Author: Jibril Qoobey.

Ismaaciil Cumar Geelle,waxuu uyimid Sadex arimood oo qarsoonaa Somaliya,kuwaasoo kala ah… 1.La dagaallanka argagixisada qandaraasyadeeda in uu wax ka helo. 2.Somaliland in laga hor istaago Shidaal baarista. 3.Dekeda Garacad in laga hor istaago helida Mashruuca dhismaha Wadada Garacad-Goldogob. Hadafkiisu waa dan Ganacsi oo Qoyskiisa ugaar ah oo uu ku qarinayo Danta Jabuti. Ismaaciil Somaliya,waxuu u arkaa fursadiisa uu ku samayn karo dhaqaale horayna ugu soo sameeyay. Siyaasiyiinta Beesha Hawiye,waxuu arkaa Rag ay iskula jaanqaadi karaan samaynta dhaqaalaha,halka kuwa PL iyo SL uu iska ilaaliyo. Saacad walba,waxuu ku dadaalayaa in aysan Somaliya dib ukaban,midoobin oo ay isaga hoos joogto dulaalna uu…

Read More

Labada Qodob ee ay Puntland ka Biyo diidday in Shirka Xamar go’aan looga gaaro waa kuwan… 1.Garsoorka lama Fadaraalayn karo ilaa Dastuurka la dhamaystiro. 2.Awoodaha Labada heer Dowladeed ee Somaliya,waxaa qeexaya Dastuurka umana baahna heshiis gaar ah kaliya waxay rabaan in la qabyo tiro Dastuurka. Labada Qodob waxay ku xiran yihiin dhaqangelintooda dhamaystirka Dastuurka. Shaqada ugu weyn ee hortaala Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah marka laga soo tago la dagaallanka argagixisada,waa dhamaystirka Dastuurka. Balse Madaxweyne Xasan oo ka duulaya dano dhaqaale rabana in uu maalgashi ku helo Dayn door ah,waxuu isku dayay in uu wax macjileeyo. Dowladnimada Somaliya,waxaa…

Read More

Waxaa maanta la filayaa in Ciidamada federaalka ee Itoobiya ay galaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la fulinayo heshiiskii nabadeed ee ay dowladda iyo jabhadda TPLF kala saxiixdeen 2-dii bishii Nofeembar. Ciidamada Tigray,ayaa sidoo kale la filayaa in ay bilaabaan in ay Hubkooda culculus ku soo wareejiyaan Dowladda. Shalay, Shirkadda isgaarsiinta ee Ethiotelecom ayaa ku dhawaaqday inay dib u billowday adeegyadii isgaarsiinta Magaalada Mekelle. Isniintii,ayaa ergadii ugu horeysay oo ka socota Dowladda Federaalka ay gaareen magaalada Mekele tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 2-sano ka hor.

Read More

Wasiirka difaaca Israa’iil,ayaa Arbacadii hadal weyn oo suurtagalnimsiisa ay ku xiran tahay waakhriga ku sheegay in laga yaabo in Israa’iil ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran laba ama saddex sano gudahood. Iyadoo dadaallada caalamiga ah ee lagu cusboonaysiinayo heshiiska nukliyeerka ee 2015 uu wiiqmay, ayaa Iiraaniyiintu waxay kor u qaadeen kobcinta uranium-ka, habka isticmaalka rayidka ah kaas oo ugu dambeyntii soo saari kara shidaalka bambooyinka nukliyeerka – inkastoo ay diidaan naqshad noocaas ah. Khubarada ayaa sheegaya in Iran laga yaabo inay kor u qaaddo nadiifinta uranium-ka ilaa heerka hubka muddo gaaban gudaheed. Laakiin waxay sheegeen inay sannado qaadanayso in la dhiso…

Read More

Danbi Dastuuriya oo taariikhiya,ayuu galay Caawa Axmed Madoobe. Dekedii iyo Garoonkii Kismaayo,ayuu ku wareejiyay Damjadiid + Daljir. Ma waafajin Dastuurka JL iyo kan Fadaraalka ah wax la tashiyana kalama samayn Dadka reer JL. Waxuu ku badashay in mudo kororsigiisa loo ansixiyo,waxii ka danbeeyana masiirka Umadda ma tixgelin. 15-sano Ninkii lasoo dhisayay oo loogu hiiliyay Fadaraalka,loona gacangeliyay Maamul leh Calan,Dastuur iyo hay’ado Dowladeed Caawa Sanad ku darsiya,ayuu ka hayaa. Heshiiska rasmiga ah ee goobta lagu kala saxiixday ma’ahan kan la shaaciyay ee waxaa jira mid qarsoon oo Dekedaha iyo Garoomada lagula wareegay. Waa nasiibdarro weyn oo ay tahay in Shacabka Jubaland…

