Mogadishu, Somalia – As Somalia continues its battle against Al-Shabaab (Khawarij) insurgents, diplomatic missions and international partners are being urged to support a unified national response rather than viewing the conflict through a clan-based lens. Recent escalations in Abgaal clan territories have highlighted the urgent need for coordinated security efforts, reinforcing that terrorism remains a nationwide threat rather than an isolated issue. Escalating Security Challenges Al-Shabaab’s presence spans across multiple regions, including Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Bay, Bakool, Middle Juba, and Lower Juba, affecting various Somali communities. While recent attacks have particularly targeted Abgaal territories, framing the crisis as a single-clan…
Author: Jibril Qoobey.
Al-Shabaab,ayaa subaxnimadii hore ee Saakay oo Arbaca ah weerar ku qaaday Saldhig ay Ciidamada DFS ku leeyihiin Deegaanka Masaajidka Cali Guduud ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Weerarka oo ku billowday Qarax kaddib rasaas xooggan,ayaa sababay iska horimaad xooggan. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay,haddana Labada dhinac waxaa soo gaaray khasaare. Ciidamada DFS,ayaa iska caabiyay weerarka, iyadoo gurmadyo laga soo daabulay Degmada Cadale, halkaasoo uu hadda ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta deegaankaasi, balse ma jirto ilo madax banaan oo arrintaasi xaqiijinaya. DFS,ayaa wali sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda…
Mogadishu, Somalia – The security situation in Somalia is deteriorating as Al-Shabaab militants make strategic territorial gains, while international funding for ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) troops faces uncertainty. Recent developments indicate mounting challenges for President Hassan Sheikh Mohamud’s administration, raising questions about the effectiveness of his military strategy. Al-Shabaab Expands Territory Al-Shabaab fighters have reportedly seized control of half of Afgooye, a strategically important town located just 30 kilometers from Mogadishu. The militants have also overrun Ali Guduud Mosque, a significant location in the Middle Shabelle region. These territorial gains underscore the group’s ability to launch offensives…
Xaaladda amniga Koonfurta Soomaaliya,ayaa sii xumaanaysa, iyadoo dagaalyahannada Al-Shabaab ay sameeyeen horumarro militari oo xasaasi ah, halka taageerada maaliyadeed ee ciidamada ATMIS ay wajahday caqabado. Xaaladdan cakiran waxay su’aalo ka keenaysaa istaraatiijiyadda milatari ee xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo guuldarrooyinku isa soo tarayaan. Al-Shabaab oo Qabsaday Dhul Hor Leh? Kooxda Al-Shabaab,ayaa la wareegtay kala bar degmada Afgooye, oo ah magaalo istaraatiiji ah kuna taalla 30km uun dhanka galbeed ee Muqdisho. Dagaalyahannada Al-Shabaab,ayaa sidoo kale qabsaday Masjidka Cali Guduud, oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe. Horumarkan wuxuu muujinayaa awoodda kooxda ee weerarrada dagaal, inkastoo ay la dagaallamayaan Ciidamada DFS iyo…
Ciidamada amaanku,waxay Gacanta ku dhigeen Hub si sharcidaro ah oo dhuumasha ah loosoo geliyay Bosaso. Kadib Ninkii laga qabtay Hubka oo wata Dhalinyaro,ayaa soo weeraray Saldhiga Bartamaha oo Hubka iyo Dadka lagu soo qabtay la geeyay. Ciidamada amaanku isaga iyo kooxdii uu watay midna,waa ka dileen midna,waa ka dhaawaceen,kuwii cararayna Guri ay galeen ayay uga daba tageen oo ku hareereeyeen. Ninka Hubkan laga qabtay,waa kii kal hore Hub sidaanoo kale looga qabtay oo waan waan markaas laga galay loona fasaxay,iyadoo la xeerinayay Waxgaradka,waxaase lagu balamay in uusan Hub danbe soo gelin Wadanka,waase ka baxay ballankii.
Shacabka Falastiin,waa ka hor yimaadeen Xamaas,waxayna taagan yihiin naga baxa. Sidoo kale TV-ga Aljasiira ayay ku mudaaharaadeen Shacabka Falastiin. Waa la fahmi karaa dareenka Shacabka,waxa halkaas gaarsiiyay,waana duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil uga imaanaya oo aysan uhaysan wax ka difaaca. Xamaas maleh awood ay ku hor istaagaan weerarada Israa’iil kaliya,waxay ku filan yihiin in ay khasaare gaarsiiyaan Xarumo kooban oo Israa’iil leedahay. Xamaas,waxay gabaad ka dhigteen Shacabka Falastiin,taasoo sababtay in khasaaraha ugu badan uu ku dhaco Shacabka.
Maraykanka iyo Ruushka,waxaa usocda wadahadalo qaatay 12-Saac oo Albaabadu uxiran yihiin. Warar laga soo xigtay Diblomaasiyiin,ayaa sheegaya in Labada Wadan waxbadan isla fahmeen. Wada hadalladan,ayaa ka socda Riyad Sacuudi Carabiya,waxaana la filayaa in ay soo wada saaraan Labada Wadan Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin. Wasaarada Arimaha Dibada Ruushka,ayaa laga soo xigtay..”Ukrain lama aamini Karo,wixii hada ka danbeeya Maraykanka,ayaan la Shaqaynaynaa oo la galaynaa heshiisyada”. Waxaa muuqata in Yurub la yasay oo banaanka laga dhigay wada xaajoodka mustaqbalka Ukrain iyo Qaaradaba.
