Madaxweyne Deni,waa ku bogaadinayaa ku dhiirashada dhismaha Bankiga horumarinta iyo maalgashiga Puntland. Bankigan sida Madaxweynuhu sheegay dhawaan,ayaa la shaacinayaa oo lasoo gabagabaynayaa dhismihiisa. Agaasimaha Bankigan,waxaa magacaabaya Madaxweynaha. Muhiimad weyn,ayuu uleeyahay dhismihiisu Puntland oo wuxuu qaadanaya doorkii horumarinta iyo soo jiidashada maalgashiga… Bankigan oo magac uyaal ah,waxaa samaystay Xasan Shiikh oo udhiibtay Gabadhiisa,isla markaana Lacag loogu talagalay guud ahaan horumarinta Somaliya uleexsaday,isagoo ku dooday in uu ku dhisay Bankiga. Puntland in ay Banki horumarineed gaar uyeelato,waa lama huraan Deeq bixiyayaashu,waa soo dhaweeyeen talaabada Puntland.
Author: Jibril Qoobey.
Waxa Qoray: Abdifatah Abdinur Tan iyo markii Madaxweynaha Dowladda Puntland uu si rasmi ah u iclaamiyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada ISIS, isla markaana uu amray in si buuxda loo kasifeeyo dhammaan deegaannada Puntland, waxaa la qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo beddelay jihada amniga iyo xasilloonida guud. Hawlgalkii “Hilaac” oo ay si geesinimo leh u fuliyeen Ciidamada Difaaca Puntland ayaa noqday mid guul taariikhi ah horseeday, kadib markii lagu jabiyey firxadkii argagixisada ISIS ee ku dhuumaaleysanayey buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. Guusha hawlgalkan ma ahayn oo keliya mid militari, balse waxay dib u soo celisay kalsoonidii shacabka iyo…
Waxaan ku faraxsanahay in aan caawa xariga ka jarnay Garoonka Kubadda cagta ee Shuhaadada Stadium ee Boosaaso oo runtii ah riyo bulshada Boosaaso muddo sugeysay oo allaah inoo fududeeyay, caawa habeen weyn ayeey u tahay bulshada Boosaaso ee isu soo baxday , Farxada iyo damaashaadku waa miraha halgankii Calmiskaad iyo guushii Ciidankeenna geesiyaasha ah soo hooyeen sidaasi darteed ayaan garoonkana loogu xusay Shuhaadada Calmiskaad. Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo inaga taageertay dhismaha Garoonkan oo si casri ah u dhisan, sidoo kale dhammaan Masuuliyiintii iyo qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qeyb qaatay ayaan iyana boggaadinaynaa. Ugu danbeyn waxaa…
QM ayaa war kasoo saartay Gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku casuumay Madasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri” UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha muhiimka ah ee qaranka. Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybqaataan wada-hadallada, iyagoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad. Iyada oo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha kale, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya…
Bosaso,waxay ku jirtaa maalmaheedii wacnaa. Waxaa maalmahan kasoo degaya Laba wefti oo maqaam sare leh,kuwaasoo ka kala imaanaya QM iyo Maraykanka. Waxaa kaloo ka dhacaya Ciyaaraha Kubada Cagta ee Caasimadaha. Waxaa xariga laga jarayaa garoonkii Kubada Cagta oo si casri ah loo dhisay. Waxaa laga hirgeliyay Hotel Airport oo muhiimad leh. Waxaa laga hirgeliyay Beer qurux badan oo balaaran oo casri ah. Waxaa laga hirgeliyay Wadooyin muhiim ah. Amniga iyo maamulkii oo lagu sameeyay isbadal si habacsanaanta looga saaro. 60% awooda dhaqaalaha iyo Dadka ee PL,waa Bosaso,waana muhiim horumarkeeda.
Warqada Xasan soo saaray,waxaa ku khasbay BC oo kulankii ugu danbeeyay ee ay la yeelatay si cad ayay ugu sheegtay in laga rabo doorasho heshiis lagu yahay ka hor 15- May. Xasan oo raba in uu BC qanciyo ama u been guuro,ayaa Warqadan soo tuuray. Halkaas markay marayso,waxaa la gudboon Golaha mustaqbalka Laba qodob awgood in ay tagaan Shirka…. PL iyo JL,waxaa la gudboon in Madaxweynayaashoodu ay tagaan Xamar Laba sababood awgood….. Gogasha Xasan dhigay tagid ayay mudan tahay,iyadoo laga eegayo shaqada Diblomaasiyiinta shisheeye ay qabteen. Mw Deni mar in uu Xamar ku laabto,waa loo baahnaa,waana hada oo cadaadiskii siyaasiyiinta…
Halkan ka akhriso:-
Halkan ka akhriso:-
Siyaasiyiinta Muqdisho cadaadiskii loo baahnaa ayay sameeyeen,waxayna diyaarinayaan banaanbax balaaran oo lagu diidan yahay mudo dhaafka Xasan Shiikh. Banaanbaxaas,waxaa la qorsheeyay in uu qabsoomo 16-ka Bishan oo ku beegan maalin kadib mudo xileedka MadaxweynahaDowlada Fadaraalka. Banaanbaxaas,waxaa la diyaariyay Shacabkii ka qaybgeli lahaa iyo Ciidmadii amaankooda sugi lahaa.
