Shalay Ra’iisul Wasaare kheyre ka daahfuray magaalada Muqdisho. Mashruucaas oo ay ku kaceyso lacag ddhan 1.6Mliyan oo Dollar,waxaana Dhalinyarada ka faa’iideysaneysa lagu daray kuwa ku nool Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama ee Soomaaliland. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland Xasan Gaafaadhi oo Warbaahinta kula hadlay hargeysa ayaa sheega in marnaba aysan macquul noqoneyn in Gudaha Soomaaliland laga fuliyo mashruuc la soo mariyay dawladda Soomaaliya. Soomaaliland oo aaminsa inay ka Go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr mar waxaa ay kasoo horjeesatay mashruuyo kala duwan oo…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Federaalka ay dhexda u soo xiratay burburinta nolashooda Waxbarasho ee Ardayda Reer Puntland. Wasiir Dhabancad oo ka hadlayay magaalada Boosaaso oo uu ka daah-furay kulanka Guud ee sanadlaha ururka Dowladaha Hoose Ee Puntland (ALGAPL), ayaa sheegay in cadaawad ka weyn aysan jirin in lala dagaalamo mustaqbalka carruurta Puntland, iyadoo la siyaasadeynayo Waxbarashada, si khaldana awooda Dowladda ay u adeegsanayaan shaqsiyaad gaar ah. Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ugu baaqay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland inay xoojiyaan shaqada ay u hayaan Bulshada, iyagoo…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta shaaca ka qaado qorshihiisa uu ku xalinayo dagaalka Israel iyo Falastiin. Munaasabad maanta ka dhici doonta Aqalka Cad ayaa astaan u ah xaaladda xiriirka saddexda dhinac, ayada oo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu kasoo dhinac muuqan doono Trump, halka hogaamiyayaasha Falastiin ay sheegeen inaan la casuumin. Ka hor inta aan qorshahan la shaacin, Trump waxa uu la kulmay Netanyahu, waxaana uu ku gacan seeray walaacyada Falastiiniyiinta oo diiday qorshahan oo ay ku qeexeen siyaasad taageersan Israel. “Waxaan u malayanayaa in ugu dambeyn ay qaadan doono. Aad ayuu ugu wanaagsan yahay.…

Read More

Boqorkii hore ee Belgium, Albert II, ayaa qirtay inuu dhalay gabar ay hooyo u tahay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen, ka dib markii lagu qasbay inuu maro baaritaanka hido-sidaha ee DNA. Muddo ka badan 10 sano ayuu loolan dhanka sharciga ah kula jiray Delphine Boël, oo 51 sano jir ah, taas oo farshaxanka sameysa. Waxay sheegtay in boqorka uu dhalay. Wuxuu lumiyay xasaanadiisa, ka dib markii uu 2013 iska wareejiyay xilka boqornimada sababo caafimaad awgood. Qareenka Boël ayaa sheegay in qirashada boqorka hore ay tahay mid “culeys ka dejisay”. War qoraal ah oo ay qareennada boqorkii hore shaaciyeen Isniintii ayaa lagu…

Read More

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ka daahfurtay Shirka sanadlaha ah ee Ururka Dawlada Hoose ee Puntland (ALGABAL), Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mohamed Dhabancad iyo Agaasimaha Guud Juba Ali Nuur ayaa ka qaybagalay shirkaan. Maamulada Degmooyinka Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari Abdisamad Abwaan iyo masuuliyiin kale ayaa dhankooda iyaguna goob joog ka ahaa. Inta uu shirkaan socdo waxaa looga hadli doonaa baahiyaha ka jirra degmooyinka Puntland, Guulaha la gaaray sanadkii lasoo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha sanadka soo socda.

Read More

Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Cabdullaahi bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska Casilay, isagoona Warqadiisa Is-Casilaada u gudbiyay Amiirka Qatar. Wakaalada Wararka dalkaas ayaa shaacisay inuu xilka iska Casilay Ra’iisul Wasaare Sheikh Cabdullaahi bin Nasser, isagoona xilkaas hayay muddo todobo sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2013. Amiirka dalka Qatar Shiekh Tamiim Bin hamad Al Thani ayaa ka aqbalay is casilaada Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna durbo soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub. Sheikh Khalid bin Khalifa bin Cabdicasiis AlThani ayaa loo Magacaabay inuu nodo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Qatar, kaasi oo xiligaan ka shaqeynayay Madaxtooyadda…