Yahya Saree, oo ah Afhayeenka Milatariga ee kooxda Xuutiyiinta Ansar Allah, ayaa war uu taleefishinka ka sii daayay subaxnimadii Talaadada ku Dsheegay, in garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil lagugaraacay laba gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo kala ah, Zulfiqar iyo Falastiin 2, sida uu ku sheegay hadalka uu jeediyay. Garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil, waxaa uu ku yaalaa duleedka magaalada Tel Aviv ee Israa’iil. Saree,waxa kale oo uu bayaankiisa ku sheegay, in ciidamada Xuutiyiintu ay markii Labaad muddo 24 saacadood gudahood ah weerareen Markabka Maraykanka ee USS Harry Truman iyo tiro Maraakiib ah oo marayey…
Duqaynta,waxaa fuliyay Sxb-da PL,gaar ahaan Dowlada Maraykanka. Waxaa laga fuliyay….. 1.Toga Miraale. 2.Taliska Miraale 3.Ceelka Miraale. Waxaa lagu dilay Duqaynta hore Lix Amiirada argagixisada ah oo joogay Aleelaha oo Waqooyi Galbeed Miraale ah. Duqayntii Labaad,waxaa lagu dilay 62-Maleeshiyada argagixisada ah. Duqayntii Sadexaad,waxaa lagu dilay 40-Maleeshiyada argagixisada ah. Guud ahaan argagixisada Caawa duqaynta lagu dilay,waa 108-Xubnood. Gacan barakaysan oo Maraykan,ayaa ku dhacday argagixisada Caawa. Sidoo kale,waxaa iyaguna hada hawada galay Diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo ah Sxb kale oo PL Dhiiga ushubay. Qorshuhu,waa in Garaacistu aysan kala joogsan.
Argagixisada,waxaa laga dilay Afar Maanta,kadib hawlgal ay fuliyeen Ciidamada Difaaca Puntland. Afarta la dilay,waxay iskugu jireen Sadex Cadaan ah iyo mid Madow ah. Guutada Labaad ee Ciidanka Difaaca Puntland,ayaa fulisay hawlgalkan oo Cagta lagu mariyay….. 1.Buqa Sare. 2.Xoomiso. 3.Guryasamo. Firxadka argagixisada Daacish,waa gabaabsi.
Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdirisaaq Dacad, oo ay wehlinayaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa, ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay mashruuc horumarineed oo ka kooban 5-Waddo oo muhiim ah oo ku yaalla Suuqa Xeero Dayax. Wadooyinkan oo cabirkoodu yahay 755-Mitir, marka laysku daro, ayaa ah kuwo si weyn muhiim ugu ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Magaalada maadaama ay ku yaalaan goobo ganacsi. Hirgelinta Wadooyinkan,ayaa qayb ak qorshaha isku-tashiga horumarinta bulshada iyo Dowladda ee ay Dowladda Hoose ee Degmada Galkacyo Gacanta ku hayso, waxaana si dhow uga qeyb qaadanaya Ganacsatada Magaalada. Dhanka kale,waxaa si habsami leh…
Nairobi, Kenya – March 2025 Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee beesha Cismaan Maxamuud, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo waxgarad kale. Shirkan oo lagu lafa-guray xaaladda siyaasadeed iyo horumarka Puntland ayaa si weyn loogu bogaadiyey dadaallada ay dowladdu wado, gaar ahaan dhammeystirka mashaariic muhiim ah oo horey u qabyo ahaa. Qodobadii Shirku Ka Soo Baxay: 1. Taageerada Dowladda Puntland – Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in la garab istaago dowladda Puntland, maadaama ay dadaal dheeraad ah ku bixisay dhammeystirka mashaariic muhiim ah sida dhismaha waddooyinka, dib-u-habaynta…
Madaxweyne Gaas,wuxuu bogaadin usoo diray Ciidamada Difaaca Puntland ee ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada Calmiskaad. Mudo xileedkiisii hogaaminta PL,waxa uu la diriray argagixisada Daacish iyo AS,isagoo ku kala jabiyay Gobollada Bari,Nugaal iyo Mudug. Mudadii uu xilka hayay PL Madaxweyne Gaas,wuxuu galay Afar dagaal oo waa weynaa,kuwaasoo uu ku difaacayay xuduudaha iyo amniga PL…. 1.Dagaalkii Mudug ee Galmudug. 2.Dagaalkii Sool ee SL. 3.Dagaalkii Suuj iyo Garmaal ee AS. 4.Dagaalkii Qandala ee Daacish. Dhamaan dagaalladaas,waxa uu ka keenay guul. Sidoo kale mudadii uu ahaa RW JFS,wuxuu Xamar ka sifeeyay argagixisada AS.
