Kulanka PL & UK,wuxuu kusoo idlaaday guul,waxaana lagu gaaray is afgarad,iyadoo laysla qaatay…..
Author: Jibril Qoobey.
Saadaasha roobka, qaybo ka mid ah degmooyinka ceerigaabo, Taleex, Boocame Xudun, Garowe, Laascaanood iyo Burtinle, ayaa lafilayaa inay helaan roobab xaddigoodu dhex dhexaad yahay kuwaas oo gaari kara (40-100) mm sababi karana daadad meelaha godan iyo biyo mareeenada ah. Halka deegaanada qaar sida Laasqoray, Badhan, Waaciye, Dhahar, Qardho, Benderbeyla, Bursaalax, Galkacyo,Godobjiraan, Jariiban,iyo Qardho la filayo inay helaan xaddi roobaad u dhexeeya (10-40) mm. Degmooyinka dhaca xeebaha sida Xaafuun, Gumbax, Balidhidin, Caluula iyo Qandala ayaa la filayo inay helaan roobab ka yar degaanada kale ee Puntland. Dhammaan bulshada ku dhaqan dagmooyinka xaddi roobaad koodu dhex-dhexaadka yahay waxaa lagula talinnayaa inay taxadar…
Maraykanka,Ingiriiska,Itoobiya,Kenya iyo QM,ayaa ukeenay Warqad ay ku qoran tahay in uusan ku dhaqaaqi karin ka shaqaynta waxa loogu yeero ( New Jubaland). “Horay,ayaan kaaga dignay LC,wixii aad ka samaysay,markale khaladkii oo kale ha gelin oo Gedo wax haka samayn,hadaad ku adkaysato,waxaan soo saaraynaa Qoraal nuxurkiisu yahay (In aad qaswade tahay),waa fariinta Xasan farta laga saaray. Dhanka kale Siyaasiyiinta lagala laabtay ama lagala laaban doono Basaboorada,waxaa ka mid ah…. 1.Fartaag oo haysta Diblomaasi Itoobiya,kaasoo ka dhacaya 2028 mana loo cusboobaysiin doono. 4.Xoghaynta Xamse. Dadka la bartilmaameedsaday,waa Gudigii ugu danbeeyay ee Xasan Shiikh umagacaabo dhismaha New JL,sida xogaha aan ku helayno
Xasan,ayaa udirsaday Abiy casuumad ah in uu yimaado Adis- ababa Sabtida ama Axada (Weekend),waase ka cudurdaartay Abiy oo wuxuu ugu soo jawaabay (Waa buuxaa jadwalkaygu). Si lamid ah tan Uganda ma cada sababta muhiimka ah ee ku khasbaysa safarkaas marka laga soo tago in uu dhaqaale ka sameeyo safarada Mw Xasan. Waa diidmadii Labaad oo Todobaadkan uu la kulmo,taasoo muujinaysa sida looga nacay Gobolka oo dhan. Habayaraatee,wax karaama ah loogama hayo gudaha iyo dibada Xasan Shiikh,waana sii macno beelayaa Maalinba Maalinta kasii danbaysa Xasan Shiikh.
Xasan Shiikh,wuxuu udirsaday Mw Uganda codsi ah in uu yimaado Kambala oo ay kulmaan,waase ka cudurdaartay Musefeni oo wuxuu ugu soo jawaabay ( Wakhti igama banaana). ilaa hada ma cada sababta uu urabay in uu ugu tago,iyadoo la og yahay dhawaan in uu halkaas ka dhici doono Shirka Wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa ilhaamo kale iyo caalamkii oo fahmay macnaha Xasan,waxaana ah mid ay adag tahay in laga soo kabto halka uu dhigay haybadii Qaran ee Somaliyed Xasan Shiikh.
Mudaahaaraadkii ay qorshaysteen mucaaradka Xamar,waxaa loo baajiyay baqdin amni. Talyaha Booliska iyo Talyaha Nisa,ayaa uwada tagay Odoyaasha Mucaaradka kana codsaday in ay dib udhigaan banaanbaxa. “Baabuur qaraxyo ka buuxaan,ayaa Magaalada ku jira oo aan raadjoognaa ee dib udhiga mudaahaaraadka”Ayay ku yiraahdeen Mucaaradka. Waxaa laysku afgartay in gudi labada dhinac ah la sameeyo oo Sabtida ama Axada mid la qabto banaanbaxa. Waa fadeexad Magaaladii Xasan ku faanayay in uu ka qabanayo Doorasho Qof iyo Cod ah in banaanka loosoo bixi waayo. Jimcihii ayay ahayd markii uu Masaajidka ka lahaa ” AS wax qarxin kara miyaa haray”.
Wuxuu tagay Kismaayo oo kala soo laabtay ilhaamo taariikhda ugashay,kadib markii uu la tagay qorshe la’aan iyo siyaasad xumo. “Walaalkay Xasan Shiikh,ayaan kusoo dhaweeyay Kismaayo”Waa mid ka mid ah hadaladii Todobaadkan qormay. Xasan,wuxuu macno tiray….. 1.Garsoorkii Dalka.2.Haybadii Dowladnimo.3.Maqaamkii Madaxweyne.