Read More

Wararka hada ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Xabsi uu ku xirnaa uu ka baxsaday wasiirkii Wasaaradda Amniga jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan,kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Amed ayaa xaqiijisey baxsashada Taliyaha,iyada oo sheegtay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan. “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan ayay tiri’Taliye Zakiya.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cbiraxmaan Ducaale Beyle oo shirka jaraa’id ee billaha ku qabtay Muqdisho ayaa diiradda ku saaray horumarka Soomaaliya ka sameysay wadahadalka deyn cafinta. Sidoo kale waxaa uu Wasiir Beyle ka hadlay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacagta aduunka IMF ee ay ku sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Read More

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u ogolaatay inuu dhaqan gelin karo qorshe uu ku doonayo in dadka qaata kaalmada dowladda loo diidi karo sharciga deganaanshaha ee dalkan Mareykanka, inta uu ka soo baxayo xeer kama danbeys ah. Go’aanka ay maxkamaddu gaartay ayay dowladdu u cuskan kartaa in sharciga loogu diido dadka hela, kaalmooyinka ay ka midka yihiin, caymiska caafimaad, lacagaha cunnada lagu iibsado ee ay dowladdu ku kabto qoysaska dan yarta ah iyo kaalmada guryaha. Xeerka oo weli ay maxkamaddiisu taagan tahay ayaa waxaa dubra ka so hor jeestay kooxaha u dooda xuquuqda dadka dhawaangalka ah.

Read More

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ee Degaanada Jubbaland. Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi. Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Dowladda ay sharci ku dhamqaan,isla markaana aysan waqti u dhimin wax aan waxba kasoo baxeyn. Sheekh Shariif oo magaalada London kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, ayaa soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xilligaan aysan muuqan qorsho dhab ah oo dowladda ay ugu diyaar garowdey doorashada soo socota. “Runtii anaga nooma muuqato in dalkaan doorasho ay ka dhaceyso,waayo waxaa la rabaa in dad meel aan la ogeyn laga keenay ay codeeyaan taasina suurtagal mahan…

Read More

Waxaa sanadkii saddexaad u buuxsami rabaa Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoona 375 maalmood ay uga hartay xukunka Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu talada hayay, waxaa Dadka falanqeeya Siyaasaddu ay aaminsan yihiin inuu ku fashilmay saddexdii qodob ee ugu waa weynaa wixii loo doortay, sida, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dalka, Saameynta Ciidamo Qaran oo awood u leh inay la wareegaan ammaanka Dalka, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah. Hadaba, halkaan hoose ka akhriso 8 Qodob oo kamid ah arrimihii looga fadhiyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo ay ku fashlmatay; Dhameystirka Dastuurka qabyada ahAmniga way ku…

Read More

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland Mudane. Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa xariga ka jaray Shan biyo-xireen oo laga hirgaliyay deegaano ka tirsan Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Biyo-xireenada ayaa qeyb ka ah Mashruuca Xoojinta Bulshada ee u diyaar-garowga & u adkaysiga abaaraha. Xariga ka jarka Wasiir Gamadiid, ee Mashuuracan 5 Biyo xireen oo ay sidoo kale dhinac socdeen dayactirka 25 Barkadood iyo aag dhul-beereed ah, ayaa waxaa ku wehelinayeen Gudoomiyaha Guddiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Puntland Xil. Fu’aad Abshir Axmed iyo kuxigeenkiisa Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur.

Read More

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka (IMF) ayay ku sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhigan ka gudbida wajiga afaraad ee Barnaamijka. Soomaaliya oo ka gudubtey qeyb kamid ah Hanaanka deyn cafintaWaxaa ay madaxda Soomaaliya ku amaantay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka. Halkaan Riix si aad u akhrisato Warbixinta Hay’adda IMF. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta caawa ay soo saartay IMF yiri “Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa…

Read More

Waxaa xalay uu dab xoogan ka kacay Xarunta Bangiga Dhexe ee Muqdisho,iyada oo Dowlada Hoose ee Xamar ay ku guuleysatay in ay si deg deg ah u damiso Dab ka kacay Bankiga Dhaxe ee Dowlada. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa deminta dabka oo la sheegay in uusan geysan wax khasaaro ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa uga mahad celiyay Shaqaalaha gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir ee ku guuleystay deminta dabkaas,waxaana sidoo kale uu sheegay in dabka laga…