Maanta argagixisadu,waxay Hoobiyayaal ku garaaceen Afgooye,taasoo muujinaysa in awoodoodu xoog badan tahay. Sidoo kale,waxay soo bandhigeen Hub,Saanad iyo Maxaabiis ay ku qabsadeen Saldhigii Awdhiigle. Argagixisadu,waxay gudaha Xamar geliyeen 2000-Maleeshiyo. Shabeellada Dhexe,waxay geliyeen 4000-Maleeshiyo. Shabeellada Hoose,waxay geliyeen 2000-Maleeshiyo ah. Dhaqdhaqaaqaas,waxa uu sababay in BC xoojiso difaaca Magaalada Muqdisho,markii DFS ku fashilantay Difaaca Magaalada. Maraykanka iyo Turkigu,waxay sameeyeen xoojin Dhanka Diyaaradaha,halka Ciidamada Atmis ay xoojiyeen Kayntaroolada iyo Goobaha kale ee laga soo galo Magaalada. Garaacis ay sameeyeen Diyaaradaha Drons-ka BC,waxaa lagu dilay Daraasiin Maleeshiyada AS ah,taasoo yaraysay dhaqdhaqaaqii argagixisada ee ay hadba Fariisin ku weerarayeen Labadii Maalmood ee ugu danbeeyay. Majiro Hal…
Gudoomiyaha cusub Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuuduf,ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho oo fadhi u ah hay’adaha Fadaraaliga ee JFS. Magaalo walwal looga qabo in ay mar uun gasho Gacanta Argagixisada AS. Maxamuud,wuxuu la kulmay MW Xasan oo Maalmo ka hor si dirqiya uga badbaaday isku day dil ah oo argagixisadu usoo maleegtay. Dadka xog ogaalka ah,waxay leeyihiin Maxamuud waxba kama qaban karo xaalada Somaliya marka laga tusaale qaato Laba Qodob…. B.Ururka uu hogaaminayo awoodiisa iyo daacadnimadiisa. T.Saamaynta ay ku leeyihiin hogaamintiisa Itoobiya iyo Jabuti. Caqabado waa weyn oo ubaahan xal,ayaa horyaala Maxamuud markay timaado Geeska Afrika… 1.Colaada Somalida iyo Canfarta…
Hay’adda Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya ee NIRA oo beenisay in deegaanno ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug.
Duqa Magaalada oo si weyn uga horjeeda Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si rasmi ah loo xiray iyadoo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq. Ekrem Imamoglu oo ah Duqa Magaalada Istanbul,ayaa la filayay in Xisbiga Jamhuuriga ee CHP u xushaan in uu u noqdo masharax madaxweyne doorasho maanta oo Axad ah la filayay in ay dhacdo. Mamoglu waa beeniyay eedahaas. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada,ayuu sidan ku yiri “Marna hoos isuma dhigayo”. Xarigiisa Arbacada waxaa ka dhashay dibadbaxyadii ugu weynaa in ka badan 10 sano. Madaxweyne Erdogan,ayaa cambaareeyay dibadbaxyada, wuxuuna ku eedeeyay Xisbiga CHP in ay isku dayayaan “in ay carqaladeeyaan…
Magaalada Jigjiga iyo qeybo badan oo ka mida magaalooyinka ku yaalla bariga dalka Itoobaaya ayaa maalintii shanaad koronta la’aan ay ka jirtaa taas oo saamayn ku keentay qaybaha kala duwan ee nolosha magaalooyinkaas. Maqnaansha korontoda ayaa timi ka dib markii xatooyo loo gaystay taawarada korontada gudbiya ee agagaarka magaalada Awash taas oo keentay koronto la’aanta Jigjiga sida uu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga Eng Shaafi Axmed Macallin. “Guud ahaan dalka waxaa korontada laga helaa galbeedka iyo bartaha Itoobiya, waxaana soo qaada taawaro waaweyn, waxa dhacday xatooyo biraha layrka qaada loo gaystay, birahaas oo muddo dheer xatooyo loo geysanayo oo…
Madaxweyne Gaas,wuxuu kor istaagay Sadex Qodob oo Xaalka Wadanku ku jiro muhiim u ah,kuwaasoo kala ah… 1.Wadanka khatarta uu ku jiro & dabeecada Dadka Somalidu say tahay hal abuurnimadooda oo haday Dalkooda fursad fiican ka heli lahaayeen siday dibada uga heleen Wadankeenu u horumari lahaa. 2.Sida SL & arrinkeeda uu uga hadlay oo ugu dhiiraday kala Go’a cid horay sidaa ugu dhigtay oo Siyaasi Somaliyed ahi ma jirin,haday noqon lahayd Madaxda DFS iyo Kornayladii SNM ee Ina Kahin iyo Ina Biixi. 3.Sida uu u dul istaagay khataraha Soomaaliya dul hoganaya & in ay jiraan xiligan Wadamo Shisheeye oo si cad…
Aqoonsiga Qaranka ( National ID),waa Aqoonsi Sharciyad haysta oo waafaqsan nidaamka Fadaraalka. Waxaa maalgaliya Maraykanka iyo QM,waxaana looga gol leeyahay in cadayn loo helo Muwaadinka Somaliyed. Inta badan Dadku,waxay u isticmaalaan qaadashada Basaboor Somaliga,waana Lacag la’aan qaadashadiisa. Qofku iskuma diiwaangelin karo qaab Online ah oo waa in uu Xaafiis tagaa oo laga qaadaa Sawir iyo Faro. Marka Qofku isdiiwaangelinayo,waxaa laga qoraa Magaca,Da’ada iyo Goobta dhalashada. Horay,waxaa la qori jiray Magaalada uu ku dhashay Qofku,hadase,waxaa lagu daray DG uu kasoo jeedo oo hadii aad Galkacyo ku dhalatay,waxaa ku jira Barnaamijka la isticmaalayo Galkacyo PL iyo Galkacyo Galmudug. Diiwaangelinta Doorashada? Qorshaha Xasan…