Waa lagu kala kacay wadahadalkii Caawa usocday JL iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya. “Ka laabo doorashadii aad qabsatay oo kusoo laabo Madashii Dowlad Goboleedyada ee aad ka baxday”Ayuu Xasan soo istaagay. “Doorashadaydii,waa sharci,waafaqsan Dastuurka JL ee kusoo dhawoow xaqiiqda”Ayuu Axmed Madoobe ugu jawaabay. Ugu danbayn,waa lagu soo kala tagay. Maalinka Berri ah ka hor intaan Xasan anba bixin in lays arko,ayaa dhici karta.
Ugu danbayn,isagoo hagoogan oo qajilaya,isla markaana dacaysan,ayuu ka degay Kismaayo Xasan Shiikh. Waa tilmaan cad oo muujinaysa in uu ku fashilmay siyaasada iyo wuxuu ka shaqaynayay. Safarka Xasan ee Kismaayo ujeedadiisii,waxaa macno tiray Shirkii Nayrobi iyo yagleelida Golaha Mustaqbalka Somaliya. Balse,iyadoo laga duulayo tixgelinta codsigii Xasan udirsaday Imaaraadka,ayaa la aqbalay in Kismaayo Axmed ku qaabilo oo eed reebid loo isticmaalo. Igu sawir wax ka weyn kalama soo laabanayo Xasan Kismaayo.
Kulamo wax ku ool ah,ayaa uga soo dhamaaday Nayrobi PL & SL. Qodobada kulamada looga xaajooday,waxaa ugu waa weynaa Laba arimood oo kala ah….. 1.Amniga.2.Duulimaadyada. PL& SL,waxay wadajir uqaateen go’aan mid ah oo ay la wadaagayaan QM.
Xaruntii Nisa ee Godka Jilocow Xamar,waxaa weeraray argagixisada AS. Wararka hordhaca ee laga helayo halkaas,ayaa sheegaya in Xabadu dhacayso oo Ciidamada Haramcad ay isku dayayaan in ay ka saaraan Xarunta Maleeshiyada AS. Xaruntan,waa meel xiran in AS gudaha ugalaan mahan wax caadiya oo iska dhacay xaqiiqdii. Weerarkan,wuxuu yimid,iyadoo mudo laga nastay weerarada argagixisada oo Dadka Muqdisho halmaameen Qaraxyada. La soco wararkayaga danbe.
Wax la hubo,waxaa tagay Kismaayo ilaa iyo hada…. 1.Talyaha Nabadsugida Kenya.2.Ilaalo kooban oo Xamar ka timid. 3.Kaamirastayaal iyo Protocol-ka Xasan. Waa loo sheegay Xasan in uusan soo kaxaysan Ciidan iyo Siyaasiyiin fara badan. Safarka Xasan ee Kismaayo ujeedadiisii,waxaa macno tiray Shirkii Nayrobi iyo yagleelida Golaha Mustaqbalka Somaliya. Balse,iyadoo laga duulayo tixgelinta codsigii Xasan udirsaday Imaaraadka,ayaa la aqbalay in Kismaayo Axmed ku qaabilo oo eed reebid loo isticmaalo. Igu sawir wax ka weyn kalama soo laabanayo Xasan Kismaayo.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,ayaa ku dhawaaway Qof walba oo Maraykan ah oo haysta dhalasho in uu siin doono $2-kun. Lacagahan,ayaa ka soo xarooday Canashuuraha Trump kusoo rogay Alaabaha loo soo dhoofsho Maraykanka ee laga keeno Wadamada kale ee Dunida. Lacagahan cashuuraha ka soo xarooday,ayaa noqday kuwo fara badan,waxaana loo isticmaalayaa Laba qaybood oo kala ah….. 1.In lagu bixiyo daymaha dalka lagu lee yahay.2.In Dadka loo siiyo Gunno ahaan,iyadoo Qof walba oo Maraykan ah heli doona Lacag dhan $2000 Bil walba. Tani,waxay utahay Trump sumcad iyo soo jiidasho Shacab,waxaana loo arkaa hogaamiye ka dhabeeyay halhayskiisii ahaa ( America First). Xigasho:-Soojire-TV.
Xamaas,waxay aqbaleen qorshaha Trump ee soo afjarida colaada Qasa,waxayna soo saareen war uqornaa sida tan…. Waxaan ka mahadcelineynaa dadaalka Madaxweyne Trump uu ku soo afjarayo dagaalka. Waxaan ku heshiinay in lasii daayo dhamaan lahaystayaasha si loo gaaro xabad joojin joogto ah. Waxaan diyaar u nahay in aan si deg deg ah u galno wada xaajood looga wada hadalayo faahfaahinta qorshahan. Waxaan ku heshiinay in aan wareejino maamulka Qasa. Qorshaha Nabada ee Trump oo ka kooban 22- ka Qodob,ayaa,waxaa ka mid ah…. 1.In la keeno Qasa Ciidan caalamiya oo Nabad ilaalin oo loogu yeerayo (ISF). 2. In Qasa uu maamulo nidaam…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,ayaa xarigga ka jaray dib-u-habeyn lagu sameeyay qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kuwaas oo ay kamid yihiin… 1.Qaybta martida gaarka ah. 2. Qaybta dadka safarka ku baxaya. Dib-u-habeyntani,ayaa wax badan kusoo kordhinayso shaqada iyo adeegyada garoonka diyaaradaha Kismaayo oo marin ah Bulshada Koonfurta fog ee Dalka. Labadan qaybood,waxaa maalgelisay Wasaarada Maaliyada Jubaland oo taageero ka helaysa hay’ada Premis iyo Ganacsata reer Jubaland. Wasiir Handal intii uu hogaaminayay Wasaarada Maaliyada JL,waxaa ka muuqda isbadal la taaban karo.