Read More

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee dalkiisa Itoobiya, kadib kulan Saddex Geesood ah oo maanta ay kuwa wada yeesheen magaalada Asmara Dhigiisa Eretria iyo Soomaaliya oo looga dhawaaqay Isbaheysi cusub. Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wali ku sugan Eretria kadib heshiiska, waana habeenkii 4-aad oo madaxweynaha uu ka dhaxo dalka Bishan Gudaheed. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan janaayo saddex safar dalka uga baxay, isagoona horey 11 bishan u tagay Asmara oo uu Labo habeen ku hoyday, halka 13 bishan uu tagay Dalka Cummaan oo uu ku hoyday Habeen.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxuu hor istaagay isbadal lagu sameeyay Agaasinka hay’ada socdaalka qaybteeda Puntland. Xilka qaadista iyo magacaabista waxaa sameeyay Agaasimaha guud ee hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya Koofi,waxaana ufasaxay Madaxweyne Deni. Balse sida aan xogta ku helay Karaash waxba lagama ogaysiin arinkaas,waxuuna ku baraarugay isbadalka oo dhacay xili isagu kusime Madaxweyne dalka ka yahay. Sida wax udhaceen waxay bahdil ku tahay Dowladnimada Puntland. Yax-yaxa dhacayna waxaa iska leh masuuliyadiisa Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa u magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Cayn. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Cayn lagu magacaabay G/Dhex Jaamac Saxardiid Barre, waxaana Dikreetada lagu sheegay in kadib markii la arkay Aqoonta iyo Waaya-aragnimadiisa Shaqo xilkaasi loo dhiibay. Sidoo kale, Dikreetada ayaa lagu sheegay in ku simaha Madaxweynaha ay xildhibaanno u soo jeediyeen, in uu xilksaasi G/Dhex Jaamac Saxardiid Barre.

Read More

Hogaamiyayaasha Itoobiya,Eretereya iyo Somaliya waxay isla qaateen dhismaha Urur Goboleed cusub oo loogu yeeri doono “Iskaashiga Geeska Africa”. Madaxdu waxay soo jeediyeen inta aysan uguda galin dhismaha Ururkaas in ay talo waydiiyaan Madaxda kale ee Bariga Africa. Dadka la socda siyaasada Geeska Africa waxay sheegayaan in heshiisyadii horay ay ukala saxiixdeen Madaxdan aysan waxba ka socon. Si gaar ah Abiye iyo Farmaajo heshiisyadoodii weli way dhaqan gali la’yihiin waxaana soo baxayay bilihii udanbeeyay madmadow kala dhex galay labada Nin. Ilo xog ogaal ah,ayaa sheegaya in Abiye oo ah Nin aan la saadaalin karin uu gadaal ugurtay dhankiisana ay ka socon…

Read More

Wararka ka imaanaya degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta madaafiic ay kusoo garaaceen malayshiya-beeleed. Madaafiicdan oo gaareysay sagaal, ayaa waxaa kusoo tuuray degaanka Shidan, maleeshiyaad kasoo jeeda Beesha Isaaq, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdan. Degaanka Shidan oo ka tirsan Degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa Labo Maleeshiyo beeleed, taas oo salka ku heysa “Macdan qodis”, waxaana degaankan marar badan ka dhacay dagaal beeleed. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaankaas ka imaanaya ayaana sheegaya inay haatan degaankan ka jirto Xiisad dagaal.

Read More

Ciyaariyahan u dhashay dalka Mareykanka caana ku ahaa kubada koloyga ayaa laxaqiijiyay in isaga iyo dhawr ruux oo kale ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalo hoostagta gobolka California ee dalka Mareykanka. Ciyaariyahankan oo 41 sano jir ahaa ayaa lagu magacaabaa Kobe Baraayanti, waxaana isaga iyo sagaal ruux oo kale ay mid noqdeen dadka dhintay waxaana sidoo kale dadka ladhintay kamid ahaa gabadhiisa. Baraayanti, ayaa loo tix galiyaa in uu kamid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda ee soo mara kubada koloyga ee dalkaasi. Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soconaya baroor diiiq loo sameenayo ciyaariyahanka…

Read More

Warbahinta Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay farriin uu reebay mid ka mida is-miidaamiyeyaashii ugu waaweynaa oo qarax culus ka geystay magaalada Muqdisho. Farriinta ayaa laga duubay Shukri C/llaahi Diiriye oo loo yaqiin (Jaabir), kaas oo sanadkii 1972, ku dhashay degaanka Busaar ee Gobolka Gedo, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Mareexaan. Ninkan odayga ee is-miidaamiyaha ah wuxuu ka trisanaa ciidamada jeyshka loo yaqaan ee Al-Shabaab iyo qeybta Dacwada, isagoo markii danbe ka mid noqday is-miidaamiyeyaasha Al-Shabaab, waxaana uu muuqaalkiisu kamid yahay Taxane ay Alshabaab bilowday inay baahiso oo ku saabsan farriimihii dardaaranka ee laga reebay raggii is-miidaamiyey ee Al-Shabaab. HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane C/rishiid Yuususf Jibriil, Xubno katirsan Golaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa gaaray Degmada BADHAN. C/rishiid Yuususf Jibriil safarkan degmada badhan waxaa ku weheliyay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amnig Mudane Cabdisamed Maxamed Galan, Wasiirka Waxbarshada Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Mudane Gen Yaasiin Cumar Dheere. Madxda Dawladda Puntland waxaa degmada badhan ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka sanaag, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Bulshada rayadka ah qaybeheeda kala duwan. Waftigan Dawladda Puntland imaanshahooda degmada BADHAN ayaa salka ku haysa shaqooyin kala duwan oo…