Garoowe, 22 Maarso 2025 – Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF. Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.…
VOA,waa la tabay? 1.Waxay ahayd Idaacadii Qaranka. 2.Waxay ahayd Idaacad aan gaar loo lahayn. 3.Waxay ahayd Idaacad dhexdhexaad ah. 4.Waxay ahayd Idaacad lagu ilaaliyo Afka Hooyo. 5.Waxay ahayd Idaacad lagu soo hirto. 6.Waxay ahayd Idaacad kulmisay Saxafiyiinta,Aqoonyahanka,Culumada iyo Qaybaha Bulshada Somaliyed. 7.Waxay ahayd Idaacad door weyn ka qaadatay dagaalka argagixisad. 8.Waxay ahayd Idaacad door ka qaadatay Dowlad dhiska Somaliya. VOA maalmihii ay hawada ka maqnayd,waa la tabay,gaar ahaan Bulshada aan isticmaalin Baraha Bulshada,ayaa tabay. Qiyaastii 45% Bulshada Somaliyed ee sida tooska ah ugu xiran Radio,ayay ka mid ahayd Nolol maalmoodkooda. Waxaa kaloo VOA ay u ahayd Goob Somalidu udoonato Warka…
Al-Shabaab has taken control of three critical bridges in Lower Shabelle, raising major concerns about the security of Mogadishu. The militant group captured: 1. Awdheegle Bridge 2. Bariire Bridge 3. Aanoole Bridge Only Jannaale Bridge remains under government control. These bridges are vital routes leading to Mogadishu. When controlled by the government, they helped block Al-Shabaab from moving explosives into the capital, reducing suicide bombings. With three of the four now in militant hands, security experts warn that Mogadishu is at serious risk. In a separate development, Al-Shabaab claimed to have taken Guulane, near Aden Yabaal, shortly after President Hassan…
Qasrigii Madaxtooyada Sudan,waxaa laga saaray Maleeshiyadii RSF ugu danbayn. Tan iyo 2023-dii ayay Gacanta ku hayeen RSF Madaxtooyada,waxayna u ahayd Xarun muhiim ah oo Saldhig u ah wax iska caabintooda gudaha Caasimada Khartuum. Sudan,waxay gashay colaad sokeeye oo foolxun,waxaana tusaale kaaga filan in Xaruntii Madaxtooyada muuqaalkan yeelato. Dowladnimo dhinacyo badan leh oo mudo soo dhismaysay,ayaa hoobatay xaqiiqdii. Halkan ka daawo muuqaalka
Way muuqatay AS in ay usocdeen qabsashada Gobolka Shabeellada Hoose oo dagaalka ay ka wadaan Gobolka kale ee Shabeellada Dhexe ay uga gol leeyihiin mashquulin oo kaliya. Haatan,waxay Gacanta ku dhigeen Buundooyinkii muhiimka ahaa ee Shabeellada Hoose sida Awdhiigle. Sidoo kale,waxay Maanta qabsadeen Sabiid iyo Canoole,iyagoo dilay Talyihii Ururkii No-50 Jareer. AS,waxay usocdaan in ay qabsadaan ugu danbayn Qaybo ka mid ah Xamar oo kala ah…… 1.Deynile. 2.Suuqa Xoolaha. 3.Huriwaa. 4.Kaxda. 5.Ceelasha Biyaha. Hadii ay usuurowdo AS in ay maamulaan Degmooyinkaas,waxay utahay fursad weyn,wayna adkaan doontaa in laga saaro. Sidoo kale,waxay ka badbaadi doonaan Garaacista Diyaaradaha oo waxay dhexgeli doonaan…
Sh.Shariif,shuruud adag,ayuu ku xiray Xasan Shiikh,taasoo ah… “Hadaad rabto in aan dagaalka Wadajir ugalno jooji waxa aad ugu yeertay Doorashada iyo Kaararka aad qaybinayso”. Fariintaas Sh.Shariif,waxa uu udhiibay Odoyaal dhexdhexaadinayay Labada Nin,kuwaasoo ay hormuud u ahaayeen… 1.Baadiyow. 2.Cumar Dhagey. Sh.Shariif,waa miruq jira markay timaado Xisaabta hoose ee Beelnimo isaga iyo Xasan,waana awooda dhabta ah ee AS jabin karta, isla markaana hor taagan damaca Xasan ee mudo kororsiga. Xasan,waxa uu Cadale utagay in uu Beelaha ku qanciyo dagaalka in ay ka qaybgalaan,umase suuroobin ilaa iyo hada. Taladu,waa ka baahday Xasan,wax Gacan ugu jiraana majiraan. JQ.
Madaxweynaha Maraykanka, waxa uu baabi’iyay Waaxdii Waxbarashada Fadaraalka gebi ahaanteed. Trump,waxa uu sheegay in Waxbarashada loo daayay DG,Magaalooyinka iyo Qoysaska. President Trump Signs Executive Order to Eliminate the Department of Education “Closing the Department of Education would provide children and their families the opportunity to escape a system that is failing them.” President Trump. Talaabadan oo kale,waxaa ubaahan in ay qaado Somaliya oo la baabi’iyo Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka,sababtoo ah looma baahna. Waxbarashada,waxaa iska leh DG iyo Degmooyinka.