Burcada halmar Badda ku dhaqaaqday,waxaa maalgelinaya Aaran-jaan oo Wakiil ka ah Turkiga iyo Xasan Shiikh,waxaana looga dan leeyahay….. Dowlada PL qorshahaas,waa la socotaa,waana laga hawlgalay…. Dadka Deegaanka Garacad,waxay saxiixeen Burcadaas hadii la dilo in aysan diyo lahayn,waxay dilaana iyaga loo ciqaabayo. Puntland,waa la diriraysaa cid walba oo amniga khatar ku ah haday noqon lahayd argagixiso,Bucad Badeed iyo danayste.
Ciidankii Booliska,waa dhisnay oo hada,wixii ka danbeeya sii hormarin joogta ah ma’ahane uma baahna isbadal asaasiya…. Maxaa noo harsan? Tayaynta Dowladnimada,waa halhayskii uu Mw Deni kusoo galay olalihii doorashada ( Tayayn iyo Tiigsi),waxaan uga fadhinaa in uu dhamaystiro 80% hiigsigaas.
Awoodii Milleteri ee Wadaadada Iran,waa la jabiyay 60%. Ishii Lacagta ay ka heli jireen ee ahayd Saliida,waa la cunaqabateeyay oo wax ganacsi ah ma geli karaan mana kasoo bixi karaan Dekadahooda. Waxa hada socda oo harsan,waa in ay aqbalaan heshiis ka kooban…… Dhankooda in ay helaan…. Ugu danbayn,waxaa la gaari doonaa heshiis rasmi ah. Trump shaqadii loo doortay 80% waa qabtay…..
480-Askari oo utababaran sidii Milleteriga oo ku qalabaysan Gaadiid Gaashaaman,Hoobiyayaal,Jabshe,BKM iyo Qalabka kale oo muhiim ah,ayaa si adag loogu tababaray Ciiidanka Booliska Puntland. Waa Ciidan ka hawlgalaya…. Waa Laba Urur oo fadhigoodu noqonayo… 3.Fadhigooda 3-Aad,waa Galkacyo. Waxaa loo magacaabayaa Talye ugaar ah oo hoos taga Talyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Macnaha Ciidankan,waa S.W.A.T. oo kale,waxaana magacooda rasmiga ah yahay Puntland Police Force,( PPF).
Reer Sanaag,waxay ka mahadceliyeen waxqabadka Dowlada ee Gobolka sida…. Waxay codsadeen…. Dilkii Caaqilka? Dowlada PL,waxay markale ucadaysay Qoyskii iyo guud ahaan reer Sanaag in aysan qayb ka ahayn garaacistii lagu dilay,markay dabagashayna Dowlada Maraykanku qiratay oo si cad ugu sheegtay in iyadu dishay ayna fasax uga haysatay Dowlada Fadaraalka Somaliya. Qoyskii,waxgaradkii iyo Dowlada PL,waxay isla qaateen in dilka Caaqilka xogtiisa laga rabo DFS ee fasaxday oo wax ka ogayd. Majirin cabasho kale oo Deegaanka ka timid,waxayna reer Sanaag muujiyeen Dowladnimo iyo Puntlandernimo aan gorgortan lahayn.
Maqaam sare oo karaamo wata,ayaa lagu soo dhaweeyay Boqorka Aduunka xorta ah King Charles. Maraykanka oo aan ukala harin soo dhaweyntiisa,ayaa muujiyay xushmad iyo qadarin aan caadi ahayn. Booqasahada Boqorka,waxay kusoo beegantay xuska 250 guuradii kasoo wareegtay Maalinkii Xoriyada la siiyay Maraykanka iyo 25 guuradii weerarkii 9/11. 1991 ayay Hooyadii Queen Elizabeth booqashadan oo kale ku timid Maraykanka. Markaad daawato sida loo karaamaynayo,waxaa ogaanaysaa in Labada Wadan uu ka dhaxeeyo xiriir dhalasho,Diimeed,Dhaqan marka siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha laga soo tago. Booqashadan,waxay aduunka tustay si walba oo Maraykanka iyo Uk ay ugu kala aragti duwanaadaan siyaasadaha qaarkood hadana in ah jiraan wax…
The United Arab Emirates, OPEC’s 3rd largest oil producer, announced it will leave OPEC and OPEC+ The move would free the UAE from cartel production quotas, allowing it to pump oil at full capacity, set its own export strategy and price crude without group restrictions. That could pave the way for higher UAE output, stronger state revenues and downward pressure on global oil prices. Lower prices and increased supply would likely be welcomed by President Trump, who has long criticized OPEC production limits and called for cheaper energy. UAE VS OPEC? Iran attacked UAE for weeks. Hormuz got blocked. UAE’s…
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,ayaa sheegay Iiraan ay ‘’hadda nagu soo wargalisay inay ku sugan tahay xaalad ‘’Dowlad burbur ah’’ Trump,ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay doonayso in Maraykanka uu furo marinka Hormus sida ugu dhakhsiiyaha badan,iyaga oo isku dayaya xallinta xaaladooda hoggaamin. Trump,ayaa sheegay inuu aaminsan yahya inay wax dhacayaan Iran. Iran weli wax falcelin ah oo la xiriirta hadalka Truml ma soo saarin.