Read More

Puntland waxay caddeysay in aysan qeyb ka ahayn Labadii Qoddob ee Shirka ugu muhiimsanaa. Labada Qodob ee laga xaajoonayay,ayaa kala ahaa….. 1.Cadaalada oo ah in la helo Garsoor Madaxbanaan. 2.Awood qaybsiga oo ah in la qabyo tiro Dastuurka lana kala qeexo awoodaha Labada heer ee Dowladnimo. Puntland waxay soo jeedisay in Gudiyo loo saaro wakhtina la siiyo lagana Madaxbaneeyo Siyaasada. Balse Dowlada Fadaraalka waxay wadatay qorshe kale oo oranaya in hada xal laga gaaro. DG kale dhamaantood waxaa hogaaminaya Madax Mudo kororsi ku taagan yahay oo aan kala ogayn in ay sii joogayaan Sanadka soo socda danna aan kala hayn…

Read More

Muqdisho:28 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster. Kulanka waxaa looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Puntland kusoo fool leh, dhaqaalaha iyo Mashaariicda horumarin, waxaana ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey,ayaa Ururka Taalibaan ee ka arrimiya dalka Afqaanistaan ka dalbaday in si deg deg ah uu uga noqdo mamnuucidda uu ururkaasi haweenka ka mamnuucay in ay ka shaqeeyaan hay’adaha samafalka. Golaha oo ka kooban 15-ka xubnood,ayaa sheegay in wax aad looga walaaco ay tahay xayiraadaha Taalibaanku ay ku soo rogeen dumarka dalkaasi, kuwaa oo ay sheegeen in ay lid ku yihiin ballanqaadyadii ururkani uu u sameeyay shacabka dalkaasi markii uu xukunka la wareegay. Taliban,ayaa todobaadkii hore xirtay Shan Haween ah oo ka qeyb qaadanayay banaanbax ka dhacay caasimada Afgaanistaan ​​ee Kabul, kaasoo looga soo horjeedo mamnuucida…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa maanta Shir guddoomiyay kalfadhiga Labaad kulankiisa 4-aad ee wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad JFS. Qodobada horyaalay kulanka,ayaa waxay ahaayeen akhrinta Sadexaad iyo ansixinta Miisaaniyadda Dowlada Fadaraalka ee 2023. Wadarta guud ee Miisaaniyadda ,ayaa dhamayd $973,985,805. 172 -Xildhibaan,ayaa cod Gacan taag ah ku ansixiyay Miisaaniyada,wax diiday majiraan,isla markaana waxaa ka aamusay 1-Mudane. Boqolkiiba 71% Dakhliga Dowladda Dhexe,waxuu ku yimaadaa cawimaad shisheeye,taasoo muujinaysa in aan Dowlad Dhexe oo xor u ah dhaqaale ahaan iyo Amni ahaan weli Somaliya aysan ka dhismin.

Read More

Maxkamadda ugu saraysa Maraykanka,ayaa go’aan ay soo saartay ku xoojisay sharci xiligii Trump shaqaynayey, kaas oo ka hor istaagay kumannaan magan-galyo doon ah inay ka gudbaan xadka Mexico iyo Maraykanka. Sharcigan oo lagu magacaabo ( title 42) ayaa laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka sida sharci darrada ah u doonaya inay uga tallaabaan xadka Mexico iyo Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya ayaa soo jeediyey in sharcigan aan lagu dhaqin dadka magangalayo doonka ah, hase ahaatee waxaa ka biya diiday dadka kasoo hor jeeda in soo galootiga xadka loo furo. Biden,ayaa markii dambe soo jeediyay in sharcigani…

Read More

Ma’ahayn in Ra’isalwasaaraha Garoonka la keeno,waxay ahayd in uu ku booqdo Gurigiisa. Dad badan,ayaa ka xumaaday in uu tago Garoonka qaybna ka noqdo Dadkii soo dhaweynta utagay Ra’isalwasaare Xamse,iyadoo u arkay in uu bahdilay Kursiga uu ku fadhiyo. Xamse layskama indho saabi karo jileeciisa iyo isticmaalka Damjadiid ay sida xun u isticmaalayaan. Dowladnimada Somaliya waa Awood qaybsi matalaad ku fadhida. Kursiga Ra’isalwasaaraha waa Dastuuri leh awoodiisa oo Matalaad wata. Xoghayn rasmi ah oo sidii la doono laga yeelo,ayuu noqday Ra’isalwasaare Xamse. Siyaasadu maleh Niyad wanaag iyo Sxb joogta ah. Jibril Qoobey.