Maanta,ayaa udanbaysay muuqashada fashilkiisa oo Dhulka Xamar uu ka hadlayay,isagoo umuuqday Duqa Miqdisho….. 1.Kama hadlin xaalada guud ee Dalka 2.Kama hadlin argagixisada.3.Kama hadlin amniga.4.Kama hadlin Dhaqaalaha.5.Kama hadlin Midnimada.6.Kama hadlin siyaasada.7.Kama hadlin Dowlad dhiska. Horay,wuxuu ugu fashilmay…. 1.Siyaasadii gudaha.2.Siyaasadii dibada.3 .Amnigii Wadanka.4.Dhaqaalihii.5.Midnimadii.6.Dowlad dhiskii. Tagidiisa Kismaayo,waxaa macno tiray Shirkii Nayrobi iyo Golihii kasoo baxay,waxaana ka kala daatay khiyaamadii uu watay ee ahayd Axmed ku guur oo uga badalo aqoonsi in uu kula qabto doorasho beenaadka. Tuhun kala gelintii PL& Jl,waa ka fashilantay. Sidoo kale Imaaraadkii uu ka codsaday in uu la heshiisiiyo PL & JL si xirfadaysan ayay PL & JL umaareeyeen…
Ceelasha Butici,waa laga sifeeyay argagixisada,waxaana lagu hareeraysan yahay Ceelka Barakalaah. Waa Ceelal muhiim ah Ceelashan Maanta laga sifeeyay argagixisada. Tiro door ah oo argagixisada ah,ayaa lagu laayay hawlgalka Maanta dhacay,halka Ciidamada difaaca Puntland,ay ka shahiideen Sadex Askari kana dhaawacmeen Lix kale. Hawlgalku,waa sii soconayaa ilaa laga soo afjaro midka udanbeeya argagixisada.
Halkan ka akhriso:-
Waa soo gabagaboobeen wada xaajoodkii Nayrobi ee PL,JL iyo Madasha Mucaaradka Muqdisho. Mowqif midaysan ayay ugudbiyeen Sadexda Garab Dowlada Kenya iyo Diblomaasiyiinta kale. Waxaa laysla qaatay Maalinka Axada ah in Xasan yimaado Kismaayo ka hor imaanshihiisana uu shaaciyo Afar Qodob oo kala ah…… Marka Xasan intaa fuliyo,isla markaana raaligelin utago Kismaayo,waxaa kaloo Xasan laga rabaa kasoo jawaabida Shuruudaha ay Kenya kasoo qaaday kulamadii Nayrobi. Hadii Xasan aqbalo shuruudaha lagu xiray,waxaa loo gudbi doonaa fulintooda iyo Shirweyne Somaliyed hadii uu diido,waxaa Shir Garowe iskugu imaan doona PL,JL iyo Madasha Xamar. Madaxweyne Axmed Berri,ayuu Kismaayo ka dagayaa haduu rabi idmo.
Deni iyo Axmed,waxay muujiyeen midnimo xoog badan oo Hal Qof ay isku noqdeenwaxaana muuqata in Axmed Madoobe ka fogaanayo in la tuhmo habayaraatee. Kulamadoodii,waxay ugu soo dhamaadeen guul,waxaana dhici karta in ay kusoo biiraan Maanta Xubnaha Madasha Mucaaradka Xamar. Mw Axmed ilaa berri in uu kasoo tago Kenya,ayay ii sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada JL. Halka Mw Deni ilaa Jimcaha sii joogayo oo kulamo la qaadanayo BC,waxaana Maanta ku biiraya weftigiisa Wasiir Qoorsheel iyo Cabdullaahi Bile oo Bosaso kasoo tagaya,iyadoo horay ay ula joogeen Wasiirada Maaliyada,qorshaynta,Tamarta iyo Shaqada iyo Agaasimaha madaxtooyada PL. Tagidii Xasan ee Kismaayo oo markii horaba ahayd,waxaan lagu heshiin…
Wada shaqayntii IMF,waa istaagtay,sababta ay u istaagtay,waa Afar sababood oo kala ah….. Haatan Baanka aduunku,wuxuu ku amray DFS Sadex Qodob oo deg-deg ah oo kala ah…. Baanka Aduunka,ayaa DFS uqabtay Bishan Oktoobar bilowgeeda in ay kasoo jawaabto Sadexdaas Qodob hadii kale Baanku hakin doono wada shaqaynta iyo sidoo kale Lacagta Kabida Sanadkan aan la bixinayn. W.M.DFS,waa dadaalayaa,waxaase wax la leh Xasan Shiikh oo aan waxba xeerinayn,wuxuuna ujoogaa Sacuudiga in uu kasoo baryo Lacag $50-Milyan ah oo ka dhiman Lacag la qorshaynayo Wadanka in loo soo sameeyo.
Sadex arimood ,ayaa lagu gaaray Shirka Deeq bixiyayaasha ee socda,waxayna kala yihiin…. 1.Waxaa la diiday in Laascaanood,wixii lagu dhisay loo aqoonsado Maamul oo lagu daro qorshaha Mashaariicda 5- ta Sano ee soo socota,waxaana lagu soo koobay ( Dhul muran ku jira). Barnaamijka Baanka Aduunku kula shaqeeyo Somaliya ee Hal Wadan,wuxuu dhacayaa 2026,waxaana dib loo cusboonaysiiyaa 5-tii Sanaba hal mar. Waxaa muuqata Deeq bixiyayaasha oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriisku in ay danaynayaan xoojinta Dowladnimada Somaliya.