Galkacyo, 28 Abriil 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maalmahan waday dadaallo isdaba joog ah oo la xiriira nabadaynta beelaha Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shikhaal), kuwaas oo horey ula kulantay si gooni-gooni ah 23 iyo 27 Abriil 2026. Iyadoo kulamada uu goob-joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Abdiweli Jibriil Bayle.Kulamada la-tashiga ah ee ay beeluhu isku arkeen ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda soo jiitamaysay tan iyo 2023, taas oo marar badan soo noqnoqotay isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh. Wasaaradda iyo maamulka gobolka ayaa si wadajir ah…
Go’aankan,ayaa Imaaraadka banaanka ka dhigaya heshiiska cayimida wax-soo-saarka ee Ururka (Cartel).wuxuuna umadax banaan doonaa,wixii ka danbeeya 1-da May cadadka Saliideed ee uu saarayo,qiimaha uu ku iibinayo iyo guud ahaan qorshayaashiisa Saliideed. Imaaraadku,waa Wadanka Sadexaad ee wax soo saarka Saliida ee Wadamada ku jira OPEC. Go’aankan,wuxuu sababi karaa in Imaaraadku dakhli fiican ka helo iibka Saliidiisa iyo in uu qayb ka qaato jabinta Sicirka Saliida ee cirka isku shareeray kadib dagaaalka Iran. Maxaa sababay carada Imaaraadka? Imaaraadku,wuxuu ka caraysan yahay in Wadamada xubnaha ka ah OPEC ay ka gaabsadeen weeraradii Wadaadada Iran ay Dalkiisa kusoo qaadeen. Sidoo kale xirnaanshaha Marinka Hormus…
Mashruucan,waxaa maalgelinaya Baanka Aduunka,waxaana loogu talagalay horumarinta Dowlada Hoose ee Dhulka Somalida. Mashruucan,ayaa ku kacaya $35 Milyan,waxaana loo kala helay sida tan…… Lacagtan,waxaa toos loogu shubayaa Dowlad Goboleedyada marka ay soo gudbiyaan,waxa ay u isticmaalayaan,waxaana Baanka Aduunku wakiilan doonaa mid ka mid ah hay’adaha ka hawlgalka halkaas. Dowlada Fadaraalka kaliya,waxay ku lahayd ogaysiin Lacagtan iyo mashruucan fulintiisa,waana inta Maanta dhacday oo ku kooban sawirkaas.
Midowga Yurub,ayaa go’aansaday in ay hirgelinayaan nidaamka wax iibsiga badeecadaha lagu sameeyay gudaha Yurub. Shiinaha,ayaa ugu hanjabay Midowgo Yurub in uu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah, haddii ay dhaqangeliyaan sharciga mudnaanta siinaya wax soosaarka gudaha Yurub oo meesha ka saaraya soo dhoofsashada dibadda. In ka badan $300 bilyan oo Sannad walba uu Shiinaha ka faa’ido suuqyada Yurub,ayuu waayi doonaa hadii go’aankan hirgalo. Shiinaha,ayaa Midowga Yurub ku eedeeyay in ah baabi’inayaan siyaasadda suuqa xorta ah ee caalamka. Midowga Yurub,ayaa raba in uu ka baxo qandaraasyadii ay kula jireen Shiinaha, waxayna taa beddelkeeda u aqoonsanayaan Warshadaha Turkiga in ay yihiin wax soosaar…
Badhan : 27 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, kuwaas oo lagu tababarayo xerada tababarka Ciidanka ee Jen. Giriin ee magaalada Badhan. Madaxweynuhu wuxuu xusay in Dowladda Puntland isku filan tahay dhinac kasta oo amniga la xiriira, isla markaana Ciidankeennu tusaale u noqday dalal badan, kadib markii la arkay sida ay u burburiyeen cadowga Daacish ee adduunku muddada dheer la tacaalayay. Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, xubno ka…
Badhan: 27 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Sanaag oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubni ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta DPL, Saraakiisha Qeybta Booliska gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo kusoo gaaray degmada badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa booqasho ugu tegay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire. Weftiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Dowladda Puntland. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdille,waa Labada Isin ee Caano shubka Ugaaska Murursade uga baaqday Xasan in uusan helin fursad uu iskula sawiro. Suldaan Siciid,waxaa uga macno badatay aadistii Xamar kusoo dhaweynta Badhan Madaxweynaha Puntland.