Read More

Laba Qodob oo Madaxweyne Deni leeyahay in lagu karaameeyo,ayuu mudan yahay,waxayna kala yihiin… 1.Qabka.2.Raqiis in uusan ahayn. Hadii Ra’isalwasaarihii iyo Madaxweynihii Jubaland safka galeen in uu gadaal uga dego oo ilaaliyo Kofiyadii saraysay ee Somalinimada,waa qabataa Madaxweyne Deni. Si cad markii loo wada hadlo oo Siyaasada Somalidu waxay ku dhisan tahay aan layska yeel-yeelin Daarood waa Koofiyada ugu saraysa maqaam Somaliyed. Taariikhda ma gelayso in Madaxweyne Puntland ah saf ugalo soo dhaweyn. Geelle maxaan Saf ugu galnaa? 1.10-jibaar PL baa dhul iyo Dadba kaga leh.2.Siyaasad ahaan nagama miisaan cusla.3.Dhalasho ahaan noogama leh.4.Qalbi wanaag iyo Somalinimo ma agtaal.5.Dhaqaale PL baa 10-jeer…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka. Labada Madaxweyne ee walaalaha ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed. Intaas kaddib, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu weheliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacan-qaaday Madaxda soo-dhaweynta ugu timid ee heer-dowlad goboleed iyo heer Federaal oo ay…

Read More

Dowlada Fadaraalka Somaliya oo ka hor timid hawlgallada Shidaalka lagaga baarayo Somaliland. Waa muhiim in la joojiyo Shidaal Baarista Somaliland sababtoo ah waxaa ka imaanaysa saameyn dhaqaale oo aan Dowlada Fadaraalka ah soo marin. Waa in uu soo maraa heshiiska Shidaalka Dowlada Fadaraalka laguna qotomiyaa xeerarka jira ee Somaliyed. Somaliland waa Gobol ka mid ah Dhulweynaha Somaliyed. Warqadan waxay toos usaamaynaysaa Shirkada heshiiska la gashay Somaliland,waxaana istaagaya hawlgalkii oo idil. Doodu ma’ahan in Somaliland loo diidan yahay horumar,balse waa in ay soo marto xeerarka Dalka aqbashana matalaada Fadaraaliga ah. Halkan ka akhriso:-

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa Warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga, Irit Lillian, iyadoo labada Dowladood ay caadi ka dhigayaan xiriirka ka dhexeeya. Turkiga iyo Israa’iil,ayaa bilaabay in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sanadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro. Labadan Dal,ayaa ku heshiiyay “In ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xiriir ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac. Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa…

Read More

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Aadan Barre Ducaale Wasiirka Gaashaandhiga Kenya,ayaa Wararku sheegayaan in ay Beri kusoo wajahan yihiin Muqdisho. Sida la sheegayo waxay qayb ka yihiin qorshaha socdaalka ee Madaxweyne Geelle ku imaanayo Muqdisho. Ujeedka Geelle waa in uu tirtiro sawirkii ka dhashay Meherkii Gabadhiisa oo markale uu isku muujiyo Oday Somaliyed. Somali badan,ayaa u aragtay in Xafladii Meherkii Gabadha Geelle loo badalay kulan lagu xoojinayo isbahaysi horay loo maqlay oo ku dhisan Hab Qabali laguna magacaabo Iririsim. Irir-samaale waa isbahaysi horay ujiray oo uu hada boorka ka jafay Madaxweyne Geelle,kaasoo ay ku midaysnaayeen Beelaha Dir iyo Hawiye. Balse su’aasha…

Read More

Ciidamada Booliska Puntland oo galbinaya Gudigii Diiwaangelinta iyo Agabkoodii,ayaa dhaafay Dangoronyo si Nabadgelyo ah. Dhalinyaradii koobnayd ee lagu ururshay meel udhow Karin-dhiig,waxaa kala diray waxgarad is abaabulay intaan Ciidanku soo gaarin. Sida muuqata Dowladu si Caqli ku dhisan ayay ku maaraysay xaaladii ka jirtay Aagaas. Gudiga iyo Agabkiisa,ayaa ku wajahan Gobolada Bari iyo Karkaar oo 5-ta Bisha ay qorshaysan tahay in Diiwaangelintu Cod bixiyayaashu ka bilaabato.