PL& JL Xalay si rasmi ah ayay uwada hadleen oo iskula meel dhigeen Qodobada ay gudbinayaan….. PL? B. Waxay ku adkaysatay kaliya in ay Xasan kawada hadlayaan Dastuurka. JL? B. Waxay soo gudbisatay in uu doorashadii JL aqbalo. T. Waxay soo gudbisay in Maxkamadii Axmed laga laabto. J. Waxay soo gudbisay Gedo in faragelinta laga daayo. X. Waxay soo gudbisay in loo fasaxo Lacagta Kabida iyo Mashaariicda. Intaas kadib Labada Oday,waxay isla qaateen hanaanka uu udhacayo wada hadalka….. Labada Oday,waxay la kulmayaan Mw Kenya Maanta ilaa Caawa.
Inta badan,waxay ahayd mid guud oo aan lahayn faahfaahin la arki karo…. 1.Wuxuu ka hadlay in uu horumariyay Waxbarashada mana sheegin Deegaan uu ka fuliyay horumarkaas. 2.Wuxuu sheegay Caafimaadka in uu horumariyay mana sheegin Deegaan uu ka fuliyay. 3.Wuxuu sheegay in Ceelkii Shidaal ee ugu horeeyay Somaliya si tijaabo ah looga qodayo,waana xog khaldan oo horaa Sadex Ceel looga qoday Dalka…. B.GedoT.Holhol.J. PL. Qodobka xalinta khilaafaad ma magac dhabin cida uu la heshiinayo ama wada hadalka kula jiro kaliya si guud,ayuu uhadlay. Waxaa la oran karaa khudbadii Xasan,waxay ahayd…. B. Mid uu kusoo gudbinayay waxa Maamulkiisa uqabsoomay oo ubadan ,waxaan…
Israeli PM Netanyahu apologises to Qatar over Doha attack Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has apologised to Qatar for the killing of a Qatari citizen during an unprecedented Israeli attack on Hamas leaders in Doha this month, which drew global condemnation. Qatari Prime Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani received the apology on Monday in a joint call from United States President Donald Trump and Netanyahu during their meeting at the White House. “As a first step, Prime Minister Netanyahu expressed his deep regret that Israel’s missile strike against Hamas targets in Qatar unintentionally killed a Qatari…
Kulan ka dhacay Nayrobi oo ay filaysay DFS in ay ku hesho saxiixyo cusub iyo dardargelin wada shaqayneed. Balse,waxaa dhacay dhaliilo waa weyn oo ay soo jeedisay IMF,kuwaasoo DFS ka dhan ah….. 1.Waxaa lagu dhaliilay sida ay umaaraysay heshiisyada shidaalka. 2.Waxaa lagu dhaliilay arimaha Dhulka. 3.Waxaa lagu dhaliilay sida ay umaaraysay Lacagta kasoo gasha Dekeda iyo garoonka. IMF,waxay ku dooday DFS in ay baalmartay hanaankii wada shaqayneed ee la dhisay iyo kalsoonidii keentay dayn cafinta,mashaariicda iyo taageerada kabida miisaaniyada. Qodobka ugu weyn ee lagu haysto,waa in Lacag badan oo kasoo gashay Dekeda iyo Dhulka aysan si sax ah usoo xisaab…
Ciidamada Difaaca Puntland oo saakay fuliyay hawlgal qorshaysan,ayaa dilay 5-ka mid ah Miinaystayaashii argagixisada,halka ay nolosha ku qabteen Hal mid. Hawlgalkaasi,wuxuu ka dhacay Deegaanka Koor-Xagarle ee nawaaxiga Guryo-samo oo ka tirsan Deegaanka Dhasaan ee Degmada Qandala Calmiskaad. Sidoo kale,waxay Ciidanku ku hareeraysan yihiin Afar kale oo argagixisada ah. Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Difaaca Puntland,waa Hal Askari oo shahiiday iyo Laba dhaawac ah. Miinaystayaashaas,waa kuwii wareegayay oo hadba Wado galinayay Qaraxyada.
The number of ISIS terrorists killed yesterday and today: The terrorists gathered in a 60-km radius such as: B.Barakala.T.Hays Maragade.J.Shakshakow.X.Shakalo.Kh.Habar Bakuuje. This area is a very strategic and difficult valley with wells, caves and mountains that are challenging to reach. Terrorist have built large rocks and caves under the trees in the middle of the Valley to hide from the planes. They start firing once they spot forces from a distance, and quickly retreat as the shooting starts. They have also hide behind trees and bushes. But the brave PL defense forces have attacked and killed them in those caves.…
Ugu danbayn Islaan Bashiir Islaan Cabdille,ayaa soo afjaray khilaafkii Ceelka Qabooley ee Jifooyinka Walaalaha ah MC & RM ee Beesha CM. Isfahanka dhacay,waa in si buuxda layskugu raacay qodida Ceelka Qabooley oo jifida MC ay gaar uqodonaysay,waxaana udhagaxdhigay Islaanka. Amniga Gobolka,midnimada Bulshada iyo wada noolaanshaha guud,ayuu khilaafkan khatar ku ahaa.