Tiro ahaan iyo tayo ahaanba Ciidanka Booliska Puntland,waa istaagay oo wuxuu gaaray halkii lagu haminayay. Tiro ahaan? 3500-Askari,ayuu horay u ahaa,halka lagu daray 1000-Askari oo cusub,waana 4500-Askari Maanta. Ku dhawaad 800- Askari,waa saraakiil soo jireen ah iyo xirfadlayaal. Tayada? 2500-Askari,dib,ayaa loo diyaarshay.2000-Askari,hada ayay ku socotaa. Qalabka iyo Gaadiidka Ciidanka kor,ayaa loo qaaday Sanadkii ugu danbeeyay. Bishan 25- keeda,waxaa tababar usoo xirmayaa Laba Urur oo loo tababaray si gaar ah la dagaallanka argagixisada,amniga Wadooyinka iyo rabshadaha. Ururadaas,waxay ku qalabaysan yihiin Gaadiid dagaal oo ku dhow 40-Gaari. Sidoo kale,waxaa tababar loo dirayaa 175-Sarkaal…. Saraakiishan,waxaa la qaadayaa Bisha Shanaad ilaa Bisha Sidaad ee…
30-sano ka hor,waxaan dib ugu soo laabanay Dhulkii gaariwaa la oran jiray ee Awoowayaasheen. Kama jirin Nolol macno leh oo Dadkiisii Xamar buu camirtay. Malahayn,Wadooyin.Malahayn Garoomo Diyaaradeed.Malahayn Waxbarasho.Malahayn Caafimaad.Malahayn Koronto.Malahayn Biyo macaan.Malahayn isgaarsiin. Waxa kaliya ee ka jiray Dhulkaas,waxay ahayd Hal Deked oo yar. Hardan iyo dadaal dheer kadib Dhulkii noocaas ahaa,waxaan ubadalnay Barwaaqo sooran leh…. 1.Adeeg Waxbarasho oo fiican.2.Adeeg Caafimaad oo fiican.3.Adeeg isgaarsiin oo fiican.4.Wadooyin.5.Garoomo Diyaaradeed.6.Dekedo.7.Adeeg Koronto.8.Adeeg Biyo macaan.9.Hotelo casriya.10.Adeeg hay’ado amni oo xoogan. Heerka nololeed ee Bulshadeenu 65% Boqolkiiba waa darajada heerka Dhexe ee nololeed. Halka 15% wax haysigoodu sareeyo,20 % ay fakhri tahay. Aragtiyadu waxay ahayd Somaliyada…
Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan ixtimaalka roobabka laga filayo deegaannada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo hooseeya ixtimaal ahaan. 📍Magaalooyinka ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Goldogob, Garoowe, Taleex, Xudun, Ceerigaabo, Laasqoray, Laascaanood, Ufayn, iyo Baargaal ayaa la filayaa inay helaan roobab u dhexeeya qiyaastii 10–50 mm. ⚠️ Maadaama roobabka la saadaaliyay ay yihiin kuwo xaddidan oo aan si buuxda u dabooli karin baahiyaha biyaha ee deegaanka, waxaan bulshada ku baraarujinaynaa in la muujiyo feejignaan isla markaana la sameeyo qorshayn hore oo ku aaddan isticmaalka biyaha. 🌦️ Waa muhiim in la ogaado in saadaashan roobka ay isbeddeli…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa habeenimadii xalay laga saaray goob ay casho sharaf ku lahaayeen isaga iyo Warbaahintu, kadib markii rasaas tiro badan laga ridey banaanka Hoteelka Washigton Hilton oo ahayd meesha casho sharaftu ka dhacaysay. Muuqaalo laga duubtay goobtaasi ayaa muujinaya dhawaaq iyo sawaxan ka bilaabmay hoolka iyo banaankiisa, iyada oo ciidamada amaanku garbaha qabanayaan Trump isla markaana goobta ka saarayaan. Dhacdada kadib, Donald Trump ayaa sheegay iney nabad qabaan isaga iyo Marwada koobaad iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi, isagoo u mahad celiyay booliska iyo ciidamada amaanka. Hay’adda Secret Service ayaa sheegtay in rasaastu ka dhacday meel lagu hubinayay…
Xaqiiiqdii,waa guul weyn oo laga gaaray horumarinta Waxbarashada PL dhismaha Gudiga Tacliinta Sare. Sadex arimood,ayaa mudnaan leh….. Wasaaradu,waxay wadaa qorshe gabagabo ku dhow oo macno leh,kaasoo ay kula wareegayso Iskoolada iyo Jaamacadaha qaarkood ,kuwaasoo kala ah… B. Jaamacada PSU.T. PUST.J. Kulliyada Macalimiinta.X. Dugsiga Cumar Samatar.Kh.Dugsiga Ganbool.D. Bosaso Puplic School. Iskuulladan iyo Jaamacadahan sababta Dowladu ula wareegayso,waa Sadex ujeedo oo kala ah…… B. In ay bixiso dhaqaalaha ku baxa. T. In Kulliyadaha aqoontoodu dalka ay muhiimad uleedahay lagu soo kordhiyo. J. In Kulliyadaha Gobollada loo qaybiyo oo Deegaan walba Kulliyada ku haboon la geeyo. Hadafka guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ay…
Garowe : 19 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 15 kuna saabsan magacaabid Guddiga Tacliinta Sarre ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Xeerka Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Markuu arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Tacliinta Sare eeDowladda Puntland Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo TacliintaSare ee Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey:(Magacaabid Xubnaha Guddiga) Waxaa Xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, kuwaas oo kala ah:- -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Garowe : 19 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 oo Ku saabsan magacaabida Taliyaha iyo Taliye – Ku- xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Baahida loo qabo magacaabidda Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanimo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey:- -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –
Taliyayaal xilalka laga qaaday
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay Maxkamada Sare iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus. Qodobka 1-aad(Dhismaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada) Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus Qodobka 2-aad (Dhismaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada) Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
Trump,wuxuu ku dhow yahay waxa uu ka rabo Wadaadada Iran in uu ku gaaro cadaadiska Milleteri iyo kan diblomaasi. Wadaadadu,waxay aqbaleen qodobo muhiim ah oo Maraykanku watay,iyagoo dhankooda ku badalanaya arimo muhiim u ah iyaga. In lays fahmo,ayay dani ugu jirtaa Labada dhinac,waxaana Wadaadada uwanaagsan in ay la Sxbaan Maraykanka halkii ay cadow ka dhigan lahaayeen,waxayna helayaan……. Haday sii wadaan sharaysiga Maraykanka,waxay ku danbaynayaan burbur,sababtoo ah,waxay Wadamada caalamku ku dadaalaan in aysan Maraykan cadow iyo Sxb rasmi ah midna ka dhigan oo kaliya sharkiisa ay ka badbaadaan.