Read More

Imaanshihiisa Muqdisho ee kalifay in Shaqadii Garoonka loo hakiyo waxa ugu weyn ay daaran tahay,waa Sadex Arimood oo kala ah… 1.Ka jawaabida Martiqaad Xasan horay ugu fidiyay. 2.Akadeemiyada Afka Somaliga oo horay Xariga looga jaray in uu markale isku sawiro. 3.In uu isku muujiyo Oday Somali udhex ah oo uu tirtiro masawirkii xumaa ee uu bixiyay kulankii Meherka lana kulmo Madaxda DG oo idil. Mashaariicda la filayo in uu ka hirgeliyo Somaliya Madaxweyne Geelle,ayaa ku koobnaan doona Qolol lagu siyaadinayo Akadeemiyadaas. Dowladnimada Somaliya ayay ceeb ku tahay in Hawada iyo Magaaladaba loo xiro Madaxweyne Dal kale ka imaanaya. Sidoo kale…

Read More

Shirkada Diyaaradaha ee Itoobiyan Airlines,ayaa dib u bilaabaysa duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda Gobolka uu Tigreegs maalinka Arbacada ah. Warbixin ay Shirkadu soo saartay aysy sida ay ku sheegtay, in Duulimaadyadii ganacsi ee ugu horreeyay ee ay ku tagi doonto Tigray 18-bilood kadib. Ku dhawaaqistan,ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo madaxda Shirkadaha Ganacsiga ay booqasho ku tageen Magaalada Mekelle si ay usii xoojiyaan dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee bishii hore. Heshiiskan oo ay ku jireen ballan-qaadyo lagu soo celinayo adeegyadii,ayaa waxaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo Labo Sano ah…

Read More

Ethiopian Airlines (ETHA.UL) will resume flights to the capital of the war-torn northern region of Tigray starting on Wednesday, the airline said in a statement, the first commercial flights to Tigray in about 18 months. The announcement comes a day after a delegation of government officials and heads of public enterprises visited Mekelle to discuss implementation of last month’s peace agreement. The agreement, which included promises to restore services, ended two years of fighting between the Ethiopian federal government and allies against the Tigrayan forces, that killed thousands and displaced millions. The resumption of these flights will enable families to…

Read More

Maba jiraan Maleeshiyaad fadhiya Wadada Dheer oo Dimuqraadiyad kasoo horjeeda markaan dabagalay warka Juxaa sida fudud kusii daayay. Dhanka Hawdka oo ku beegan Karin-dhiig,ayaa waxaa tagey 20-tameeyo Dhalinyaro ah oo qorshahoodu ahaa si gaadmo ah in ay u carqaladeeyaan Agabka Diiwaangelinta. Balse Dadka Deegaanka,ayaa arkay oo ka hawlgalay hawshooduna waa gabagabo. Juxaa marka uu sheegayo in Xasan lasoo hadlay waa mar hore oo xaalad kooban ay ka jirtay dhanka Tuula Jalam ee maba ahan Xalay. Waaqicigu waxa uu yahay in Juxaa isagu suuq usameeyay Aaran hadalkiisuna u ahaa buunbuunin. Mida kale waxay tahay kasbashadii Dadka waa ku fashilmeen Labada Wasiir…

Read More

Arimaha ay Puntland diiday oo kalifay in ay ka baxdo Shirka waaa Hal Qodobka oo ah.. 1.Awood qaybsiga. Puntland waxay ku dooday in Qodobkan aan loo diyaarsanayn oo uu ubaahan yahay in Gudi loo saaro loona diyaar garoobo. Balse saakay awoodahaas ha wareejiyaan Dowlad Goboleedyadu wax soconaya ma’ahan. Sidee loo wareejin karaa awooda Maamul ee DG,iyadoon Dastuurka la dhamaystirin lagana heshiin Siyaasada? Sidee awooda Amni ee DG loo wareejin karaa,iyadoon la dhisin Ciidan Qaran iyo Siyaasad amni oo Somaliyed? Sidee Canshuuraha loo wareejin karaa,iyadoon wax heshiis lagu yahay oo Somaliyed aysan jirin? Puntland isma dhiibayso mana wareejinayso Xaniinyaheeda,iyadoon Dowladnimo loo…