Geerida argagixisada la laayay,waa…… 1.Shalay oo la dilay 12-xubnood. Ilaa iyo hada Aag ilaa 3-km ah,ayay ku jiraan,waxaana ku socda Hoobiyayaal Maanta. Dhulka guud ee hawlgalka sifaynta argagixisadu ka socdo,waa 60-km oo isku wareeg ah oo ka kooban……. B.Barakala.T.Hays Maragade.J.Shakshakow.X.Shakalo.Kh.Habar Bakuuje. Dhulkan,waa Tog adag oo aad istiraatiiji ah oo leh Ceelal Biyood,Godad iyo Buuro difaaca ku wanaagsan. Geedaha Toga ku dhexyaal ayay hoostooda ka samaysteen Dhagxaan waa weyn iyo Godad ay uga dhuuman karaan diyaaradaha,waxayna samaynayaan marka Ciidanku usoo jiro 20-M ayay Xabada halmar soo ridayaan,marka loo jawaabo,waxaa Xabada bilaabaya Nin haysta Qori diiradleh oo ku jira Bohol ay Dhir…
Madaxweyne Deni,wuxuu usafrayaa Kenya Maalinka Berri foog ah hadii rabi idmo. Socdaalka Mw,wuxuu daaran yahay Laba Qodob oo isku Qodob ah……… Dhamaan kulamadan,waxay daaran yihiin ka tashiga masiirka iyo mustaqbalka Dalka,waxaana jira fariin xoogan oo ka timid Xasan Shiikh,taasoo ah…… “Waxaan diyaar u ahay in aan tanaasulo oo aan si rasmi ah ula heshiiyo PL& JL”. Beesha caalamka,ayaa PL & JL arinkaas kala tashanaysa oo hordhigaysa.
Madasha Mucaaradku,waxay hordhigtay ganacsatadii waday dhexdhexaadinta Laba Qodob oo kala ah….. Ganacsatada dhexdhexaadinta waday,waxay codsadeen in la siiyo wakhti ay qodobadaas uga soo dhaadhiciyaan Xasan Shiikh. Ugu danbayn,waxaa laysla qaatay Todobaad in dib loo dhigo banaanbaxa.
Ciidamada Difaaca Puntland Maanta,waxay qaadeen hawlgal qorsheysan oo ay ku beegsadeen firxadka Argagixisada. Deegaanka Carabiya ee Togga Baallade,ayay ka hawlgaleen Ciidamadu,iyagoo ku laayay Xubno badan oo argagixiso ah oo ku dhuumaalaysanayay halkaas. Khasaare gaaraya 5-dhimasho iyo 6-dhaawac ah,ayaa Ciidamada Puntland kasoo gaaray. Argagixisada,waxaa laga sifeeyay Ceelal hor leh oo ay ka mid yahay Ceelka Baarakalaah.
“Ilhaan Maskaxdeedu,waa hoosaysaa oo maba aamini kartid in ay tahay Qof Kongarees ah,waxaana la kulmay Madaxa Somaliya,waxaan usoo jeediyay in uu la tago,wuxuuse iisheegay isaguna in uusan rabin”Ayuu yiri Trump. Si jees jees ah oo yasmo ah,ayay hadaladu uga soo baxeen umana dan lahayn si toos ah in uu uga hadlo kulan dhexmaray isaga iyo Xasan ee waxaa lasii maray hadal weerar shaqsi ah oo uu uwaday Kongarees kale,waxaana ka muuqday hadalkiisa….. 1.Somalida oo uusan waxba u arkin. 2.Maqaamka Madaxweynaha Qaramada midoobey aqoonsan tahay ee Somaliya oo si ka baxsan akhlaaqda Diblomaasi uu hoos ugu dhigay. 3.Ilhaan oo uu ku…
Xilligii loo baahnaa ayay ku bilaabatay Xasan,waxaana sii dilay fursadaha uu bixiyay. Mucaaradka Xamar,waxay ka faa’idaysanayaan “Garab istaaga Shacabka iyo diidmada caburinta”.Waxay ugu yeereen. Xabadii Saldhiga ka dhacday,waxay u ahayd fursad weyn oo uu bixiyay Xasan. Waxaa kaloo sugaya furitaankii Baarlamaanka oo Wadnaqabad ku ah maadaama Xildhibaano 100 ku dhow abaabulan yihiin. Ilaa iyo hada Xasan mid,waa looga guulaystay oo laga fashiliyay,waana Shirkii QM in uu tago,isagoo muujinaya Somali midaysan oo aysan jirin cid ka daba qaylinaysa. Maalmaha soo socda,wuxuu isku dayi doonaa in uu Indhaha ka jeediyo Xamar oo ku jiheeyo PL iyo JL,isagoo isku sii dayn doona Kismaayo.…
Maalmaha soo socda,wuxuu isku qaadi doona JL si uu Indhaha uga jeediyo gudaha Xamar Dabka uga holcaya. Axmed Madoobe horay,waa udiiday in uu la kulmo,wuxuuna soo jeediyay in Shirka QM kadib ay kulmaan,waxaana aragtidaas la qaadatay Itoobiya oo Imaaraadka iyo Kenya fahansiisay doodiisa. Xasan,wuxuu xataa isku dayay in uu tago Kismaayo oo Axmed ka maqan yahay si uu uga qaato sawiro uu la aado kulankii QM,waxaase ka diiday Axmed Madoobe. Haatan Axmed Sabtida,ayuu Kismaayo kusoo aadan yahay,wuxuuna isku dayi doonaa in uu ka war wareego imaanshaha Xasan ee Kismaayo hadiise cadaadisku ku bato,waa aqbalayaa,wuxuuna hor dhigayaa….. 1.In uu ku dhawaaqo…