Read More

Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020. Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuadda Soomaaliyaa Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Barnaamij lagu maalgalinayo in kabadan 340 dhalinyaro Soomaliyeed ah . Khyere  waxa uu sheegay in Maanta uu daah furay wajiga koobaad ee barnaamijkaan lagu maalgalinaayo dhaliyaro tiradooda ay gaareyso 346 kuwaas oo uu tilmaaay in laga kala keenay gobalada dalka . Waxa uu sheegay in barnaamishkaan maagalinta ah ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya ,bangiyada Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay iyo dowlada marekanka oo saaxiib la ah Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa uu Kheyre sheegay in xilliaan laga gudbay waqtigii dad aan dalkan u dhalan ay maamuli jireen,taas oo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay. Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka. Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah…

Read More

Seynisyahanno ayaa fuliyay wixii uu ku haminayay nin xilligii Fircoon ku noolaa Masar – Waxay dib u soo saareen codkiisa iyagoo adeegsanaya qalab macmal ah oo lagu sameeyo xididada codka ee ka soo baxo ee dhuunta. Codkii Nesyamun ayaa dib loo dhageystay isagoo xarfo keli ah, taas oo ahayd sida wax kala googo’an. Ninkaas wuxuu noolaa xilligii qalalaasaha siyaasadeed ee Fircoon-kii loo garanayay Ramses XI, muddadii u dhexeysay 1099 iyo 1069 BC oo hadda la qiyaasayo in laga joogo 3,000 oo sano. Nesyamun wuxuu ahaa wadaadkii Thebes, waxaana loo maleynayaa inuu doonayay in cod adag oo dheer uu yeesho si…

Read More

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas ay ku geeriyootay Gabar ka ciyaareysay Xaflad Aroos oo socotay. Gabadha ayaa waxaa la sheegay inay ku sugneyd goobta lagu ciyaarayay oo ay ka socotay Xaflada Arooska aheyd, hayeeshee mar qura ay goobta ku dhacday, waxaana si deg deg ah loogula cararay xarun Caafimaad oo halkaas ku taalla. Sidoo kale Gabadha ayaa geeriyootay markii la geeyay Isbitaalka, iyadoona la xusay inay uur laheyd, sidoo kalena uu naqaska ku xirmay, maadaama goobta Xaflada Arooska ay ka socotay ay aheyd meel aad u kuleyl badan.…

Read More

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa ay gaareen dalka jabuuti,halkaas oo la filayo inay Shir uga qyeb galaan. Wafdiga waxa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ay dalkaasi uga qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo ka furmaya dalkaas. Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb geli Doona Madax badan oo ka socoto wadamada Afrika waxaana wafdiga Ray”sul wasaare kuxigeenka iyo xubnaha la socodo ay bilabeen kulamo ay la yeelanayaan madax ka tirsan Dowladda. Shir weynaha Waxbarshada Afrika ee ka furmaya Jabuuti ayaa inta uu socdo waxa lagu soo bandhigi donaa…

Read More

Wararka naga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Ururka Daacish, ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen Buuraleyda ku dhow dhow degmadaas. Malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish oo aad u hubaysan ayaa Axadii lagu arkay degaano 18-KM u jira degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah, sida ay kusoo waramayaan Dadka degaanka. Dhaqdhaqaaqyada cusub ee Daacish bilowday, ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan Dowladda Puntland uu ku sugan yahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Layrarka Cadceeda ku shaqeeya iyo Guriga Fareenka oo ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID.…

Read More

Ugu yaraan sadax gantaal ayaa lagu weeraray safaaradda dalka Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq. Mid kamid ah sawaariiqda lagu ganay safaarada ayaa lasheegay in uu ku dhacay maqaaxi ku taalay gudaha safaaradda halka labada kalana ay ku dhaceen meel aan sidaas kaga fogeen, sida ay warisay AFP. Ilo amaanka ah oo lahadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ugu yaraan sadax ruux oo kamid ah shaqaalaha safaarada ay ku dhaacmeen weerarka, waxaana uu noqonayaa weerarkii ugu horeeyay oo ay shaqaalo Mareykan ah ay ku dhaawacmaan mudo sanooyin ah. Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay…

Read More

Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in Shir saddex geesood ah ay ku yeeshaan,Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki. Kulankan ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa…

Read More