Bilida bilicda Caasimada Garowe iyo Afur Wadareedka lagu qabtay,waxay meel sare gatsay Puntland. Reer Puntland,waxay fariin qurux badan oo ay Somalida ku mataleen,ayay caalamka udireen. Waxay muujiyeen in ay jirto Qaybo Deegaamada Somalida ka mid ah oo xasiloon. Waxay muujiyeen in ay jirto Bulsho Somaliyed oo Nabada iyo Nidaamka udiyaarsan oo ilbax ah. Waxay muujiyeen in ay jirto Qayb Somalida ka mid ah oo argagixisada ka adkaaday iskana sifeeyay kuna cawaynaya xasilooni. Waxay muujiyeen in ay jirto Magaalo Somaliyed oo qurux badan. Reer Puntland Magac iyo Sumcad Somali hesho,iyagaa,ayaa sababa oo dhaliya mar walba.
Sarkaal Jareeroow oo ahaa Talye Urur iyo ilaaladiisii,ayay argagixisada AS Qarax ku dileen. Jareeroow,waxa uu ahaa Talyihii Ururka No-50 fadhiyay,waxaana Qaraxa lala eegtay,isagoo ugurmanaya Deegaamada cusub ee AS qabsatay. Sidoo kale AS,waxay Gacanta ku dhigeen Deegaamada Sabiid iyo Caanoole oo 10-km ujirta Afgooye Shabeellada Hoose. AS horay,waxay usoo qabsadeen Awdhiigle oo ah Deegaan muhiim ah. Ujeedka AS,waa in ay si buuxda uqabsadaan Gobolka Shabeellada Hoose,kadibna ay ugudbaan Qaybo ka mid ah Xamar. Sida muuqata Shabaab si weyn ayay usoo xoogaysanayaan,waxayna muujinayaan awood.
Garoowe: 20 March 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa bulshada Caasimada Garoowe kala qayb galay kulan Afur wadareed ah oo uu soo qaban qaabiyey Duqa Caasimadda Puntland Cabdiqaadir Geedi. Afur wadareedka oo ka qabsoomay fagaaraha Caasimada ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu xoojinayey isdhexgalka bulshada iyo soo bandhigista bilicda iyo horumarka ay ku tallaabsatay Caasimada oo hadda yeelatay Wadooyin qurxoon, bilic leh isla markaana loo diyaariyay kulamada bulsho ee noocan oo kale ah. Kulanka waxa kasoo qayb galay Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, siyaasiin, culima’udiin, Dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Garowe.
Socdaalka W.Dowlaha arimaha Dibada Wadanka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho soo gaaray,wuxuu ku salaysnaa umuujin Taageero DFS. Wuxuu ahaa socdaal niyad dhisid iyo taageero umuujin ah,kadib Qaraxii isku dayga dilka ahaa ee MW Xasan Shiikh ka badbaaday. Waxaa jira Dhaqaale aan buurnayn oo kabid Miisaaniyadeed ah oo ay Imaaraadku ufasaxeen DFS. Marka laga soo tago booqashadan niyad dhiska ah lama filayo Imaaraadku in si buuxda ugarabgalo Xasan Shiikh. Imaaraadku,waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay …. 1.PL. 2.SL 3.JL.
Xasan Shiikh dib,ayuu ugu soo laabtay Xamar,kadib Hal Habeen oo uu soo seexday Aadan-yabaal. Soo laabashadiisa oo ahayd lama filaan,ayaa waxaa sababay amnigiisa oo loo baqay kadib markii AS Madaafiic kusoo garaaceen Aadan-yabaal. Maalin ka hor ayay ahayd markii Gawaaridii galbinaysay Xasan Shiikh oo ahayd Lix Gaari oo kuwa Madaxtooyada ah ay Sadex ka mid ah ku burbureen Qarax argagixisadu AS udhigtay Wadada. Dhanka kale AS,waxaa Gacantooda galay Laba Qore oo ka mid ahaa Hubkii Masar keentay oo wax ka garaaci kara 30-Km. Xaqiiqdii waa walwal iyo fariin khatarteeda leh oo guud ahaan Somalida in MW-nihii furimaha hore ee dagaalka…
Daqiiqado ka hor,waxaa Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Xalane. Shalay Wadada kaliya ee Madaxdu marto markay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade usocoto,ayaa Qarax lagu weeraray kolonyadii MW,waxaana la burburiyay mid ka mid ah Sadexda Gaari ee Calanka la saaro,balse nasiib wanaag kii uu ku jiray MW ma noqon,malaha xogtaa ka khaldantay. Waxaa kasii horeeyay digniino amaan oo sababay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade. Waxaa kasii horaysay in RW Itoobiya oo soo degaya lagu weeraro Hoobiyayaal. Tuuta xirashada iyo Aadista Aadan-yabaal ee Xasan Shiikh,waa Sanbuuse laga adimay,sababtoo ah…. 1.Argagixisadu Xamar ayay buux dhaafisay,waxayna si cad u weerarayaan Xarumihii muhiimka ahaa.…
Daqiiqado ka hor,waxaa Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Xalane. Shalay Wadada kaliya ee Madaxdu marto markay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade usocoto,ayaa Qarax lagu weeraray kolonyadii MW,waxaana la burburiyay mid ka mid ah Sadexda Gaari ee Calanka la saaro,balse nasiib wanaag kii uu ku jiray MW ma noqon,malaha xogtaa ka khaldantay. Waxaa kasii horeeyay digniino amaan oo sababay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade. Waxaa kasii horaysay in RW Itoobiya oo soo degaya lagu weeraro Hoobiyayaal. Waxay umuuqataa in AS awood muuqata soo geliyeen gudaha Xamar.