Mid ka mid ah ujeedada Maraykanku uqaaday hawlgalka ka dhanka ah Wadaadada Iran,ayuu gaaray,kaasoo ah…. In Tamarta kaliya ee uharsanayd Shiinaha ee ka madaxbanaanayd Maraykanka la joojiyo. 90% Saliida Iran,waxay aadaysay Shiinaha oo waliba looga iibinayay qiimo dhimis gaaraysa $10 Fuustadii. Saliida Iran,wuxuu Maraykanku ka qorshaystay Laba qodob oo kala ah… Qodobka hore ee xanimaada ah,ayuu ku guulaystay oo Maraakiibtii Saliida uqaadaysay Shiinaha,ayuu Maraykanku si cad u hor istaagay,isagoo fasaxay guud ahaan Maraakiibtii kale ee ganacsiga caalamka. Shiine,waxay uga jawaabeen xanibaada Maraykanka in ay Warqad uqoraan Trump,taasoo ay ku aqbaleen in ay joojinayaan taageerada qarsoon ee ay siinayaan Wadaadada Iran.…
Shiine saamaynta uu ku leeyahay Somaliya aad ayay u kooban tahay. Kal hore,waxaa baajiyay booqasho uu Xamar ku imaan lahaa Wasiirka arimaha dibada Shiinaha arimo amni dartood. Maalin ka hor,waxaa yimid ergay ka socda Shiinaha Xamar. Ujeedka imaanshiisa,waxaa lagu sheegay kala xaajoodka Somalida Sadex qodob oo kala ah….. Yoolka ugu weyn ee Shiinaha,waa in uu galaangal ku yeesho Somaliya,balse,waxaa caqabad ku ah dhawr arimood…… B. Maraykanka oo ka ilaaliya saamayn in uu ku yeesho Somaliya,ayaa haysta dagaalka argagixisada oo fursadaas xirtay. T. Maalgashigii iyo dhismihii kaabayaasha dhaqaalaha oo ay xirtern Turki iyo Imaaraad oo Maraykan kusii xiran oo fursadaas ma…
Boqol iyo Afar oo iskugu jira Xildhibaano iyo Senetero Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya ee wakhtigu ka dhamaaday,ayaa si cad usheegay in mudo xiloodkoodii ku ekaa 14- ka April.
In uu qabto Shir looga xaajoonayo doorasho laysla ogol yahay intaan wakhtigu ka dhamaan,ayay PL usheegtay Xasan Shiikha haysta mudo sharciyeedka 30- ka Casho ah. Waa fursad iyo tilmaan ay PL siisay haduu ka faa’idaysanayo,waxaana ufuran in uu cayimo Shir looga xaajoonayo doorashada oo dhexmara PL,JL iyo DF. Dalkan wax haysta mudo xileed sharciyad leh oo go’aamo siyaasadeed soo saari kara,waxaa jira Maanta PL,JL iyo Villa Somaliyada 30- ka casho uharsan tahay. Hadii uu fahmo ishaarada PL siisay Xasan,waa badbaadayaa hadiise uu fahmi waayo oo isa sii adkeeyo,wuxuu gaari doonaa xilli,isagoo taagan laga tashto doorashada ama uu la maqaam noqdo…
Joojinta dagaalka Lubnaan iyo Israa’iil Trump,waxay utahay diblomaasiyad wanaagsan oo uu hirgeliyay. Labada hogaamiye ee Israa’iil iyo Lumnaan,ayuu ku casumay Aqalka Cad si ay ugu wada hadlaan. Wadamadan,ayaan yeelan wadaxaajood macno leh tan iyo 1983-dii,waxaana la filayaa in uu kulankoodu noqdo mid macno leh oo kusoo aaday xilli xasaasiya. Sii socoshada dagaalka,wuxuu fursad siinayay Xisbullaah,wuxuuna kicinayay shucuubta Carabta ee Gobolka. Sidoo kale dhabarjab siyaasadeed,ayuu ku ahaa xulufada Maraykanka ee Gobolka. Israa’iil in ay aqbasho 10 Beri oo Xabad joojin ah xilligan,waa udiyaar oo shaqadii ay rabtay way ka qabsatay Xisbullaah.
The government of the self-declared Republic of Somaliland has rejected what it described as “misleading claims” by the Federal Government of Somalia regarding its diplomatic engagement with Israel, insisting that its foreign relations are a matter of sovereign authority. In a statement issued on Wednesday, Somaliland said the assertions by Mogadishu are “unfounded in law, inaccurate in history, and lack factual basis,” dismissing Somalia’s position as having no legal standing to comment on or interfere in its bilateral relations. The statement reiterated Somaliland’s longstanding claim to sovereignty, noting that it attained independence on 26 June 1960 and was recognized internationally…
Israa’iil,waxay usoo magacowday Safiir cusub Somaliland,kaasoo ah diblomaasi rugcadaa ah oo kasoo shaqeeyay Wadamada Tansaaniya iyo Sishelis. Waa dhaqaaq diblomaasiyadeed oo weyn,si gaar ah SL,wuxuu uyahay dhaqaaqan mid nacno weyn ugu fadhiya. Israa’iil, waa Wadankii ugu horeeyay ee aqoonsi siiya SL 40 sano kadib markay ku dhawaaqday in ay tahay Jamhuuriyad madaxbanaan.