Read More

The total volume of natural gas Turkey has discovered in the Black Sea now amounts to 710 billion cubic metres (bcm) after a new field was located and a previous find was revised higher, President Tayyip Erdogan said on Monday. Speaking after a cabinet meeting, Erdogan said Turkey had discovered a new reserve of 58 bcm in the Caycuma-1 field, in addition to revising up an estimated volume in the Sakarya field to 652 bcm from the previous 540 bcm. “As a result of the analysis of the data, we have revised the previously declared 540 billion cubic-metre reserve to…

Read More

Ethiopian Government delegation paid one day visit to Tigrayan capital Mekelle. The delegation led by House of Peoples Representatives’ Speaker Tagese Chafo includes Ethiopian government lead-negotiator Amb Redwan Hussien and other 52 Federal government higher officials arrived in Mekelle this morning to discuss with Tigrai Regional authorities on the implementation of Pretoria peace deal signed on the 2nd of November 2022. The delegation is the first Ethiopian government delegation to reach Tigrai in two year of time. The delegation met with Tigrai regional authorities, religious fathers and member of the local community. Tigrai religious fathers led by his holiness Abune…

Read More

Ugu danbayn,waxaa si rasmi ah loo gyda galay fulinta heshiiska Tigreega iyo Dowlada Abiy. Waxaa gaaray Maqalle Caasimada Deegaanka Tigree wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay qayb ka yihiin Xubno sar-sare oo ka mid ah Gudiga dib uheshiisiinta Qaranka Itoobiya. Waxaa mid mid ugacan qaaday Madaxweynaha Tigreega oo mar ay adkayd in uu fagaare soo istaago. Geerida Nus Milyan Qof kadib,waxay ubadan tahay in Itoobiya dib uheshiiso oo ay soo afjaranto colaad khatar gelisay jiritaankeeda. Waa talaabo horay loogu qaaday fulinta heshiiskan shuruuda looga dhigay Abiy ka dhabayntiisa. Reer Galbeedka oo gadaal ka riixaya heshiiska,ayaa Isha ku haya sida…

Read More

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar ay muujisay karti, aqoon iyo firfircooni, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay guusha ay ka gaartay Mareykanka. Waxaana uu sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee hiigsigooda darteed meel sare ka gaaray siyaasadda dalalkooda. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo iyana ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyada oo ku ammaantay Xukuumadda #DanQaran guulaha is daba joogga ah ee ay ka…

Read More

Following eighteen years of misrule since the advent of Somalia’s Federal order in 2004, the Somali public has been angling for the successive establishment of competent technocratic governments capable of pulling the beleaguered nation from its political quagmire and economic doldrums. For any nascent democracy to prosper, there must be a trust between politicians and technocrats. Technocracy is broadly defined as a form of governance whereby government officials or policymakers, known as technocrats, are chosen by some higher authority due to their technical skills or expertise in a specific domain. Decisions made by technocrats are supposed to be based on…

Read More

Muqdisho: 26 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao. Kulanka,waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur. Arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ah sida… 1.Fursadaha maalgashi. 2.Iskaashiga. 3.Mashaariicda horumarinta.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa kulankan waxaa ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Shiikh Axmad.

Read More

Shirka Madasha Qaranka ayaa waxaa fadhiya: Afar Madaxweyne oo Hawiye ah.. Xassan Shiikh, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Madaale. Laba Madaxweyne iyo RW Daarood ah.. Hamsa, Deni iyo Madoobe Madaxweyne Digil iyo Mirifle ah.. Laftagareen. RW ku-xigeen Isaaq ah.. Saalax Jaamac. Qodobada laga filayo in ay ku heshiiyeen.. Faah-faahin: HSM, Hamsa, Madaale waa isku Xisbi waana isku siyaasad Madoobe iyo Hamsa waa isku siyaasad arrimaha Gedo . Deni cidna lama siyaasad ahan waxay isugu dhow yihiin Laftagareen oo fashil qarka u saaran. Laftagareen wuxuu ku jiraa dadaal siyaasadeed siduu u badbaadi lahaa. Qoor Qoor waa agoon aan la aamini karin Saalax…