Dowladda federal Soomaaliya ayaa cambaareysay iska hor’imaadka ka dhacay degmada Wardhiigley maanta. “Dowladda waxay ka niyadjabsan tahay in shaqsiyaad doonaya in ay hoggaamiyaan dalka ay diyaar u yihiin daadinta dhiiga shacabka iyo ciidamada ammanaka ee ilaalinaya dalka, lana dagaalamaya argagixisada”. Dowladda fedealka waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka iyo hantiodooda iyo xaqiijinta in lala xisaabtamo cidkasta oo wiiqeysa ammaanka. Xasan Shiikh damin siyaasadeed,ayuu ku dhacay oo lagu dabanayo hada,wixii ka danbeeya. Mucaaradka Muqdisho,waxay raadinayeen fursad ama meel ay kasoo galaan Xasan ilaa iyo Maanta,wixii ka horeeyayna,isagaa ku watay oo la ciyaarayay. “Shacabkaan difaacaynaa”waa halhays gadmaya oo lagula…
Si Qaran,ayaa loo aasay Jen.Qalyare,waxaana Janaasadii koobaad kusoo tukaday Madaxweyne Deni ka hor intaan laga soo qaadin Bosaso. Sidoo kale,waxaa Janaasadii Labaad iyo Aaskiisii ka dhacay Caasimada Puntland ee Garowe. Xaqiiqdii geeridu,waa lama huraan,balse Qalyare Dadkiisa karaamuu ka dhex helay lagu sagootiyay. Geerida Qalyare,waxay muujisay dhawr arimood……. 1.in shacabka PL Ciidanka jacayl weyn uhayan2.In Dowladu karaamaysay Ciidanka.3.In dagaalka argagixisada dhab naga yahay.3.In Sarkaalka ama Askariga udirira Dadkan uu maqaam ka helayo. Qalyare rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,wuxuu ahaa Shahiid kamana bixi doono quluubtayada ka fir ka fir.
Waa Shirkad Xasan Shiikh leeyahay oo lagu magacaabo (New Mogadishu Development Corporation). Shirkadan,waa mida suuqa gaynaysa Mashruucan oo ka kooban Afar qaybood oo kala ah….. 1.Qaybta Tamarta.2.Deked.3.Garoon diyaaradeed.4.Aag Canshuuraha ka caagan. Maalgelinta,waxaa laga raadinayaa…. 1.Wadamada Khaliijka.2.Shiinaha.3.Turkiga.4.Ganacsatada Somalida. Mashruucan,waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya $4-Bilyan….. B.$1-Bilyan Garoonka Diyaaradaha.T $1-Bilyan,Dekeda.J.$1-Bilyan Tamarta.X.$1-Bilyan Aaga Canshuuraha. Wajiga koobaad,waa dhismaha garoonka oo ku kacaya $1-Bilyan oo ay ku jirto Wado ku kacaysa $300-Milyan oo isku xiraysa garoonka iyo Magaalada. Ujeedka Xasan? 1.Mid Qabiil.2.Mid Dhaqaale. Mida Qabiilka,wuxuu rabaa in uu Beesha Abgaal ugu hiiliyo Qalinka Dowladnimada. Mida dhaqaalaha,isaga iyo kooxdiisa,ayaa iska leh Shirkada Mashruucan wada. Maxaa qorshe u…
Ilaa iyo hada Trump,waa diidan yahay in uu xataa la galo sawirkii caadiga ahaa ee Shirka QM. Kulankan xataa ma fadhiyo Safiirkii QM,waa lataliye hoose oo Trump kalataliya arimaha Afrika. Sida aan xogta ku helay kulankan,wuxuu daarnaa sida Trump loola kulansiin karo iyo Wadooyinka uu mari karo. Diidmada Trump,waxay muujinaysaa sida BC uga quusatay Maamulkiisa,waxayna daba socotaa diidmada Trump diiday in uu isla sawiro fariimaha ay gudaha dalka ka dirayaan Safiirada BC,kuwaasoo kasoo xirxirtay Xamar. Caalamka iyo Somalidu,waxay isku raacsan yihiin Bisha May hadii la gaaro in uusan Hal Maalin ku darsan Xasan Shiikh.
Markab sida 150 Kunteenar oo Dowlada Puntland ay gaar uleedahay,ayaa ku xiran Dekeda Bosaso oo la dajinayaa. Kunteenarada saaran,waxaa Dowlada Puntland ugu deeqay Dowlada Imaaraadka. Xogta dhabta ah ee Markabka lama shaacin.. Imaaraadku,waa garab istaagaha ugu weyn ee Puntland.
Dhasaan, Qandala – Gobolka BariPuntland waxa ay wayday mid ka mid ah saraakiisheeda ugu sarreeya, uguna hal-adagnaa, kadib markii uu ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala. Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Howlgalka Calmiskaad, ahaana Taliyaha Guutada 2-aad iyo Ururka Duufaan, General Axmed Cabdi Qalyare, ayaa ku dhintay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Puntland. Taariikh Nololeed Kooban General Qalyare wuxuu ahaa sarkaal khibrad dheer u lahaa arrimaha milatariga iyo dhismaha ciidamada. Waxa uu hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.…
Allaha unaxariisto Jeneraal Qalyare oo kugeeriyooday qarax miino Aaga Dhasaan iyo Sheebaab dhexdooda. Qalyare,wuxuu kamid ahaa saraakiisha aysan reer Puntland marna ilaawi doonin,waana xusaynaa halyeeygaas. Guud ahaan reer Puntland,gaar ahaan Ciidamada iyo Qoyskiisii,waa uga tacsiyaynaynaa. Geerida Jen.Qalyare,waxay mudan tahay in lagu maamuuso Calanka PL iyo kan guud ee Somaliyed in hoos loo dhigo Sadex Berri.