Dhulkii la oran jiray gaari waa,waxaan ubadalnay mid Visa loo qaadan doono oo ku noolaanshihiisa lagu tartami doono. 26-Sano ka hor,waxay ahayd Tuulo yar oo kooban Garowe. 26-Sano kadib dhismihii Maamulka Puntland,waxay noqotay Caasimada Siyaasada Sadex meelood oo meel Somaliya,waxayna yeelatay muuqaalkan. Puntland dhismaheeda,waa sababta ay noogu leedahay qiimaha weyn. Sidoo kale nidaamka Fadaraalka ah,waa waxa uusan gorgortan nooga jirin oo Somaliya Fadaraal ah hadaan la helayn aan taaganahay Somali la’aan baan dooranay. Shacabka reer Puntland,waa awood aan la dhayalsan karin.
48-dii saac ee u danbeeyay,waxay dileen Ciidamada Difaaca Puntland in ka badan 23 Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale. Sidoo kale waxay Ciidanku waxay hawlgalo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenle. Firxadkii Argagixisada Daacish,ayaa Ciidanku ku raadjoogaa. Dhanka kale Toga-jeceel,waxaa Miino Kila kacday Gaari ay lahaayeen Ciidamada Difaaca Puntland,waxaana ku Shahiiday 8-Askari,halka Afar kale ku dhaawacantay. Halkan ka daawo muuqaalka
Safaarada UK,waxay canbaaraysay Qaraxii weynaa ee lala eegtay Kolonyadii MW Xasan Shiikh. Safaaradu,waxay Tacsi udirtay ehelada Dadkii ku naf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay. Waxay Safaaradu si cad usheegtay in ay garab taagan tahay DFS. Qaraxii Maanta,waxa uu ahaa mid khatartiisa lahaa oo sigay Madaxweynaha DFS ee haysta Aqoonsiga Caalamiga ah.
Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland. Kulankan,waxaa looga hadlay Laba Qodob oo kala ah… 1.In la dardargeliyo hawlgalka sifaynta argagixisada. 2.In la dhameystiro inta yar ee ka harsan firxadka argagixisada. Barta Taliska ee laga hogaaminayo hawlgalka sifaynta argagixisada ee Bosaso,ayuu ka dhacay kulankan.
𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞: 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝟏𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyeynta iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka. Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:- 1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku halayn karo.…
Tan iyo marki uu bilowday dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish Waxa jira dhacdooyin badan oo qormaya oo ay ka mid tahay dhacdada Cabdiraxmaa Faysal Baarcad (Dhagadheere) oo ah dhacdo mudan in aynu si gaar ah u xusno. Maxay tahay haddaba dhacdada Cabdirixmaan Faysal Baarcad oo ah dhacdo foolaad u ah dhacdooyinka ka dhex dhacaya dagaalka aan kula jirno argagixisada khawaarijta ah ee daacish? Carbdirxaam Faysal Baarcad waxa uu ku dhashay degsiimada Duud-hooyo ee degmada Rako Raaxo ee Gobolka karkaar. Waa 19 jir ka tirsan ciidamada Dowlada Puntland gaar ahaa daraawiishta. waa curadka reerka oo ka kooban 11 qof. Cabdirixmaan…
Burbur xoog badan,ayuu gaystay Qaraxii lala eegtay MW Xasan Shiikh Maanta xili uu ku wajahnaa Aadan-yabaal. MW,ayaa gaaray Aadan-yabaal si uu udhiirigeliyo Ciidamada dagaalka kula jira AS. AS sidaanoo kale ayay Hoobiyayaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade xilli uu kasoo degayay RW Itoobiya Todobaad ka hor. Waxaa kaloo xigay hanjabaado iyo xogo lamni oo la helay,kuwaasoo shergayay in la weerarayo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade,waxaana Duulimaadyadii joojiyay Diiyaaradaha Turkish Airways iyo Qatar Airways. Sidoo kale,waxaa isticmaalka Garoonka Aadan-cade ee Shaqaalaheeda hakad gelisay Safaarada Maraykanka. Xogaha amni ee laga helayo Xamar iyo Agagaarkeeda aad ayay u walwal badan yihiin.
AS,waxay isku dayeen in ay dilaan MW Xasan Shiikh,waase usooroobi wayday oo rabi,waa ka badbaadshay. Qarax culus ayay ku xireen dhisme ku yaalay Wadada uu marayay Madaxweynaha,waxayna la beegsadeen mid ka mid ah Sadexda Gaari ee MW lagu qaado oo Calanku suran yahay. Tani,waxay muujinaysaa awooda AS iyo diciifnimada Laamaha amaanka DFS oo Nisa ugu horayso. Hadii amaanka MW lagu filnaan waayay sugidiisa ma kan muwaadinka caadiga ah,ayaa lagu filnaan karaa?.