Kulankii Shalay dhexmaray Wasiirada Xasan Shiikh iyo Wakiilada BC,waxaa lagu waydiiyay Hal Qodob oo ahaa….. Maxaad haysaan qorshe? Waxay ku jawaabeen Wasiirada Xasan…… “Anaga,waxaa wax nala leh PL iyo JL oo haysta mudo xileed sharciya oo siyaasadeed,mucaaradka kale,waa Dad Kursi doon ah,balse aan haysan awood sharci,waana tixgelinay oo waa dhagaysanay”. Iyagoo hadalkooda sii wata Wasiirada Xasan ayay yiraahdeen…. ” PL iyo JL,waxaan ka sugaynaa aragtidooda doorashada qaran,waxaan anagu hada sii wadnaa,waa midii hoose oo Dimuqraadi ah”. Wakiilada BC,waxay ugu jawaab celiyeen….. “Halkan,waxaan ujoognaa ka shaqaynta deganaanshaha siyaasadeed ee Somaliya mana rabno in xaaladu qasanto,waxaan idinka filaynaa ka hor 15- ka…
Xiritaanka Marinka Hurmus,wuxuu toos usaamaynaya dhaqaalaha Shiinaha in ka badan Wadaadada Iran. Trump,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka xiray Maraakiibta soo galaya iyo kuwa kasoo baxaya Marinka Hormus. Ujeedka Trump uu xayiraada usaaray Hormus,waa in in shuruud la’aan ay Wadaadadu aqbalaan furitaanka Marinka. Wuxuuna rabaa in ay ka dhalato Laba qodob oo kala ah…… Waa talaabo Maraykanka sumcad xumo ku ah oo ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah,waxayna umuuqanaysaa in uu Maraykanku noqday qayra masuul.
Addis Abeba — The U.S. Central Command (CENTCOM) has announced it will begin enforcing a maritime blockade on all traffic entering and exiting Iranian ports starting April 13 at 10:00 a.m. ET, in line with a directive issued by U.S. President Donald Trump. In a statement released an hour ago, #CENTCOM said the blockade would be applied “impartially” to vessels of all nations operating in and out of Iranian ports and coastal areas, including along the Arabian Gulf and the Gulf of Oman. The command, however, said U.S. forces would not interfere with freedom of navigation for vessels transiting the…
Bartamaha iyo Koonfurta oo aan udiyaarsanayn in ay Dowlad noqdaan,ayaan ku dhufanay Irbad foolkululaysa ah…… 1.Waxaan abaabulnay dhismaha DF oo Somali yeelato,waa ku guulaysanay 7-Shir kadib. 3.Waxaan u istaagnay oo si ka balaaran Somalida kale xil iskaga saarnay in ay yeelato Dowladaas Dastuur,waa na yeelatay. B.Maamulkii Hawada( Somali Civil Aviation).T.Maamulkii hay’ada socdaalka.(Imgration-ka)J.Maamulkii Deeqaha caalamka.(New Deal). B.Midaynta siyaasada amniga ( Dhismaha Ciidan Qaran). T. Midaynta siyaasada dhaqaalaha (Midaynta Canshuuraha iyo miisaaniyadaha). Balse nasiibdaro dadaalkayagaas hadaan nahay reer Puntland,waxaa loolan ku ahaa burburin guulaha la gaaray,kaasoo ka imaanayay Somalidii kale oo u arkay shaqada dhismaha Qaran ee socota wax reer PL gaar…
Guud ahaan Ceelasha lagu tuhmayo in shidaal ku jiro ee Somaliya,waa 266. 66-ka mid ah Ceelashaas,ayaa ku yaal Bartamaha iyo Koonfurta laga bilaabo Hobyo ilaa Raaskanbooni,iyaga,ayaana qayb ka noqday qorshihii shidaal baaris ee DFS ay waday. 3-ka mid ah Ceelashaas,ayaa Turkiga lagula heshiiyay in ay ku sameeyaan xaqiijin Shidaal. Turkidu,waxay doorteen in ay ku hormarayaan Ceelka Galmudug ee Hobyo. Ceelkaas,waxay xaqiijiyeen in uu leeyahay calaamadihii in uu ku jiro shidaal. Kadib,waxaa loo gudbay Wajigii xigay oo ah kan hada la aadayo oo la rabo in lagu xaqiijiyo….. Hadii Ceelkan shidaalka ku jira noqdo mid iibgeli kara,waxaa la wareegaya Shirkadaha waa…
12-ka April,waa Maalin uu lahaa Ciidankii burburay ee Qarankii fashilmay ee Somaliyed. Majiro Ciidan Qaran oo Somaliyed oo ee waxaa jira Ciidamo kala gaar gaar ah sida…… 1.Ciidamada Nidaamka Xamar ee Bartamaha iyo Koonfurta. 2.Ciidamada difaaca Puntland. 3.Ciidamada Qaranka Somaliland. Dib ma udhismi karaan? Rajada ah in dib loo helo Ciidan Somali ku midaysan tahay,waa dhimatay mana muuqato in dib loo helayo. In Ciidan lawada dhisto,waxaa ka horaysa in siyaasad lawada dhisto. Fursad yar,ayaa jirtay sanadihii lasoo dhaafay oo lagu samaysan karay siyaasad amni oo dhasha Ciidan Qaran,waxaase lumiyay fursadahaas Farmaajo iyo Xasan. SL warkeeda iskaba ilow,balse PL oo qayb…
Waa la filayay in aysan guulaysanayn wadahadalada Wajigooda koobaad. Qodobada miiska saaran,ayaa ahaa kuwo aad u adkaa oo aan hal fadhi go’aan looga gaari karin. Wadaadadu weli,waa is adkaynayaan,waxayna muujinayaan adkaysi,iyagoo kaa faa’idaysanaya Juquraafiga Iran ku taalo. Sida muuqata Maraykanka iyo xulufadiisa,waxay usii baahan yihiin Laba qodob….. Weftiga M.xigeenka Maraykanka hogaaminayay ee wadahadalada ku jiray,way ka anba baxeen Pakistaan. Maalmaha soo socda,ayaa la ogaan doonaa jihada la’aado.