Read More

Bosaso, December 26, 2022 : Wafti uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa maanta galinkii danbe gaaray xarunta ganacsiga Puntland halkaas oo lagu soodhaweeyay. Wafdiga taliyaha ayaa inta uu safarka ku jiray kormeeray kuliyada tababarada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo iyagoo ukuuegalay xaalada kuliyada. Taliyaha qaybta gobolka Bari G/sare Cabdi Qaadir Jaamac Diriri saraakiisha gobolka ayaa wafdiga taliyaha ku soo dhaweeyay magaalada,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka mahad celiyay soodhawaynta diiran ee loosameeyay. Ujeedka safarka wafdiga taliyaha ayaa ah kormeerka xaalada amni ee Gobolada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Markale ayay masraxa Siyaasada Somalida ku haysaa taageerada Puntland hogaamiye Somaliyed oo qarka ufuulay in uu salaanka Siyaasada si fudud uga duulo. Madaxweyne Laftagareen oo ciirsanaya garabgalka Siciid Deni,ayaa soo fariistay Kursigii ay ku lahayd Koonfur-galbeed Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Saakay,waxii ka danbeeya waa hogaamiyaha Sharciga ah ee Koonfur-galbeed ilaa December 2023. Madaxweyne Laftagareen oo mudo xileedkiisii Afarta Sano 19-kii Bishan ay ku ekayd,waxuu helay Sanad dheeriya oo ay siiyeen Siyaasiyiinta,Waxgaradka uuna meel mariyay Baarlamaanka haysta mudo xileedka Sharciga ah. Inkasta oo ay ahayd in doorasho dhacdo hadana Shuruucda Maamulka KG oo aan saldhigan,ayaan ka maarmin Xeer jajab. Puntland…

Read More

Muqdisho,December 26,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo uu weheliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2023-ka. Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka. Waxaa xildhibaanadu ay su’aalooyin weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoona faahfaahin ka bixiyay dhammaan weeydiimihii loo soo jeediyey. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka…

Read More

Ruushka,waa udiyaar in uu la xaajoonayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Ukraine balse Kyiv iyo taageerayaasheeda reer galbeedka,ayaa diiday in ay wada hadal la galaan”Ayuu ku sheegay wareysi la sii daayay Axaddii Madaxweyne Putin. “Waxaan diyaar u nahay inaan kala xaajoono cid walba oo ay khuseyso xalalka la aqbali karo, laakiin taasi iyaga ayay ku xiran tahay mana nihin kuwa diidan gorgortanka,” ayuu Putin u sheegay telefishinka qaranka ee Rossiya 1. Kremlin-ka,ayaa sheegay in uu dagaallami doono ilaa laga gaarayo dhammaan ujeeddooyinkiisa,halka Kyiv ay sheegtay in aysan nasan doonin ilaa Askari kasta oo Ruush ah laga saaro dhammaan dhulkeeda,…

Read More

Russia is ready to negotiate with all parties involved in the war in Ukraine but Kyiv and its Western backers have refused to engage in talks, President Vladimir Putin said in an interview aired Sunday. “We are ready to negotiate with everyone involved about acceptable solutions, but that is up to them — we are not the ones refusing to negotiate, they are,” Putin told Rossiya 1 state television in the interview. The Kremlin says it will fight until all its aims are achieved while Kyiv says it will not rest until every Russian soldier is ejected from all its…

Read More

Markii laga soo tago erayadan uu soo qoray Diblomaasiga Maraykanka ah ee hawlgabka noqday kuna shaqaysta xiligan,waxa loo yaqaan “Lobbyist”Sharciga uu saxiixay Madaxweynaha Maraykanku ma siinayo aqoonsi Dal Madaxbanaan Gobollada Waqooyi ee Somaliya (Somaliland). Xeerka,waxaa la yiraahdaa (Xeerka ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka). Si cad,ayuu Sharcigu uqeexayaa waxa uu ka hadlayo,waxuuna amrayaa,iyadoo laga duulayo danta amniga Qaranka Maraykanka in la isticmaali karo dhaqaalaha Amniga Qaranka si wada shaqayn amni iyo mid horumarin Bulsho loola yeesho Dowlada Fadaraalka,Dowlad Goboleedyada iyo Somaliland. Hadafka Sharcigu,waa in wax alaale iyo waxii khatar ku ah danta amniga Qaranka Maraykanka halkooda loogu tago lalana kaashado cid walba…

Read More

Imaanshaheeda Puntland,waxuu ahaa muhiim macno ulahaa Dal iyo Dad. Si gaar ah Barnaamijka Dimuqraadiyaynta,ayuu muhiimad gaar ah ugu lahaa. Si dadban fariin waxay ugu dirtay kuwa diidan Dimuqraadiyada,iyadoo ku baaqday in aan lugaha la qaban Madexweynaha,waxayna soo dhawaysay doorashada Golayaasha Deegaanka. Sidoo kale socdaalkeedu,waxuu muujinayay in Somalidu ay tahay Dad karti leh oo hiigsan kara meelo sar-sare. Waxay ku baaqday in laga gudbo isjilaafaynta oo ay tahay in Yooolka Qofka hagaya aan lagu noqon ka dhad. Socdaalkeeda ka hor dhaarinta in ay Somaliya soo aragto oo mashruuca Qardho-Bayla ay u hawlgasho,ayaa qayb ka ahaa. Ilhaan waa Diric dadnimo leh oo…