Laahoor,waa Xanuunsanaa wakhtiyadii ugu danbeeyay,waxa ugu daran ee hayay,waxa uu ahaa Xanuunka Dhiig karka,sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka. Xalay,ayaa la geeyay Labo Isbitaal oo ku yaal Bosaso,kuwaasoo mid yahay Kaafi,waxaana loogu sameeyay baaris Caafimaad,mana jirin wax Xanuun ah oo laga helay marka laga soo tago Dhiig karka. Ka hor intaan la gayn Isbitaladaas,waxaa kaloo lagu soo baaray Isbitaalka Ciidamada Badda. “Geeridiisa,waxa sababay,waa Xanuun caadiya,wayna soo bandhigaysaa Dowladu dhawaan jawaabihii laga helay baaristiisii Caafimaad ee lagu sameeyay Xalay intuusan dhiman ka hor iyo kadib”Ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolka Bari. Laahoor,waxay Maxkamada Ciidamada PL ku xukuntay Dil…
Somaliland’s Pursuit of Recognition: A Reality Check Can Somaliland Attain Recognition from the Federal Government of Somalia? The question of Somaliland’s statehood is fundamentally a matter that must be decided by the Somali people and the Federal Government of Somalia (FGS), not external actors. The broader Somali population does not support the fragmentation of the nation, nor do they wish to see any part of Somalia secede. Moreover, the President of Somalia, as the head of state, cannot and should not advocate for the disintegration of the country. His mandate is to uphold national unity and sovereignty. Opportunities for Somaliland…
SL,waxaa Lacagtii kaga dhamaatay Xildhibaano Xisbiga Jamhuuriga ah iyo Joornaalo ay ka dhex baadigoobayso Aqoonsi. SL maka heli kartaa Aqoonsi DFS? SL in ay noqoto Qaran gaar ah,,wuxuu ka go’aa Shacabka iyo DFS ee kama imaanayo Dibada. Shacabka Somaliyed ma danaynayaan in ay kala tagaan oo Qayb ka mid ah laga jaro. Sidoo kale MW Somaliyed oo Villa Somaliya fadhiya kama Shaqayn karo kala taga Wadanka. SL iyo fursadaha Midninada? Shacabka SL,waxay wada socodka Somalinimada ku heli karaan fursado waa weyn oo laga xusi karo…… 1.Caasimada JFS oo ay qaadan karaan. 2.Awoodo Siyaasadeed oo ay heli karaan. 3.Miisaaniyad soo kabasho…
By:-Cabdirisaaq Jubba. Sacuudi Carabiya ayaa Balaayiin Doollar Ku maalgashanaysa Dekedda Casab Ee dalka Eritrea,taasoo dhacda Badda Cas . Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ay go’aansatay inay balaayiin dollar ku maalgeliso dekedda Casab , Tallaabadan ayaa la socota Hiigsiga 2030-ka Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, kaas oo ujeedkiisu yahay in la ballaariyo saameynta dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Sacuudiga uu ku leeyahay Afrika iyo gobolka Badda Cas. Lacagta ugu badan ee Maalgashiga sucuudigu,Wuxuu ku baxayaa in la casriyeeyo oo la balaariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dekeda Cassab. Sucuudiga dantiisu waa ay dhaafsiisan tahay kobcinta dhaqaalaha,Sidookale waa tallaabo istiraatijiyadeed juquraafiyeed oo dib…
Mid kamid ah Magaalooyinka ugu Quruxda badan Dalkeenna ee ku wanaagsan Dalxiiska. By:-Abdirahman Bulshaawi
Several employees at Voice of America were placed on paid leave on Saturday, one day after President Donald Trump signed an executive order gutting the U.S. government-funded media outlet’s parent and six other federal agencies. Multiple workers at Voice of America, an international media broadcaster that operates in more than 40 languages, shared with Reuters an email that placed them on administrative leave with full pay and benefits “until otherwise notified.” The emails, sent by a human resources executive at the U.S. Agency for Global Media, the VOA’s parent agency, instructed them not to enter their work premises or access internal systems.…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Cagta mariyeen Talisyo argagixisadu ku dhuumaalaysanaysay oo kala ah…. 1.Godmadow ee Curaar. 2.Lugta Laasku Wehelle. 3.Isha Dharabato oo ka tirsan Togga Jaceel. Ciidamadu,waxay halkaas ku dileen Laba Nin oo Miinaystayaal ah oo argagixisada ka mid ah. Sidoo kale,waxay Ciidanku ka furteen argagixisada…. 1.Gaari Iska-rogo ah. 2.Gaari yar oo ay furfureen. 3.Hubka noocyaddiisa kala duwan. 4. Mootooyin. 5.Saad. 6.Sahay. 7.Lacag. 8.Dahab. Dhamaan Agab,waxay ku Aaseen Godad oo laga soo saaray.