Pakistan,waxay muujisay awood diblomaasi,waxayna dhexdhexaadin uga jirta mid ka mid ah khilaafaadkii ugu cuslaa caalamka oo gacan ka hadal dhaliyay. Si kale hadii loo dhigo Wadanka aduunka ugu xooga badan iyo quwad Goboleed saamaynteeda leh,ayay dhexdhexaadinayaan. Mar kale hadii lsi kale loo dhigo khilaaf saamayn ku leh dhaqaalaha,siyaasada iyo amaanka Dunda ayay xal uraadinayaan Pakistaaniyiintu. Wada hadalkan,waxaa daadihinaya Rw,ku xigeenkiisa,Lataliyaha amniga qaranka iyo talyaha Ciidamada Pakistan. Maraykanka,waxaa ku matalaya wadahadalada M.xigeenka,Lataliyaha amniga Qaranka iyo Wiilka Trump. Kacaanka Wadaadada Iran,waxaa ku matalaya wadahadalada Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka arimaha dibada,khuburo Milleteri iyo dhaqaale. Waa markii ugu horaysay ee Maraykanka iyo Iran toos isku…
By:-Abdifatah Abdinur. The partnership between and is often described in glowing terms — a model of South-South cooperation, a success story of reconstruction, a symbol of solidarity. Turkish-built roads, renovated hospitals and military training programs are held up as proof of a relationship that works.But in Somalia today, a more uncomfortable conversation is taking shape — one that asks not whether Türkiye has helped, but whether the terms of that help are sustainable, transparent and ultimately in Somalia’s long-term national interest.This is not an argument against partnership. It is an argument against complacency.The Problem With Gratitude as Policy.For more than…
Dhamaan Gobollada PL,ayaa Talisyadooda Booliska la dhisay oo la qalabeeyay. Sidoo kale Taliska guud ee Booliska,ayaa la dhisay. Ardaydii Jaamacadaha iyo kuwa Dugsiyada sare soo dhamaystay,ayaa loo qaatay Booliska. Dufcadii ugu horaysay,waxay soo baxeen Bilo ka hor,waxaana lagu wareejiyay amniga Gobolka Nugaal. Dufcadii Labaad,ayaa iyagana lagu wareejiyay amniga Gobolka Mudug. Waxaa kaloo dhawaan lagu wareejinayaa amniga Gobolka Bari dufcadii Sadexaad. Laba Urur oo Ciidan Boolis si gaar ah loo diyaariyay,ayaa tababar adag gabagaba uyahay.kuwaasoo ka hawlgalaya Magaalooyinka khataraha waa weyn ee ka dhaca. Waxaa kaloo loo sameeyay Booliska Cutub Dronska ku hawlgala.
Maraykanka? 1.Wuxuu ka rabaa in aysan samaysan Niyukleer. 2.Wuxuu ka rabaa in aysan Saliideeda ku iibin Lacag aan Dolar ahayn. 3.Wuxuu ka rabaa in ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha Gobolka ee iyada ku xiran. 4.Wuxuu ka rabaa in aysan marna xirin Marinka Hormus. Maraykanku ma danaynayo in Wadaadadu meesha ka baxaan ee kaliya,wuxuu rabaa in uu diciifiyo. Sideedaba Maraykanku,wuxuu ku dadaalaa in uu hayo xargaha xasaradaha ee muhiim uma ahan in ay xalismaan. Wadaadada? Wadamada Khaliijka? 1.Waxay rabaan in meesha laga saaro Wadaadada. 2.Hadii Wadaadada la saari waayo in la diciifiyo. Khaliijka Carabtu,waxay u arkaan Iran cadow khatar ku…
Xerada Hiilweyne,ayaa laga soo saaray Ciidankan,waana 300 oo Askari. Ujeedka loosoo saaray waa in lagu caburiyo siyaasiyiinta Muqdisho,waxaana qorshuhu yahay Laba qodob…… Haatan,waxaa la dajiyay 200 oo ka mid ah Ciidankan Tiyaatarka hareerihiisa ,halka Boqol gudaha Madaxtooyada la dajiyay. Ciidankan,wuxuu ka mid yahay 2000-Askari oo xerada Hiilweyne ku xaraysan oo Xasan ugu talagalay in uu Xamar ku qabsado. 2000-Askari,waxay soo baxayaan Maalinka 12-ka April oo ah Maalinkii ay lahaan jireen Ciidamadii burburay ee Somaliyed si dhoolatuskaa loogu qariyo kadibna gudaha Magaalada ay iskugu balaariyaan. Waxaa kaloo jira Ciidan ubadan Beesha hoose ee Xasan Shiikh oo wata 75 Baabuur oo Cabdi…