Garowe: September 22, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo u magacaabay Eng. Shaafici Cawil Maxamed. Sida darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug in la fuliyo dhaqan galinta magacaabidda xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo. XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL. Website: moifad.pl.so Facebook: https://www.facebook.com/Moifad. Twitter https: https://x.com/MOIFAD. Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1. Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..
Hay’adda Juba Foundation,ayaa Cawa magaalada Boosaaso xarunta Ganacsiga Puntland ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Nabadda Adduunka. Munaasabadan,ayaa lagu dhiirrigelinayo Nabadda,waxaana kasoo qaybgalay qaybaha Bulshada Bosaso ee kala heerar duwan,Maamulka Gobolka kan Degmada iyo Taliska Booliska Bari. Guud ahaan Puntland,waxaa ka socda xuska Maalinta Nabada,taasoo muujinaysa in Dadka reer Puntland yihiin Bulsho xasiloonida amni,Siyaasadeed iyo dhaqaalaba ubisil oo fahansan qiimaheeda.
By:-Ismail H Warsame Abstract While international counter-terrorism discourse concerning Somalia has predominantly focused on the Federal Government in Mogadishu and the threat of al-Shabaab in the south, the semi-autonomous state of Puntland has conducted a sustained, iterative counter-insurgency (COIN) campaign in its northern territories for over three decades. This article argues that through a process of tactical adaptation and strategic learning, Puntland has developed an effective, locally-led doctrine focused on severing the logistical connection between vulnerable port settlements and mountainous insurgent sanctuaries. By analyzing five distinct conflict phases from the rise of Al-Itihaad al-Islami (AIAI) to the recent offensive…
Saraakiisha amniga Puntland,ayaa xaqiijiyey in Mareykanku maanta labo duqeyn ka geystay Toga Baalade, meel ku dhow aagga Maraagade ee Buuraha Calmiskad. Wararka,ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Puntland ay qorsheynayaan in ay gaaraan goobaha duqayntu ka dhaceen si loo si ay u xaqiijiyaan khasaaraha ka soo gaaray kooxda DCSH. Duqayntan,ayaa dhacday xilli roobab culus ka da’ayeen Calmiskaad , taas oo hakad gelisay howlgaladii Ciidamada Puntland ay ka wadeen Buuraha Calmiskad.
Shir-sanadeedka Nabadda PDRC,ayaa si rasmi ah uga furmay caasimada PL ee Garowe. Shirkan,waxaa kasoo qayb-gelay Dowlada Puntland,haldoor caalamka iskaga yimid oo iskugu jira Aqoonyahanno Somaliyed oo kuwo shisheye. Sannadkan,waxaa dooda Shirku ay tahay… 1.Isbeddelka Cimilada. 2.Nabadda. 3.Amniga. 4.Tubta mustaqbal nabdoon oo adkaysi leh. APC2025 AnnualPeaceConference climatechange.
Halkan hoose ka akhriso Qodobada dhanka amaanka ee Puntland iyo Maraykanku ku heshiiyeen:- B. Qaybta Sirdoonka.T. Laanta Militariga.J. Qaybaha maamul iyo sahayda (logistics).
Dadaalkeeda la dagaallanka argagixisada iyo burcada badaha,ayuu Maraykanku ku amaanay Puntland. Danjire Riley iyo Talyaha USSOCAF Sarreeye Gaas Claude Tudor oo hogaaminayay wefti sare oo Maraykan ah oo gaaray Bosaso,ayaa qiray in Ciidamada PL ee iskugu jira Milleteriga iyo CID ay yihiin muhiim cadowga caalamoga ah dhabarka ka jabiyay. Maraykanku in uu maqsuudka ka noqday sida PL uga hawlgashay argagixisada,waxaa muujinaya booqashada weftiga iskugu jira siyaasada iyo Milleteriga ee utagay Mw Deni oo ay u arkaan hogaamiyaha kaliya ee haya shaqadii saxda ahayd. “Ambassador Riley and @USSOCAF Commander Major General Claude Tudor met with President Deni to express appreciation for…
Kulanka,ayaa looga xaajooday oo lagu dul istaagay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…. Kulanka Madaxweynaha,Golaha Wasiirada PL iyo Safiirka Maraykanka iyo Talyayaasha Africom iyo geeska Afrika dhexmaray kadib,waxaa iyaguna mid gaar ah yeeshay saraakiisha PL ee hogaaminaysa hawlgalka Calmiskaad iyo Saraakiisha Maraykanka. Weftiga Dowladda Mareykanka,wuxuu ka koobnaa.. 1.Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley. 2.Talyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR. 3.Talyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander. Maraykanku,wuxuu si weyn ubogaadiyey hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad. PL muhiimad weyn,ayay ulahayd booqashadan.
Madaxweyne Deni shalay galab,ayuu yimid. Mardhow,waxa uu qaabilayaa wefti sare oo Maraykan ah oo ka kooban…. Maxay kawada hadlayaan?