Boqol Xildhibaan,ayaa ka hor yimid oo buriyay in Xildhibaan Maxamed Abiib laga qaado xasaanadii Xildhibaanimo oo laga saaro Golaha. Xildhibaanka la beegsaday,mudo,wuxuu daba socday Mashaariic la musuqmaasuqay iyo Maamul xumo dhacday. Xaqiiqdii,waa Sharcidaro aan Geed loogu soo gaban in Xildhibaan ku waayo Xubininadiisii dhaliil Golaha fulinta uu usoo jeediyay. Xildhibaanadu,way dhiiradeen,sababtoo ah mid walba,way saamaynaysaa go’aankan oo waxay u ekaanayaan Ari meel ku xaraysan oo kii la rabo lagala bixi karo. Aadan Madoobe,waa Gudoomiyihii ugu liitay oo soo mara Gudoonka Baarlamaanka,waana Nin aan waxba xeerin oo kaliya ku Shaqeeya laaluush. Si Guud Baarlamaankan,waa kii ugu Tayo xumaa Baarlamaanadii Wadanka soo…
Firdhiye,wuxuu lasoo booday Kayntaroolka Firiryaale ee PL hala qaado. PL,waxay jawaab uga dhigtay Ciidankii fadhiyay Difaaca hore in ay kusoo celiso Kayntaroolkii Fariryaalihii uu Firdhiye yiri hala qaado. Kadib,isagoo cabaadaya,ayuu Karaash soo wacay oo ku yiri maxaa saa loo sameeyay? Karaash,wuxuu ugu jawaabay..(Waxaadan bi’in ma ba’soomin). FG: Ciidanka Difaaca Salinta fadhiya,waa Sadex Urur oo si buuxda qayb uga ah Ciidamada Difaaca Puntland. Halkaas markay marayso,ayuu dhacay dagaalkii Buqdharkayn,waxaa markaas lagu khasbanaaday in Ciidanka halkiisii lagu celiyo ilayn Firdhiye,waxba mahayee. Dagaalkii Buqdharkayn,dhaawicii ka dhashay oo gaaraya 130-Nin,waxaa la keenay isbitaalka Garowe,sababtoo ah kan LC maleh Dhakhaatiir iyo Qalab ku filan la…
Waa dhab in si ka qurux badan sida uu udhigay Wiilkaa Dhalinyarada ah hadalkiisa udhigi karay,waxaana hadalkiisu gaf ku yahay kala danbaynta iyo Sharciga Puntland. Shiikha Xaaskiisu danbi ma gelin oo waa Gabar reer Puntland oo Sharfan. Culumadu,waa Tiir ka mid ah Tiirarka Bulshadu ku taagan tahay oo leh xurmo weyn,waase khaldami karaan,waana la dhaliili karaa. Si gaar ah Shiikhan,waxaa kasoo baxa hadalo iska hor yimaada oo khatar ku ah Bulshada,waxaana ka muuqata in uu mudan yahay in dib u eegis lagu sameeyo masuuliyadaha uu hayo. (Nimankaas,waa Islaam oo lama layn karo),Ma’ahayn hadal fudud oo la qaadan karo. Nimanka uu…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa Golaha Shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201.
AS,ayaa saaka oo Sabti ah lagu soo waramayaa in weerar abaabulan ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda, ee ku sugan Awdhiigle ee Gobolka Shabeellada Hoose,waxaana halkaasi ka dhacay iska hor in aad xooggan oo qaraxyo la socdeen. Weerarada argagixisada AS ee Deegaamada Xaawa Cabdi iyo Jihada Awdhiigle ee Maanta iyo kuwii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Balcad oo dhamaantood Xamar ujira markay ugu fog yihiin 30-KM,waa fariimo khatar muujinaya. In AS isku dayaan si muuqata Ciidan hubaysan in ay ku galaan agagaarka Xamar,waa dhiiranaan cusub. Horay,waxay ku hawlgeli jireen qarsoodi,balse sida hada muuqata,waa bareerayaan,waxayna rabaan in ay ugu yaraan Qaybo ka…
Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa hawlgal ka sameeyay Deegaannada Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee Buuraha Calmiskaad Hawlgalkaas ayay ku dileen Madaxii Drons-ka argagixisada Daacish. Waxay kaloo ku qabteen Saanad Ciidan iyo Talisyo. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal,ayaa Afar Sano oo Xabsi ah ku Xukuntay Cabdifitaax Cabdinuur oo meel fagaare ah Jirdil ugu gaystay Maxamed Caadil oo ah Wiil yar oo Yamani ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Baaqa Nabadeed Colaadaha Gobolada Sool iyo Sanaag ee Madaxweyne Deni. Sanaag xasiloonideedu,waa Geed ka go’an. Shaqaaqo,waa dhacdaa balse,waa in laga daba tagaa oo la daba qabtaa. Dowlada Puntland,waa ku amaanan tahay ka hawlgelideeda Shaqaaqadaas. Sanaag,waxaa usocota dhismaha Wadadii muhiimka ahayd ee Ceeldaahir-Ceerigaabo,kadibna,waxaa ku xigi doona tayaynta hay’adaha Dowlada ee heer Gobol. MW waxa uu tagi doonaa Badhan oo ka hogaamin doonaa Wajiga Afraad ee sifaynta argagixisada oo Calmadow lagu aadi doono. Halkan ka daawo muuqaalka https://x.com/JibrilQoobey/status/1900136132735631729?t=aQH6-KJOoAqAWypj0srghA&s=19 https://x.com/JibrilQoobey/status/1900143004012122317?t=zMr2bPTyZju4B2-itVOU1Q&s=19
Hadaljeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Abdi Farah Juxa uu ka jeediyey deegaanka Shimbiraale ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Halkan ka daawo muuqaalka https://x.com/JibrilQoobey/status/1899922006227014141?t=Bz07sSo0ZHk6T_OPIGmWww&s=19
“Waxaan idiinka cududaarayaa wixii dhacay in aysan dib dambe u dhicin”Ayuu yiri Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Halkan ka daawo muuqaalka https://x.com/JibrilQoobey/status/1899905108747682081?t=h7d5axS8B8NEZLbq2Sp6LA&s=19
Ceelbuuh: March 12, 2025: Waftiga Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Abdi Farah Juxa uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane, H.E Abdirahman Khaliif Faarah Waftiga dhaqanka ee uu hoggaamiyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire ayaa shir kula yeeshay magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag guddiga guurta ka kooban 27 oday dhaqanmeed ee xalinta dhacdadii Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag. Shirkaan ayaa waxaa looga wada hadlay warbixinta guud ee dhacdadii meesha ka dhacday, u mahadcelinta labada beelood sida wanaagsan ee ay isku xakameeyeen, ciidamada amaanka iyo odayaasha galay hawsha maalintii 1-aad.…