Trump shaqo wanaagsan,ayuu qabtay oo wuxuu dhulka dhigay khatartii kusoo socotay Boqortooyada Dollarka,Boqortooyooyinka Wadamada Khaliijka iyo amniga caalamka. Wadaadada xagjiriinta ah,waa burburiyay,wuxuuna dib uceliyay Nus qarni markale. Majirto baqdin danbe oo laga baqo khatarta ka imaanaysa Wadaadada aan masuulka ahayn….. Waxaa qashinka lagu daray shuruudihii ay wateen ee ay rabeen in ay ku badashaan furitaanka marinka Hurmus….. B. In ay helaan heshiis rasmi ah. T. In loo damaanadqaado weerar danbe in aan lagu soo qaadayn. J. In dhamaan cunaqabataynta laga qaado. X. In Israa’iil ay ka joojiso duqaymaha jaalkeeda Lubnaan Xisbullaah iyo Qasa Xamaas. Ugu danbayn shuruud la’aan,ayay fureen Marinka…
Khudbad degan,miisaaman,waaqiciya,Wadanya oo Puntlandaraysan,ayuu jeediyay Mw Deni Maanta. Kuwii ku haystay,wuxuu usocdaa Xamar oo PL dan kama leh hada maxay oran doonaan? Waxaan ka shaqaynaynaa u adeegida bulshadeena iyo ka talinta mustaqbalkooda,ayay ahayd xigmada khudbada Mw Deni. Khudbadiisu,waxay meesha ka saartay xantii ahayd….( Deni PL dan kama leh oo Dastuurka lagu tubanayo makala jecla ee muhiimadiisu,waa in uu Kursiga Villa Somaliya helo). Waxay kaloo soo afjartay…(Deni Dastuurka Xasan,ayuu doorasho ku galayaa). In ay Muhiimadu tahay PL oo masiirkeeda la sugo oo wax walba laga hormariyo,ayuu cadeeyay Mw Deni. Xaqiiqiyan markii la qiimeeyo khudbada Mw Deni,waxaa kuusoo baxaysa Laba qodob…… Mudnaanta…
Arimaha ugu waa weyn ee looga fadhiyo Bangiga,waa bulshada qaybaheeda danyarta in uu taageero. Tusaale? Sanad walba hadii Bangigu siiyo 100-Qof Lacag dayn ah oo dhan $300-kun….. $3000×100=$300-kun. Lacagtaas,waxaa dadka la siiyo laga saxiixayaa in ay kusoo ceshaan 10-Sano oo udhiganta…… $25 ×12-bilood=$300.$300×10-Sano=$3000. Si gaar ah,waxaa tixgelin loo siinayaa Hooyooyinka Caruuraha korinaya ee aan haysan Aabe ku garab taagan. Shaqo wanaagsan,ayaan urajaynayaa Bangiga oo aan weli la gaarin himiladii laga lahaa,balse meel fiican lasoo gaarsiiyay.
Dagaalkan Maraykanka,waxaa uga dhintay 15 Askari,waxaana uga baxa maalinkii $1-Bilyan. Ilaa iyo hada,waxaa dagaalkan uga baxay dhaqaale gaaraya $43 Bilyan. Burburka diyaaradaha qaaliga ah ee kasoo gaaray Maraykanka dagaalkan,waa……. 6.Hal diyaarad CH-47 Chinook oo qiimaheedu yahay $38-Milyan,waxaana ay ku burburtay garoon ku yaal Kuwayd,iyadoo fadhida. JQ.
Shirka Golaha Mustaqbalka Somaliyed ee qorshaysan in uu ka dhaco Garowe Bishan bartankeeda,waxay ku fiican tahay in dib loo dhigo. Sababta ay tahay in dib loogu dhigo,waxay tahay….. “In tijaabo laga qaado Xubnaha Golaha ee kasoo jeeda Beesha Xasan Shiikh,taasoo ah in ay muujiyaan awoodooda iyo saamayntooda oo ay Xamar ka hawlgalaan 15-May”. Kulanka Golaha halaga dhigo 15-May kadib,iyadoo la ogaaday burhaanta Xubnaha Golaha ku jira ee Beesha Xasan Shiikh ay leeyihiin. Macno ma samaynayso in Nin aan miisaan lahayn Roog Guduudan loo dhigo oo loo sameeyo madal uu ku hadlo. PL kaligeed,ayaa ku filan in ay sharciyada Dowladnimo ee…
Trump,waxay dantu ugu jirtaa in heshiis la gaaro oo Wadaadadu isdhiibaan. Halka Wadaadada ay dani ugu jirto in dagaalku sii dheeraado. Trump,waxaa saaran cadaadis gudaha dalkiisa iyo mid caalamiya oo ku salaysan shidaalka sii qaaliyoobaya. Wadaadada oo ka faa’idaysanaya culayska saaran Trump,ayaa ku xiray Laba shuruudood heshiis la gaaro,kuwaasoo kala ah…. Wakhtigii Trump uqabtay Wadaadada,waa dhow yahay.
Waxba kama jiraan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay tagida Maraykanka. Waxa kaliya ee jira,waa in 17 Wadan oo Somaliya ay ku jirto uu saameeyay amarkii Trump soo rogay. Safaarada,ayaa joojisay Visa-ooyin ay haysteen Madax Somaliyed oo uu ku jiro Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana loo sheegay in ay markale soo dalbadaan oo lala yeelanayo Imtixaan. Waxaa dalbaday Wasiirkii Maaliyada Fadaraalka oo Imtixaankii kadib qaatay kana qaybgalaya Shirka Baanka Aduunka. Sidoo kale,waxaa qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Fadaraalka oo asna ka qaybgalaya Shirka Baanka Aduunka. Waxaa kaloo qaatay Talyaha Nisa Mahad Salaad oo CIA ku casuntay ka qaybgalka usoo xirida Horin Ciidamada…