Regardless of whether former President Donald Trump’s remarks were politically motivated, they highlight issues that many Somalis have been speaking about for years. The focus should not be on who said it, but on whether the statement reflects the truth—and in this case, it does. Somalia consistently ranks among the most corrupt countries in the world, according to Transparency International, reflecting deep-rooted systemic failures that have gone unaddressed for decades. On Leadership in Somalia Many share the view that Somali leadership has failed to provide basic services, foster national unity, or establish effective governance. The perception that political elites enrich…
Donald Trump,ayaa sheegay in Soomaaliya ay la daalaa dhacayso dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin… 1.Dowlad-dhexe maleh. 2.Gaajo. 3.Fakhri. 4.Argagixiso. 5.Burcad-badeed. 6.Dagaal sokeeye. 7.Musuqmaasuq. Trump,wuxuu tilmaamay in 70% bulshada Soomaaliyeed ay ku nool yihiin macaluul. Sidoo kale, Madaxwayne Trump wuxuu ka hadlay Ilhaan Cumar, isagoo su’aal geliyay sida ay u maamuli lahayd dalka. Trump,ayaa hadaladiisa ku muujiyay walaac ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya iyo sida siyaasadda gudaha iyo dibadda ay u saameynayaan shacabka
Dowlad iyo Caasimad Somaliyed oo lawada leeyahay,ayaan rabnaa hogaamiye keeni kara oo xisaabtami kara ama jeexi kara jiho cusub oo PL ku badbaado,waana Deni. Deni,wuxuu muujiyay…. 1.Han sare.2.Qab.3.Go’aan.4.Hogaamin. Siyaasiyiinta wax ku haysta ama isku dhererinaya ee Beesha Daarood kuma jiro Nin hadafkaas ka miro dhalin kara oo 50% soo gaari kara Deni. Yaa wax ku haysta? Somaliya,waxaa ka socda loolan awooda Siyaasadeed ah oo ay ku lamaan yihiin loolamada dhaqaalaha iyo amniga. Loolankaas,wuxuu si gaar ah uga dhaxeeyaa Beelaha Daarood iyo Hawiye. Hawiye,waxaa hormuud unoqday Xasan oo keeni waayay siyaasad Beeshiisu ku hanato hogaanka Dalka iyo mid Somalida kale kusoo…
SL,waxay heshay markale mashruuc balaaran oo lagu hormarinayo mid ka mid ah kaabayaasheeda dhaqaale,kaasoo ah garoonka diyaaradaha Cigaal Hargaysa. Garoonkan oo ah soo jireen leh muhiimad sare,ayaa loo helay Shirkad Imaaraatiya oo maalgashanaysa. $70-Milyan,ayay gelinaysaa Labada Sano ee soo socota,iyadoo badalaysa guud ahaan dhismaha Terminalka iyo Dhabaha diyaaradaha oo ay casriyaynayso. 20-Sano,ayaa loo saxiixay in Shirkadaas haysato garoonka oo ay ka hesho faa’iido. Si Dowliya,ayaa loo kala saxiixday heshiiska garoonka lagu hormarinayo. Cigaal Airport baahi weyn,ayuu uqabay dib udhis casriya,wuxuuna dayaciisu bahdil ku ah muuqaalka SL,maadaama uu caasimada ku yaal. SL horay,waxay uga heshay Imaaraadka horumarin balaaran oo Dekeda ah,haatana…
QM,ayaa shaacisay in Deeqihii Somaliya lasiin jiray ay hoos udhaceen. Saadaasha Deeqaha la filayay in ay hesho Somaliya,ayaa ahaa $1.42 Bilyan,halka laga helay $277-Milyan. Hoos udhacan balaaran,waxaa sababay hakinta Maraykanku hakiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray gargaarka,gaar ahaan shaqo ka joojintii hay’adiisii USAID. Somaliya oo Miisaaniyadeedu 75% ay ka timaado deeqaha,ayay tani ku tahay culays weyn oo soo wajahay. Halkan ka akhriso:-
Madaxweyne Deni oo hogaaminaya wefti balaaran,ayaa soo gaaray Adis-ababa caasimada itoobiya. Madaxweynaha,ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku joogay booqasho Wadanka Imaaraadka Carabta. Intii uu ku sugnaa Imaaraadka,wuxuu kula kulmay Madaxda Dalkaas iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Madaxweynaha iyo weftigiisu inta ay joogaan Itoobiya,waxay la kulmayaan Madaxda Dowlada Itoobiya. Waxay kaloo booqan doonaan dhaawacyada Ciidamada difaaca Puntland ee ku jira isbitaalada Itoobiya. Saadanbe,ayuu weftiga Mw hogaaminayo soo baxayaan oo kasoo dagayaan Bosaso xarunta ganacsiga PL. 21-ka bisha,waxaa Bosaso kasoo degaya wefti sare oo Maraykan ah oo Mw qaabili doonaa. 23-ka bisha,waxaa kaloo kasoo degaya wefti sare oo Ingiriis ah oo Mw qaabili…
By U.S. Africa Command Public Affairs In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command (AFRICOM) conducted airstrikes targeting an al Shabaab weapons dealer on Sept. 13, 2025. The airstrikes occurred in the vicinity of Badhan, Somalia. AFRICOM, alongside the Federal Government of Somalia and Somali Armed Forces, continues to take action to degrade al Shabaab’s ability to threaten the U.S. homeland, our forces, and our citizens abroad. Specific details about units and assets will not be released to ensure continued operations security.