Read More

Muqdisho waxaa Gaartay Ilhaan Cumar oo Maalmahan Puntland ku sugnayd. Ilhaan,waxaa kusoo Dhawaysay Garoonka Aadan-cadde Gudoomiye ku xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar Iyo Qaar kamid Golaha Wasiirada Fadaraalka,Talyayaasha Ciidanka,Xildhibaanada Labasa Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan. Inta ay ku sugan tahay Muqdisho,waxaa uqorshaysan in ay la kulanto Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gaari Duulaya kuna shaqaynaya koronto oo Israa’iil ay samaysay looguna talagalay in Dadka safarrada gaagaaban galaya,ayaa sameeyay duulimaadkii ugu horreeyay oo aan cidna wadin. Shirkadda samaysay waxay sheegtay in AIR ONE ay qaadi karto Laba Qof. Gaarigan,ayaa isku darsaday dhawr arimood oo soo jiidasho leh,kuwaasoo kala ah… 1.Waa mid Duulaya.2.Waa mid Koronto ku shaqaynaya.3.Waa mid Ganacsi. Sida la filayo in uu suuqa soo galo dhammaadka Sanadka 2024,ayaa la filayaa. Israa’iil waxay si weyn ugu horaysa Tiknoolajiyada casriga ah. Jibril Qoobey.

Read More

Russia is ready to negotiate with all parties involved in the conflict in Ukraine, but Kyiv and its Western backers have refused to engage in talks, President Vladimir Putin says. Foreign Minister Wang Yi has defended China’s position on the war in Ukraine and signalled that it would deepen ties with Russia in the coming year. The lower house of Russia’s parliament is preparing to raise taxes on people who have left the country, the speaker of the chamber Vyacheslav Volodin has said. Three Ukrainian emergency services workers have been killed when a mine exploded while they were de-mining parts…

Read More

Xalay waxaa Muqdisho ka degay Cutubyo ka tirsan Ciidankii lagu tababaray dalka Eretereya. Sida qorshuhu uu yahay Laba Madax,ayaa loo kala qaadayaa Hawlgallada soo socda… 1.Madax dhanka Koonfur-galbeed iyo Jubaland udhaqaaqaya. 2.Madax isku furaya dhamaan Jidadka iyo deegaanada dhanka Hir-shabelle iyo Galmudug inta argagixisadu kaga sugan tahay. Dhanka koonfur-galbeed iyo Jubaland waa la diyaarshay Ciidanka Labada Maamul ee hawl galkaas ka qayb qaadan lahaa. Labadaas maamul waa diideen in la hubeeyo Macawisley,waxayna badal kooda door bideen in Ciidamada Labada maamul,kuwa Dowlada Federaalka iyo Atmis oo Itoobiya iyo Kenya ka mid yihiin in ay hawl galkaas wada jir uqaadaan. Kulanka Aadan…

Read More

Shirka Wadatashiga Qaranka ee Madaxda Somalida,ayaa Berri furmi doona,waxuuna ka kala dhacayaa Villa Somaliya iyo Xalane. Dowladu waxay wadaa la tashigii ugu dambeeyay kulamada Shirkan waa kuwo ilaa xad la qariyay in wax xog ah laga helo. Qodobada ugu waa weyn ee Madaxdu ka doodi doonto,ayaa kala ah.. 1.Cadaalada oo macnuhu yahay in la dhiso Gudi Garsoor oo Madax banaan Lix Bilood gudahood. 2.Awood qaybsiga oo macnaheedu yahay in la dhamaystiro Dastuurka qaybaha ka haray. Dagaalka argagixisada Wajigiisa Labaad in laga wada xaajoodo iyo sidii Somaliya 6-bilood gudahood looga soo afjari lahaa,ayaa iyaduna ay ubadan tahay. Arimaha Siyaasada iyo Doorashooyinka…

Read More

Somali Galbeed ama Dhulka Somalida ee Itoobiyaanku gumaystu nasiibdarro,ayaa ku dhacday. In uu Gacan Gumayste Madow galo oo ka haro Dhulweynihii Somaliyed ee kale waxay ahayd nasiibdarradii 1-aad. Dagaalkii 77 oo qarka loo istaagay in uu xaroobo fashilkii ku dhacay,waxuu ahaa nasiibdaradii 2-Aad. Halgankii ONLF ee Nus Qarniga socday in uu kusoo idlaado natiijo la’aana waxay ahayd nasiibdarradii 3-Aad. Haatana qorshaha socda ee Amxaarada iyo Abiy isla wadaan ee la rabo in Magaca Qowmiyada Somalida loogaba tirtiro oo loo kala jarjaro Gobollo dhawr ah Deegaanka Somalida oo qaybna la raaciyo Oromada iyo qaybna Harariyiinta iyo qayb yar oo Somalida lagu…

Read More

Gaalkacyo,waxaa loo ansixiyay qorshe horumarineed oo 5-sano ah. Waa fikrad iyo dadaal uu la yimid Duqa cusub oo magacaabistiisii Dad badan ay hoos udhigayeen. Waa Duqii ugu horeeyay ee hankiisu ka weyn yahay maaraynta xoogaaga Canshuurta ah ee laga soo ururiyo Bulshada ubadan danyarta. Aragti fiican,ayuu la yimid,waxuuna xooga saaray baahiyaha waa weyn ee Gaalkacyo ubaahan tahay. Duqa cusub garabgal,ayuu ubaahan yahay iyo in qorshahaan lala hirgeliyo oo Bulshadu garab istaagto. Si gaar ah Qurba-joogta reer Mudug oo ah kuwa ugu firfircoon Qurba-joogta reer Puntland haday ukacaan horumarinta Gaalkacyo waxbaa la qaban karaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Markale waxay kusoo rogeen xayiraado aan caadi ahsyn Haweenka. Taalibaan waxay mamnuuceen in Gabdhuhu ushaqeeyaan hay’adaha aan Dowliga ahayn. Talaabadan waxay toos utaabanaysaa nolosha Qoysaska reer Afgaanistaan. Haweenka Shaqooyinka hay’adaha laga joojiyay,ayaa Biila Qoysaskooda oo ay ku tiirsan yihiin noloshoodu. Dhaleecayn caalami ah ayay kula kulmeen Taalibaan go’aankan Shaqo joojinta ah Haweenka ka dhanka ah. Sidaanoo kale waxay Maalmo ka hor mamnuuceen in Haweenku aadi karaan Jaamacado. Go’aankaas oo uu dhaleeceeyay Shiikh Al-Ashar-ka Masar. Taalibaan masiiyaan wax adeeg Bulsho,dhaqaale iyo daryeel kale Bulshada Afgaanistaan oo Dumarku ugu jilicsan yihiin.

Read More

Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Talyaaniga Franco Frattini,ayaa geeriyooday. Laba jeer,ayuu soo noqday Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Frattini. Sidoo kale xilal kale,ayuu kasoo qabtay Golaha Wasiirrada Wadanka Talyaaniga. Sabtidii,ayuu geeriyooday isagoo 65 jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Talyaaniga.

Read More

After fleeing violence in their Guatemalan town, but with their way to relatives in California blocked by continuing U.S. asylum restrictions, a family of 15 joined an Advent candlelight ceremony organized by their shelter just south of the border. The evening service in the Buen Samaritano shelter’s small Methodist church, which doubles as cafeteria, didn’t quite compare with the weekslong Christmas celebrations they had loved in Nueva Concepcion. Those included fireworks, tamales made with freshly slaughtered pig and shared door-to-door with family, and villagers carrying aloft a statue of the Virgin Mary from the Catholic church to different homes each…

Read More

Reer Galbeedku marna ma ogola in ay Boqortooyada Gumaysiga iyo dulmiga ku dhisan ee Itoobiya ay liicdo. Si walba oo ay ugilgilaan hogaamiyaha markaas Kursiga fadhiya haduu ku dhago adkaado hadana waa ilaaliyaan jiritaankeeda. Haatan Dowlada iyo Mucaaradka Tigreega waxay ku khasbeen in ay qaataan heshiiskii Koonfur Afrika. Sidoo kale,waxaa Abiy si gaar ah culays loogu saaray fulinta heshiiskaas si buuxda,waxaana cadaadisyada lagu haya ugu horeeya in laga joojiyay dayn Lacageed oo la siin lahaa ilaa uu fulo heshiiskaas. Abiy dhankiisa wax weyn ayay u ahayd tagidiisii Maraykanka ee uu uga qaybgalay Shirkii Afrika iyo Maraykanka,waxuuna kasoo baxay go’doonkii caalamka,gaar…

Read More